C/Laahi Yuusuf: Geediyoow Dalka
ma anigaa Madaxweyne ka ah mase adiga....

Sawirka Geeddi iyo Zenawi oo ku dhegan gaari marayey
Koonfurta Muqdisho.
timesunion.com, iyo AP |
Madaxweyne Cabdullaahi
Yuusuf Axmed ayaa miiska loo saaray sawir ah Geeddi iyo
Zenawi oo isla sawiran oo ah sawirro loo qorsheynayey in
lagu dhejiyo gawaarida Itoobiyaanka ee duullaanka ku ahaa
Muqdisho. Markaas ayaa madaxweynuhu inta uu sawirka la
yaabay waxa uu yiri "Sawirkaan ma maxkamadah ayaa soo
macmalay mise waa xaqiiqo"? Markaas ayaa lagu yiri: Jaalle
Maxadweyne sawirka waxaa laga keenay Addis Ababa waana sax.
Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf furka ayuu tuuray waxana uu
markiiba telefoon qabadsiiyey Ra'iisul wasaare Geeddi,
waxaana dhex maray hadalkan:
Madaxweyne Yuusuf:
Geediyoow ugu horrayn waxaan ku weydiinayaa ma adiga ayaa
dalka madaxweyne ka ah mase aniga?
Ra'iisul wasaare Geeddi:
Cabdullahi sidee wax u jiraan, maxaa dhacay?
Madaxweyne Yuusuf: Waxaa la
ii keenay sawirro adiga iyo Zenawi ah oo lagu dhejiyey
gawaarida Koonfurta Muqdisho, aniguna waxaan qiyaasayey in
aad xamar dadka meel fagaare ah kala hadli doontid si aad u
xaqiijisid in ay nabad tahay.
Ra'iisul wasaare Geeddi:
Madaxweyne sawirkaasi waa macmal sidii ay u macmaleen
Khariidadii ay yiraahdeen waxaa samaysay Itoobiya oo
Soomaaliya khariidada ka baa'isay.
Madaxweyne Yuusuf: Waa
gartay, ee ka warran waxaad maanta xamar kala kulantay
Ra'iisul wasaare Geeddi:
Waxaan reer Muqdisho u sheegay in saxaafadu xor tahay, balse
ay la shaqeeyaan dawladda, waxaanse hadalkaas ulajeedey
Saxaafaddu dawladda hala shaqeeyeen si ay xor u ahaadaan.
Madaxweyne Yuusuf: Waa
gartay, laakiin waxaan maqlay in Qanyare uu dawladda ka soo
horjeestey ee maxaa taas ka jira..
Ra'iisul wasaare Geeddi:
Madaxweyne kaasi waa hadal sidii Khariidada ay u macmaleen
warbaahintu oo aan waxba ka jirin.
Madaxweyne Yuusuf: Waa
gartay...

