Gabayga:
Geeddiga wadaay: Wadaadow…
W.T. Maxamuud Axmed Cabdalle (Shiine)
11/26/2006
Email:
abdalle9@hotmail.com
Dhammaantiin
waa salaaman tihiin. Gabaygan kor aanu ku xusnay
wuxu soo if baxay ka dib markii Males Zinawi
dhaar ku maray inuu weerari doono dalka
Soomaaliya. Gabaygani wuxu dhiirri gelin u yahay
soomaalida wadaad iyo waranle labadaba. Wixii
fikradihiina ah waan soo dhoweynaynaa.
Mahadsanidin.
- Wadaadada mid
baan oran lahaa, haatan weyraxaye
- Ha loo weriyo
gabaygaygu waa, weedh karaama lehe
- Culimada
wasiirada sariyo, waracda gaadhsiiya
- Wax dhaaxaan u
taagnayn dadkoo,weeye loo dilo dheh
- Wax dhaaxaan u
taagnay warjeef, weerar joogta ah dheh
- Wax dhaaxaan u
taagnayn kolkay, qarankii wiiqeen dheh
- Wax dhaaxaan u
taagnayn kolkay, god u walwaaleen dheh
- Wax dhaaxaan
taagnayn Amxaar, loo wacaashado dheh
- Wax dhaaxaan u
taagnayn inkaar, waagii soo gala dheh
- Wax dhaaxaan u
taagnayn markii, laysku wiirsaday dheh
- Mid qabiil ku
waashiyo colaad, waran haliilaaya
- Nin walaalkii
aabida ku ganay, oo wadnaha gooyey
- Soomaali waa
waxa kharibay, waax kastay tahaye
- Wacdiga iyo
waano aad fartaan, weedha san u sheegga
- Idinkaa waxyiga
eebahay, gabin wallaylkii dheh
- Maantana
wacdarahaad dhigteen, weyne idin kaab dheh
- In wadaadka loo
aayi karo, waheey ma moogayn dheh
- Geeddiga wadaay
maalinbaa, laydin waafiqin dheh
- Haddii aad xaqa
u weecisaan, oo cadligu waaro
- Waddadii
rasuulkiyo (SCW) martaan, diinta wehelkeeda
- Walaacana ka
saartaan halkay, taladu weydowdo
- Sidii Beder
islaamku u wanqalay, guushu way iman dheh
- Geeddiga wadaay
maalinbaa, laydin waafiqin dheh
- Waab haw
goglina shuuradaa, reerku wadhatayn dheh
- La wadaaga
aadmiga xilkana, waafi baa maqan dheh
- Waxba yaan go’
lagu qarin runtee, Yuusuf naga waabsha
- Weli waa
dulmane reer Markaad, wahabka dhaafsiiya
- Wadeecada
qabiilkiyo ka jira, gaan wisiisiyi dheh
- Shariifkiyo
Aweys waa jufee, waasac kale doorta
- Itixaadku waa
adagyahee, madasha weyneeya
- War tashiga ku
dara odayadiyo, wiil aqoon yahana
- Hooyaa wanaag
lehe haween, yaan wid lagu dhaafin
- Weer bay sidaye
yaan dhib kale, waana lagu eegin
- Geeddiga wadaay
maalinbaa, laydin waafiqin dheh
- Argagixiso waa
magac jinoo, lays huwinayaa dheh
- Xabashidu
shirqool bay waddaa, been la waariday dheh
- Inaydan wegerad
miiniyo xidhnayn, wiifad ololaysa
- Ee aydin
maatada wanjalin, maxasta wiidaysan
- Oo aad jihad
waajahdaan, duul walba u sheeg dheh
- Wajeer iyo ilaa
Harar dhulkaa, weyne nagu beeray
- Waa wada waalo
eh, hadaan cadow wareejeen dheh
- Inay maalin uun
wadar ahaan, duul walba u sheeg dheh
- Warasooyin kale
iyo dadkaa, toodii wadi waayey
- Oromadaa la
wariyiyo, inaan Eritar soo weeran
- Inaan Waamo
Pakistaan ka talin, duul walba u sheeg dheh
- Geeddiga wadaay
maalinbaa, laydin waafiqin dheh
- Inkastoo
dhibkii Xamar qabsaday, meel kale u waadin
- Hala kala
wacnaadee dalkii, waa mid baylahay dheh
- Walkadaadka
Somaliland, kama war haysaan dheh
- Puntland
waleecaadka degay, kama war haysaan dheh
- Baydhabo
wagaashiga habsaday, kama war haysaan dheh
- Weel madhan
inay wada yihiin, waxaw daliilkeed dheh
- Waa qoon metela
dawladoo, wiish la caariday dheh
- Waa duul dalkii
iibsadiyo, waax dillaalo ah dheh
- Waa deero iyo
cawl kolkay, dani timaadaa dheh
- Cirkii iyo
baddii way qudhmeen, waana la hubaa dheh
- Wakaalado
tartami baa jiriyo, doc u walaalow dheh
- Haddaan waagan
laga gaadhin waa, dhaxal wareegeen dheh
- Idinkaa
watiinkiyo cuskada, waqafka diimeed dheh
- Geeddiga wadaay
malinbaa, laydin waafiqin dheh
W.T. Maxamuud Axmed
Cabdalle (shiine)
Email:
abdalle9@hotmail.com
Faafin: Nov 28, 2006


|