Bismilaahi Raxmaani Raxiim
Naxariis iyo Nabad galyo Nabi Mohamed Korkiisa ha ahaato
Intaas ka dib
Cajiib badanaa subax dhaweyd ayaa
sidii caadada ii ahayd markii laga soo baxay salaada subax ayaan
fariistay Computer kayga mase nin Xariiro la yiraahdo ayaa Afka
qaylo ku shubtay oo maradii ka dhacday, nin kaas maqaal Ayuu ku
qoray website yada somalida, maqaal kaas oo uu u Bixiyey ama cinwaan
ka dhigtay HASSAN DAAHIR AWAYS OO ILAAHNIMO SHEEGTAY, [Daahir
Caweys oo ILAAHNIMO
Sheegatay, waa sida uu hadalka u dhigay'e] - waxaan
halkaas ugu xiriiriyey in aad ila aragtaan waxaan rabo in aan
raadiyo ama nagdiyo sababtoo ah haddii aad rabto in aad qof saxdo
ama khalad kiisa sheegto waxaa khasab ah sida eedaabtu ku jirto in
la helo Waxii aad ku haysato ama waxii aad rabto in aad wax ka
tiraahdo si loo fahmo adiga iyo qofka aad ka hadlayso waxaad isku
haysaan laakiin waxaa ayaan daro iyo nasiib xumo ah Xariiro arintaan
kufriga keenaysa in uu san xaqiiqo u keenin oo uu yiri aljaziiro
ayuu ka hadlay maalin laakiin wax copy ah qoraal ama cod ma soo ban
dhigin:
- waa miisaan ka uu saarayna waa
gaalnimo oo fir coon ayuu la siman
- cadaaladii ayuu ka tagay oo in
uu soo ban dhigo ayey ahayd qoraal iyo cod waxuu ka hayo
- sida asaguba qoraal kiisa uu
ku sheegay waa uu xanaaqsanaa
Haddii aan maqaal kayga iyo qoraal
kaga u soo laabto ciwaan kiisa "ABDIRAXMAN XARIIRO OO MARAY WADADII
SHAAFICI !!! "
Maqaalkayga ciwaan kiisa bal wax
yar aan isku taago :
Xariiro waa nin ka aan ka hadli
doono oo aan si cilmiyeysan aan ku radin doono, laakiin waxaa laga
yaabaa in ay dad ku is weydiiyaan Shaafici Hassan waa kuma ? haddii
aad akhristow ama qoraayow aad tahay mid wax akhriya haafici waxuu
qoray Maqaal la yiraahdo WADAADADU MA DAD BAA MASE WAA DIIN !! ??
waxaan filayaa in ay ahayd masalo dad badan ku wareereen oo
falylisuufigaas shaafici ee cilmi nafsiga bartay uu isku dayey in uu
dad ka xariiro oo kala in uu wareersho laakiin allah nin ayuu ku soo
saaray la yiraahdo Abdiwahid khaliif oo jawaab aan is leeyahay waa
ku haboon tahay siiyey halkaan ma qaal ka ka fiiri
http://www.somaliatalk.com/2003/sept/cw290903.html
laakiin Abdiwahid ayaa sharxay waa dad diinta allah xambaarsan dad
iyo diin labada waa yihiin sida aanan diinta iyo dowladda loo kala
qaadin ama su,aashii Abdiwahid oo ahayd doctor ku ma daawaa mase waa
doctor hadii daawada wax laga sheego oo la yiraahdo daawadu waa
khaldantay oo cudur kaan aad qabto looma cuno ama waa dhacday yaa
wax laga sheegay doctor ka ayaa wax laga sheegay hadii aad culumada
aad wax ka sheegtana allah iyo diintiisa ayaad wax ka sheegay ama
tusaale kale hadii aan ku siiyo niman kii munaafiqiinta ahaa ee
saxaabada nabiga swc yiri waa niman cir weyn oo caloola waaweyn oo
fulayaala allah ayaa ka jawaabay oo yiri allah iyo ayaad kiisa
miyaad ku cayaaraysaan cadaabna waa loo yaboohay marabo in aan ku
sii fogaado ama aan dib idinkugu celiyo 2003 gii waxaana aamisanahay
in ay jawaabtii Abdiwahid ku filan tahay .
QAAB KAA OGA JAWAABAYO MAQAAL KA
XARIIRO
Xariiro in kastoo aadan soo
bandhigin arinta aad Hassan ka sheegtay in uu ilaahnimo sheegtay
sida qoraal kaaga ku cad ama qoraal midna laakiin aljazeera ayaad
sheegtay in uu hadalka ka sheegay dabcan hadal kiisa ama erayada aad
ku dhagan tahay oo kama ah waxuu yiri naxnu nakhlukh insaan oo
macnaheedu yahay dad ayaan abuuraynaa. Iyo kalmada ah gabadhiisa
ayuu i siin lahaa laakiin. Tan gaal nimada aad ku sheegay ayaa
muhiima ayaad moodaa in aan ka hadlo walow aadan keenin wax cad
qoraal ama cod oo aad xukun ka adigu riday kuna xukun tay rido ama
gaal nimo waxaadna la sintay fircoon masalada in qof
lagaalaysiiyaana waxaa laga sheegay iyo waxaa lalahaa cid na laguma
gaalaysiin karo qarniyadaana hade dowladaha horray u maray waa ku
dhiiran la yihiin in ay ilaah nimo sheegtaan laakiin adigu koley nin
eraygaan ku dhagan ayaad tahay una malayn mayo inta aan luuqada
carabiga aan ka bartay in aad ka taqaanid.
Sharaxaxaadda Erayga Naxnu Nakhlukh Insaan
Macnahu waa Dad ayaan abuuraynaa laakiin waxaa laga wadaa
dad ayaan Tarbiyadooda iyo akhlaakhdooda iyo dad nimadooda soo
saaraynaa, xariiro laftigiisu macnahaas waa sheegay aan amaantu
cilmiya aan u sheegee waxuuna yiri xariiro waxaa laga yaabaa
in uu is lahaa sh. Hassan aways dheh Naxnu Narabi ajyal ) intaas waa
hadalkii xariiri laakiin xariiriyow erayga khalqiga ah ama qaaliqa
iyo erayga aad ficilka ka dhigtay ee Rabi maxay ku kala duwan yihiin
?? waxaan u malaynayaa haddii aad garanaysid in Aadan Hassan
qabsateen.
(1) Horta adiga oo fahmay sheekhu meesha uu wax ku u wado oo
wali sheegay sida uu hadalka u rabo ayaad inta hadal kii af
mariijisay oo jeegada qabatay ayaad xukun soo saartay ah in uu
gaaloobay sharuudaha takfiirinta ama gaalaysiinta qof muslim ahaana
waxaa ka mid ahaa in wax cududaar ah loo waayo laakiin adiga oo u
haya oo qoraal kaaga ku dhex sheegay in uu sida uu rabay ayaad
hadana ku dhawaaqday Hassan ilaahnimo ayuu sheegtay ilaahnimo
sheegashaduna waa galnimo ?
(2) Ma og tahay erayga aad ku
haysato ee khaaliq iyo erayga aad
leedahay muu isticmaalo ee ah Rabi in ay isku Mid yihiin ogow haddii
ay isku macno noqdaana adiguna kama baxsan doontid meesha aad u
riixayso Hassan. Laba tusaale ayaan ku siinayaa - 1: Allah waa kan
dhulka iyo circa abuuray "khalaqa samaawaati wal ardi" kalmada khalaqa
ayaa la adeegsaday markii dad ka laga hadlayeyna waxaa la yiri "Rabi
Naas" oo macnaheedu yahay Allaha dadka abuuray, marka maxay ku kala
gadisan yihiin xariiri khalaqa dhulka iyo cirka allaha abuuray iyo
allaha dad ka abuuray, hadaba waa isku macne marka hore oo halkaas
adiguna rabi hala adeegsado ayaad tiri adiga iyo hassana waad saxan
Tihiin oo labada erayba waa la adeegsan karaa gaalnimana ma
sheegayso labada erayna allah labadaba qur,aan ka ayuu ku sheegay
marka waxaa la dhahaa oo culumadu adeegsadaan Qaacido caam ah oo
Macruufa IDAJTAMACAA IF TARAQAA WA ITAFTARAQAA IJTAMACAA hadii ay
kulmaan macno aan waa kala tagaan haddii ay kala tagaan macno ahaan
waa isku soo laabtaan tusaalaan ku siinayaa :
(1) Qul Acuudi Birabi Naas oo macnaheedu yahay Waxaad dhahdaa allah
ayaa magan galayaa rabiga dad ka abuuray
(2) Nabiga waxaa ka sugan Laa yu,um Rabul Mansil lama Tujiyo nin ka
gurigiisa ama xafiis kiisa haddii aad ugu timaado lama tujiyo waa in
uu asagu kuu idmo oo yiraahdo walaal salaada naga saar mooye waa
meelaha islaamku digtaatooriya kula dagaalamo nin gurigiisa inta ugu
timaado istawuu ma dhihi kartid laakiin anigu macnaha aan ka wato
aan sheego marka bal u fiirso Rabi naas iyo rabul mansil maxay ku
kala gadisan yihiin labada erayba waa rabi haddii xariiri joogi
lahaa xiligii nabiga mala waxuu dhihi lahaa nabiyow erayga rabi ha
is ticmaalin ee dheh Laa yu,um Rajul fii bay tihi, xariiri
sacuudigana waa joogtaa naxwaha iyo sarfiga iyo balaaqadaan kuma
fiicnid, waxaa fiicnaan lahayd in aan isku meel joogno oo aan
masaajidka abubakar sadiiq kaa radiyo oo ilaa sadex muxaadaro aan
kaa galo.
(3) Waxaa kaloo qur,aan ka ku sugan qisadii Nabi yusuf swc markii uu
riyada fasiray ayuu yusuf yiri ku laabo rabigaaga oo weydii waxay
sameeyeen naagihii kooxda ahaa ee gacmahooda jaray, erayga rabi marakanna waxaa loo is ticmaalayaa boqor nin madax ah, marka xariiriyow
erayga ee hassan aad leedahay ha is ticmaalo ee rabi ah oo aad tiri
waxaa la rabay in ii yiraah Nahnu Nurabi Insaan meesha uu ka yiri
Naxnu Nakhlukh insaan maxay ku kala gadisan yihiin allah ayaan idin
ku dhaarshaye waxuu ka cararo ayaan idin sheegayaa xariiro erayga
khaalikh waxuuna rabaa in laqaato erayga rabi waana isku mid asaga
iyo Hassan sidaan horay u sheegnay waa saxan yihiin erayguna hadba
meesha la dhigo ayaa macnihiisu aadaa marka xariiro gaalnimada
xaggee ka keentay.
(4) Haddii lagu yiraahdo dad ku ma dhalaan mase wax bay abuuraan ?
maxaad oran lahayd xariiriyow anigu waxaan oran lahaa dad ku waa
dhalaan laakiin hadana ilmaha akhlaakhdooda iyo dad nimadooda ayaga
ayaa qayb weyn ka qaata oo waa tuu nabigu lagaa qof kasta islaan
nimo ayuu ku dhashay ee hooyadiis iyo aabbihis ayaa ka dhiga Yahuud
ama Nasaaro ama Muslim see oga dhigaan ?? Xariiri aan kuu sheegee
sida Hassan oo kale ayey akhlaakhda wanaagsan iyo wadada saxdaa ku
ridaan macno saxa oo la fahmi karo ayuu imaanayaa erayga Hassan oo
ah Ummad ayaan soo saaraynaa.
(5) Haddii Xariiriyow Laa ilaahay illa laahu Mohamed Rasuululaah la
kala gooyo oo la soo qaato
Laa ilaahay oo kaliya maxaa soo baxaya ?? waxaa soo baxaya kufri iyo
ilxaad laakiin haddii la raaciyo ila laahu Mohamed rasuululaah
waxaa soo baxaya Towxiid iyo Macno la fahmi karo, waxaan ku leeyahay
hadalka Sh Hassan Markii horaad kala goysay meel loo raacana ma
lahan waxaa laga yaabaa ilaa hadba waxaad tiri waxaa laga yaabaa
lacala tuqaabilu lacala Marka waxaa lagayaabaa in uu yiri sh Hassan
dad ka akhlaakhdooda iyo caqiidada salafka iyo hilinka toosan ayaan
ku ha gaajinaynaa siday saxaabaduba u oran jiraan waxaan ahaan
jirnay dad qabiil isku laaya oo dhagax caabudo oo gabdhahooda aasa
waa suurta gal in uu ka hadlayey mushtamaca wanaagsan si loo helo
laakiin waa nasiib daro mushtamacii wanaagsanaa in aad adigu toosh
ku ifiso kuna sheegti sida qoraal kaaga ku cad "Argagixiso" caalamiya,
runtii waa ayaan daro in aad joogto meeshii nuurka adduunka iyo
towxiidku ka yimid Sacuudi Arabia hadana aragtidaada sidaas noqoto,
kulama yaabeen haddii aad wadamada reer galbeed joogi lahayd.
LUUQADA ARABIGA
Khalaqa waxaa la dhahaa awjada ama ansha,a macno qadara waa la
dhahaa sida qawaacida carabiga nahwo ama balaaqo ama sarfi qalaqa
masdar fii maxali nasba faah faahin dheeraada ka fiiri kitaabka
sharxo caqiidatu al daxaawi ee xadiith ta sh albaani takhriijiyey
bogga 141 fiiri mar kii macnaynayo kalmada qalaga qalqa bi cilmihi
baab kaas
Rabi Macna rabuubiya walaa marbuub allah rabi weeye ayaad oo aysan
jirinin cid rabi loo noqdo ayuu rabi ahaa Markii macnahaas fasiraya
asaga oo waliba baab kaas daba dhigay eraygii khaalikh waxuu kitaab
ka caqiidatu daxaawi sharaxiisa Ibnu abu cisi al xanafi ku macneeyey
kalmada Rabi mowsuufun waxuu ku sifaysan yahay Rabi qabla An yuujad
Marbuub Rabi waxuu Rabi ahaa ayada oo cid rabi loo noqdo aysan jirin
waa tan meesha aan ka daliishanayo waxuu yiri waxuu ku sifaysan
yahay ama ku til maaman yahay in uu yahay khaalikh soo uma jeedi
farqi weyn in uusan u dhaxaynin Rabi iyo qaaliq adna waxaad tiri
midna waad ku gaalaysiisay midna saan ayuu rabay in uu dhaho sidaan
ayaa san ayaad isla soo taagtay ka fiiri Caqiidatu Daxaawi sharxiisa
bogga 136 sa daqiiqa ayuu u sii sharxaya bal akhriya
Xariiriyow Is dhiib oo toobad keen
Somali haddii aan nahay culumo iyo caamo dhib gooniya ayaa nahaysta
iska dhiibno marka xaqqa nala ka hayo uma qabno in ay naga hoos bixi
karto xataa haddii uu shiikh aad masalo isku qabataan waa ka
xishoonayaa in uu is dhiibo waan soo baarayaa ayuu ku leeyahay
haddii uu soo baaranaya cadaalada ayuu garab marayaa oo nas kasta oo
ku taageersan hoos uma fiirinayee waa ka gudbayaa haddii uu arko wax
raacsanaya khad ayuu ku madoobaynayaa far waa weyn iyo qalin cas
ayuu ku soo qorayaa waa takbiir sanayaa allahu akbar ayuu leeyahay
qof walbow isku day saddex wax yaalood in aad wax akhriso in aad is
dhiibto haddii lagaa hayo anbiyadii ayaa la sixi jiray iyo in waxada
qoraysid ka fiirsato gaar ahaan haddii aad shakhsi rabto in aad wax
ka sheegto soo qor waxuu yiri soo gudbi haddii uu cod yahay
khaasatan haddii sida xariiri oo kale aad rabto in aad diinta xuja
la,aan dad ka oga saarto xariiriyow maantay waa adduun ka faaidaysto
fursadaan qaaligaa
Xukunka Xariiro Maxuu Noqon Muslim iyo Gaal
Waxaan taas oga tagayaa aqoon weyn uma lihi xariiro, Shiikh na ma
ahi, walow faniga carabiga gaar ahaan luuqo Safaaxo luuqada
saxaafadda iyo culuumta diinigaa aan ku fiicnaadee khadiib north
America min barada ka is taago ii daa anigu xukun kaaga culumada
ayaan u daayey rag baanse jeclaan lahaa in ay wax kaa dhahaan, gaar
ahaan qorayaasha ah aqoonta leh, waxaan ka
rajaynayaa in ay adiga iyo intii ku soo raacda si weyn loo redin
doono Haddii iidan is dhiibin.
Ustaad Abdiwali Bashir Dalboon
North America Minneapolis
cdalboon@hotmail.com |
abdiwali@myway.com
SH XASAN
DAHIR NIN XAQ DOON YIRI, IYO XARIIF MOOYE NIN XABASHI KEENEY KU
XISAAB WAA !!!