SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


Maanta iyo wararka Caalamka

Sept 30, 2006

Cadowga Itoobiya oo bareeraheeda cadeysatay 

Layaab ma ahan in Tigreega xun ee Addis Ababa ka taliya uu hanjabaado aan geed ku gabasho laheyn ka soo yeerto had iyo goor balse waxaa la yaab leh cida uu ku sheegayo inuu difaacayo sida xaalkooda yahay iyo sidey cadowgooda soo jireenka ah iskugu dhiibeen.  Keligi taliyaha Itoobiya ee Zinaawi ayaa maanta markii ugu horeysay hanjabaad xoog lihi kasoo yeertay taasoo ku sheegay inuu gacan adag ku qaban doono haddii maxkamadaha ay weeraran dowlada fadhiidka ku ah Beydhabo, halkan oo ay kasoo werisay wakaalada wararka AFP, ayuu keligii taliyuhu cuskaday qodab sheegay in wadan walba uu xaq u leeyahay inuu is difaaco isagoo kaashanaya kuwa kale uu gacan ka helo karro, (malaha Soomaaliya xaq uma laha iney is difaacdo) Dhinaca kalena wuxuu si badheedh u cadeeyey in dowlad ku sheegtiisa ay ka fekereyso iney weerarto maxkamadaha Islaamiga ah haddii dowlada Cali Maxamed Geedi ay Beydhabo ku soo weerarto, taasina waxey meesha ka saareysa inkiraadii uu had iyo joor ku sameyn jiray in ciidamadiisa ay gudaha u soo galeen jamhuuriyadii xorta aheyd. Toddobaadkan bilowgiisi ayey aheyd markii ciidamo la sheegay iney yihiin Itoobiyaan ay soo buux dhaafsheen magaalada Beydhabo si ay dowlada taagta daran u difaacaan, maamulka Adisna ay arrintaasi beeniyeen.
 
              Pakistaan oo dhabarka loo saariyey qaraxyadii Bombey
 
Dowlada Hindiya ayaa markii ugu horeysay waxey shaaca ka qaaday qaraxii dhawaan magaalada Bombey ee dalkaasi ka dhacay kuna dhinteen in ka badan 161 ay ka dambeeyeen kooxo u dhashay dalkaasi Pakistaan. Booliska Hindiya oo sheegay iney hayaan cadeymo la xiriira in sirdoonka Pakistaan ay arrintani lug ku leedahay. Ninka madaxda ka ah booliska Bombey ee la yiraahdo A N Roy oo sidaasi maanta warfaafinta u xaqiijiyey ayaa sheegay in kooxaha la yiraahdo Lashkare Toibe oo kaashanaya sirdoonka Paksitaan ay falkaasi fuliyeen.
Sirdoonka Pakistaan oo la yiraahdo ISI (Inter-Services Intelligence) oo gacan siinaya kooxaha Lashkare Toibe  LET oo ah kooxo islaamiyiin ah ayuu A.N Roy sheegay iney qaraxaasi fuliyeen, inkastoo aanu si rasmi ah u cadeynin cadeymaha uu sheegay inuu hayo iyo ku lug lahaanshaha Pakistaan ee arrintan ayaa hadana tani tahay uu si guud saxaafada ugu sheegay. Dowlada Islaam Abad-na arrintani gaashaanka ay u daruurtay, waxaana wasiirka warfaafinta dalkaasi ninka la yiraahdo Tariq Azim  Khan sheegay in Hindiya marwalba ay iska eedeyso Pakistaan oo goorkastana ay dooneysay iney faraha ku taagto dalkiisa. Waxa uu codsaday in haddii sida ay Hindiya sheegeyso ay heyso cadeymo ay banaanka soo dhigto ay wadajir arrintan baaritaan ugu sameeyaan. Ra'iisal wasaaraha Hindiya ayaa dhawaan sheegay in weeraradii Bombey ay taageero ka heshay waxa uu ku sheegay "Dhinaca kale" oo ula jeedo Pakistaan shakiga arrintanina ay ku keentay dib u dhac wadahadaladii nabada ee labada dowladood baryahan u socday kuna saabsan dhulka lugu muransan yahay Kashmir ee ay isku heystaan.
 
Bishii julay 11-keedii ee sanadkan ayaa waxyaabaha qarxa oo lugu soo buuxiyey boorsooyin sida booliska dalkaasi sheegayaan lala beegsaday goobo ay dadku ku badan yihiin oo tareenada dalkaasi iskaga kala goosta laga raaco ee magaalada Bombey halkaasoo ay ku naf waayeen 186 qof halka oo ruuxna ay ku dhaawacmeen markii qaraxyadaasi dhaceen. Durba Hindiya waxey dhaleeceysay kooxaha islaamiyiinta ah ee ku sugan gudaha Pakistaan.
 
                         Qarax ka dhacay caasimada Afgaanistaan ee Kaabuul
 
Xaalada nolol maalmeedka magaalada Kaabul ee caasimada u ah dalkaasi Afgaanistaan ayaa lamid noqotay mida haatan ka taagan dalkaasi Ciraaq ee maalin walba kooxo naftooda hurayaal ahi isku soo xidhaan bambaanooyin ay ku qarxiyaan dadka rayidka ah ee waxba galabsan. Nin naftiis hure ah ayaa maanta dad ku dilay 12 ruux islamarkaasina dhaac u geystay dad gaaraya afartaneeyo qof kadib markii weerar ismiidaamin ah uu fuliyey. Qaraxyadan oo ahaa ta iyo muddooyinkan dambe kuwo isdaba joog ah ayaa maanta wasaarada arrimaha gudaha dalkaasi meel aan sidaasi ga dheereyn lala beegsaday. Qof goob jooge ah ayaa u sheegay wakaalada wararka Rueters in ninka falkaasi fuliyey uu ahaa nin aad u buuran islamarkaasina ay boolisku isku dayeen iney celiyaan balse xoog dadkii ku dhexjiiray ugu dambeyntiina naftiisa halkaasi ku qarxiyey markii uu gaaray meel u dhow halkii muraadkiisa aheyd.
Jeneraal u hadlay Talibaan Mullah  Hayat Khan ayaa isagoo xagga taleefanka ku hadlaya sheegay iney kooxdiisa ka dambeyso qaraxii maanta ka dhacay magaalada Kaabul ee ay dad badani ku dhinteen. Weerarada ismiidaaminta ah ayaa waqtiyadan dambe dadka reer Afgaanistaan tahay wax ku cusub tan iyo markii maamulkii Taalibaan meesha laga saaray billo kadib 11 september weeraradii Mareykanka loo geystay.Inta badana waxaa weeraradaasi lala beegsada kolonyada ciidamada ah Mareykanku hogaaminayo ee dalkaasi xooga ku qasbaday balse dad badan oo rayid ah ayaa maalin walba dhibaatada soo gaartaa.
 

Sept 29, 2006

Gabar Soomaali oo 11 jir ah loogana shakiyey in gudniin lugu sameeyey oo Booliska Sweden qasab ugu direen Jiinokolojiyo

 
Iyadoo dalkan Sweden baryahan dambe ay dowlada talaabooyin adag ka qaaday qoysas Soomaali ah oo qaarkood la sheegay iney carruurtooda gudniin ku sameeyeen ayaa hadana maanta war ay faafisay Idaacada Sweden ay sheegtay in gabar yar oo soomaali ahi islamarkaasina joogtay Iskoolka ay booliska ka kaxeeyeen galaaskeedii kadibna si qasab ah ugu direen Isbitaalka qeybta haweenka ee Jiinokolojiga, kadib markii looga shakiyey in gabadhaasi gudniin lugu sameeyey. Arrintan ayey idaacadu sheegtay iney timid markii gabar kalkaaliso isbitaalka ay maqashay in gabashaasi loo waday Afrika si gudniin loogu sameeyo ay dacwada u gudbisay xafiiska ceydha ee u qaabilsan qoysaska. Xafiiska ceydha oo amuurtan codsaday in baaritaan lugu sameeyo ayaa iyagana dowr muuqda ku yeeshay tanoo la sheegay in qoyskii ay gabadhaasi ka dhalatay aaney wax nagatif ah ka muujin, balse warbixinta ayaa tibaaxday ineysan baaritaan lawada ogyahay noqone ay la baraarugay markii gabadhan oo iskoolkoodi joogta booliska qasab ku soo kaxeeyeen.

Xafiiska ceydha ee arrimaha qoyska ayaa dhinacooda sheegay in shakiga ay ku filan tahay sababta gabadhaasi qasabka loogu geeyey jiinokolojiyada. Qoyska ay gabadhan ka dhalatay ayaa dacwad ku soogay xafiiska ceydha booliska iyo dhamaan hey'adaha kale ee sida qasabka ah gabadhooda ugu diray jiinokolojiyada. Aabaha gabadhaasi oo  u waramayey radio Sweden ee faraca Upsala ayaa sheegay in loola dhaqmay si ka baxsan bani'aadnimada, "Si ka xun xayawaanka ayaa naloola dhaqmay" ayuu iri aabahaasi oo isagoo cadheysan u waramayey Radio Sweden. Haweeneyda la yiraahdo Lina Gidlund oo ka tirsan hey'ada ka hortaga midabkatakoorka (DO) ayaa sheegtay in talaabada foosha ee ay xafiiska ceydha amarka ku siiyeen in gabadhaasi si qasab ah lugu baaro ay tahay mid ka soo horjeeda sharuucda u degsan dalka, waxaana ay tibaaxday in haddii shaki jiray ay habooneyd dariiqad sax oo ay mari kareen ee aysan argagax gelin gabar yar oo iskoolkeeda joogta.
 
Dhinaca kale haweeneyda la yiraahdo Mary Nilsson oo ka tirsan xafiiska ee arrimaha qoyska ayaa sheegtay in qaabkii gabadhaasi loo wajahay ay aheyd mid aan qurux badneyn balse iyadoo falkaasi dhinac kalena ka difaaceysa ayey xustay iney aheyd hanaanka keliya ee xeer ilaaliyahu ku ogaan karro in gabadhaasi la guday iyo inkale, waxaana iyadoo ka jawaabeysa su'aal la weydiiyey oo ku saabsan falkaasi ayey xustay iney tahay dariiqad sax oo xaqiiqda lugu ogaan karo.
Talaabada ay maanta booliska Sweden ku dhaqaaqeen ee ay gabar yar oo 11 jir ah islamarkaasina ah Soomaali ay ku qasbeen in isbitaalka qeybaha haweenka ee Jiinokolijiga ayaa ah tii ugu horeysay ee noocooda dalkan ka dhacda haatana waxaa dacka dhan ahi qeybihii arrimahan ka qeyb qaatay loo gudbiyey hey'ada Cadaalada.
Muddo aan sidaasi u sii dheereyna waxaa inta la og yahay la xir xiray sadex qof oo soomaali ah kuwaasoo loo heysto iney gudniin ku sameeyeen carruurtooda xilli ay dalkii dib ugu celiyeen bishii juun ee sanadkana waxaa xabsi afar sanno ah loo jiifiyey aabe gabadhiisa jirdil iyo gudniin ku sameeyey kadib markii gabadhiisa ay dacwad ku soo oogtay.
 
         Faransiiska: Nin Islaamka Aflagaadeyey oo dil loo hanjabay 
 
Nin la sheegay inuu yahay macalin iskool kana soo jeedo deegaanada koonfureed ee dalkaasi Faransiiska ayaa sida wararku sheegayaan hanjabaado loo geeystay kadib markii uu aflagaado u geystay Diinta Islaamka. Ninkan ayaa dhawaan wargeyska Le Figaro ku cambaareyey Islaamka qoraalo jariidadaasi lugu soo bandhigay. Sidoo kale waxa ninkani ku jiraa dhuumasho oo naftiisa la baxsanayo kadib markii kooxo islaamiyiin ahi ay dil ugu hanjabeen. Ninkan oo magaciisa lugu sheegay Robert Redeker islamarkaasina ah macalin cilmi ku sheega Feylosofiiga dhiga ayaa sheegay iney haatan tahay wax iska cad waxa uu maqaalkiisa ku cambaareyeye hanjabaada loo geystay ay yihiin arrimo isleh isagoo xusay in reer galbeedka ay xagga aydolojiyada Islaamka kor kala socdaan. Wasiirka waxbarashada Faransiiska Gilles de Robein waxa uu taageero muraal ahaaneed u muujiyey ninkaasi loo hanjabay.

Sept 27, 2006

Mid kamid ah dhalinyaradii Albarakaat ee Sweden oo la sheegay inuu safri jiray isagoo ay mamnuuc ka tahay


Sidey saakay tebisay idaacada radio Sweden qeybteeda wararka ee (Ekot redaktion) ayaa shaaca ka qaaday in mid kamid ah sadexdii dhalinyarro ee soomaalida Sweden ahaa ee Mareykanku ku daray liiska argagaxisada uu dalka dibadiisa dhowr u safray iyadoo ay arrintaasi aheyd mid kamamnuuc ah."Dhowr jeer ayaan safray" buu yiri Axmed Yuusuf oo u waramayey idaacada wararka ee Ekot. Axmed waxa uu shaaca ka qaaday ineysan jirin cid joojisa inta jeer uu dalka dibadiisa uga baxay isagoo in arrintaasi ku keeni karto dhibaato. "Dalalka carabta, Afrika, Ingiriiska ayaan meelahaas qaarkood transit u mri jiray magaalada Amsterdam ee dalkaasi Holland. Balse waxaan xasuusta in mar qura gedigedi diyaaradaha Arlanda ee Stockholm kuwa socdaalka ay iga shakiyeen 20 daqiiqana ay i aheysteen iyagoo baasaboorkeygii iyo aniga wejigeygii isku eegayey mana jirto cid wax i weydiisay" ayuu markale yiri Axmed Yuusuf oo la sheegay in sanadihii ugu dambeeyey uu safri jiray.

Axmed Yuusuf iyo labo dhalinyarro oo kale ayaa bishii november ee sanadkii 2001-da Mareykanku magacyadooda geliyey liiska dadka ay ku sheegeen argagaxiso iney yihiin iyadoona la xasuusan yahay in shirkii xawaalada Albarakaat-na ay kamid aheyd hey'adihii dhaqaale ee shacabku lahaayeen la cuuryaamiyey iyadoo qiil laga dhiganayey waxa ay maamulka Bush ku sheegaan had iyo goor argagaxisida.Da daal u dheer oo ay dowlada Sweden sameysay ayey ugu dambeyntii ku guuleysatay in ninkii ugu dambeeyey ee soomaalida Sweden ee argagaxisada lugu shaabadeeyey ay Mareykanka ka dhaac dhacsiiso ineysan aheyn wax lugu sheegayo. Axmed Yuusuf dhawaan ayuu socdaal ku tagay dalka Soomaaliya tan iyo intii bishii julay 25-keedii magaciisa laga bixiyey shaqsiyaadka argagxisada lugu tilmaamay.

Jarmalka oo hakad lugu sameeyey masrax Opera cabsi laga qabo iney muslimiinta ka caroodaan

Muddooyinkan dambe iyadoo caadi noqotay in Islaamka iyo dadkiisa sidoo la doono loola dhaqmo luguna sheego waxeysan aheyn ayaa hadana wararkii ugu dambeeyey ee ku saabsan amuuraha kadhanka ah Islaamka ay sheegayaan in masrax Opera ee ku yaala magaalada Barlin ee dalkaasi Jarmalka riwaayad lugu dhigi lahaa hakad lugu sameeyey kadib markii ay timid cabsi la sheegay iney riwaayadaasi wax u dhinto dareenka Muslimiinta caalamka. Masrax riwaayadeedkan oo lugu wado in bisha november la dhiga ayaa muuqaalkiisa la sheegay in ninka aktar-ka ah ama jilaaga uu soo baxayo isagoo gacanta ku heysta afar madax oo go'an kuwaasoo ay kamid yihiin, Jesus, Muxamed NNKH, Budhistaha iyo waxey ku sheegeen Nebtun.
Booliska magaalada Barlin-na waxey sheegeen iney tani keeni karro marka riwaayadaasi dhamaato dhiig badan uu aawadeed u daato kadib markii uu ku baaqay soosaaraha riwaayadaasi Hans Neuenfels inaan la qaban, tanoo iyadana la sheegay iney dadku si weyn uga caroodeen go'aanka uu qaatay ee dib loogu dhigayo. Maantana waxaa lugu wadaa in gollaha Muslimiinta dalkaasi iyo wasiirka arrimaha gudaha Wolfgang Schäuble ay kulmaan balse sida ay warfaafintu sheegeysana uu wasiirkaasi kasoo horjeedo baajinta lugu sameeyey masraxaasi. Muslimiinta dalkaasi ayaan wax hadal ah ka soo saarin marax riwaayadeedkaasi Opera ee dib loo dhigay inkastoo ay soo dhaweeyeen.

Dhinaca kale siyaasiin Jarmal ah ayaa cambaareeyey falkii riwaayadaasi lugu baajiyey, halka madax Operana uu ku sheegay iney aheyd talaabo wax ku ool ah si aan muslimiinta dareenkooda loo dhaawicin, markaasina aan xal loo heli karrin dhibaatada ka timaada isagoo hoosta ka xaqriiqay iney taasi wax u dhimeyso dimoqraadiyada dhaqanku ku santeeco.

Bush oo sheegay in dadka si qaldan loo fahansiiyey warbixintii laga soo saaray dagaalka Ciraaq


Iyadoo sidoo bamka oo kale ay wargeysyada New York Times iyo Washington Post ay qarxiyeen warbixintiii ay soo saartay hey'ada Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ee ay ku sheegeen in dagaalkii Ciraaq lugu qaaday uu sababay in argagaxisada caalamka ay sii kordhatay halka Bush-na uu horey u sheegay in Dunida ay "Aamin" tahay dagaalkii Ciraaq kadib.Bush waxa uu sheegay in saxaafada ay si qaldan u fasiratay nuqul kamid ah warbixintii CIA-da haatana uu sheegay inuu joojiyey inaan nuqulkaasi aan lasoo bandhigin, balse waxa uu difaacay dagaalkii ay dowladiisa ku qaaday dalka Ciraaq. Sadex bogg oo kamid ah warbixintaas ayaa qeexday in dunida Muslinka ay haatan muraalkoodu taageersan yahay kooxaha Jihaadka kula jira Mareykanka. Mucaaridka Bush ayaa iyagu si weyn uga kacsan Bush waxaana ay ku tilmaameen nin dunida ku soo kordhiyey dhibaato, sidoo kalena warbixintu waxey qortay in dagaalka lugu qaaday Ciraaq ay ka dambeeyeen Dick Jenny iyo Rumsfeld oo ah labada nin dagaalkaasi doonayey in Ciraaq dagaal lugu qaado.
 

.Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Koonfur Afrika oo xaaladiisa siyaasadeed weli cakiran tahay

Inkastoo uu dhawaan ka baxsaday eedeymo loo heystay oo la xirriirtay wax is dabamareyn iyo musuq maasuqnimo hadana waxey markale arrintiisa cakirantay markii uu ka hadlay kooxaha loo yaqaano Qowmul Luudka, kuwaasoo u si weyn u cambaareeyey falka foosha xun ee ay adeegsadaan. "Qowmu luudnimadu maahan wax Afrikaanku ay dhaqan u lahaayeen ama guur xaga jinsiga ah ama loogu dhawaan karro dhaqan iyo Illaahey" ayuu yiri Jacob Zuma oo si darran u wareeray kooxahaasi dhaqanka foosha xun adeegsada. Iyadoo ay misna sii qoyan yihiin fadaxeedihii uu ka badbaaday ee musuqmaasuqnimada loona heystay inuu noqon doono ama isku soo taagayo madaxweynenimada dalkaasi marka uu xukunka ka dego madaxweynaha haatan xilka haya ee Thabo Mbeki, hadalka la xirriirka kooxaha Qowmuluudka ah ee uu weeraray ayaa la runsan yahay iney lumineyso maqaamkiisi siyaasadeed. Kooxaha qowmu luudiinta ah ee dalkaasi Koonfur Afrika ayaa cambaaraayey hadalkii ka soo yeeray JacobZuma.Waxaana ay sheegeen in ninka qaar cadaadinaya dhaqan ay aaminsan yihiina ku dhaleeceyna uusan dalkaasi ku habooneyn inuu xukumo.

Dadka reer Denmark oo intooda badan Negatif ka bixiyey Diinta Islaamka

Ma ahan dadka reer Denmark waxaa sida qaladan Islaamka u fahmay ee waa mid badi dunida Galbeedka oo dhami ay arrintaasi aaminsan yihiin, sidaas oo ay tahayna waxaa jira dad badan oo reer galbeedka ahi oo hadana runsan in Diinta Islaamka aheyn diin xag jir ah sida ay siyaasiinta mar walba ku sheegaan. Hadana iyadoo muddo sanad ahi ay kasoo wareegtay markii wargeyska ugu xag jirsan dalkaasi ee Jyllands Posten uu daabacay sanadkii hore sawiro aad u fool xun oo kartoono ah kuna sheegay iney yihiin Nabigeena udgoonka badan ee Muxamed NNKH, ayaa hadana weli dadka dalkaasi ay mowqifka Islaamka iyo dadkiisa ka taagnaayeen sii korodhay. Ra'yi arruurin ay sameysay wakaalada wararka u faafisa dalkaasi Ritzau ayey sheegtay in % 46,7 dadka ay wax ka weydiisay sida ay u arkaan daabacaadii wargeyskaa sawiradii Kartoonka ahaa ay ku jawaabeen in wargeyska ku saxsanaa arrinntaas. Halka %38 ay iyagana sheegeen in wargeysku ku qaldameen falkii ay ku daabaceen.
"Daabacaadii sawiradii kartoonka ahaa waxey aheyd mid dhaawac loogu geysanay Islaamka iyo muslimiinta Demark" ayuu yiri ninka la yiraahdo Tim Jensen oo wax ka dhiga Jaamacada Barriga Denmark (Syd dansk universitet) oo isagu ah daraasad ku sameeya arrimaha Islaamka. Muddo sanad ah ayaa kasoo wareegtay markii wargeyska xagjirka ah ee Jyllands- Posten daabacay sawiro uu ku ihaaneynayey Nabigeena Muxamed NNKH, taasoo keentay in dunida Islaamka oo ay ka gil gishaan islamarkaasina ay qaarkood xirriirkii ganacsi u jaraan dalkaasi, dowlada dalkaasina ay ka bixin weysay cudur buuxa. Sidoo kale wargeyso dhowr wadan ah oo reer galbeed ah ayaa igana dabka iska sii wadaqaatay oo ku dhiiraday iney daabacaan sawiradaasi.

Sept 25, 2006

Ayaan Xirsi oo Gothenburg Sweden la timid aflagaadooyinkii lugu yaqaanay

 
Ma ahan wax dunida ku cusub hadalada foosha xun ee ay had iyo goor Ayaan Xirsi la soo shirto ee ka dhanka ah Islaamka iyo dadkiisa balse waxaa la oran karaa waa kuwo ay ku dooneyso iney ku jiidato wax ma garatada naceybka darran u haya diinta Islaamka. Haweeneydan ayaa timid magaalada Gothenburg xarunta labaad ee wadanka Sweden maalintii sabtidii ee toddobaadkan horaantiisa iyadoo halkaasi uga qeyb galay bandhiga carwada buugagta ee sanad walba bishan oo kale lugu qabto xarrunta la yiraahdo Göteborg Convention Centre.  Carwo buugaageedkan oo sanadkani ka duwanaa sanadihii hore ayaa waxaa cinwaan looga dhigay "Freedom of Expression" Ayaan Xirsi oo fursadaasi ka faa'iideysana ayaa afka labadiisa furatay waxaana ay aad u dhaleeceysay Diinta Islaamka oo ay ku tilmaantay mid duudsiisay dumar badan xaqooqdooda. Dooda amuurtan oo ay si wadajir ah ugala qeyb gashay warfidiyeeno aqoon durugsan u leh saxaafada ayaa waxaa diinta Islaamka si weyn u difaacay madaxa cilmi baarista telefeyshinka Aljazeera Mustafa Musaoug oo marti ku ahaa banrmiijka. Waxaa uu sheegay Mustafa in reer galbeedka aysan aqoon buuxda Islaamka u laheyn sidaasi dareedeed ay haboon tahay iney darsaan ka hor inteysan eedeyn taasi macnaheedana ay tahay dadka diimaha ka heysta aysan ka marneyn qaladaadka ay sameynayaa ragga muslimiinta.
 
Mida sida weyn iiga yaabisay ayaa waxey tahay in Ayaan Xirsi sheegtay ineysan aqoosaneyn waxa la yiraahdo Islamfabio si weyna ay u taageertay wargeyskii xag jirka ahaa ee Denmark Nabi Muxamed NNKH ku aflagaadeeyey. Mar ay ka hadleysay aragtiida ku aadan sidey u aragto Nabi Muxamed NNK ayey sheegtay inysanba jecleyn una aragto nin xadgudub geystay.  Muddadii aan simaarka ay haweeneyda ka hadleysay aan joogay ayey suuragal ii noqotay inaan wareysi khaas ka qaado madaxa cilmi baarista telefeyshinka Aljazeera Mustafa soug, ayaa ii sheegay inuusan la yaab ku aheyn hadalada daacayada ah ee Ayaan Xirsi ee ay ugu wacan tahay aqoonta aysan u laheyn Islaamka hadey jirtana ay is indho tireyso.  "Lama oran karro waa dagaal ka dhan ah Islaamka balse waa xaqiraad iyo aqoon darro jirta, Islaamkana waa kan xadaarada laga soo gaaray" ayuu yiri Mustafa oo iiga jawaabayey su'aal aheyd: Sow lama oran karro hadalkii Pope-ka iyo wargeyskii xagjirka ahaa ee Nabiga aflagaayey iyo dacaaydaha ka dhanka ah Islaamka iney yihiin dagaal diimeed oo toos ah kana dhan ah Islaamka. Ugu dambyntii iimaantankii Ayaan Xirsi ee magaalada Gothenburg waa mid aan ka duwaneyn magaalooyinka fikirkeeda laga taageero booqashada ay ku tagi jirtay, balse waxaa la yaabay buug ay halkaasi ku soo bandhigtay inuu idil ahaantii ka hadlayey beentii lugu yaqiin qabyaaladana aan ka marneyn iyagoo buugaasi sheydaan ugu magac dartay "Codka xorriyada". 

Midowga culimada Islaamka: Wax cusub kama soo bixin kulankii pope-ka Vatikan-ka"

 
 Kulan ay Isniintii xarunta vatikan-ka ee ku taala duleedka magaalada Roma ee dalka Talyaaniga danjireyaasha dalalka Islaamka u fadhiya dalkaasi iyo baadariga 16aad ayaa culimada Islaamka oo shirkaasi indhaha ku hayey sheegay in kulankii danjireyaasha iyo baadariga aan wax cusub kasoo bixin. Baadariga ayaa sheegay "inuu ixtiraam aad u sareyso u hayo Diinta Islaamka" isagoo weli dhinaca kalena ka sheegay inuu doonayo wadahal iyo dood toos ah oo xagga xadaarada iyo diimaha ay yeeshaan. Kulankan ayaa ahaa mid baadariga ka codsaday danjireyaasha dalalka islaamka ee dalkaasi joogo si bal kalsooni u hello kadib markii toddobaadki hore qudbad ku sheeg uu jeediyey sheegay in Islaamka ay seef dadka lugu qasbayo ku timid dunida,Islamarkaasina Muxamed NNKH uu dunida dhib iyo shar la yimid. Hadalkan ayaa guud ahaan dunida islaamka si weyn uga caroodeen iyagoo meelo badan oo caalamul Islaami kamid ahina ay ka dhaceen dibad baxyo ka dhan ah baadarigaasi kana codsaday inuu raali gareyn buuxda u dirro dunida Islaamka.
 
Gudiga Midowga Yurub ninka madaxda uga ah José Manuel Barroso ayaa isagoo hadal liidasho ah oo ka dhan ah Islaamka ku hadlaya sheegay in dalalka reer Yurub ay taageero liidato yiin pope-ka halka waxa uu ku tilmaamay "Mintidiinta" oo ula jeedo muslimiintana uu ku sheegay iney yihiin kuwa iyaga dhibaatada ah ee aaney aheyn Pop-ka waxa uu cabiray. Isagoo misna sheegay iney haboon tahay waxa uu ku sheegay "sharaftooda" la difaaco.
Dhinaca kalena ra'iisal wasaarihii hore ee xag jirka ahaa ee dalka Isbeyn José Maria Aznar ayaa qudbad uu jeediyey sheegay inuusan Pope-ka u baaheyn inuu raali gareeyo Muslimiinta halka muslimiinta laftooda marka ay dhibaato geystaan aysan bixin wax cudur daar ah. Waxaa uu sidoo kale sheegay in duulaankii magaaladii Andulus la oran jiray ay muslimiinta gacanta u gashay ay aheyd duulaan qaawan oo dalkiisa qeyb kamid ah lugu qabsaday raali gareyna aan laga bixin.
Hadalka Pope-ka iyo siyaasiinta xag jirka ah ee reer galbedka ayaa hadaladooda qalifsan timid xilli sanad ay kasoo wareegtay markii wargeys kale oo isagana ah xag jir laga leeyahay dalkaasi Denmark uu sawiray sawiro kartoono ah oo lugu ihaaneeyey Nabi Muxamed NNKH.  
 
                           Askar Ameerikaan ah oo maxkamad la soo taagay 
 
Sadex ka tirsan ciidamada mariinska ameerikanka kuna sugnaa dalkaasi Ciraaq ayaa maxkamad meleteri la soo taagay, kadib markii lugu eedeyey iney si ulakac ah u dileen nin Ciraaq ah xilli ay gurigiisa kala baxeen. Hadal qoraal ah ay soo saareen ciidamada Mareykanka ayey ku sheegeen in maxkamada la horkeenay raggaasi aan wax dil ah lugu xukumin sidoo kalena lama sheegin inta sanno ee lugu xukumay. Sadexdan nin ayaa iyagu afduubtay ninkaasi ciraaqiga ah kadibna dilay waxaana la sheegay iney isku dayeen iney dembigaasi ay si kale u adeegsadaan iyagoo sheegay in  ninkaasi maleegayey bam uu ku doonayey inuu ku qarxiyo gawaari ay la socdeen, balse amuurtani ay noqotay mid aan sal iyo raad toona laheyn sida ay warkani soo xigatay wakaalada wararka Faransiiska ee AFP.
 

Sept 21, 2006

Mareykanka oo cambaareeyey inqilaabkii Thailand 

 
Dowlada Mareykanka ayaa cambaareysay inqilaabkii Meleteri ee dalkaasi Thailand ka dhacay. Hadal laga soo saaray wasaarada Arrimaha dibada ayaa lugu sheegay iney Washington codsaneyso in dalkaasi lugu soo celiyo maamul rayid ah, iyadoo sidoo kale hadalkaasi lugu sheegay in meleteri uusan waxyaabaha qabyada ah dhameystiri karrin haddii dalkaasi iyo meelo kale oo caalamka kamid ah. Ra'iisal wasaaraha dalkaasi ee la inqilaabay oo haatan ku sugan magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay inuusan haatan diyaar u aheyn inuu dib ugu laabto dalkaasi oo in muddo ah ka nasanayo siyaasadda. Mareykankana wuxuu ka fiirsanaya inuu sii wadi doono dhaqaalihii kaalmo ee uu siin jirtay.
 
Dalkaasina taariikhda inta la ogyahay tan iyo sanadkii 19392-dii waxaa ka dhacay 17 inqilaab iyadoo ra'iisal wasaaraha haatan xukuumaddiisa la afgambiyey Thaksin Shinawatras lugu cambaareeyey wax isdaba marsiin iyo dhaqaalaha oo hoos dhac ku yimid, waxaana dhowr jeer laga codsaday in xukuumadiisa dhacdo balse wuxuu iska indho tiray baaqyadii uga imanayey dhinacyada dowladiisa dhaliishan. Bishii april ee sanadkan dooroshooyin dalkaasi ka dhacay ayey mucaaridka ku eedeeyeen inuu ku shubtay waxaana ay sheegeen in natiijadii doorashadaasi aaney aheyn mid sax ah. Muul mxumo hareysay dalkaasi waxaa baarlaamka lugu eedeeyaa ineysan gaari karrin waxyaabaha dadka u dan ah sida go'aanada daruuriga ah ay dowladu ku howl geli karro.  
 
Musharaf: "Mareykanka waxa uu noogu hanabay inuu naweerarayo" 
 
Inkastoo ay tahay hadal ku haboona in waqti hore la sheego sababta kaliftay in Pakistaan ay ogolaato dagaalkii lugu qaaday Afgaanistaan iyadoo lugu gabanayo waxa loogu yeeray dagaalka ka dhanka ah argagaxisada, hadana wey muuqata in sidaasi loo yeelay maslaxad caam ah oo lugu badbaadinayey ummadd dhan dhibaato ku habsan laheyd sida haatan hadalka u dhigay madaxweyne Musharaf laftiisa.
Wareysi uu siiyey barnaamij talefishineed la yiraahdo 60 Minutes , ayuu sheegay in taliyihiisi ciidamada qalabka siday uu sidaasi ku wargeliyey kadib markii hadalkaasi hanjabaada ahi ku yiri ku xigeenkii xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka waqtigaasi Richard Armitage kulan ay Washington ku yeesheen labo cisho kadib weeraradii lugu qaaday dalkaasi.
"Taliyihii ciidamada waxa uu ii sheegay in Richard Armitage ku yiri " diyaar u noqda in la i weeraro" ayuu yiri Musharaf oo wareysigaasi tv- ahaaneed ay sii deysay shabakada CBS ee barnaamijkaasi ka baxo, isagoo intaasina hadalkiisa ku daray inuu sidaasi u yeelay dagaal dalkiisa lugu qaado.Markaa wixii ka dambeeyey Pakistaan waxey goysay xirriirkii ay la laheyd maamulkii Taliban iyadoo dhinacna xulufo la noqotay dagaalkii ka dhanka ahaa waxa loogu yeeray Argagaxisada.
Pakistaan waxey sidoo kale ciidamada Mareykanka u fasaxday xaduudaheeda si maamulka Taliban loola dirriri lahaa, intaas oo keliya maahe Pakistaan waxey Mareykanka gacanta u gelisay ninkii la oran jiray Khalid Sh Muxamed oo loo maleynayo maskaxdii ka dambey weeraradii 11 september iyadoo xuduudana dhigtay in ka badan 80.000 askari ay u soo qab qabtay ama ku dilaan kooxihii Taalibaan iyo Alqaacida ee Afgaanistaan kasoo baxday.
Ku xigeenka  xoghayaha arrimaha Richard Armitage wax war ah kama soo saarin hadalkii madaxweyne Musharaf  ee ku sheegay Tv-ga sidoo kale wasaarada arrimaha dibada afhayeenka Tom Casey waxa ka gaabsaday amuurtaasi. Bush iyo Musharaf waxaa lugu wadaa iney kulan ku yeeshaan Washington maanta oo jimca ah, waxaana uu ka qeyb galay kulankii sanad lahaa ee Qaramada Midoobey.

Sept 19, 2006

Sadex qarax oo ismiidaamin ah oo ka dhacay Afgaanistaan

Gobolka Kandahar ee dalkaasi Afgaanistaan ayaa ugu yaraan maanta sadex qarar oo ismeedaamin ahi ka dhaceen, iyadoo halkaasi ay ku dhinteen sadex askar oo kanidiyaan ah oo ka tirsan ciidamada Nato ee ka howlgalayey deegaanadaasi, halka labaatan iyo afar carruur ahi ay ku dhaawacmeen afar kamid ah carruurtaasi ay dhaawac halis ah yihiin. Falkan weerar ayaa lugu fuliyey baaskiil lugu soo rakibay waxyaabaha qarxa.

Deegaanka Hirat ayaa iyadana laga soo dheegaya in kow iyo toban ruux ay naftooda ku waayeen bambaano lugu soo rakibay isagana baaskiil, halkaasoo sideed iyo toban ruux ay ku dhaawacmeen qaraxaasi. Qaraxan maanta ka dhacay magaaldaasi ayaa lala beegsaday goob masjid aheyd oo la yiraahdo Masjidkii buluuga ahaa.

Magaalada caasimada ah ee Kabul ayaa iyadana sadex askari oo reer afgaanitaan ku dhaawacmeen kadib markii nin naftii hure ahi uu bambaano isku qarxiyey. Dalkaasi ayaa baryahan waxaa aad isku soo tarayey weerarada ka dhanka ah ciidamada Mareykanka hogaamiye ee halkaasi u jooga waxa ay ku sheegen dagaalka ka dhanka ah argagaxisada. Warbaahinta caalamka ayaa qaraxyada isdaba jooga ah ku sheegtay carro laga dhexlay kooxaha wax iska caabinta ah ee Ciraaq.

Dunida Islaamka oo weli careysan iyo Alqaacida oo dagaal diimeed ku hanjabtay

Iyadoo hogaanka ugu sareeya madhabta katoliga ee Fatikan-ka isku dayeyso iney demiso xiisada ka dhalatay hadalkii jees jeeska ahaa ku hadlay baadariga 16aad ee ka dhanka ah ummadda Islaamka, ayaa hadana dunida Islaamka waxaa ka socda dibad baxyo ka dhanka ah baadarigaasi. Urrurka Alcaaqida ayaa ku hanjabay iney dagaal diimeed oo ka dhan ah reer galbeedka islamarkaasina ay u tahay aarsi hadalkii Pope-ka.Xeel dheereyaasha islamka dadka muslinka ah ugu baaqay in hadalka cudurka u eg ee Pope-ka aysan dhag jalaq u siin.
Waxaana ku baaqeen in baanbax caalami ah ay qabtaan maalinta jimcaha taasoo ay ku cambaareynayaan baadarigaasi.

Baadarigan ayaa qudbad ku sheeg uu ka akhriyey jaamacad ku taala dalka Jarmalka qudbadaaso aheyd mid imbaratoor masiixi ah uu qarnigii 14aad ku sheegay in Nabi Muxamed adduunka loo keenay wax yeelo iyo isagoo bani'aadnimada ka dheer, diinta Islaamkana ay tahay diin shar ah. Hadalkan ayaa si weyn uga cadhoodeen dunida Islaamka iyadoo la rusan yahay iney sanad kasoo wareegtay markii wargeys xag jir ah oo dalka Denmark kasoo baxa uu daabacay sawiro kartoon ah oo ku sifeeyey Nabi Muxamed NNKH.


Dunida Islaamka oo weli codsaneysa raali gareyn buuxda

 Inkastoo baadariga ugu sareysa diinta masiixiga uu sheegay inuu ka xun yahay hadalkii kasoo yeeray ee ku tilmaamay mida sida u yiri aan loo eegin ee si kale loo fasirtay hadana waxa uuu sheegay inuu ka xun yahay cadhada ay hadalkiisaasi dhalisay ee muslimiin badan ka caroodeen.

Shalay oo axad aheydna raali gareyn uu si shaqsi ahaaneed dunida Islaamka ugu diray ayuu sheegay inuusan qasdigiisa aheyn inuu xusho hadalkii qalifsanaa ee waqtiyadii dhexe laga soo xigtay inuu ku hadlay nin imbaratoori masiixi ah qarngii 14aad yiri. Balse dunida Islaamka ayaan si weyn ugu qancin raali gareyntaasi.
Xisbiga Ikhaawnul Muslimiinka dalka Masar oo ah xisbi siyaasadeed ayaa sheegay in raaligareyntii Pope-ka aaney aheyn mid la aqbali karro.Waxaana ay sheegeen inaanu la iman raali gareyntii laga doonayey.

Hadal kasoo yeeray dowlada Turkigana waxaa lugu sheegay iney dowladu dooneyso raaligareyn buuxda, balse wasiirka arrimaha dibada ayaa dhiciisana ka codsaday Pope-ka inaanu dib u dhigin socdaalka uu bisha november ku imanayo dalkaasi taasoo hadal laga soo xigtay hogaanka sare ee Vatikan-ka lugu sheegay in socdaalkaasi aaney jirin sabab lugu baajiyo.

Muddo sanad ah ayaa ka soo wareegty markii wargeys xag jir ahi uu sawiray sawiro fool xun oo ku sheegay Nabi Muxamed NNKH, taasoo adduunka Islaamka ka dhalisay cadho aad sareysa oo sababtay in dalkaasi xirriirkii dunida Islaamka la lahaa uu go'o. Hadalka Pope-ka 16aad-na waxa uu ahaa tii labaad ee lugu ihaaneynayo ummadda Islaamka ah iyo Rasuulkeeda Muxamed ah NNKH.  

     Sweden oo xisbigii talada hayey loogaga guuleystay doorashooyinka wadanka dhacay

 Iyadoo waqtiyadii ugu dambeysay dalkan Sweden ay ka socdeen loollan iyo ollole xoogan oo loogaga qeyb qaadanayo dooroshooyinkii shalay oo aheyd dalkan ka dhacday ayaa guushii waxaa ay ku raacday afarta xisbi ee isbaheystay kuwaasoo uu hogaanka u hayo xisbiga la yiraahdo Moderaat-ka. Ninka hogaanka xisbigaasi u haya ayaa isagoo goor sii dambeysa taageerayaashooda meel fagaaro ah kula hadlaayey sheegay iney guusha raacday  qaabka ay ollalahan ay uga qeyb qaateena aan taariikhda wadakan soo marin, islamarkaasina uu dowlad lasoo dhisi doono xisbiyada kale ee ay gacan saarka leeyihiin. Xisbigan ayaa balan qaaday iney kordhin doonaan lacagta dhaqaalaha ee la siiyo dadka waayeelada ah iyo iney suuqa shada furi doonaan.

Dhinaca kale xisbiga talada hayey ee Social demokraat-ka ayaa guul darro aad u weyn soo wajahday intii ay ku jireen ollalahan tanina waxey keentay in hogaamiyihii xisbigan ra'iisal wasaaraha dalkan Göran Person uu sheegay in bisha maarso ee fooda nugu soo heysa uu talada xisbiga wareejin doono maanta oo isniin ahina waxa uu afhayeenka baarlamaanka u gudbin doona codisigiisa istaqaalo isaga iyo dowladiisa. Ra'iisal wasaaraha cusub ee afarta sanno soo socota ayaa waxaa noqon doona ninka la yiraahdo Fredrik Reinfeld isagoo dowlad la soo dhisi soono asxaabtii ay xulufada ahaayeen. Dadweyne aad u fara badan oo janabigaba ay ugu badan yihiin ayaa saadaal ka bixiyey afartaasi sanno maadama xisbigan uu yahay xisbi dadka hodanka ah daneeya.  

           Maxkamadaha Islaamiga ah oo weeraray goob ciyaaraha Ingiriiska laga daawanayey dileyna wiil 13 jir ah

 Iyadoo ay aad isku soo tareyso dhaqamada foosha xun ee ay lasoo baxeen maleeshiyaadka maxkamadaha Islaamiga ah ee iyaga gacanta ku dhigay caasimada Soomaaliya Muqdisho ee ay ku joojinayaan dhamaan waxyaabihii dhalinyarada adeegsan jirtay ee Entertaiment-tiga ahaa ayaa hadana wararkii laga helayey halkaasi sheegeen in maxkamaduhu weerar ay u geysteen goob  shineemo aheyd oo lugu daawanayey ciyaaraha Igiriiska islamarkaasina ku dilay wiil yar oo 13 jir ah.
Warkan oo ay soo werisay wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegtay in maleeshiyaadka maxkamaduhu doonayeen iny xoog ku galaan shineemadaasi ay ka socotay ciyaar dhexmareysay Chelsea- Liverpool. Dhinaca kale mid kamid ah kuwii hogaaminayey maleeshiyadkaasi maxkamadaha ayaa sheegay iney isku dayeen iney joojiyaan shineemadaasi oo markii dambe tacshiirado fureen isagoo qiray in wiilkasi yar geeriyooday.
Habeen horena waxaa karbaash loo geystay mid kamid ah fanaaniintii ugu caansaneyd hobolada Waabeeri oo la iga codsaday inaa magaceeda sheegin xilli ay iyada iyo fanaaniin kale oo saaxiibayaalkeed ah ay ka yimaadeen xaflad aroos oo ay ka heesayeen. Fanaanada iyo saaxiibadeed ayaa xirnaa saacado kooban kadibna arrintooda lugu dhameeyey qaab qabiil.

 Dadka reer Muqdisho ayaa guud ahaan waxey haatan la amkaagsan yihiin dhaqamada ad adag ee maxkamadaha xooga ku qabsaday magaalada Muqdisho la yimaadeen kuwaasoo ay ku mamnuuceen dhageysihii heesaha, daawada filimada iyo Tv-yada. Dhawaan ayey aheyd markii magaalada Jowhar idaacad ku taala alaabada loo xiray kadib markii la sheegay iney dhageysiga heesaha caadiga ah siideysay.


Sept 15: Dunida Islaamka oo si  caro ku dheehan uga Jawaabtay Hadalkii ka soo yeeray Baadariga Diinta Christanka....

Sept 15: Gabar Soomaali oo iyadoo Xambaarsan 76 kiilo oo Qaad ah lagu Qabtay....
Wargeys kasoo baxa Gothenburg ayaa qoray in.. Akhri


Sept 13, 2006

Burundi oo nabad kasoo bidhaameyso

Maalmihii ugu dambeeyey maleeshiyaadka ka tirsan jabhada FNL ayaa la arkayey iney kasoo baxeen dhulka keymaha leh ee ay ku dhuumaaleysanayeen waxaana wararku sheegeen iney isku dhiibeen ciidamada dowlada. Tanina waxey daba socotaa heshiis ay horey dowlada dalkaasi iyo jabhada FNL ay khamiistii hore ku isku afgarteen iney soo afjaraan colaada ka dhex taagan.
 
Burundi waxey ku taal bartamaha qaarada Afrika waxaan dalkaasi ragaadiyey dagaalo sokeeye oo tan iyo sanadkii 1993- ki aloolsanaa. Tirakoobka dalkaasi oo ah 7,5 milyan ayaa 300.000 dad gaaraya ay ku dhinteen intuu socday dagaalka sokeeye. Haatanse heshiiskii ay maalintii khamiista ee toddobaadkii hore gaaray dowlada iyo falaagada FNL ayaa dad badani oo dalkaasi ah soo dhaweeyeen. 
 
Spain oo dib u celineysa qaooxi sharci darro dalkeeda ku soo galay 
 
Dalka Spain ayaa haatan bilaabay iney dib u celiyaan ugu yaraan qaxooti gaaraya kun qof oo u dhashay dalkaasi Senagal kadib markii labadii dowladood ay isku af garteen in dib loo celiyo.
Mudooyinkan dambe waxaa dalkaasi jaziiradaha ku yaala ku soo qul qulayey qaxooti badan oo afrikaan ah kuwaasoo si sharci darro ah ku soo galay. Qaxootiga dalkaasi yimid oo lugu qiyaasay tiradooda 24.000 ayaa dowlada waxey sameysay ilaalo xoog leh oo ay ka qabatay xadkeeda biyaha ee la wadaagto Marooko balse kuma guuleysan iney qaxootigaasi ku soo jabay ay celiso.
Dadk qaxootiga ah ee Afrikaanka u badan ayaa dalkaasi soo galay iyagoo rajo ka qabo iney u sii gudbaan dalal ku yaala qaaradanYurub si ay nolol ka wanaagsan midey kasoo baxsadeen u helaan balse nasiib darro ilaaladaha xuduudaha dalkaasi oo si weyn loo xoojiyey ayaa soo qab qabtay dadkaasi doonyaha sida sharci darrada ku soo galay.
 
 
Kulankii Iiraan iyo xoghayaha guud ee Arrimaha Dibada Midowga Yurub oo hakad ku yimid
 
 
Kulan lagu doonayey iney yeeshaan u madaxa wadahalada barnaamijka Nukliyeerka Iiraan Cali Larijani iyo xoghayaha guud ee Midowga Yurub Javier Solana ayaa dib udhac ku yimid iyadoo aan la shiicin sababta.
Kulankan oo lugu waday inuu dhaco maanta oo khamiis ah ayaa haweeneyd u hadashay Midowga Yurub sheegtay iney hortaalo labada dhinac shaqooyin adag, walow aysan carababaabin shaqadaasi waxey tahay.
Dowlada Washington waxey Iiraan dooneysa in la saaro cadaadis adag oo Gollaha Amaanku ku soo rogo qaraar, halka Midowga Yurub ay doonayaan in arrintan loo adeegso xal diblomaasiyadeed. Waayadan dambane Iiraan iyo Mareykanku dagaalka xagga afka ah wax iskulama harrin iyadoo labada dhinacba ay is eedeynayaan.

Sept 10, 2006

Madaxweynihii hore Iiraan oo booqanaya Mareykanka iyo Bush oo xiiseynaya inuu wax ka ogaado maamulka Tehraan

Hogaamiyihii hore ee dalkaasi Iiraan Maxamed Khamati ayaa booqasho ku jooga Mareykanka, inkastoo aan la ogeyn cida uu la kulmay oo ka tirsan dowlada Bush ayaa hadana wargeyska The Wall Street Journal waxa qoray warbixin uu ku sheegayo in madaxweyne Bush jecelyahay inuu wax badan ka ogaado hanaanka ay u shaqso siyaasinta maamulka Tehraan. Wargeyska waxa uu sidoo kale sheegay in Bush u muuqdo mid gacan ka geystay dal ku galka madaxweyne Khamati ku yimid Mareykanka .
"Waxaan aad u xiiseynayey inaan ka maqlo ama uu ii sheego sida ay shaqeeyaan Iiraaniyiintu (siyaasiyiinta) habkey u fekerayaan iwm" ayuu yiri Bush oo wareysi uu siiyey wargeyskaasi kaga hadlayey sida uu doonayo inuu wax badan uga ogaan lahaa dowlada Axmedinijaad.
Dhinaca kale waxa uu sheegay Bush in dowlada haatan xukunka Tehraan ay tahay dowlad xaqirtay jirtaanka Israa'iil ee Qaranimo taageerana siisay Xisbullaah iyo waxa uu ku sheegay argagaxisada islamarkaasina aysan habooneyn in gcanta u galo hubka halista ah.
Madaxweyne Khatami oo gobolo badan oo dalkaasi kamid ah booqday ayaa si weyn u cambaareeyey weeraradii 11 september waxaana uu sheegay iney dhaawac ku tahay dadka Muslimiinta ah falkaasi iyo Islaamkaba. Waxaa uu ku booriyey in cuqdada xag jirka ah ee galbeedka ku soo badaneyso meesha laga saarro. Wuxuu sidoo kale raaligareyn ka bixiyey afduubkii ka dhacay saafaraddii ameerikaanka ay ku laheyd sanadihii Tehraan 1979- 80 markaasoo ardey xag jirayaal ahi oo reer Iiraan ah ay dhismaha safaarada galeen halkaasina ku afduubteen konton qof oo ka tirsan shaqaalihii safaaradaasi.

Booqashada Khatami ee Mareykanka inkastoo ay tahay mid jawi wanaagsan ka bixineysa in siyaasiinta reer Iiraan aaney isku fikir aheyn hadana Bush iyo dalalka ku aragtida ahi waxey meel dheer ka joogaan Iiraan iyo maamulka ka taliya waxeyna aaminsan yihiin in isku soo dhawaanshaha Iiraan iyo iyagu tahay in Iiraan ay meesha ka saarto barnaamijka naaxinta macdanta yuraaniyamka ah taasoo iyadana ah mid aan waqtigan lugu riyoon karrin.

Madaxweynaha Suudaan oo diiday ciidamada Q Midoobey

Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al Bashir ayaa gaashaanka ku dhiftay qorshaha ay Qaramada Midoobey ku dooneyso ciidamo nabada ilaaliyo oo la geeyo gobolka Darfur ee xiisada ka taagan yahay. Hadalkan ayuu sheegay xilli uu ka qeybgalayey kulanka ka dhacay magaalada Sirta ee dalkaasi Liibiya oo ay iskugu yimaadeen hogaamiyeyaasha madaxda Afrikaanka ah halkaasoo ay laftooda ku xusayeen sanad guuradii koowaad ee aasaaskii Midowga Afrika (AU)
Bashir waxa uu ku dooday in Qaramada Midoobey aaney gobolkaasi haatan xiisada taagan ka qaban karrin, islamarkaasina aysan heyn qorsheyaal hufan oo ay heyso ciidanka la sheegay iney gaarayaan 20.000 kuwaasoo u baahan miisaaniyad dhaqaale, dhinaca kalena isagoo tuhun weyn ka qaba howlaha Q Midoobey heyso.
 


Sept 9, 2006

Madaxweynihii hore Iiraan oo booqanaya Mareykanka iyo Bush  oo xiiseynaya inuu wax ka ogaado maamulka Tehraan

         
Hogaamiyihii hore ee dalkaasi Iiraan Maxamed Khamati ayaa booqasho ku jooga Mareykanka, inkastoo aan la ogeyn cida uu la kulmay oo ka tirsan dowlada Bush ayaa hadana wargeyska The Wall Street Journal waxa qoray warbixin uu ku sheegayo in madaxweyne Bush jecelyahay inuu wax badan ka ogaado hanaanka ay u shaqso siyaasinta maamulka Tehraan. Wargeyska waxa uu sidoo kale sheegay in Bush u muuqdo mid gacan ka geystay dal ku galka madaxweyne Khamati ku yimid Mareykanka .
"Waxaan aad u xiiseynayey inaan ka maqlo ama uu ii sheego sida ay shaqeeyaan Iiraaniyiintu (siyaasiyiinta) habkey u fekerayaan iwm" ayuu yiri Bush oo wareysi uu siiyey wargeyskaasi kaga hadlayey sida uu doonayo inuu wax badan uga ogaan lahaa dowlada Axmedinijaad.
Dhinaca kale waxa uu sheegay Bush in dowlada haatan xukunka Tehraan ay tahay dowlad xaqirtay jirtaanka Israa'iil ee Qaranimo taageerana siisay Xisbullaah iyo waxa uu ku sheegay argagaxisada islamarkaasina aysan habooneyn in gcanta u galo hubka halista ah.
Madaxweyne Khatami oo gobolo badan oo dalkaasi kamid ah booqday ayaa si weyn u cambaareeyey weeraradii 11 september waxaana uu sheegay iney dhaawac ku tahay dadka Muslimiinta ah falkaasi iyo Islaamkaba. Waxaa uu ku booriyey in cuqdada xag jirka ah ee galbeedka ku soo badaneyso meesha laga saarro. Wuxuu sidoo kale raaligareyn ka bixiyey afduubkii ka dhacay saafaraddii ameerikaanka ay ku laheyd sanadihii Tehraan 1979- 80 markaasoo ardey xag jirayaal ahi oo reer Iiraan ah ay dhismaha safaarada galeen halkaasina ku afduubteen konton qof oo ka tirsan shaqaalihii safaaradaasi.
 
Booqashada Khatami ee Mareykanka inkastoo ay tahay mid jawi wanaagsan ka bixineysa in siyaasiinta reer Iiraan aaney isku fikir aheyn hadana Bush iyo dalalka ku aragtida ahi waxey meel dheer ka joogaan Iiraan iyo maamulka ka taliya waxeyna aaminsan yihiin in isku soo dhawaanshaha Iiraan iyo iyagu tahay in Iiraan ay meesha ka saarto barnaamijka naaxinta macdanta yuraaniyamka ah taasoo iyadana ah mid aan waqtigan lugu riyoon karrin.
 
 
 Madaxweynaha Suudaan oo diiday ciidamada Q Midoobey
 
Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al Bashir ayaa gaashaanka ku dhiftay qorshaha ay Qaramada Midoobey ku dooneyso ciidamo nabada ilaaliyo oo la geeyo gobolka Darfur ee xiisada ka taagan yahay. Hadalkan ayuu sheegay xilli uu ka qeybgalayey kulanka ka dhacay magaalada Sirta ee dalkaasi Liibiya oo ay iskugu yimaadeen hogaamiyeyaasha madaxda Afrikaanka ah halkaasoo ay laftooda ku xusayeen sanad guuradii koowaad ee aasaaskii Midowga Afrika (AU)
Bashir waxa uu ku dooday in Qaramada Midoobey aaney gobolkaasi haatan xiisada taagan ka qaban karrin, islamarkaasina aysan heyn qorsheyaal hufan oo ay heyso ciidanka la sheegay iney gaarayaan 20.000 kuwaasoo u baahan miisaaniyad dhaqaale, dhinaca kalena isagoo tuhun weyn ka qaba howlaha Q Midoobey heyso.

Sept 8, 2006

Amaan darro laga soo sheegayo meelo kamid ah Afgaanistaan

Inkastoo ciidamada Nato hagaamiso ay weerar baaxad leh ku qaadeen dhulka buuraleyda ah ee deegaanka Madusa ayaa hadana maanta magaalada xarrunta ah ee Kabul waxaa ka dhacay qaraxyo isbiidaamin ah oo dhiig badani ku daateen.

Afhayeen u hadlay dowlada Afgaanistaan oo ay soo xigatay wakaalada wararka ee Rueters ayaa sheegay in baabuur bambaano lugu soo rakibay uu ku ag qarxay safaarada Ameerikaanka ee magaaladaasi halkaasoo ay ku dhinteen dad gaaraya 16 qof kuwaasoo ay kamid ahaayen dad ajanabi ah.
Qaraxan maanta ka dhaca ayaa ahaa kii ugu waxyeelo badnaa ee ka dhaca magaaladaasi tan iyo intii maamulkii Taalibaan xukunka laga riday sanadkii 2001-da, waxeyna ahaayeen kuwo ka dhan Mareykanka ee dalkaasi xoog ku qabsaday.

Kongo: Kapela oo ku guuleystay doorashaddii Baarlmaanka

Madaxweynaha dalkaasi Kongo- Kinshasa Joseph Kabilas ayaa xisbigiisa xulafada ah ku guuleysteen dooroshooyinkii baarlamaaniga ahaa ee dalkaasi ka dhacay. Inkastoo ay tani guul u tahay hadana waxaa muhiim ah inuu helo kaalmo dheeri oo ah ka helo xisbiyada ay wada shaqeynta leeyihiin si uu hello awood uu ku dhiso dowlad balaaran.
Kabila iyo xulafadiisa waxey heleen in ka badan 200 oo kuraas ee halka ay ka yihiin 500 kuwa fadhiga qaranka, iyadoo dhinac kalena ay loolan adagi ka heysto madaxweyne ku xigeenka JeanPierre Bembas Renaco oo isagu kaalinta labaad yimid kadib markuu helay kuraas dhan 100.
Natiijada codbixinta dooroshooyinka Baarlamka ayaa timid kadib markii uu dhamaaday loolankii doorashada madaxweynenimada dalkaasi oo ay ka dhasheen rabsho dagaalo dhiig badan ku daateen iyadoo sidoo kalena lugu wado in wareega labaad ee doorashadaasi qabsoontodhamaadka bisha oktoobar ee fooda nugu soo heyso.
 


Sept 8, 2006

Tony Blair oo sheegay waqtiga uu xukunka ka degayo

 
 Tuhinkii laga qabay waqtiga rasmiga ah ee la shaaciyey ka degista xukunka ra'iisal wasaaraha Ingiriiska Tony Blair ayaa haatan soo shaac baxday kadib markii uu isaga qudhiisa sheegay inuu muddo sanad gudaheed uu xukunka uga degayo.
Tony Blair waxa uu sheegay inuusan carabka haatan ku dhifaneyn waqtiga rasmiga ah ee ku dagayo xukunka balse waxa uu qiray inuu qorsheynayo sida uu xukunka uga degi lahaa.
Taageerada xibigiisa iyo siyaasadiisa loohayey waxaa ay hoos u dhacday markii taageero xad dhaaf ah uu la garab istaagay Bush iyo dagalkiisa ka dhanka ah argagaxisada iyo dagaalkii Israa'iil ku qaaday Xisbullaah. Amuurahaas oo keliya maahee waxaa jira fadooxooyin badan oo la soo gudboonaday kuwaasoo ay sheegeen ragg ka tirsan Xisbiga Leybarka inuu Blair hareer maray siyaasadii urrurka. Sideed ku xigeen oo wasiirada ka tirsana maanta ayey iska casileen jagooyinkoodi.
 
Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadlay go'aankii IGAD ee Somaliya
 
Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii ugu horeysay ka hadlay go'aan ku sheegii IGAD ay ku gaareen ciidamo nabad ilaalineed dalka Soomaaliya, Mudane Gelle oo aad u dhaliilsan go'aankaas ayaa sheegay inuu ahaa mid lugu deg degay ujeedada laga leeyahana aanu gareyn.
Waxa uu si kulul u sheegay in madaxda Soomaalida ay qeyb ka yihiin dhibka jira ee IGAD ku doontay ciidamo la geeyo Soomaaliya, isagoo hoosta ka xariiqay in qarash-ka lugu geynayo ciidamadaas ayAfrikaanku u waayey Darfur dowladiisuna kamid tahay dalalka ugu faqiirsan dunida. Hadaldani mudane Geelle waxa uu sheegay mar uu wareysi siinayey laanta Afka soomaaliga ee British Broadcasting Corporation.
 
Isagoo la hadlayey madax ku sheega soomaalida ee u yeertay cadowga soo jireenka ah ayuu sheegay iney Taariikhda meel ka geli doonaan nabadana ay tahay mid u wanaagsan, wuxuuna sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney dalkooda ilaalashadaan hadalkaasi ah mid nin waxgarad ahi ku hadlo cidkastaana ay fahmi karto.
Dowlada fadhiidka ah ee Beydhabo ayaan ka tanasulin keenista ciidamada sisheeyo oo ay Itoobiya hormoodka ka tahaya, halka maxkamadahana ay ku baaqeen inaan ciidamo shisheeye la keenin dalka.
 
Dalalka carabta oo intooda badan doonaya iney sameystaan tamarta laga helo Nukliyeerka.
 
Iyadoo barnaamijka Nukliyeerka Iiraan ee loo caal waayey aheyd "Annoo aabahay qaati Billaah ka taagan ayuu aabihiis oo indho la' ii keenay" ayaa hadana qaar katirsan wadamada carabta laga soo sheegay sidey u doonayaan iney yeeshaan hubka Nukliyeerka oo ay sheegeen iney u aadeeganayaan si nabadeed.
 
Xoghayaha guud ee jaamacada Carabta Caamir Muusa ayaa sheegay in dalal carbeed ay sidaasi damacsan yihiin. Hadalka caamir Muusa ayaa ku soo aaday xilli barnaamijka Nukliyeerka Iiraan muranka ka taagan ay cirka isku shareertay, waxaana uu cadeeyey ineysan jirin wadan carbeed oo maanta leh ka faa'iideysiga nukliyeerka si tamar looga soo saaro balse ay jiraan wadamo dhistay xarrumo arrintaasi daraasad loogu sameynayo.

Sept 6, 2006

Denmark oo sagaal qof u xirxirtay aragagaxisanimo

Ciidamada Denmark ayaa sagaal qof ku qab qabtay gobolka Odense ee dalkaasi kadib markii ay ku eedeeyeen iney maleegayeen falal aragagaxiso.

Sagaalkan qof oo dhalin yarro ah ayaa la sheegay in laga soo qabtay jasiirad ku taala deegaankaasi islamarkaasina ay yihiin dad muslimiin ah.

Dowladu waxey sheegtay in kooxdani laga helay waxyaabo muujinaya in qorsheeynayeen falkaasi. Balse ma jirto war xaqiiqo ah aan ka aheyn tuhunkaasi. Imaamka masjidka magaaladaasi ninka la yiraahdo Abuu bashir waxa uu sheegay in haddii falkaasi jirro ay dhici karto mid salka heysa joogitaanka ciidamada denish-ka ah ee dalkaasi Ciraaq.

Denmark waxey kamid tahay dalalka saaxiibka weyn la ah Mareykanka waxaana ay si aan hagrasho laheyn u taageertay dagaalka ka dhanka ah Muslimiinta iyo waxey ku sheegeen argagaxisida. Sidoo kale dalkaasi waxaa wargeys kasoo baxa uu si ula kac sanadkii hore daabacay sawiro fool xun oo kartoono ah kuwaasoo ay ku sheegeen inuu yahay Nabi Muxamed NNKH,falkaasina waxaa ka dhacay kacdoon caalami ah oo dunida islaamka oo dhan ka dhacay taasoo ugu dambeyntii keentay in dalkaasi dunida Islaamka intooda badan ay xirriirka u jareen kana soo ceshteen danjireyaashii u joogay.

Israa'iil oo rajo ka qabto in loo soodaayo askari laga heysto

Ra'iisal wasaare ku xigeenka Israa'iil Shimon Peres ayaa sida laga soo xigtay sheegtay in ra'iisal wasaaraha dalkaasi diyaar u yahay la kulanka madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas Abuu Maazin, haddii falastiiniiyiintu sii daayaan askari yahuudi ah oo la afduubtay kal hore sida ay warkani shaacisay wakaalada wararka faafisa ee Rueters.

Askarigani oo magaciisa la yiraahdo Gilad Shalid ayaa waxaa la sheegay in bishii juun ee sanadkan laga qabtay xadka gaza ee dhulalka falastiiniyiinta.

Wargeysyo badan oo barriga dhaxena kasoo baxa waxey tibaaxeen in askarigaasi la geyn doono dalka Masar si markaasi gacanta Israa'iil lugu wareejiyo.Sidoo kale wargeysyada carabta ayaa iyagana qoray in askarigasi xorriyadiisa loo soo celin doono marka maxaabiis badan oo falastiinyiin ah iyagana ooda laga qaado sida ay wargeysyadaasi kasoo xigteen wargeyska kale ee la yiraahdo Haaretz.

 
The Sun: Tony Blair wuxuu xukunka ka dagayaa sanadka dambe
 
Inkastoo wargeysku uusan cadeyn cida uu hadalkaasi kasoo xigtay hadana waxaa uu qoray in bisha julaay ee sanadka dambe ra'iisalwasaaraha Ingiriiska Tony Blair uu xukunka ka degayo.
Wargeysku waxa uu shaaciyey oo kale in la taliyeyaashiisa ayaa qorshe lugu doonayo in bisha meey ee fooda nugu soo heyso xukunka ka dego. Sida BBC-da sheegtayna 17 mudane oo baarlamaanka wadankaas ayaa qoraal u diray Tony Blair oo ay kaga codsanayaan in goor hore uu qorsheeyo sida u xukuka uga degi lahaa, taasoo la qorsheynayo in haddii meesha uu ka baxo lugu badalo wasiirka dhaqaalaha Gordon Brown.
Tony Blair iyo maamulkiisa midna kama aysan hadlin amuurtan balse la arki doone waqtiga la gaaro.

Sept 3, 2006

Israa'iil oo askarteedi laga afduubtay wadahal xal ugu raadineysa

 
Inkastooy muddo badan ka dhago adeygtay Israa'iil codsiyo badan oo dhinaca Xisbullaah lugu dhameeyo is dhaafi maxaabiista la kala heysto ayaa hadana ugu dambeyntii Israa'iil kasoo dabacday mowqifkeedii adkaa ee ku taagneyd. Haatan waxey diyaar u tahay wadahadal hadey xal keenayaan ay eegto. Amuurtan ayaa waxaa shaaca ka qaaday wargeyska afka dheer ee la yiraahdo Yedioth Ahronoth.
 
Wargeyska oo amuurtan kasii faaloonaya ayaa shaaciyey in wadahalkan qarsoodiga ah ay dowr muuqato ka ciyaartey dowlada Maskar walow dowlada dalkaasi aysan qiran waxa ka jirta amuurtaasi oo ay muujinayaan mowqikoodii ku aadanaa askartaasi taasoo ah in si sharuud aan laheyn lugu sii daayo.
Hadal laga soo xigtay haweeneyda afhayeenka u ah ra'iisal wasaaraha dalkaasi ayaa sheegtay in wadahal jirto inkastoo ay carabkeda ka leexisay iney Xisbullaah wada xaajood la leeyihiin iyadoo sheegtay ineysan waxa ay ku shegeyso argagaxisada aaney wadahadal la galeyn. wargeysku waxa kale oo uu sheegay in dowlada ay qorsheyneyso iney soo furato sadex askari iyadoo jariidadu warkan kasoo xigtay illo diiday magacooda in la shaaciyo.
 
 
Veitnam oo dooneyso iney ku biirto Urrurka caalamiga ah ee WTO
 
 
Dowlada Veitnam ayaa codsaneysaa kamid ahaanshaheeda Urrurka Ganacsiga Adduunka ee WTO, kadib markii ay hadal hordhac ah oo arrintaasi kala hadleyso dowlada Mareykanka u dirtay.
Wasiirka ganacsiga dalkaasi Troung Dinh Tuoi ayaa shaaciyey in xubin kamid ahaanshaha urrurkaasi iyo sida ugu macquulsanba ay isla soo hadal qaadeen labada dhinac isagoo intaasi hadalkiisa ku daray heshiis amuurtaasi qalinka loogu duugayana ay dhawaan dhici doonto. Dowlada Veitnam waxey arrintani u arag mid dan ugu jirta si dhaqaalaheeda ay u soo kabto balse ogolaanshaha amuurtan waxaa laga sugaya gollaha Kongoreeska dalkaasi Mareykanka.
 
 
      Nin u dhashay Mareykanka oo ku biiray Al-Qaacida
 
Nin dhalinyaro ah oo reer Mareykan ah ayaa durba muuqaalkiisa waxaa ay kamid ahaayeen wararka ugu waa weyn dalka Mareynka kadib markii ninkaasi oo da'diisa lugu sheegay 28 jir uu kamid noqday xubnaha ku jirta
Urrurka Alqaacida ee Bin Laadin hogaamiyo.
Ninkan dhalinta yar oo magaciisa la yiraahdo Adam Gadahn kana soo jeeda gobolka Kaliforniya ayaa cajal muuqaal ah oo lugu soo bandhigay bogg internet-ka ah oo ay leeyihiin Alqaacida ka dhex muuqday.
Wiilkani waxa uu dhinac fadhiyey Ayman Zawahiri waxaana uu weeraray siyaasadaha Bush iyo Blair ee ka dhanka ah waxey ku shegen argagaxisada isagoo misna ugu baaqay iney Islaamka qaataan waaba hadey yeelaane.
 
Wiilkan 28 jir ah ee Adam Gadahn waxa uu sido kale ugu baaqay ciidama ku sugan dalka Ciraaq iney xaqiiqda u soo laabtaan isagoo ula jeedo Islaamka. Isagoo aad ugu dheeraaday fariinta u gudbinayo maamulka Bush ayuu sheegay in dagaalka ay ku qaadeen Ciraaq iyo Afgaanistaan looga guuleysan doona siiba dagaalka masiixiyadeed ee Bush qaaday waa sida uu hadalka u dhigaye.
 
Wiilkani waxaa la sheegay inuu islaamka qaatay xilli ay da'diisu aheyd waxaana uu dalkiisa kasoo tagay wax ka yar ka hor intii aanu dhicin weeraradii lugu qaaday dalkaasi mareykanka, balse FBI-da waxey ku sheegeen inuu ahaa nin halis ku ah dadka islamarkaasina hubeysan iyadoo baadigoob ugu jiray,mase filaneyn in muuqiisa kasoo dhex bixi doono Alqaacida iyo dadka taageera.

 

Warar dheeri oo ah ku saabsan dilkii hooyo Soomaaliyeed loogu geystay dalka Norway

 
Sept 1, 2006: Iyadoo labo cisho ay kasoo wareegtay markii gabar soomaali ahi ay hooyadeed si ula kac ah mindi ugu dishay hooyadeed ayaa hadana la filayey in maanta oo jimcaha booliska dalkaasi soo saaraan warar dheeraad ah oo la xirriira falkaasi hase ahaatee ma jirto war rasmi ah oo ay soo saareen marka laga reebo in qareenkeedu iyo booliskuba sheegeen in gabadhu oo da'deeda aad u yar  xaalad aragagax ahina ku jiro awgeed aaney suuragal aheyn in la hello xaqiiqda dhabta ah. Gabdhana waxey sheegtay iney hooyadeed mindida ku dhiftay taasoo u dhimatay dhiig bax.
 
Carruurta la dhahay gabadhaasi oo ay marxuumada ka tagtay ayaa haatan waxaa gacanta ku haya dowlada iyadoo sida la sheegay carruutaasi waalidkood joogo. Jaaliyada Soomaalida magaalada Telemark waxey isku diyaarineysaa meydka marxuumadaas inkastoo aan la sheegin waqtiga la aasi doono. Mid kamid ah dadka reer Norway oo aan goor dhaweyto qadka taleefanka kula xiriiray ayaa ii sheegay in tani ceeb iyo fadeexo ku tahay mujtamaca Soomaalida dalkaasi oo awal ay soo wajaheen falal noocan oo kale ah.  Waxey sidoo kale ii sheegeen in heer xitaa wargeysyada dalkaasi aad uga faaloodaan dhibaatooyinka caafimaad ahaaneed iyo aflagaadaba ee ay kula kacaan dadka soomaalida ah.

Mida iigu yaabka badan ayaa heyd markii wiilka aan khadka taleefanka kula xiriiray uu ii sheegay in xitaa dadka caadiga ah ee aan u dhalan wadanka iyo kuwa ay aqoonta ka dhaxeyso ee Noorwiijiyaanka ahiba marka ay doonayaan iney la hadlaan qof soomaali ah ay weydiiyaan inuu heysto mindi iyo inkale, taasoo soomaalida dalkaasi laga runsan yahay iney dhamaantood mindiyo jeebkabka ku wataan.
 
Isku soo wada duuboo falkani maahan kii ugu horeeyey ee dalkaasi ka dhaca kuna qof soomaali ah, sanadihii ugu dambeeyey ayaa dalkaasi waxaa caadi ka noqday in soomaalidu ay mindiyo isku disho.
Hooyo Soomaaliyeed oo maanta maxkamad loo soo taagay dalka Sweden gudniin ay carruurteeda ku sameysay
 
Muddo yar gudahooda ayaa magaalada Gothenburg ee dalkan Sweden waxaa la horkeenay labo ruux oo soomaali ah kuwaasoo lugu soo eedeeyey gudniin ay carruurtooda ku sameeyeen.
Hooyadn maanta oo jimcaha la soo taagay maxkamada ayaa gaashaanka u daruurtay eedeymaha loo heysto. Balse gabadheeda oo dacwadan u gudbisay xafiiska ceydha ayaa iyadu sheegtay in carruurta walaalaheed ah Soomaaliya loo kaxeeyey sanadkii 2000 kadib gudniin lugu sameeyey.
Maxkamadan oo maanta ay saxaafada dibada ka aheyd ayaa la sheegay iney jaha wareer ku keeneyso dhageysiga joogitaankooda, balse dacwadan ayaa sii soconeysa tan iyo inta laga helayo cadeyn rasmi ah, iyadoo carruurtii haweeneydani ay dowlada la wareegtay.
Bishii juun ee sanadkan ayaa aabe soomaaliyeed oo isagana degan magaalada Gothenburg gabadhiisa dacwadi ku oogtay kadib markii ay sheegtay inu gudniin iyo jir u geystay taasoo cadeymo iyo marqaatiyaal la horkeenay maxkamada ay ku riday xukun afar sanno oo xariga ah iyo xaal marrin dhan 300.000 oo lacagta swedhish-ka ah taasoo uu celinayo gabadhiisa . Waana markii ugu horeysay taariikhda Sweden qof ajanabi ah gaar ahaan Soomaali xukun ku gaabsan gudnin lugu fuliyo tan iyo intuu soo baxay sharciga gudniinka mamnuucaya sanadkii 1982-dii
 

... WARARKII ADDUUNKA EE AUGUST 2006...

....WARARKII ADDUUNAK EE JULY 2006... GUJI...

.....WARARKII ADDUUNKA EE JUNE 2006.... GUJI....

 ... WARARKII ADDUUNKA EE MAY,2006... GUJI...

.. WARARKII ADDUUNKA EE APRIL, 2006.... GUJI...

.. WARARKII ADDUUNKA EE BSIHII MAARSO 2006


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD