Salaaddiinta
iyo Aqoonyahannada Digil oo Ku Baaqey In Kaalmo
Lala Soo Gaadho:
Qaar ka tirsan Salaaddiinta ,Aqoonyahannada iyo
Culumaa’uddiinka Beelaha Koonfurta Soomaaliya
ayaa maanta shir ballaadhan ku yeeshey,
magaalada Muqdisho waxayna ka arrinsanayeen
Dhibaatooyinka Fatahaadda labada webi iyo
daadaka Roobabku u geysteen deegaannada
Koonfurta Soomaaliya Gaar ahaan gobolka
Shabeellada Hoose .Masuuliyiinta ayaa caddeeyey
inay gobolkaas ka jirto masiibo bani’aadanimo oo
ay sabaabeen fatahaadda webiga shabeelle,waxayna
waxgaradkani ku doodeen inaan wax gurmad ah oo
dadkaas la gaadhsiiyey aysan jirin hay’ad ama
shaqsi iyo maamul intaba.
Salaaddiinta qaarkood oo shirka kaga qaybgaley
qaab taleefoon ah ayaa codkooda waxay ku
biiriyeen baaqyada qayllo dhaanta ah ee ay sida
wadajirka u soo saareen Aqoonyahananada iyo
Culumaa’uddiinak Beelaha Digil.Waxayna Codsi u
direen Hayadaha Calamka ,NGOyada iyo dhammaan
shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka ka soo
jeeda Gobolka shabeellada Hoose ee qurbaha ku
nool iyo kuwa wax haysta ee gudaha ku nool inay
dadkaas dhibaateysan la soo gaaraan kaalmo
degdeg ah .
Waxaana shirkaas lagu magacaabey guddiyo iskugu
jira salaaddiin iyo aqoonyahahnno iyo
culumaa’uddiin ,kuwaas oo la socon doona soona
qiimeyn doona Baaxadda Dhibaatada ee soo gaadhey
shacabka Gobolka shabeellada Hoose ku
dhaqan.Masuuliyiinta ayaa waxay codsigooda ku
sheegeen in wixii gurmad ah ee loo fidinaayo
shacabka gobolka loo soo marsiiyo Jamciyadda
Suuban Alkheyriyah “Suuban Chartiballe Cosity”
oo ah jamciayd ka howlgasha Gobolka Shabeellada
Hoose ,islamarkaasna mashaariic fara badan ka
fulisey gobolka Shabeellada Hoose.
Dadka Baaqa Soo saarey waxay Magacyadooda kala
Yihiin:
1- Sulddaan Buuwe C/lle Buuwe
2- 2-Sulddaan Siideey Maxamednuur
3- Jeylaani Maxamed Oofoow
4- Sheekh C/khaaliq C/llaahi Xamza
5- Sheekh Xasan Siid Cali
6- Sheekh C/llaahi Sheekh Ibraahi
7- Maxamed Yuusuf Max’ed
Dalka kenya oo shaaciyey
inuu aqoonsaday baasaboorka cusub ee ay soo bandhigtay DFKMG
ahi dhowaan.
Dowladda Kenya ayaa noqotay
Dowladdi u horeysay ee aqoonsata Baasaboorka Cusub ee ay
dhowaan soo bandhigtay Dowladda soomaaliya , kaasoo u kala
baxa afar nooc ,Waaxda Socdaalka ee Dalkaas, ayaa si rasmi
ah u aqoonsatay Baasaboorka Cusub ee Soomaaliya ee
Diblomaasiga ah, waxaana markii u horeysay Baasaboorkaas ku
tagay magaalada Nairobi xubno uu hogaaminayo Ra'iisul
Wasaare Geeddi.
Afhayeen u hadlay dolwalada soomaaliyeed ayaa rajo wanaagsan
ka muujiyay Baasaboorada Dowladda ay soo saartay dhowaan
inay aqoonsanayaan Caalamka oo idil ,Baasaboorka Cusub ee ay
soo bandhigtay Dowladda Soomaaliya, ayaa bedeli doona
Baasaboorkii hore ee Dowladdi Siyaad Barre, kaasoo dalal
dhowr ahi ay mamnuuceen in lagu soo galo.
Baasaboorka Cusub ayaa qiimaha lagu iibsanayo lagu sheegay
150$, oo la sheegay in ay ku iibsanayaan Soomaalida Dibada
ku nool, halka Soomaalida joogta Gudahana ay ku iibsanayaan
50$.
DHanka kale wararka kasoo baxaya Golaha Maxaakimta Islaamka
ayaa sheegaya inaysan aqoonsan doonin Baasaboorka cusub ee
Dowladda FKmg ah, waxeyna sheegeen in Deegaanada ay ka
taliyaan aysan laga isticmaali doonin Baasaboorada ay soo
saartay Dowladda soomaliyeed ee kmg ah.
Si akstaba ha ahaatee arintan ayaa u muuqanh karta mid sii
xoojinaysa xalada murugsan ee siyaasadeed ee u dhaxaysa
dowlada soomaaliya iyo golaha maxaakiimta islaamka taasoo
cirka kusii shareeri karta xaalada awalba cakirayd ee
soomaaliya .
Sheekh Shariif oo
dagaal la iclaamiyay ku tilmaamay qaraarka qabyada ah ee uu
Mareykanka hordhigay Golaha Amaanka
Gudoomiyaha Golaha Fulinta Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya
Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay Qorshaha
Mareykanka ku doonayo in Soomaaliga loogu diro Ciidamo
Afrikaan ah ,Sheekha oo u waramayay Laanta British
Broadcasting Corporation ee Qeybteeda Afka carabiga, ayaa
qorshaha qaraarka qabyada ah ee loogu gudbiyay Golaha
Amaanka ku tilmaamay mid dagaal lagu iclaamiyay.
Sheekha ayaa Mareykanka ku eedeeyey inuu u ololaynayo
Qorshaha Ciidamo Afrikaan ah loogu soo diri lahaa Soomaaliya,
isagoo dhanka kale sheegay in arrintaas ay keeni karto
dagaal ba'an oo lagu hoobto .
Shariifka ayaa sheegay in hadii la qaado Xayiraada hubka ee
saaran Soomaaliya ay dhalin karto dagaalo sokeeye, wuxuuna
muujiyay sida uu uga soo horjeedo qaraarka Qabyada ah ee la
hordhigay Golaha Amaanka.
Si kastaba ha ahatee arimahan ayaa kusoo beegmaya xili ay
Dowladdo badan oo ku jira Golaha Amaanka ayaa si weyn uga
soo horjeedaan Qorshaha Qaraarka Qabyada, iyagoo ka digay in
la qaado cunaqabateynta hubka ee saaran soomaaliya.
Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf :Sheekh shariif jihaadka uu ku dhawaaqay waa dulmi
iyo daandaansi.
Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa ku
eedeeyay Maxkamadaha Islaamka ahi inay weerar ku yihiin
dowladiisa , waxaana uu ku sheegay wareysi gaar ah uu siiyay
Telefishanka Alcarabiya Xafiiskiisa Soomaaliya, waxaana uu
ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray Gudoomiyaha Maxkamadaha
Sheekh Shariif uu ku shaacinayay Jihaad inuu yahay dulmi iyo
daandaansi .
Madaxweynaha ayaa ku sheegay wareysigiisa in Maxkamadaha
inay marin habaabiyeen Micnaha Ereyga Jihaad oo ay u
adeegsanayaan dano kale oo gaar ah oo ay ku doonayaan inay
xukun ku gaaraan .
Sidoo kale Waxa uu intaasi ku daray madaxweynuhu inuu Sheekh
Shariif Gudoomiyaha Fulinta Maxkamadaha uu qaadi doono
mas’uuliyadda dhibka iyo cawaaqib xumada ka timaada dagaalka
uu ku dhawaaqay waa siduu hadalka u dhigaye .
Mar la weydiiyay in kooxo argagaxiso ay joogto soomaaliya ,
ayaa waxa uu ku jawaabay in uu hayo cadeymo aad u qoto dheer
oo xaqiijinaya in uu xubno sare oo argagaxisada caalamka ah
ay ku sugan yihiin Soomaaliya , ayna ka barbar dagaalamaan
Maxkamadaha Islaamka .
Si kastaba ha ahatee Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxa uu
intaasi ku daray in kooxda argagaxiso ee Soomaaliya joogta
ay maxkamadaha ka gacan siiyaan fulinta falalka burburinta
ah , waxaana taa cadeyn u ah ayuu yiri weerarkii argagaxiso
ee Beydhabo ka dhacay laba bilood ka hor oo lala beegsaday
kolonyo uu madaxweynaha oo aniga ahi aan la socday , waxaana
taa ay wadatay calaamadaha argagaxisada marka loo eego
qaabka qorsheynta iyo fulinta waa siduu sheegaye.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
002521-5580916
Faafin: Nov 28, 2006


|