SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Jan 4, 2006

  • Talyaaniga oo si dhaqsi leh uga Dalbatey Itoobiya in ay Ciidankeeda Kala Baxdo Soomaaliya
  • Dowladda Kenya oo ka walwalsan carada Muslimiinta dalkooda ka qaadeen..
  • Halkay mareysaa hub uruurintii uu ku baaqey Geeddi..
  • Hadalkii Xuseen Caydiid oo ay caro weyn ka dhaliyey soomaalida ku nool..
  • MIDAWGA YURUB AYAA UGU BAAQAY SOMALIYA WADAHADAL NABADEED

Talyaaniga oo si dhaqsi leh uga Dalbatey Itoobiya..

Dowladda Talyaaniga oo ah dowladdii gumeysatay Soomaaliya ayaa haatan waxay ka dalbatay Dowladda Itoobiya inay si dhaqsi leh ciidamadeeda ugala baxdo dalka Soomaaliya inta uu xaalku isku bedelin wadanka Ciraaq, waxay kaloo Dowladda Talyaaniga ka dalbatay Itoobiya inay xaq dhowrto xornimada iyo xuduuda Soomaaliya, iyadoo Dowladda Talyaaniga ay haatan wado qorshayaal ay ku dooneyso in Dowladda Itoobiya ay ciimadeeda kala baxdo gudaha dalka Soomaliya, maadaama uu dhamaaday hawlihii ay u tageen Soomaaliya, waxa uuna Talyaanigu qorshayaashaan ka wadaa Midowga Yurub oo iyadu aad uga walwalsan in Xaaladda Soomaaliya isku bedesho mid wax laga qaban waayo oo faraha kala baxda.

Dhanka kale ururka Jaamacadda Carabta ayaa isna ka dalbaday Dowladda Itoobiya inay ciidamadeeda kala baxdo dalka Soomaaliya, loona baahan yahay in la dhowro Qarannimada Soomaaliya, halka wadamada IGAD ay si aad ah ugu kala qaybsameen gelintaanka ciidmada Itoobiya ee Soomaaliya, qaarkood waxay ku tilmaameen mid xadgudub ku ah qarannimada Soomaaliya iyo urur gobaleedka IGAD, waxayna soo jeediyeen qaarkood in Ciidamada Itoobiya si dhaqsi leh uga baxaan Soomaaliya inta aysan xaaladdu fara badan ka bixin. Dhamaan shacabka Soomaaliyeed ayaa iyagu aad u diidan joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, iyagoo sheegay in shacabka Soomaaliyeed in ay qaataan rabitaankooda oo laga daayo fargelinta lagu hayo gudaha dalka Soomaaliya.

Dowladda Kenya oo ka walwalsan carada Muslimiinta dalkooda ka qaadeen..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nayroobi waxay sheegayaan in Muslimiinta wadanka Kenya oo taridadoodu gaareyso 7-Milyan ay si aad ah uga careysan yihiin qabsashada Ciidamada Itoobiya ay qabsadeen dalka Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamay mid aan loo dulqaadan Karin.

“Dowladdii lagu dhisay Imbakati waxaa markii horeba loo dhisay in Itoobiya ay ku qabsato Soomaaliya, iyadoo lagu marmarsiyoonayo Dowladda magac u yaalka ee Soomaaliya” ayey yiraahdeen culima ugu weyn ee dalka Kenya oo ku cadaadinaya Dowladda Kenya inay Itoobiya dib uga laabato gudaha Dalka Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa si aad ah uga walwalsan in Muslimiinta Kenya ay kacdoono ka sameeyaan dalka Kenya, waxaana la sheegay in kulankii dhex maray Kibaki iyo C/llaahi Yuusuf la iskula soo qaaday in Ciidamada Itoobiya ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan Soomaaliya, kol haddii ay dhamaadeen hawlihii ay u tageen Soomaaliya.

Halkay mareysaa hub uruurintii uu ku baaqey Geeddi..

Iyadoo maanta ay ku eg tahay xiligii uu Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi u qabtay in hubka yaala Muqdisho lagu soo xareeyo ayaa haatan waxaan muuqan saan-saankii lagu soo xareyn hubkaas faraha badan ee yaala Muqdisho, maalintii shalay ahayd ayaa xarunta Gaadiidka Booliiska ee Muqdisho, waxaa lagu xareeyay toban Qoryaha Waaweyn ah iyo dhowr xabo oo qoryaha yar yar ah, kuwaas oo keeneen qaar ka mid ah maleeshiyooyinka ku nool magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in hubkaasi uu yahay mid la doonayo in lagu fuliyo amarkii Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi, oo qaar ka mid ah hogaamiyaasha Muqdisho ay si aad ah u dhaliilsan yihiin qaabka loo uruurinayo hubkaasi.

Xildhibaan Max’ed Qanyare ayaa waxa uu sheegay in hubka aan lagu uruurin Karin inta makaroofan la soo istaago oo keliya, balse waxa uu u baahan yahay qorshayaal ku saabsan in dalka hubka mar qura laga wada dhigo oo uu galo gacan aamin ah, sidoo kale Cabdi Nuure Siyaad ayaa isna sheegay in dhiniciisa hubka in la uruuriyo uu diyaar yahay balse loo baahan yahay in loo dejiyo nidaam lagu uruuriyo oo bulshada loo ballanqaado nabadgelyo naftooda iyo maalkooda ah.

Hadalkii Xuseen Caydiid oo ay caro weyn ka dhaliyey soomaalida ku nool..

Iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay aad uga careysan yihiin ciidamada Itoobiya ee soo galay dalka Soomaliya ayaa haddana waxay si aad ah uga sii caroodeen hadalkii Xuseen Caydiid ee ahaa in loo baahan yahay in la mideeyo Soomaaliya iyo Itoobiya ayna yeeshaan Baasaboor qura.

Banaanbaxyo looga soo horjeedo hadalka Xuseen Caydiid ayaa waxa uu ka dhacay maalintii shalay ahayd Degmada Xamar-Weyne, waxayna dadku gubeen taayiro iyagoo jidadka xiray, sidoo kale waxaa banaanbax ka la mid ah uu ka dhacay dalal fara badan oo ay ka mid yihiin Koon Afrika iyo Qaar kamid ah gobalada Soomaaliyeed, waxayna dadku dhawaaqayeen “Xuseen Caydiid waa in uu dib uga laabtaan hadalkaasi oo aan noqon Karin suuragal”.

Xuseen Caydiid ayaa shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay in hadalkii uu sii daayey loo tarjuntay si qalad ah, isagoo sheegay in uu ula jeeday in ay midoobaan Dhamaan qaaradda Afrika oo ay yeeshaan Baasaboor qura, dhinaca afhayeenka Dowladda C/raxmaan Diinaari ayaa hadalka Xuseen Caydiid ku tilmaamay mid isaga u gaar ah oo aysan la qabin Dowladda Federaalka, sidoo kale ururada bulshada ayaa hadalka Xuseen Caydiid ku tilmaamay mid sii hurinaya xaaladda murugsan ee ka jirta Dalka Soomaaliya iyo waliba Geeska Afrika.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

MIDAWGA YURUB AYAA UGU BAAQAY SOMALIYA WADAHADAL NABADEED

Ururka midnimada yurub ayaa 03.01.2007 Dawladda kumeelgaarka ah ee soomaaliya

ugu baaqay in ay waxa ay ugu yeedhay ,Arimaheeda cakiran ku xalliso wadahadal.

"waa in ay Dawlada federaalku hawlgalada nabadeed ee ay raadinayso ku soodartaa

Ururada islaamka kuwooda nabadda u diyaarka ah wadahadalla lagashaa""
sidaasi waxaa yidhi wasiirka amuuraha dibadda ee dalka JARMALKA Mr Frank-walter Stein meier

kadib markii uu xaalka soomaaliya oo kaliya halkan uga duulay una kicitimay xarunta EU ee brusels,
isagoo Jarmalku maanta isugu yeedhay kooxda loogu yeedhay SOMALI CONTACT GROUP oo sanadkii aynnu haatan kasoogudubnay ee 2006 la aas-aasay.

JARMALKU wuxuu bishan january 2007 lawareegay gudoomiye nimada sanadkan ee EU iyo waliba gudoomiyenimada Kooxda layskuyidhaahdo G8 ee ah wadamada dhanka warshadaha horay uga maray.

waxaa uu Mr steinmeier ku celceliyay sida ay yurub diyaarka ugu tahay in soomaaliya nabadgalyo degdeg ah loohelo ,isagoosheegay in jarmalka ay ka go antahay in uu garab istaago intii suurta gal ah.,

waxaadse mooddaa in aanu wax la taaban karo cayimin aan ka ahayn ku boorin uun in ay haboontahay in aan isasii eryadka wadaadada iyo dawlada ku meel gaarka ah laga tanaasulo oo lawada hadlo.,.
wadahadaladaasoo 16 sano socday wax natiijo ahse aanay ka soo bixin illaa haatan.

Xagar Yare | xagar91@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 4, 2007

::Murtida Maanta iyo Hadalkii Xuseen Caydiid... Guji..

Xuseen Caydiid: Xadka Soomaaliya Waa La Baab'inayaa
.Nin hubeysan oo labo Itoobiyaan ah ku diley Degmada Jilib...
.Mucaaradka itoobiya oo ku celiyey in Ciidmda Itoobiya ay..
.Dowladda FKMG oo xayiraaddii ka qaaday duulimaadyadii
.Ciidamo ka socda Wadamada Uganda iyo Nayjeeriya oo ku..
.Goobihii Dowladdu u cayintay in hubka la geeyo oo..
.Ma laga yaabaa in uu qabsoomo kulanka uu ku baaqey...
Wararka oo dhan oo ka akhri... Jan 3

Kismaayo oo Loo Furay Qaadkii iyo Shaneemooyinkii
.Kismaayo: Barre Hiiraale oo ka hadlay Fagaare...
.Muqdisho: Geeddi oo gurigiisa warsaxaafadeed ku qabtay
.Muqdisho: Aragtida waxgaradka ee xaaladda Muqdisho..
Wararka oo dhan oo ka akhri... Jan 2

JAN 4, 2007: Inta maalmood oo Ciidanka Xabashidu Ku Jiraan magaalooyinka: Galkacyo (40), Baydhabo (19), Beledweyne (11), Muqdisho (8), Kismaayo (4)


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...


Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka  Soomaaliya
Jariidada Washingtonpost oo qoraal dheer ka qortay aragtida reer Addis Ababa ee dagaalka Soomaaliya & Itoobiya... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH