Ma ogtahay in madaxwayne ku xigeenkii hadlay ka hadlay arinta samsam
Waxay umada somaliyeed inteeda badani la socotay arinta gabadha yare ee
Samsam oo baryahanba ka socotay
Hargaysa in kasta oo dadka wararka
ka qaata bogaga internetka qaarkood ay su'aalo daacadnimo ku dheehantahay
is waydiinayeen hadana Qaar kale oo badani arinta waxay u dhigayeen si xaglini
ku dheehantahay. xaglintaas oon ka madhnayan kuwa bogaga maamula laftooda.
Hadaba sida aynu wada ognahay su'aalahaas la is waydiinayay waxa ka mid ahaa
Madax wayne ku xigeen kii arintu khusaysaysay maxaa hadal looga waayay.
Hadaba markii gabadhii la xukumay ayaa ugu danbayntii waxa hadlay madaxwayne
ku xigeenkii.
Hadaba anigu shaqsi ahaan waxan qabay mar hadii labada qof ee arintu tooska u
taabanayso midkood hadli lahaa waa madax wayne kuxigeenka iyo samsame in
ay gaar ahaan Somalitalk oo si toos ah iyadu ugu ololaynaysay
inay si aad ah uga
faaloonlahayd ama ugu yaraan kii hadla wixii uu ku hadlay ay u soo gudbiyaan
dadwaynaha laakiin sida muuqata waxa meesha ka dhacay
nin ay meeli u cadahay meeli ka madaw .
Hadaba aniga oo aaminsan in qabyaaladu dhankasta inaga taabatay waxan jecelahay
inaan intii karaankayga ah, ka qayb qaato sidii loo baran lahaa waxa layidhaaho
aragtida kala duwan sida loo soo gudbiyo wayo waxa fiican in cawaadifta iyo caqliga
la kala saaro waxay somalitalk soo daysay warbixin samsam ku saabsan
oo uu soo diray nin muqdisho jooga oo leh sidaas ayay wararku nagu soo gaarayaan
iyo maamulka Somaliland wuxu wax ka qaataa shisheeyaha, halka isna uu joogo
muqdisho oon shisheeye iyo sokeeye
midna aan wax laga maqal.
iyo nin askari ah oo uga tagay shaqada arin qabiil halka madax wayne ku xigeen kii
arintu khusaysayna uu shir jaraaid ku qabtay hargaysana aanay Somali talk wax
war ah ka soo qorin markaa waxa fiicnaan lahayd inay soo
qoraaan wixii
Uu ku hadlay iyaga haba u cuntami waayo hadalka madaxwayne ku xigeenkuye.
Aniga oo maqaalkan qoraya ayaa isha kalena waxan ku hayaa TV/AL JAZEERA
Oo waxay si toos ah u waraysanaysaa laba nin oo midna yahay falastiin midna
Yahay yuhuudi, waxayna ka hadlayaan maskaxdooda ee caadifada kama
Hadlayaan, hadaba inaga oo soomali ah oo isu diin ah oo isu asal ah sidee haboon
Inaan u wada hadalo.
Maqaalkii hore ee Qoraaga:
Hargaysa ma aha
guwantinamo! [Dahir]
Daahir cumar abtidoon
hassan1mhd@yahoo.com
22/12/004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 22, 2004
LIFAAQ:
SomaliTalk waxa ay soo
daabacday warsaxaafadeedkii madaxweyne ku xigeenka oo dhamaystiran laba
maalmood ka hor intii aanaan helin maqaalkan sare... Waxa kale oo SomaliTalk soo
daabacday waraaqihii dhakhaatiirta Hargeysa. Waxaana
qoraaladaas si toos ah looga heli karaa
Qaybta
Wararka Samsam Axmed Ducaale... Guji.... [
http://www.somalitalk.com/samsam/
] Waana soo dhoweyneynaa fikrad kasta oo wax dhiseysa.
Kulaabo bogga
www.SomaliTalk.com
|