Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari
ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Hadalka Wasiirka
Arrimaha Gudaha oo aan ahan mid shakhsi ee waa fikirka Saxda ah
iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda...
Ra'iisul
wasaaraha Ethiopia, Meles Zenawi markii loo sheegay in
Wasiirka Arrimaha Guddaha, ahna ra'iisul wasaare xigeen,
Eng. Xuseen Maxamed Faarax Caydiid ee ahaa in Soomaaliya iyo
Ethiopia la midaynayo oo la baab'inayo xadka oo hal ciidan
ay labada dal yeelanataan, oo sidoo kale Zenawi loo sheegay
in madaxda sare ee DKMG ay yiraahdeen arrintaasi waa mid
wanaagsan; ayaa dad ag fadhiyey Zenawi waxay
arkeen isagoo dhoolla caddaynaya. Markaas ayey yiraahdeen:
Ato waa sidee xaalku waa adiga dhoola caddaynaya'e.
Zenawi
waxa uu ugu jawaabey: Ugu horayn maanta waxaa ii hirgalay
arrintii uu Boqor Mililikhii Labaad ku hamiyayey, oo ahayd
in aan ka taliyo laga bilaabo Harada Tana ilaa xeebta Liido
ee Kismaayo, waxaana arrintaas ii rumeeyey hadalkii uu ku dhawaaqay wasiirka Arrimaha
gudaha ee Soomaaliya, hadalkaas oo ah qorshihii aan Addis Ababa
khariidada ugu jeexnay.
Waxaa kale oo aan ku qoslay markii
Afhayeenka Dawladda Kumeelgaarka ah, Cabdiraxmaan Diinaari,
uu yiri hadalka Xuseen Caydiid waa mid shakhsi ah, laakiin
waxa uu Soomaalida ka hoos bixiyey: Hadalkaasi waa "vision-ka" Xuseen Caydiid iyo in
hadalka
waqtiga uu kusoo beegay ayaan munaasab ahayn.
Markaan
sidaas maqlay ayaan
dhoola caddeeyey sida aysan Soomaalidu halkaas u fahmin.
Waxaana ogahay in uu ula jeedey "Caydiid waa Shakhsi oo
shakhsi ayaa warka ku dhawaaqi lahaa, shakhsigaas oo ah
wasiirka Arrimaha gudaha ee dalka oo si xeel dheer loo
doortay in uu warkaas ugu dhawaaqo. Mana jirin qoraal rasmi
ah oo warkaas lagu beeniyey iyo cadayn ka hadleysa midnimada
qaranimada dalka oo Soomaaliya laga soo saaray maanta.
Waxa kale oo aan qoslay
markaan maqlay kelmedda
"Vision" ee uu adeegsadey Diinaari, kelmeddaas oo aan
Soomaalidu fahmin in ay la macne tahay "Qorshaha iyo
Aragtida dheer ee la rabo in dal gaaro". Aragtidaas xeesha
dheer dalka waxaa gaarsiiya shakhsi. Waxaa arrintaas tusaale
u ah Dr.
Mahathir Muxamed, Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka
Malaysiya, hindisihiisii ama Aragtidiisii uu u bixiyey
(Vision- 2020) ee uu soo saaray 1990, kaas oo ahaa qorshe 30
sano oo uu rabey in uu dalka Malaysiya noqodo dal horumar ka
gaara dhinac kasta. Sidaas daraadeed C/Raxmaan Diinaari waxa
uu yiri hadalkaasi waxa uu ahaa VISION-ka Wasiirka Arrimaha
gudaha in Soomaalida la hoos geeyo Ethiopia, waa maxay
hadalka kale oo Soomaalidu sugeyso.
Waxa kale oo aan dhoolla
caddeeyey markii aan maqlay in Diinaari yiri "Waxaa
jira barnamijyo ama arrimo ka muhiimsan arrintan", iyo in uu
yiri "hadalka
waqtiga uu kusoo beegay ayaan munaasab ahayn", taas oo uu la
jeedey arrintan in Soomaaliya la hoos geeyo Ethiopia waa u
soo soconaa marka waqtigeeda la gaaro ee hadda arrimo kale
ayaa ka horreeyey. Bal is weydiiya maxaa ka muhiimsan
qaranimada dal ama wadajirka dal.
Waxa kale oo aan qoslay
markii aan maqlay in Xuseen Caydiid yiri:
Hadalkii aan iri si khaldan ayaa loo tarjumey. Waan la yaabay halkaas waayo waxa uu ku hadlay AfSoomaali
waana laga duubay codka oo ma ahan qoraal keliya. Haddaba
waxaan reer Itoobiya u cadaynayaa in hadalkaasi uu ahaa
siyaasadda rasmiga ah ee Dawladda aan geyney Muqdisho oo y
ahayd in VISION-keena uu SHAKHSI ku dhawaaqo, shakhsigaas oo
ah wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya.
Waxaana taas reer Addis Ababa ugu cadaynayaa in aan Dawladda
KMG aysan qoraal rasmi ah ka soo saari doonin arrintaas oo
ay sidaas kaga aamusi doonaan, taas ayaa daliil idiin
noqoneysa in aan gaaray hamigii Boqor Mililkh II.
Eng. Xuseen Maxamed Faarax Caydiid |
Markaas ayaa Zenawi waxa
uu telefoon u soo diray Xuseen Caydiid waxana dhex maray
hadalkan:
Meles Zenawi:
Xuseen ma maqashay in xisbi ka mid ah mucaaradka Itoobiya uu
soo saaray warsaxaafadeed. Xisbigaas oo ah
Kinijit [CUD] oo qoraalka soo
saaray 1999-04-24 (Takhs'as' 24, 1999) sida ku cad
Halkan ama
Halkan.
Xuseen Caydiid:
Ato miyaad khaldantay, waxaan ku jirnaa sannadkii 2007
adiguna waxaad ka hadleysaa 1999, waa sidee xaalku miyaad
wareertay?
Meles Zenawi:
Xuseen sidee ayaad ku qaadaneysaa Baasaboorka Ethiopia
haddii aadanba la socon taariikhda Ethiopia in ay hadda
mareyso 1999. Sidaas haddii aad ka tahay Ethiopia caawa
kula hadli maayo ee telefoonka iigu dhiiba Prof. Cali
Maxamed Geeddi.
Xuseen Caydiid:
Waa yahay, waakan ee la hadalay.
Prof. Geeddi:
Jariidada The Standard ee ka soo baxda Kenya, ayaa
baaragaaraaf ka mid ah qoraalkeeda waxaa ku jira "Ethiopia
waxay duulaan kusoo qaadeen Soomaaliya" [Ethiopians have
invaded Somalia....], ee arrintaasi ma runbaa?
Mr.
Zenawi: Taas hadda
ka hadli meyno oo arrimo ka muhiimsan ayaa jira ee aan kaaga
warbixiyo waxyaabihii ka dhacay Soomaaliya 24kii saacadood
ee la soo dhaafay:
Cabdi
Nuure Siyaad "Cabdi-Waal" oo xubin ka aha Isbaheysiga la
Dagaalanka Argaggaxisada waxa uu yiri: Hub kayga waxaan wareejin
doono haddii iyo haddii oo keliya ay DFKMG qorshe cad la
timaado, waxana uu adiga Geeddi ah kugu tilmaamay nin aan
qorshihiisa hub ka dhigista ee uu soo jeediyey aysan cadayn.
Sidoo kale
Maxamed Qanyare Afrax waxa uu sheegay in aysan
suurta gal ahayn in maalmo kooban loo qabto in hub lagu ururiyo. Haddaba
si aan
wax uga qabano arrimaha Cabdi Waal iyo Qanyare, Qaybdiid,
Hiiraale iyo qabqalayasha kale waxaan dhammaantood isugu
yeeray in ay yimaadaan Baydhabo halkaas oo aan kula kulmi
doono, markaan la hadlo dib dambe hadalladaas looga maqli
doono.
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo
Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka:
AP |
Prof. Geeddi: Waa
gartay...
Mr.
Zenawi: Waa sidaas
ee aan warbixinta Soomaaliya wixii ka dhacay kuu sii wadee:
Maareeyaha cusub ee Dekedda Muqdisho
Eng. Cabdi
Jiinoow Calasow waxa uu sheegay in dekedii 8 saac shaqayn jirtey laga
dhigay 24 saacadood taas oo fududaynesa in la dedejiyo
cunatada iyo alaabada bagaashka ah ee loo rarayo Addis Ababa
maadaama aanaan deked kale haysan.
Prof. Geeddi: Haye...
Mr.
Zenawi: Magaalada
Jilib waxaa lagu diley askari kale oo Ethiopian ah, taas oo
tirada Itoobiyaanka ee lagu diley Soomaaliya ka dhigeysa 504
askari
Prof. Geeddi:
Tiradaas ma ku jiraan askarta DFKMG kaga dhimatay dagaaladii?
Mr.
Zenawi: Maya,
kuwaasi waa Soomaali oo waxay ku xisaabsan yihiin Soomaalida
dhimatay taas oo tiradoodu ay toban laab ka badan tahay inta
ka dhimatay Ethiopianka.
Prof. Geeddi: Wan
gartay taas. Waxaanse maqlay in
Ururka Midowga Yurub ay sheegeen in aysan u ekayn in ay
ciidan reer Yurub ah u diraan Soomaaliya, arrinta ciidan u
diristuna ay u taal Afrikaanka. Wasiirka Arrimaha gudaha ee
Jarmalka,
Frank-Walter Steinmeier, ahna madaxweynaha Midowga Yurub ee
xilligan oo magaalada Brussels kula hadlayey xubnaha ku jira
EU ayaa sheegay in ciidamada Nabad Ilaalinta ee loo dirayo
Soomaaliya ay "ahaadaan kuwo asalkoodu ka yimid Afrika".
Uganda hadda waxay sheegtay in ay 1,000 askari u dereyso
Soomaaliya. Marka maxaa ciidamadaas looga baahan yahay
haddii aan hal ciidan yeelaneyno oo ciidamadaasi ay yihiin
kuwa Ethiopia, Soomaaliyana calankiina la bedeley oo la hoos
geeyey Ethiopia?
Mr.
Zenawi: Waa
ciidamo dadka lagu jaah wareerinayo, waayo Afrika 17kii sano
ee la soo dhaafay ayey ciidan keeni lahayd xilligii
qabqablayaasha haddii ay daacad
ka yihiin arrimaha Soomaaliya.