SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

Kenya oo Qarammada Midoobay u Gudbisatay Xogta Rasmiga ah ee Baddeeda: Badda Soomaaliyana ka Goosatay 116,000km2

  • SomaliTalk.com | May 6, 2009

    Marka la xisaabiyo cabbirka badda ee Kenya u gudbsiay Qarammada Midoobay, waxaa soo baxaya in Kenya ay cabbir ahaan gudaha u soo gashay dhul-badeedka Soomaaliya oo bedkiisu ka badan yahay 116,000km2....


Dawladda Kenya ayaa Arbacadii (May 6, 2009) waxay Qarammada Midoobay  (QM) u gudbisay akhbaarta rasmiga ah ee cabbirka xuduudaha badaha ee ay doonayso in loo sharciyeeyo, cabbirkaas oo wada khariidado.

Qoraalka si rasmiga ah ee Kenya gudbisatay waxay ku caddaysay in xogtaas gudbinteeda ay ka qayb qaateen Mr. Harald Brekke (oo ah reer Norway), islamarkaasna ah laga soo bilaabo 1997 ilaa hadda xubin ka ah guddiga go'aanka ka gaari doona xadaynta badaha adduunka. Waxa kale oo Kenya ka caawiyey gudbinta akhbaartaas Dr. Karl Hinz, oo ah Jarmal, xubina ka ahaan jiray guddiga xadaynta badaha intii u dhaxaysay 1997-2002.

Kenya waxa kale oo ay sheegtay in akhbaarta ay gudbisay ay sidoo kale ka qayb qaateen: Xafiiska Madaxeynaha Kenya, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, Xafiiska Sharciga, Wasaaradda Deegaanka iyo Khayraadka Macdanta, Wasaaradda Waxbarashada, Sayniska iyo farsamada Casriga ah, Wasaaradda Dhulka, Hay'adda Kenya u qaabisan Batroolka, Wasaaradda Tamarta iyo Jaamacadda Nairobi.

Waxa kale oo Kenya sheegtay in ay xogta diyaarinteeda ay ka caawiyeen Xoghaynta guud ee Barwaaqa-sooranka Commonwealth ee London iyo UNEP barnaamijkeeda qaabilsan qalfoofka qaaradda ee GRID-Arendal iyo Qarammada Midoobay qaybta u qaabilsan Badaha iyo Sharciga.

Sida ku cad qoraalka rasmiga ah ee Kenya gudbisatay, waxay ku andacootay in baddeedu ay soo dhex gasho gudaha badda Soomaaliya. Si ay arrintaas ugu qurxiso Afgobaadi iyo jaha wareein, waxay sheegtay in sidoo kale badda Kenya ay isdul saaran yihiin badda Tanzania, laakiin ayey tiri, Kenya iyo Tanzania waxay xadka badda ka heshiisyeen July 1976. Waxaa qoraalku ku adkeeyey: Kenya iyo Tanzania waxay heshiis ku ahaayeen xadka baddooda laga soo bilaabo 1976.

Kenya oo sii wadatay qoraalkeeda waxay si qeexan u sheegatay: "Labada dal (Soomaaliya iyo Kenya) waxay kala saxiixdeen Qoraal is-afgarad (Memorundum of Understanding "MOU") markay taariikhdu ahayd 7dii April 2009 kaas oo u ogolaanaya, ayey tiri, dal kasta diidmo la'aan (no-objection) uu xogta la xiriirta cabbirka xadka baddiisa wixii ka shisheeya qalfoofka badda u gudbisan karo Guddiga Xadaynta Badaha ee Qarammada Midoobay.

Waxay meel kale oo Kenya ay qoraalkeeda ku sheegtay in xadka badda aagga ganacsiga ee la kordhinayo fogaan xeebta ka durugsan 350 mayl badeed ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya in uu marayo xarriiq ama khad aan laga heshiin.

Cabbirka rasmiga ah ee Kenya u gudbisay Qarammada Midoobay waxa u calaamadsan in xadka baddeed ku beegtay loolka iyo dhigta (1°39'34.25"S, 47°20'38.46"E ), taas oo ay ku doonayaan in loogu kordhiyo aagga ganacsiga meel xeebta u jirta ilaa 648km. Bartaas oo si aan gabbasho lahayn gudaha ugu jirta dhul-badeedka Soomaaliyeed baaxad aad u weyn. Haddii, marka la raaco xeerka badaha adduun bartaasi waxay ku beegnaan lahayd loolka iyo dhigta (4°54'13"S, 46°24'55"E). Taas macnaheedu waa, haddii taasi u hirgasho Kenya, waxaa dadka Soomaaliyeed halkaas ku waayi doonaan dhul-badeed baaxaddiisu ka weyntahay 116,000 km2.


Loolka iyo dhigaha | Khariidada Kenya gudbisay ka eeg halkan

SomaliTalk Waxay isha ku haysay halka lagu daabaco xogta baddaha ee aaga la kordhin doono ee Qarammada Midoobay, maanta (Arbaca) galinkii danbe ayaa boggaas lagu soo daabacay xogta rasmiga ah ee Dowlada Kenya usoo gudbisay QM. Sida kor ku xusan, Kenya waxay sheegtay cida ka qaybqaadatay diyaarinta xogtaas. Sidii horay aan ugu ballan sanayn inaan idiin soo gudbino waxkasta oo ku soo kordha Sheegashada Kenya ee badda Soomaaliyeed, Inkiraada Dowlada Soomaaliya iyo Walaaca iyo welwelka Aqoonyahanka iyo Shacabka Soomaaliyeed, faallo kooban oo ku aadan saddexdaas arimood, ayaan ku eegi doonaa qoraalkan:

Sheegashada Kenya Qayb kamid ah Badda Soomaaliya

Sida Kenya shaacisay xogteeda rasmiga ah ee Qalfoofka Qaaradda Baddeeda (Continental Shelf) waxaa kucad cabirkan aan soo aragnay in Kenya ay badda Soomaaliya ka goosatay (116,000km2) - waa cabbir aad u wayn oo aad loola yaabo, qofkastana uu is leeyahay macquul ma'ahan. Arintaasi waxay ku cadahay xogta rasmiga ah ee Qarammada Midoobay maanta shaacisay. Waxaa laga yaabaa in akhristuhu ku wareero akhbaartaan horay u siidaynay ee sheegaysay in Kenya cabiratay (38,000km2). Xogahaan oo dhan ma'ahan kuwo isdiidan ee waa xog laga soo xigtay dowlada Kenya Qoraalada rasmiga ah ee kasoo baxa (mid hordhac ah, iyo mid rasmi ah). Qoraalkii cilmi baarista waxaa kamid ahaa in Kenya  ay gudbisatay March 10, 2009 xog hordhac ah oo Badda Soomaaliya ay gashay (38,000 sq.km) xogtaasna uu ku saxiixnaa Madaxwaynaha Dalka Kenya ee hada Mwai Kibaki , sidaas waxay ku qornaynd waraaqdii Mwai Kibaki  ku saxiixnaa ee aan soo aragnay. Sidoo kale qoraalkaas waxaa lasocday in cilmi baaristu sheegtay qoraalka rasmiga ah ee Dowlada Kenya markay soo gudbisato ayaa la ogaanayaa cabirka kama danbaysta ah ee Kenya ay badda Soomaaliya ka cabbiranayso. Cabirkii Kama danbaynta ah  ama qoraalkii rasmiga ahaa wuxuu cadeeyey in Kenya ay badda Soomaaliya ka goosatay dhul-badeed ah (116,000km2) - Arrintaas waxaa lagu soo koobi karaa oraahda ah : 38,000sq.km waxay ahayd tijaabo hordhac ah, 116,000sq.km waa rasmiga ay Kenya doonayso in loo sharciyeeyo.

Kenya waxay ku andacootay in baddeedu ay soo dhex gasho badda Soomaaliya. Si ay arrintaas u qurxisna waxay tiri, sidoo kale badda Kenya waxay isdul fuulaan badda Tanzania, laakiin ayey tiri, Kenya iyo Tanzania waxay xadka badda ka heshiisyeen markii ay xog is dhaafsadeen 17 December 1975 iyo 9 July 1976. Sidaas daraadeena Kenya iyo Tanzania waxay heshiis ku ahaayeen xadka baddooda laga soo bilaabo 1976. (Hadalkii ugu horeeyey ee C/shakuur waxaa kamid ahaa Tanzania-na Kenya waa lasoo saxiixanaysaa asbuucan, hadana Kenya waxay leedahay horaan uga heshiinay).  Kenya ayaa doodeeda ku dhisaysa in baddeeda iyo badda Soomaaliya isa soo dhexgalaan, taasna waxay ula jeedaa siday horay meelo kale ugu sheegtay in marka laga hadlayo aaga la kordhinayo ee Qalfoofka Qaaradda ay labadda dal cabirkoodu isku meel ku dhacayo, taasna waxaa keenay Kenya oo cabirkeeda usoo qaloocisay dhinaca bari, halkii laga rabay in cabirkeedu maro Koonfur Bari.

Sidoo kale Kenya doodeeda waxay ku dhisaysaa in kordhinta aaga ganacsiga ee cusub uu marayo xuduud aan laga heshiin, aag lagu muran sanyahay. Hadda su'aashu waxay tahay goormaa labada dal u dhexeeyey dhul-badeed lagu muransanyahay ama goormaa Soomaaliya iyo Kenya xuduuda baddeeda isa soo galaysay, maxayse kordhintii hore ee aaga ganacsiga 10kii December 1982 markii laga dhigayey (200nm) Murankan ujiri waayey ama xuduudu isu soo gali waysay? Su'aalahan iyo kuwa kelaba gadaal ayaan ka faah faahin doonaa, ee marka hore aan milicsano heshiiskan yaa Kenya ka caawiyey ama yaa ka qayb qaatay?.

Yaa kaqaybqaatay gudbinta Xogta ee Kenya.

Xogta gudbinteeda waxaa Kenya ka caawiyey laba xubnood aad u culculus kana soo jeeda Dalka Norway iyo Jarmalka. Kenya waxay si rasmi ah warbixinteeda ku caddaysay in xogtaan gudbinteeda ay ka qayb qaateen Mr. Harald Brekke (oo ah reer Norway), islamarkaasna laga soo bilaabo 1997 ilaa hadda waxa uu xubin ka yahay guddiga go'aanka ka gaari doona xadaynta badaha adduunka. Waxa kale oo Kenya ka caawiyey gudbinta aakhbaartaas Dr. Karl Hinz, oo ah Jarmal, xubina ka ahaan jiray guddiga xadaynta badaha intii u dhaxaysay 1997-2002.


Xafladda saxiixa oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda (Kenya ee Nairobi) waxaa dadkii goob joogga ka ahaa ka mid ahaa Amb. Longve Hans Wilhelm oo ah lataliyaha gaarka ah ee Norway wasaaradeeda Arrimaha Dibadda iyo Ms. Rina Kristmoen oo ka socotay Safaaradda Norway ee Nairobi.  Sidoo kale waxaa goobta joogay Mr. Thuita Mwangi oo ah Xoghaynta Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya, Amb. Ben Ogutu oo ah Agaasimaha arrimaha siyaasadda iyo Mr. James Kihwaga oo ah Madaxa Qaybta Shaqrica (Qaanuunka) Kenya.
Dhegeyso Mid kamid ah goobjoogayaashii saxiixa oo  Reer Norway oo ka hadlaya Heshiiska
(Waraysi VOA, April 29, 2009)


Labadaan xubnood ee Kenya caawiyey waa xubno aqoon u leh xadaynta baddaha, taas oo Kenya u sahlaysa inay xogteeda si fudud ugu gudbisato QM. Mr. Harald Brekke wuxuu xubin ka yahay gudiga go'aanka ka gaaraya xogaha lasoo gudbiyo, taasoo markale Kenya u sahlaysa in xogteeda si sahlan loo meel mariyo, maadaama uu la diyaariyey Mr. Harald Brekke oo kmid ah gudiga ansixinaya. Waxaa xusid mudan Mr. Harald Brekke uu magaciisu ku xusanyahay xogta Soomaaliya gudbisatay isagoo ugu qoran inuu ka caawiyey. Sidoo kale waxaa xusid mudan in xubno ka socday Norway iyo shirka Shidaalka baara oo Norway laga leeyahay ay heshiiska goob joog ka ahaayeen ama ka qayb qaateen arrimahan.

Hadaba waxaa is waydiin leh: Maxaa Norway arintan lug wayn ugu leedahay? Macada sababta keentay inay Norway arintan kaalin firfircoon ka ciyaarto, waxaase muuqata laba-canlayn (ama waxa loo yaqaan conflict of interest) ama dano gaara oo ay leedahay Norway oo qarsoon. Waxaase latuhun sanyahay in Norway ay Kenya heshiis sahamin kula gashay in aagaas ay Soomaaliya ku qabsatay hadii ay hesho ay shidaal kabaari doonto iyo wixii kale ee khayraad ah ee kujira. Sidoo kale heshiiska waxaa Kenya ka caawiyey  Dr. Karl Hinz oo ah Jarmal kana mid ahaa mudo lix sano ah gudiga xadaynta baddaha, Karl laba ariomood ayuu Kenya u faa'idaynayaa a) Isagoo katirsanaa gudiga xadaynta xuduudaha badda QM gudiga u qaabilsan arintaas ay tixgalin doonaan talooyinkiisa ama qoraalada magaciisu lasocdo. b) isagoo khibrad u leh arimaha xadaynta baddada iyo Muran baddeedka taasoo Kenya doodeeda garwadeen fiican u noqonaysa.

Waxa kale oo Kenya sheegtay in ay xogta diyaarinteeda ka caawiyeen Xoghaynta guud ee Barwaaqa-Sooranka Commonwealth ee London, Barnaamijka UNEP/GRID-Arendal oo hoostagabarnaamijka UNEP ee Qalfoofka iyo Qarammada Midoobay qaybta u qaabilsan Badaha iyo Sharciga. Halkana waxaan arkaynaa laba qaybood oo ka caawiyey Kenya Arinteeda Commonwealth-ga iyo Hayada QM u qaabilsan Deegaanka.

Kenya waxa kale oo ay sheegtay in akhbaarta ay gudbisay ay sidoo kale ka qayb qaateen: Xafiiska Madaxeynaha Kenya, Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Xafiiska Sharciga, Wasaaradda Deegaanka iyo Khayraadka Macdanta, Wasaaradda Waxbarashada, Sayniska iyo farsamada Casriga ah, Wasaaradda Dhulka, Hay'adda Kenya u qaabisan Batroolka, Wasaaradda Tamarta iyo Jaamacadda Nairobi. Hadaba akhristow laba goor akhir muhiimada ay Kenya siisay sidii ay xogteeda u gudbisan lahayd iyo sidii ay Soomaaliya dhul-badeedkeeda u boobi lahayd waxaa isugu tagay shan wasaaradood, xafiiska Madaxwaynaha, xafiiska Sharciga iyo Jaamacada Nairobi, waxaa la oran karaa waa kala bar Dowlada Kenya, waxay natusinaysaa arintani inaysan ahayn howl sahlan Dowlada Kenya waxay saartay culays wayn, waxayna ku bixisay kharash badan. Sidoo kale waxaad maanka ku haysaa in Kenya arintan ay kasoo shaqaynaysay labaatan sano (20 sano) oo kasoo bilaabanaysa xiligii QM dalbatay in lasoo gudbiyo xogta Qalfoofka Qaaradaha, iyo sanooyinkii dambe oo ay aad xoog u saartay. Kenya waxay si bareer ah ugu tafa xaydatay inay xeelad ku qaadato badda Soomaaliya, iyadoo horay ugu haysatay dhul iyo badd Soomaaliya leedahay oo Ingiriiskii xoog ugu gooyey.

Inkiraadda DFKM

Dowlada shanta bilood jirta, waxay geed gaaban iyo mid dheer u fuushay siday u inkiri lahayd xaqiiqo sida qoraxda ah, markii hore waxay tiri arinta xuduud bad kuma saabsana, markii xigay waxay yiraahdeen waa qasab inaan heshiiskaan saxiixno si Qaramadda midoobay xogtaya u aqbalaan, waxay kaloo yiraahdeen waxaa dhacaya sharcigii badda oo aan cusboonaysiinaynaa, sidoo kale waxay sheegeen in waqti kooban khuburo u sharxeen arinta oo u faah faahiyeen. Waxaan dhamaan ka dharagsanahay in arimahaas oo dhan ay yihiin dood jaban, kuna dhisan is difaacid indha la'aan ah. Waa inoo cadahay in arinta la isku afgartay ama heshiisku kusaabsanaa ay tahay xuduuda badda, waxaa kaloo noocad in aysan shardi ahayn in isfaham lagalo, arintaasna waxaan kusoo cadaynay qoraaladii hore in Yemen iyo Jabuuti gudbisadeen ama gudbisanayaan iyagoo waxba nala saxiixan. Sidoo kale waxaa kaloo noo cad in sharci dhacayaa uusan jirin ee kaliya loo baahnaa inaan gudbino xogta baddeena wixii ka fog (200nm) si looga dhigo (350nm). Waxaa iyana masuuliyad dara ah iyo dayicid Hanti Qaran in dhowr maalmood gudahood arin noocaas ah lagu saxiixo ama dowlad sadex bilood jirtay arin intaa leeg ku tilaabsato. Hadaan bar bardhigo inta ay ku qaadatay Kenya oo badda Soomaaliya doonaysa in goosato arintan xooga iyo maskaxda ay isugu gaysan waxaa noosoo baxaya xisaabta meesha ay ka khaldan tahay, waxaa isugu tagay todobo wasaaradood iyo khuburo caalami ah iyo labaatan sano waqti ku dhow. Dhinaca DFKM sadex bilood iyo hal wasaarad.

Madaxwaynaha iyo Raysulwasaaraha oo saxaafadu waydiisay heshiiskan marar kala duwan iyo meelo kala duwan, waxay ku jawaabayeen jawaabo isku mid ah labadooduba waxay sadex goor ku celiyeen hal taako oo dhul ah ma bixinayno! iyo hadaladaan kor kusoo aragnay ama kuxusan bogga difaaca badda Soomaaliya. Hadalkaas waxaa lagu qaldayaa mushtamaca Soomaaliyeed. Raysal wasaaruhu wuxuu gacantiisa ku gudbiyey  qoraal uu u gudbiyey QM oo ku ogolaanayo in Xuduuda badda ee Kenya iyo Soomaaliya muran ku jiro, wuxuu ogolaaday in badda Soomaaliya ay Kenya muran galaso si ay hadhow ugu dooddo in ay qabsato, qoraalka xeerkiisuna wuxuu ahaa sidan; XRW/0065/06/09 Muqdisho 8dii April 2009. Hadaba su'aashu waxay tahay bixinta u hartay maxaytahay? Waxaan leenahay hadaan Dowladu si dhakhsa ah heshiiskaas u jabin ama baarlamaanku diidin, waxaad bixiseen (116,000km2) oo dhul badeed Soomaaliyeed ah.

Wasiirkii saxiixay heshiiska oo qiray in Kenaya Baddeena kusoo xadgudubtay, hadal wasiirku idaacadaha kasiidaayey April 28, 2009 ayaa sidaan ahaa "iyo qayb ay kusoo xad gudubtay dawladda Kenya." Hadaba su'aashu waxay tahay wasiirka isagoo og in Kenya Badda Soomaaliyeed kusoo xadgudubtay ayuu u saxiixay heshiiskii muran badeed, ogolaadayna in badiisa lagu qabsado, muxuu hada kujawaabayaa haday Kenya shaacisay inay cabiratay (116,000 sq.km) Kenyana ay sheegtay inay Soomaaliya raali ka tahay in Kenya badd ay leedahay Soomaaliya la jirto oo ay kasoo ceshanayso. Waqtigii inkiraada ee Dowlada waa soo afjarmay, waxaa lagudboon inay xaqiiqada ku dhaqmaan, kuna qancaan inuu fashilmay hindisahoodii qarsoonaa.

Heshiiskii Is af-garad

Kenya ayaa maanta u markhaati furtay aqoonyahanka Soomaaliyeed ee ka digayey heshiiskan kuna tilmaamay mid hagar daamo ah ama lagu jilaafeeyey DFKM. Kenya  qoraalkeeda ayaa waxay si qeexan u sheegatay sidan: "Labada dal (Soomaaliya iyo Kenya) waxay kala saxiixdeen Qoraal is-afgarad (Memorundum of Understanding markay taariikhdu ahayd 7dii April 2009 kaas oo u ogolaanaya dal kasta diidmo la'aan (no-objection) ka imaanaysa kan kale in uu xogta cabbirka xadka baddiisa wixii ka shisheeya qalfoofka badda u gudbisan karo Guddiga Xadaynta Badaha ee Qarammada Midoobay. Waxaa xusid mudan in Kenya xogtii ay gudbisay aanay kulifaaqin MOU heshiiskii isfaham, halka Raysul wasaare Cumar C/rashiid uu ku lifaaqay heshiiskii ay Kenya siday rabtay u qoray ee Soomaaliyana dhan ka ah.

Nuxurka heshiiska ayaa ah in Dowlada Soomaaliya leedahay diidmo la'aan ayaan u ogolahay Kenya dhul-badeedka Soomaaliyeed ee ay sheegaynayso inaan kala garramo. Taasoo furaysa daaqad aan horay u furay oo ah (in Kenya ay gudbisato cabir cusub oo qeexaya badda Kenya ee cusub marka lagu daro 116,000sq.km) hadii kale Kenya way ku adkaan lahayd in doodaas ay bilowdo hadaan Dowlada Soomaaliya ee Shanta bilood jirta heshiis u saxiixin. Waxaad kaloo xasuusataa gudiga xadaynta baddaha ee xogta loo gudbiyey kana garniqi doona waxaa ka mid ah Mr. Harald Brekke oo uusan cadayn booskiisa uu arintan kaciyaarayo.


Khariidada Kenya u gudbisay QM, May 6, 2009

Kaalinta Baarlamaanka iyo Xaaladan Qaraar

Soomaaliya xiligan waxay leedahay Baarlamaan tiro badan (550 xubnood), sida Dowlada oo kalena cusub kuna yimid xal raadin, dadbadana ay kamuujinayaan walaac badan sida ay suura gal ugu tahay xaaladaha faraha badan ee haysta in waxyaabo badan uu fuliyo, dhinaca kalena dad badan ayaa qaba rajo ah in maanta Soomaali baddeeda u baxsan doonto Baarlamaanka oo heshiiskaas buruin doono. Si kastaba xaalku ha ahaadee waxaa hubaal ah sharciyan in Baarlamaanku leeyahay awoodii sharci ee uu ku diidi lahaa heshiiskan iyo kuwa lamidka ah. Waxaa muuqta mar hore inbadan oo kamid ah Baarlamaanka inay ka hadleen heshiiskan oo diideen, waxaa la filayey in baarlamaanka heshiiskan la hor keeno, dib ayaana loo dhigay sabab rasmi ah oo cad iyadoon laga bixin, hadalo is khilaafsana kasoo baxayaan masuuliyiinta Dowlada iyo Baarlamaanka, sida; Ammaan daraadiis iyo Farsamo daraadeed.

Ummadda Soomaaliyeed waxay Baarlmaankaan kadalbanaysaa inay muujiyaan wadaniyad, Soomaalinimo, Muslinimo iyo masuuliyad heshiiskana ka dhigaan waxba kama jiraan (NULL and VOID), arintaas oo taariikhadana u gali doonta, sababna u noqonaysa in markii lagaaro doorosho xaq ah cod lasiiyo. Hadii Baarlamaanku gacan bidaxeeyo arintan waxay la taariikh noqon doonaan kuwoo Itoobiyaanka Caasimada Keenay.

 Walaaca iyo welwelka Aqoonyahanka iyo Shacabka Soomaaliyeed waa gar

Cilmi baaristii SomaliTalk.com kadib waxaa aad ugu kuur galay arinta la xiriirta badda iyo sheegashada Kenya ee badda Soomaaliyeed, aqoon yahan Soomaaliyeed oo kala duwan isuguna jira Qareeno sharciyada badda yaqaan, Professoro Juquraafiga ku takhasusay, Injineero Cilmiyo badan oo kala duwan bartay iyo khariidadaha, Culimo Awdiin diiniyan uga hadlay iyo Saxaafada oo waqti badan galisay sidii ay si sahlan ugu sharixi lahayd. Dhamaantood waxay isku raaceen in Dowladu khaldantahay heshiiskana lagu jilaafaynayo ayna noqon karto haday khalad kaas ku adkaystaan mid cawaaqib xumo ku reeba ummada Soomaaliyeed waqti dheerna qaata, dhaxal aan la mahadina uga taga Jiilasha soo koraya. Walaacii uu muujinayey aqoonyahan ka Soomaaliyeed waxaa u markhaati furay xogta ay maanta Kenya soo gudbisay oo ay ku caday inay ka goosatay badda Soomaaliyeed (116,000km2) wadadii ay ku qaadan lahaydna ay u salaxan tahay.

Baaqa kasoo yeerayaa Aqoonyahanka iyo Shacabka ayaa nuxurkiisu yahay heshiiska Dowladu hajabiso khasaare ayaa kujira'e, hadii la waayo Baarlamaanku ha jabiyo, Soomaaliyana hada yaan loo horseedin colaad hor leh oo aysan kabixi karin. Ummadda Soomaaliyeed waxay cod dheer ku celcelinaysaa Heshiiska halaga baxo waa hagardaamo'e, Soomaaliyana ha ku mashquusho sidii Dowlad rasmi ah loo heli lahaa.

Ugu Danbayntii Ummada Soomaaliyeed meelay joogaanba waa inay difaacaan Qaranimadooda, Xoriyadooda iyo Baddooda. Dhamaan waa in la isu taagaa sidii heshiiskaas loo burin lahaa baarlamaankana loogu qasbi lahaa inay heshiiskaas tuuraan. Sidoo kale ummadda Soomaaliyeed dhamaanteed waxay ma'suul kayihiin Difaaca Dalkooda, Dadkooda iyo Diintooda.

SomaliTalk waxay u mahad celinaysaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ka qaybqaadanaysa difaaca Baddooda, gaar ahaan Saxaafada Soomaalida oo xil iska saartay inay si wanaagsan u faafiyaan qoraalada la xiriirada difaaca badda. Markale waxaan saxaafada Soomaalida ka codsanaynaa inay nala difaacaan badda Soomaaliya qoraalkan iyo kuwa kale ee muhiimka ahna sii faafiyaan.

Waxaan kaloo ogaysiinaynaa ummadda Soomaaliyeed inaan soo daabici doono Heshiiskii Is-afgarad ee Caruusha, cidii saxiixday, madaxdii xiligaas iyo hadaladoodii, baarlamaankii xiligaas muxuu sameeyey, dowladahee ayaa ka qayb qaatay? maxaan ka faa'iidnay? maxaan ku waynay? iyo is bar bardhig aan is barbar dhigi doono insha allaah Heshiiskii is af-garad MOU ee CARUUSHA iyo Heshiiskii is af-garad MOU ee Nairobi. Fadlan u tooghay waa faallo muhiim ah.

  • FG: Bedka badda ee 116,000 sq.km si aan u xisaabino waxaan u adeegsanayey xeerka saddex-xagalka ee "Archimedes" iyo xeerka loolka iyo dhigaha ee 'Haversine' iyo cabbirka Kenya u gudbisay QM... (eeg halkan).
  • FG: Cabbirka 116,000 km2 waxa uu ku salaysan yahay halkii uu mari lahaa cabbirka haddii la raaco xeerka badaha adduunka iyo xeerkii u dhignaa dawladdii Soomaaliya, isla markaasna khadkii xadku ku socdey sidii uu u socday loo sii wado ilaa meel xeebta ka durugsan 350 mayl badeed jihada Koonfur-Bari.

FG: Axdiyadii Soomaaliya ee ugu horeeyey marka ay ka hadlayaan dhulka Soomaaliya waxaa ku qornaa: "Dhulka Qaranka: Dhulka Qaranku waa muqadas, waana laguma xadgudbaan.  Gobannimada dhulka waxay koobeysaa berriga, jasiiradaha, biyaha gobolleed, dhulka uurkiisa hoose, hawada sare iyo xeebalayda" sidaas waxaa dhigaya axdigii ugu horeeyey ee Soomaalida." Axdigii Soomaalida loogu soo sameeyey Kenya marka uu ka hadlayo dhulka Soomaaliya waxa uu u qoran yahay sidan: "Dhulka: Wadajirka dhuleed iyo siyaaddada Jamhuuriyadda Soomaaliya waa laguma xadgudbaan, lamana qaybin karo.. Siyaaddada dhulka ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed waxay ka kooban tahay dhulka, jasiiradaha, dhul-badeedka, gunta dhulka, hawada sare iyo goobta ay qaaradda kaga taal."

FG: Muhiimadda aagga dhul-badeedka ku aadan RaasKambooni: Waxaa aaggaas badda lagu tuhunsanyahay ceel uu ku jiro batrool. Sidoo kale Kenya waxay qorshaynaysaa in webiga Tana River ay qaar kamid ah ka kirayso dawladda Qatar, taas bedelkeeda magaalada Lamu looga dhiso deked weyn.. Arrimahaas waxay kuu muujinayaan muhiimadda aagga badda Soomaaliyeed ee hadda muranka la galiyay.. (Tixraac Halkan).

Xogta Kenya u gudbisay QM: Halkan ka eeg: | English | KEN-ES-DOC-MAP 1 | KEN-ES-DOC-MAP 2

______________________
Jawaab celin, Talo soojeedin iyo Faah faahin intaa dheer, fadlan lasoo xiriir:

www.Somalitalk.com | Eng. Maxamed Cali | iyo | Xasan Dhooye | webmaster@somalitalk.com ama somalitalk@gmail.com | Waqooyiga Ameerika.

Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2009

BAARID | SEARCH


shariifSheikh Shariif oo Noqday Madaxwaynihii ugu horeeyay Taariikhda Soomaalida oo Khilaaf Galiyay Badda Soomaaliyeed...
"....baddana waxaa waaye KHILAAF ayaa ka jira" - waraysi cod ah oo laga duubay... Akhri..
 

Xildhibaan Maxamuud Axmed Tarsan iyo Afhayeenka Ahlu suna wal jameeca ee Yurub oo difaacay Badda Soomaaliya
Dawladii C/laahi Yusuf waa diidey in ay saxiixdo
 

craxamnWasiirkii Heshiiska u Saxiixay Kenya oo Qiray in "Dawladda Kenya Kusoo Xad Gudubtay Qayb Kamida Badda Soomaaliyeed"...
C/raxmaan C/shakuur waxa uu intaas ku daray in heshiiska la horgayndoono Baarlamaanka Akhri

Warbixin: - Heshiiska Badda: - Yuu Dan u yahay?! Khatarta ka imaan karta, & Sidee looga Hortagi karaa?!!!

shariiffarooleAragtida Shariifka iyo Faroole ee Heshiiska is Afgarad ee Kenya Lala Galay
Sh. Shariif: kuwa ka soo horjeeda heshiiskan haba yaraatee ma aysan akhrin ----- Dr. Faroole:  Cidna xaq uma leh in qayb kamida dalka Soomaaliyeed cid kale heshiis lagula geli karo... Akhri..

Axmed Walad Cabdalla oo la weydiiyey waxa uu ka ogyahay heshiiska Is-afgarad ee badda ee Somalia iyo Kenya
iyo Kenya oo Markale ka hadashay Heshiiska is-Afgarad ee ay la gashay DFKMG.. Akhri...

"Burcadda Qalinka: Norway, UN, iyo Kenya oo Qorshaha Xuquuqda Shidaal Qodista ka wada Xeebta Soomaaliya"
"Qarammada Midoobay waxay ka qayb qaadanaysaa Norway iyo Kenya gacan ku dhigidooda xuquuqda shidaal qodista ee badda Soomaaliya" InnerCityPress..


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: