SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
MINNEAPIS - MINNESOTA

Kulan Hadaladii ka Soo Baxay Loo Riyaaqay oo ka Dhacay Minneapolis, oo ay Soo Qaban qaabiyeen Ururka Midowga Qurba Joogga Soomaaliyeed

  • Diyaaradaha Ethiopian Airlines Waa in aan qof Soomaali ah raacin...
  • Xawaaladaha Soomaaliyeed waa in aysan wax lacag ah gey Addis Aababa, Xawaaladii geysanaya waa in Soomaalidu Qaadacdo oo aan lacag lagu xawilan...
  • Qofkii Viso ehelkiisa ugu diri lahaa Addis Ababa ha ugu diro Jabuuti oo ay ku yaalaan Safaaraha Adduunka oo dhan...
  • Qof Soomaali ah waa in uusan iibsan Canjeelo Xabashiga (Xanjeero Itoobiyaan)
  • Qof Soomaali ah waa in uusan iibsan Qaadka ka Yimaada Itoobiya
  • Qofkii Itobiyaan taageera waa in laga dhigo Gun oo aan laga guursan, lana takooro, laguna qoro buugga madow...


Jadwalkii shirka halkan ka daalaco...

An Urgent Call to End Crisis in Somalia


PDF
| WORD | HTML

Kulanka ay soo qaban qaabiyeen Ururka Midowga Qurba Joogga Soomaaliyeed (United Somali Diaspora) ee saldhiggiisu yahay Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis, Sabti Nov 24, 2007. Kulankaas oo ay ka soo qayb galeen dadweyne aad u tiro badan oo lagu qiysaaya ilaa sagaal boqol (900) oo qof iyo ka badan ayaa qodobadii loogaga hadlay waxaa ka mid ahaa:

  • Allah qolo ma badalo haddii aysan iyagu is babalin (C/rahadiid Macallin Faarax)
  • Xalka Siyaasadeed ee Soomaaliya (C/risaq Xaaji Xuseen, Ra'iisul wasaare hore ee Soomaaliya)
  • Siyaasadda khaldan ee maamulka Bush ee ku aadan Soomaaliya (Prof. Xasan O. Mahadallah, Jaamacadda Southern University)
  • Habka ay Isbahaysigu ku samatabixinayaan siyaasadda cakiran ee Soomaaliya (Sakariye M. Xaaji Cabdi - guddoomiye xigeenka isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliyeed)
  • Sharci darrada ay Dawladda Itoobiya ku qabsatay Soomaaliya (Prof. C/raxmaan Xaaji Aaden Ibbi - Isbahaysiga)
  • Ku xadgudubka Ethiopia ee xuquuqul Insaanka iyo Dembiyada dagaal ee ka dhaca Soomaaliya (Fowsiya Maxamed Sheikh)
  • iyo Warbixin Xasuuqa ka dhacay Xamar

Furitaankii Shirka (Tiicey):


Tiicey

Ugu horayn waxaa kulanka furay Maxamed Aaden "Tiicey" oo ah guddoomiye-ku-xigeenka Ururka Midowga Qurba Joogga Soomaaliyeed, waxana uu warbixin kooban ka bixiyey asaaskii Ururka oo la dhisay bishii October ee 2007, iyo ujeedooyinka ururuka oo ay asaas u tahay: Sidii loo xorayn lahaa Soomaaliya oo ah dal lahaysto oo Itoobiya haysato. Waxana uu hadalka ku xoojiyey in Ururkan lagu mideeynayo ummadda Soomaaliyeed oo dhan, uuna u furan yahay qof kasta oo Soomaaliyeed.

Ururka Midowga Qurba Joogga Soomaaliyeed waxa uu dhammaan reer Minnesota iyo Soomaalida deggan  Maraykanka ka codsaday in ay la xiriiraan xubnaha ku jira sentarka iyo congress-ka Maraykaanka ee laga soo doorta meelaha ay deggan yihiin, iyagoo kala hadlaya sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada ka taagan Soomaaliya.

Waxaa si gaar ah ururuku weydiistey reer Minnesota in ay saxiixaan warqadda ku qoran linkiyada hoose (ee ku saabsan sidii loo joojin dhitaada ka taagan Soomaaliya), una diraan senotarada iyo congress-ka xubnaha ka soo gala Minnesota:

Kelimadda Ururka Midowga (Xasan Dhooye):


Xasan Dhooye

Kaddib waxaa madasha lagu soo dhoweeyey Xasan Dhooye oo ah Guddoomiyaha Ururka Qurba Joogga Soomaaliyeed, oo kulanka ka soo jeediyey "Kelimadda Ururka". Soo dhoweyn ka dib waxa uu warbixin kooban ka bixiyey heerarkii uu soo maray ururka Midowga Qurba joogga Soomaaliyeed iyo sidii lagu asaasay iyo ujeedooyinkiisa iyo in hadafkiisu uu kusalaysan yahay midaynta Soomaalida.. Hoggaanka ururka oo ka kooban sagaal xunood, 3 dumar ah iyo 6 rag oo kala ah:

  • Xasan Maxamed (Dhooye) "Gudoomiye"
  • Mohamed M Adem (Tiiceey) "Kuxigayn"
  • Maxamed Wardheere Khasnaji
  • Raaxo Warsame "Xoghayn"
  • Yaasiin Garaad
  • Maxamed Cumar
  • Osman Abdullahi (Oday Cabdulle)
  • Caabiyo Ali
  • Khadra Cabdi

Xasan Dhooye oo hadalkiisii sii wata waxa uu yiri:

Ururka ujeedadiisa maxalliga ah waxaa ka mid ah in uu wax ka qabto danaha dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Minnesota, xagga waxbarashada, xagga dhaqanka, iyo dhinacyada kala duwan ee saamaynta ku leh bulshada Soomaalida.


Xasan DHooye oo ka hadlaya kulankii Minneapolis (Bidix: Pro. ibbi, C/risaaq Xaaji, Sakariye)

Siyaasadda Arrimaha dibadda ee ururka waxaa ka mid ah in lala xiriiro hay'adaha caalamiga ah oo lagala hadlo danaha Soomaaliya, in lala hadlo Maraykanka oo dano kaleh Soomaaliya, iyo cid kasta oo danayneysa arriamaha Soomaaliya.

Maxaa Khaladamay, ayuu is weydiiyey: Dadkii wanaagsanaa oo dib isu dhigay, dadkii wanaagsanaa oo ka maqan saaxada, waxaana meeshii buuxiyey kuwii ugu liitey, laakiin ma ahan in ay iyaga ku eedaynayo ee inagii ayaa ka seexanay booskeeniin.

Ha is dhehin wax yar sug, haan dhehin dad kale ayaa wax qabanaya, ha quusan.. ha is dhehin wax ma qaban karo.. yaa wax xallinaya haddii aadan wax xallin... Faa'iidooyinka ficil in lala yimaado waxaa ka mid ah: Isku kalsooni, wax qabad... Rajo... Ogsoonow dadku waa saddex: Naftiisa keliya anface, Nin reer kiisa oo keliya ka fekera iyo Ninka ka fekeraya ummadda oo dhan - noqda kuwa ummadda oo dhan ka fekera ayuu dadweynaha ku guubaabiyey...

Warsaxaafadeedkii: Ururka Qurba joogta Soomaaliyeed (United Somali Diaspora) 

HTML
| PDF | WORD

Mabda'ii qabiilka waa laga guurey.. Hadda arrintu waxay taagan tahay Mabda'a Itoobiyaanka & wixii taageersan iyo Mabda'a wixii ka soo hor jeeda Itoobiya iyo wixii taageersan.. mabda'a dambe oo ah kan Soomaalinimada.

Xasan Dhooye waxa uu sheegay in Ururka Midowga Qurba Joogga Soomaalieed uu taageero weydiisanayo shacabka Soomaaliyeed... Ficil ayaan idiinka ayaan u baahanahay ayuu hadalka ku xoojiyey.

Kaddin guddoomiyaha ururku waxa uu madasha ka akhriyey warsaxaafadeed uu ururku soo saaray, warsaxaafadeedkaas waxaa ka mid ahaa:

  • Canbaarayn Soogalida, joogitaanka iyo Xasuuqa Ciidamada Dowlada Itoobiya ugaysteen shacabka Soomaaliyeed... Canbaarayn Dowlada Meel ku gaarka ah oo ka qaybqaadanaya Xasuuqa... canbaarayn laynta Suxufiyiinta iyo afqabashada/xirida Saxaafada.. canbaarayn hadalkii kasoo yeeray Madaxwaynaha Meel ku gaarka C/laahi Yuusuf taariikhdu markay ahayd November 20. 2007 ... Canbaarayn beesha caalamka gaar ahaan OAU sida ay isaga indho tirayso xasuuqa dowlada Itoobiya gaysanayso... canbaarayn Jaamacada Carabta oo aan kasoo bixin kaalintii  uga aadanayd Soomaaliya.... canbaarayn Saxaafada caalamka qaarkeed oo iska indho tiraysa xaqiiqada ka jirta Soomaaliya... iyo soo jeedin Ciidamada Dowlada Itoobiya inay Soomaaliya uga baxaan shuruud la’aan
     
  • Warsaxaafadeedka oo dhammaystiran ka akhri: HTML | PDF | WORD

Xalka Siyaasadeed ee Xaaladda Soomaaliya (C/Risaaq Xaaji Xuseen)

Abdirizak Haji Hussen
Abdirizak Haji Hussen [Somalia PM 1964-67]

Kaddib waxaa madasha shirka lagu soo dhoweeyey C/Risaaq Xaaji Xuseen, ra'iisul wasaarihii Soomaaliya 1964-67, oo ka hadlay sida uu u arko xalka Soomaaliya. Waxana uu ugu horayn xusay in aysan sahlanayn xalka Soomaaliya maadaama ay soo jiitameysey muddo 17 sano. Waxana marka hore muhiim ah in la ogaado meesha arrimahu ka khaldameen, ayuu yiri.

C/Risaaq Xaaji Xuseen oo hadalkiisii siiwata waxa uu yiri:

Dhibtaada ugu weyn ee haysata Soomaaliya waa qabiilka . "Haddii aynaan ka harin qabiilka, oo ku midoobin qaranimo raadin. Haddii aan sidaas la helin arrintu ma sahlana..."  Dawlad haddii aan rabno, aan ka harno qabiilka, oo sidii hore loogu keenay qaranimada aan u raadino...

Gaar aan waxa uu toos ula hadlay dhallinyarada, oo uu ku adkeeyey in ay qabiilka ka haraan..

Madaxnimada waxaa laga eegaa in qofku yahay: aamin, mukhlis ah, daacad ah, in uu aqoon leeyahay, in uu cod kar yahay, in uu danta guud ka shaqaynayo, camal fiican yahay, dul qaad badan yahay.. Marka haddii la isu yimaado oo qabiilka laga haro waa la helayaa hoggaan fiican ama qofkii hoggaamiye noqon lahaa.

Waa in la ogaado askarta uu Zenawi keensaday Soomaaliya, in dhabarkeeda uu joogo Maraykanku oo ah kan shukaanta haya... Yurub mindideedu af maleh.. waad aragteen marar badan oo EU hadashay, waxba kama soo naasacadaan..

....Arrintu waa Maraykanka oo ka soo horjeeda Dawlad Shareecada lagu maamulayo oo ka hir gasha dalka Soomaaliya..
C/Risaaq Xaaji Xuseen

Arrintu waa Maraykanka oo ka soo horjeeda Dawlad Shareecada lagu maamulayo oo ka hir gasha dalka Soomaaliya..

Waad ogtihiin markii wadaadadu qabsadeen (Muqdisho) in Bush yiri Taaliban oo kale in ay Soomaaliya ka hir gasho ma dooneyno.

Inta arrintu joogto kala doorasho DFKMF iyo Wadaadada, waxay arrintu tahay in ay tageerayaan DFKMG iyagoo adegsanaya Itoobiya.. Marayknaku waxa uu dhehayaa arrimaha National Security ee USA aayan ka eegeynaa.. isagoo xusaya safaaradihii Maraykaanka ee Nairobi iyo Tanzania... Itoobiya waxay dheheysaa haddii Soomaaliya Wadaado qabsadaan inaga ammaankeena ayaa wax u dhimayaan..

In kasta oo dagaaladii socdaan, dad badan ayaa dhintay, barakacay, waxa la oran karaa waxa ka dhacay Muqdisho iyo agagaarkeeda wax aan la arag oo la maqalay ma aha...

Cadow ayaa ina haysta... Xeelad ayaa loo baahan yahay.. waa in waan-waan la helo, in la helo sidii dagaalka lagu joojin karo.

Ugu horayn: Cadow ayaa ina qabsaday, inta dagaalameysa hambalyo ayaan u soo jeedinayaa, inta dhimatayna janno ayaan ugu ducaynayo, qadiyad xaq ah ayey u doonayeen...

Anigu waxaan rumaysnaya in Maraykanka iyo DFKMG in aysan dooneyn ama rabin in Ciidamada Midowga Afrika ay yimaadaan Soomaaliya, waayo hawsha isku-si ma u qabanayaan... Is bar bar dhiga, Yuganda iyo Itoobiya hadda jooga Muqdisho isma leh.. Ugandha waa nadad ilaaliyayaal (peace keeping)..


C/risaaq xaaji xuseen oo la gudoonsiinayo billada Soomaalinimada

Waa in ay ogolaanaa ciidamada Afrikaanka ee nabada ilaalinta, in aan ogolaano oo ay shuruud ku yimaadaan, mudada ay joogayaan in la isla ogyahay weeye, Itoobiya hal qof waa in uusan ku jirin gudaha Soomaaliya... Dawladda (FKMG) Soomaaliya waa in aan laga aqbalin askar ayey Itoobiyaanku noo tababarayaan... Waa in aan hal qof oo Itoobiyaan ah ku sugnaan gudaha Soomaaliya oo lagu bedelo ciidamo Afrikaan ah oo aysan ku jirin dawladaha deriska..

Markaas kaddib, Ciidamada Dawladda Soomaaliya loo asaasayo waa in ay noqdaan kuwo aan dawladda oo keliya soo xulan, waa in ay noqdaan ciidamo qaanuunka ilaalinaya, oo aan ku dhisnayn qabiil, waa in noqdaan ciidamo qaran...

C/Risaaq Xaaji Xuseen waxa uu markale ku celiyey: Ilaa intii meeshu joogto ma Wadaado qabsanaya mase DFKMG, waxaad ogaataan in xaalku ahaanayo sida uu yahay... Marna ma ogolaanayaan inta "Alternative" ay wadaadadu yihiin.

Dadku waa dareemeen 6dii bilood ee wadaadaddu joogeen in ay wanaag keeneen. Billad waxay ku helayaan waa Qaadkii ay joojiyeen, arrintaas waxay wadaadadu ku heli doonaan billad joogta ah... Ma u malayneysaan Bilyanno Doolar oo ah lacag BAAD ah, oo ah lacag adag "HARD currency" in ay Itoobiya iyo Kenya ay ka qaadaneyso Soomaalida.. Adigaa lacagtayadii siinayayna.. Wax ka soo noqonayaana ma jiraan, wax lagaga soo beesho lacagtaasna ma jiraan (aan ka ahayn qaad).

Xeel aan la nimaadno, aan tijaabino, marka aan niraahno waxaan dooneynaa dawladaha Afrikaanka, markaas ayaan tijaabineynaa Maraykanka in ay daacad ka yihiin Soomaaliya iyo in kale.. Waana in dawladahaasi Afrikaanka aysan ku jirin kuwa safka hore aam deriska, sida Itoobiya, Kenya ayuu yiri Ra'iisul wasaare C/Risaaq Xaaji Xuseen oo hadda deggan magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.

Tix Gabay ah..... (Maxamed Sheikh Cabdi Aar)..


Maxamed Sheikh Cabdi Aar oo ka hadlaya kulanka

Kaddin waxaa gabay qiiro leh tiriyey Maxamed Sheikh Cabdi Aar, oo intii uusan gabayga tirin xusay dhibaatooyinka Soomaaliya ka jira in ay qayb ka yihiin:

  1. Odayo Dhaqambeedyadii hore oo laga daba hadli karin oo Gumeysigu intuu u yeerto ayuu yiraahdaa haddii aydin waxaas samayn haddee .. Odaydhaqamyadaas oo aan la socon caalamka...
  2. Dawladihii Soomaaliya soo maamuli jirey..
  3. Wadaadadii hore oo dadka fooxa u shidi jirey
  4. Dadkii dawladihii jiri jirey ku helay sed bursiga....

Soomaalida hal ayaa la gudboon, ayuu yiri: Ma wada noolaanaa mase waan wada dhimaa.. Waxaan wad heli karaa in aan wada noolaano, ee aan isu tanaasulo.. Kolka aan wax cad la nimaadno caalamku waa in rabaa...

Kaddib waxa uu hadal murtiyeed ku yiri: Bakterayadii laga dili waayey Soomaalida Ogaadeenya ayaa ku faafay Soomaalidii kale.... Gumeysiga Itoobiya waa mid liibtay..Axdi ma leh xabashidu lagu aaminaye..

Xafiiska Sen. Coleman oo soo dhoweeyey Marti Sharafta Kulanka:


Senator Norm Coleman
wardheere
Maxamuud Wardheere

Kaddib waxaa madasha shirka lagu soo dhoweeyey Maxamuud Nuur Wadheere, oo mar ahaa musharaxii duqa magaalada Minneapolis, oo ka socdey xafiiska Senator Norm Coleman isagoo soo dhoweeyey marti sharafta u soo safray inay shirkaan kala qayb qaataan jaaliyadaa Soomaaliyeed ee deggan gobolka Minnesota.

Wardheere waxa uu yiri: "Anigoo ku hadlaya magaca Senator Coleman waxaan soo dhoweyneynaa dhammaan dadka safarka ku yimid magaalda Minneapolis, Minnesota.."

Senator Coleman waxa uu ka mid yahay senatorada laga soo doorto gobolka Minnesota oo ka mid ah gobolada maraykanka ee ay deggan yihiin Soomaalida ugu tirada badan ee qurba joogga.

Wardheere waxa uu mar kale Minnesota ku soo dhoweeyey dhammaan dadkii safark aku yimid Minneapolis si ay ug aqayb qaataan shirka Midowga Qurba Joogga Soomaaliyeed.

Maxamuud Wardheere waxa kale oo uu xusay sida ay muhiimka u tahay in wax laga qabto arrimaha la xiriira xagga waxbarashada, oo xoogga la saaro sidii carruurta wax loo bari lahaa..

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee kusoo badanaya Xabsiyada Maraykanaka

Kulankii ay soo qabanqaabiyeen ururka Midowga Qurba joogga Soomaaliyeed waxaa si weyn looga xusay dhallinyarada Soomaaliyeed ee waayadan dambe kusoo badanaya xabsiyada dalalka Maraykanka, gaar ahaan xabsiyada Minnesota.

Arrintaas oo shacabka Soomaaliyeed lagu baraarujiey in ay usoo jeestaan sidii wax looga qaban lahaa. isla markaasna xoogga loo saari lahaa sidii dhallinyarada wax loo bari lahaa.

Si aad u ogaatid xaqiiqada, hal "county" oo ka mid ah Minneapolis oo l aiyraahdo Hennepin, waxaad eegtaa inta qof ee saexdii biloo dee ugu dambeeyey la geeyey Jeelka.. guji halkan kaddib dhanka midig ee website kuu soo bixi doona ka calaamido "Show All" markaas guji batoonka 'SEARCH RECORDS" (Eeg sawirka hoose)


Guji Halkan...

Arrintaasi waxay u baahan tahay in wax laag qabto oo la baraarujiyo shacabka Soomaaliyeed ee qurba joogga.

Siyaasadda Maamulka Bush ee ku aadan Soomaaliya (prof. Xasan Mahadallah)

hassan mahaadallah
Prof. Xasan Mahadallah

Waxaa madasha lagu soo dhoweeyey Prof. Xasaan Mahadallah oo bare ka ah jaamacad ku taal Maraykanka oo ka hadlay siyaasadda Khaldan ee Maamulka Bush ee ku aadan dalka Soomaaliya. Waxana uu sheegay in siyaasaddaasi ku salaysan tahay saddex aragti oo ah:

  • In Soomaaliya loo diido in cid kale wax u qabato,
  • In Mucaawino la siiyo haddii ay u baahdaan,
  • Haddii Soomaaliya deriskeeda la dhaqanto in la siiyo mucaawino..

Prof. mahadallah waxa uu ku xeel dheeraaday taariikhda iyo xiriirka Maraykanka ee ku aadan Afrika, taas oo uu ku tilmaay in ay ka soo bilaabatay wixii ka dambeeyey dagaalkii labaad ee adduunka. Gaar ahaan 1963 wixii ka dambeeyey ayaa Maraykanku danihiisu Afrika kusii xoogeysteen.

Geeska Afrika sababat akeliya ee uu Maraykanku ugu xoogeysey waxa loo yaqaan siyaasadda diidmada oo markii hore ahayd in loo diido oo laga hor istaago Modowgii Sofiyeedka (Ruushka).. haddana waxaa socota in la yiraahdo waxaa laga hor istaagayaa "Argagaxiso".

Marka Soomaaliya laga hadlayo, waxyaabah uu Maraykanku kaga xumaaday waxaa ka mid ahaa: Markii Soomaaliya ay ku durugtay in ay u dhowaato Bariga ilaa laga gaarey 1969 oo uu Soomaaliya ka dhacay Inqilaabkii xukuumada Militarigu oo uu Maraykanku ka xumaaday. Kaddib waxaa Profosoorku xusay taariikho soo maray Soomaaliya oo saamayn ku yeeshay xiriirka Maraykaanka, sida:

  • 1972 asaaskii xisbigii hantiwaadaga (kacaanka Soomaaliyeed).. taas waa ka xanaaqey Maraykanku.
  • Saldhig Militari ee Ruushka ee ay siisay Soomaaliya...
  • Fiitnaam (Vietnam) oo Soomaalidu u ogolaatay calanka Soomaaliya in ay ku shaqaystaan oo badaha ku maraan maraakiibta Vietnam
  • 1976 ayaa madaxweynihii Maraykaanka (Jimmy Carter) amray in Soomaaliya la soo raaciyo xagga Maraykanka oo saaxiib lagala dhigo..
  • 1964 Waxaa maraykanku maal geliyey machadkii waxbarasha Soomaaliya, waxaa bilowday peace corps, iwm.
  • 1977-78: Maraykanku mucaawino ayuu siiyey Soomaaliya..
  • Ka hor 1991 intii aysan Soomaaliya burburin mucaawinada ugu weyn ayaa la siin jirey Soomaalida
  • 1991 wixii ka dambeeyey Soomaaliya waxay gashay dagaal ahliga
  • 1992, waxaa Maraykanku u diay Soomaaliya ciidamo (Raja Soo celinta... Operation Restore Hope).. Waana uu khasaaray... Kaddib dhimashadii 18 askari oo Maraykanka lagu diley Muqdisho sidaas ayaa ciidamadii uu Clinton uga soo saaray Soomaaliya
  • ilaa 9/11: Arrimaha dibadda oo loo bedeley Idiology.. La Dagaalanka Argagaxisada..

Waxa kale oo uu prof. mahadallah xusay sida Afrika dhowaantan indhaha looga laabtay (sida Rwanda).

Waxa kale oo uu uu ku xeel dheeraaday qaabka ay u shaqayso siyaasadda Arrimaha dibadda ee Maraykanka iyo facyadeeda kala duwan..

Waxa kale oo uu xusan hadalkii BUSH ee ahaa Ama na soo raac ama naga jir... Xilliga uu Bush hadalkaas yiri Soomaalida waa burbursanayd mana jirin dawlad. Waxaa arrintii ka faa'iideysety Qabqablayaashii iyo dacaayadii ama Borogaandihii Itoobiyaanka... Saddex qof in la soo qabto ayaa loo burbureiyey Soomaaliya.

Waxa uu yiri "C/Laahi Yuusuf sow ma dhehin Shimbiraale ayaa argagaxiso joogtaa" laakiin waa la soo cadeeyey ceebtooda..

Prof. Mahadallah waxa uu sheegay in Wasaarada Arrimaha dibadda ee maraykanku aysan raali kaahayn in Soomaaliya la galo, waxaa ka dambeeyey waxa loo yaqaan "lobbyist" (u ololeeyaal).

Maadaama aysan hadda jirin wax kula tartama Maraykanku Afrika faraha ayey ka qaaday.. Diblumaasiyiinta ugu liita waxaa loo diraa Afrika.. Kuwa aqoonta leh waxaa loo diraa Yurub, iyo aasiya iyo dalaka la xisaabtamaya.. Waxaa Afrika loo diraa kuwa hawl-gabka ah iyo kuwa hadda koleejooyinka ka soo baxay oo aan aan khibarada lahayn..

Waxana uu dadkii kaga qosliyey markii uu yiri: Kuwa ugu liita ee loo soo diro Afrika oo ah kuwa ugu aqoonta liita, wiilal hadda college ka soo baxay iyo odayaal hawl-gabay ayaad u malaynsaan inaad la hadlaysaan Maraykan...

Arimahaaas ayaa ka khaldan Siyaasadda Maraykanka ee ku aadan Soomaaliya ayuu hadalkiis aku xoo xiray Prof. Xasan Mahadallah.

  • FG: Waaa jira qoraal faahfaahsan oo uu arrimahaaa (USA iyo Soomaaliya) ka diyaariyeye Prof. Mahadalah, marka aan helo halkan ayaan kusoo daabaci donaa, Insha Allah..

Isbahaysiga iyo samatabixinta siyaasadda cakiran ee Soomaaliya (Sakariye M. Xaaji Cabdi)


Sakariye Xaaji

Waxaa markaas kadib madasha lagu soo dhoweeyey Sakariye Maxamed Xaaji Cabdi oo ah guddoomiye xigeenka isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliyeed oo ugu horayn sheegay in Soomaalidu marka ay shirark aadduunka ka qayb gelayaan ay ku faanaan aSoomaalid ajoogta gobolka Minnesota.

Keith Ellison for U.S. Congress
Ellison

Sakariye waxa uu ka sheekeeyey qiso la xiriirta kulan ay kaga qayb galeen Turkiga in uu dadkii Carabta ahaa ee ka soo qayb galay kulankaas ugu faanay in Soomaalida Minnesota ay qayb weyn ka qaateen sidii uu Aqalka Odayaasha Maraykanka (U.S. Congress) uu u tegi lahaa qofkii Muslimka ahaa ee ugu horeeyey (Keith Ellison).. Sidaas dareedeed, ayuu yiri, isgoo la hadlayey Soomaalida Minnesota "marka shirar noocan oo kale ah la qabto waa in meel lakala istaago la waayo.."

Ugu horayn waxaan rabaa, ayuu yiri Sakariye, in aan ayido oo xoogga saaro hadalkii uu yiri Maxamuud Nuur Wardheere ee ahaa waxbarashada in la xoojiyo.

Isagoo ka warbixinaya sida ay dhallinyarada Soomaaliyeed ee qurba joogga ahi ugu soo badanayaan xabsiyada waxa uu yiri: magaalada London,UK waxaa boolisku ii sheegeen in ajnebiga xiran way ugu badan yihiin Soomaalida..

Sakariye oo hadalkiisii sii wata waxa uu yiri:

Meesha keliya oo inoo furan oo la rabo in aanku soo baxno waa aqoonta. Haddaba haddii meeshii carruurtu wax baran lahaayeen ay saaqidaan maxaa inoo dan ah.. Carruurta wax hala baro. ayuu hadalka ku adkeeyey.

Carrurta kuwa weynaadey xataa waa in la geeyo machadyada farsamada, si ay u bartaan farsamo ay ku shaqaystaan.

Galbeedka sida wax looga barto waa ka duwan tahay sidii Soomaaliya wax looga baran jirey. Haddii aan waalidku waqti gelincarruurtu wax ma baranayaan.. Mustaqbalkeenu waa carruurteena.

Wadamadaan aan nimid waxaa jira wax la yiraahdo "ISKU DANAYSI".. marka waa in aad codkiina iibsataan, oo siisaan qofkii dantiina idiin qabanaya.. codkiina ku gorgortama. ninkii Soomaalida dan u ah codkiina siiya.. (Waxan auu xusay nin aqalka maraykanaka ak soo gala gobolka New Jersey oo aad u daneeya arrimaha Soomaalida).

Arrimaha Soomaaliya iyo warkii aan u soo safray:

Sakariye Xaaji Cabdi oo hadalkiisa sii wata waxa uu ku dheeraaday arrimihii uu safarka u soo galay ee uu u yimid shirkaan, isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu ku bilaabay:

Qof kasta haka jawaabo saddex arrimood oo ah:

  • Waxaan ahaan jirey, waxaan hadda nahay, iyo waxaan noqon karno haddaan Soomaali nahay:

Waxaan ahaanjirey: dad isla weyn, karaamo leh, isla qab weyn, cid baryin, waxaan ahayn dadka ugu taariikh wanaagsan Afrikada Madow. Haddaad tagtid Maktabadaha Dalka UK, waxay Soomaalida ka qoreen waxaad arkeysaan in aan nahay dadka ugu taariikhda wanaagsan afrikada madow..

Dadka noocaas ah in aan ahaan jirey waxaad ku garenysaa  in aan leenahay xeebta dheer 3300km, cid kusoo dhowaan jirtey ma jirin. Waxaan weligeen ku dadaali jirey in aan la inaga xigsan badda xagga xajka xigta, isla markaasbna aan cidina inka xigsan badda (badweynat Hindiya).. Xitaa inagoo aan badda ka kalluumaysan jirin oo xooleheena dhaqan jirey ayaan cid kale usoo dhowaan jirin baddeena.. Kuwa aan deriska nahayna buurahaa ay saaraan jireen.

Markaas ayuu Sakariye xusay taariikho ay soo martay Soomaalidu sida:

....Cidda u haysata in Soomaaliya jabtay, Soomaaliya ma jabin ee waa suuxday ee waa soo kabaneysaa....
Sakariye Xaaji

Axmed Gurey oo watey ciidan gaaraya 12,000 oo ah qabaa'ilka Soomaaliyeed in ay ka hor tageen ciidankii Xabashida oo tiradoodu dhamayd 35,0000, waxaana ciidaankaas xabshida lagu jebiyey muddo shan beri oo keliy aah.. Soomaalida runta ah taas ayey ahayd.

Seyid Maxamed Cabdullaahi Xasan muddo 21 sano ah ayuu ku jirey iska caabin iyo is difaac isagoo aan wax mucaawino ah bannaanka uga iman.. (Xooleheena weli waa haysanaa)...

Cidda u haysata in Soomaaliya jabtay, Soomaaliya ma jabin ee waa suuxday ee waa soo kabaneysaa..

  • 1964 waxaad xusuusataan anagoo afar sano jirney in aan iska caabinay duulaankii Itoobiya
  • 1977/78 waad ogtihiin waxaan marsiinay Itoobiya.. Waad ogtihiin in loo soo hiiliyey bari iyo galbeedba.
  • Maxay 500 sano maxay noo qabsan weydey? Yaa sabata garanay? Waan midaysnay.. Hadda waa kala qaysanay..

Ethiopia’s ‘Own Darfur’ As Villagers Flee Government-Backed Violence
By Steve Bloomfield
Independent
October 17, 2007

Early one June morning, in Kamuda, a village of 200 families in the remote Ogaden region in eastern Ethiopia, 180 soldiers announced their arrival by firing guns in the air. The village, they said, had been providing food and shelter for the Ogaden National Liberation Front (ONLF), a separatist rebel group . As the villagers froze in horror, the soldiers plucked out seven young women, all aged between 15 and 18, and left. The following morning the youngest girl was found. Her body, bloodied and beaten, was hanging from a tree. The next day a second girl was found hanging from the same tree. A third suffered the same fate. The others were never seen again.

Shukri Abdullahi Mohammed, 48, a mother of seven children, lived in Kamuda. As she describes the fate of the seven girls – "the most beautiful girls in the village" – she tightens her headscarf around her neck to indicate the way they were killed. "I will not forget it," she says. Days later, a 12-year-old boy from the same village was kidnapped by soldiers and gang-raped. Every night, soldiers would knock on doors looking for women to rape. "I did not want to wait until it happened to my family," said Mrs Mohammed. They left Kamuda and made their way across the porous border with Somalia, before travelling a further 300 miles by foot to the hot and humid port town of Bosasso.  Read more...


Qiso Muqugo Leh - Gabdho iyo wiil Soomaaliyeed oo Ciidanka Itoobiya Kufsadeen:

Sakariye Xaaji Cabdi waxa uu ka xusay qiso aad u xanuun badan oo dadkii shirka joogey ay aad uga caroodeen, ka tiiranyoodeen, aadna uga calooyoobeen, kana xumaadeen.. Qisadaas oo ahayd:

Qoraal ay 17kii Octoebr 2007 soo qortay jariidada Independent ee ka soo baxda dalak UK, oo ay cinwaan uga dhigtay 'Daafuurtii Ethipia', ayey kaga warbixisay sida ay ciidamada Itoobiya u silic dilyeeyeen, una kufsadeen toddoba gabdhood oo ay tuulada Kamuda oo ku taal dhulka Soomaalida ee ay Itoobiya gumaysato.

Waregeysku waxa uu xusay in ciidamada Itoobiy ainta ay rasaas ku fureen tuulada ay xoog ku kaxaysteen toddoba gabdhood oo da'doodu u dhexaysey 15 ilaa 18 jir. Subaxdii xigtey waxaa la helay gabadhii ugu yarayd oo inta ay kufsadeen, oo jir dileen aygeed ka soo daldaleen. Subaxdii xigtey waxaa agbadhii labaad laga helay isla geedkii iyadoo sidii ookale loo galay. Subaxdii saddexaddna gabar sidii oo kale oo galay. gabdhihii kale ilaa meel ay raq iyo ruux ku dambeeyeen lama arag.

Jariidu waxay qortay in dhawr maalmood ka dib ay ciidamada Itoobiya inta ay soo laabteen ay tuuladii ak kaxaysteen wiil 12-sano jir ah oo ay si wadar ahaan ah u kufsadeen. Habeen kastana inta askartaasi ay tuulada yimaadaan ay albaabada soo garaacaan iyagoo raadinaay dumar ay kufsadaan. Waxayan jariidadu xustay hooyo dhashay toddoba carruur ah oo tuuladaas ku noolayd markii ay u adkaysan weydey ay halkaas ka cararay oo tagtay magaalada Boosaaso oo 300 km u jirta tuuladaas. (Qisadaas oo Af Ingriis ah ka eeg halkan...).

Sakariye marki iuu qisadaas xusay waxa uu yiri: Ogaadada in dalka oo dhan la xukumo. Ogaada meesha xabbada ka dhacayso ayaa roon oo waxaa ka daran meelaha aanxabadu ka dhacayn oo lagu xakumo telefoon, oo la dheho hebel nooga soo kaxeeya masaajidka.

Weligaya waan didiri jirnay dhexdeena, kaddibna waa heshiin jirey, laakiin dhaqan nooma ahayn in aan Itoobiya isu soo kaxaysano... Qofkii taas qabaa fikirkaas haka baxo..


1. Addis Ababa, 2. Afar, 3. Amhara, 4. Benishangul-Gumuz, 5. Dire Dawa, 6. Gambela, 7. Harari, 8. Oromia, 9. Somali, 10. Southern Nations, 11. Tigray

Sakariye waxa uu qurba jooga xusuusiyey in dalkoodii Soomaaliya wax ug awanaagsan aan l ahelayn, waxana uu yiri :Gurigaagu waa meesha aad ka timid asalkii". Haddii aad heli kartaan quraac (cunto) aad kala dooran kartaan, ogaada wiilka iyo gabadha Soomaaliya jooga ee dagaalka lagu hayo ma haystaan taas..

Waxa kale oo uu Soomaalida xusuusiyey in dadka ay Itoobiya kufaanto ay dadkeena yihiin, (oo ay tahay siyaasad ahaan in aan la soo wareegno), gaar ahaan waxa uu xusay Qowmiyadda Oromada oo ka badan 30 million waa dadkeenii, waa dad aan isku asal nahay oo Muslimiin u badan. Sidoo kale Canfartu waa dadkeenii. Ogaada Tigreegu kama badna 2.5 milion, waxaan aka badan jufo Soomaali ah. (Eeg khariidada dhanka midig).

Waa in aan qabiilka ka baxno..

Ma yeeli karno in hal nin ama laba nin oo aan iyagu isku kalsoonayn oo daba dhilif ah, ka yeeli mayno in ay karaamada naga qaadaan, ayuu yiri Sakariye.

12 masajid oo ku yaal Muqdisho ayey Itoobiyaanku kujiraan oo ku saxaroodaan, ma waxaas ayaa ah wax loo dul qaato, ayuu is weydiiyey.

Waxana uu xusay meelaha aan kaga wanaagsan nahay Itoobiyaanka, waxana uu yiri: 23 meelood ayaan kaga xoog weynahay hal meel ayey naga xoog weyn tahay waana hal meel oo dhoodhoob ah...

Waxaa khaatimada naga xooray waa markii aan dabagalay Qabqable dagaal oo aan Allah aqoon, oo aan ku daba galay Qabiil. Qof kasta waxa uu dhibane (fictim) u yahay Qabqalayaashaa.. Qofka waa in lagu racaa barnamijkiisa iyo waxa uu bulshada u qabanayo..

Rajada ay Soomaaliya leedahay waa dadkan qurbaha jooga oo ahnidaamyada kala duwan.. Maanta yaan fursad haysanaa.. Maanta ama weligeed [Today or forever]..

Itoobiya qabsigeeda fursad weyn ayey inoo tahay. Waayo waxaa meesha ka baxay wax kasta oo ay kugaban jirtey iyadii ayaa ka dagaalameysa Muqdisho.. (Jabka gaarana kama soo waaqsan doonto).

Sakariye waxa uu xusay in aysan jirin wax Dawal Soomaaliyeed la yiraahdo oo ka jirta Soomaaliya, isagoo arrintaas ka hadlaayana waxa uu yiri:Haddii ay dawladi jirto kama soo tageen. Yaan been la idiin sheegin, dawlad jirta oo Soomaaliyeed ma jiraan.

Maxaa nala gudbod si dhibka looga baxo:

Arrintu 'alamtara soo dhaaftay' ayey taaagan tahay, siin soo dhaaftay, dal soo dhaaftay, waa arrin shakhsiyadeed, ayuu yiri  Sakariye oo intaas ku daray:

Halgan hubaysan.. Xorriyad diblomaasiyad laguma keeno, waxaa lagu keenaa qori caaradiis.. .. Marka aan Tigreega ka boohino ayaa la inala hadli doonaa..
Sakariye Xaaji..

Si aan  xorowno:

  • Qof kasta waa in uu ogaado in Qarniga 21aad Soomaaliya la haysto oo aysan jirin Dawlad Soomaaliyeed.. Cali Geedigii calanka ka taagey gurigii anigu aan ku aroostay (gurigameel uu ku dambeeyey.. kuwa weli ku haray waa ogaaneysaa
  • Xaqa madax bannaanida iyo xaqa nolosha.. xaq ayaan u leenahay in aan is xorayn.. sida South Afrika, eeg Neson Mondella.. oo lagu sheegi jirey Argagxiso... Anagu ma nihin Argagxiso.. Maraykanka saaxiib ayaan la nahay, xorriyad doon ayaan nahay, xaq ayaan u leenahay is xorayn.. Madax bannaani iyo noqol... Waa Asaaska xuquuqul Insaanka.. ["Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay nolol, xorriyo iyo nabad gelyo." Tixraac qodobka 3aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka]

Si loo gaaro xorriyad:

  1. Midonimo dhab ah meel kasta oo aan joogno.. qabiilka ha la halgaado.. aan soo eshanno midnimadii aan ku saaryan gumaystayaashii hore...
  2. Halgan hubaysan.. Xorriyad diblomaasiyad laguma keeno, waxaa lagu keenaa qori caaradiis.. Annagu haddaanu nahay isbahaysiga dib u xoraynta waan ballan qaadnay.. Marka aan tigreega ka boohino ayaa la inala hadli doonaa.. Kuwa hadda dhimanaya hadduu dhintona janno ayuu geliyaa, Insha Allah, hadduu noolaadona sharaf ayuu ku noolaanayaa. [Geeri ama sharaf iyo xorriyad ku noolaansho..]
  3. Daqaale dagaalka lagu galo in la helo, qofka dhimanaya ama dhaawacmaya waa in loo helo dhaqaale, lagu daweeye, qof kasta oo Soomaali ah --  Xusuusta xilligii maxkadaha (ammaankii iyo sharaftii la helay)
  4. daallo airlines
    ku Duula Daalo Airlines
    .. Waa diyaarad Soomaaliyeed

    Qof Soomaali ah yuusan raacin DIYAARADDA ETHIPIAN AIRLIES... Raaca diyaaradaha dalalka aan kale, raaca diyaaradaha Soomaalida.. Tusaale ahaan diyaarada Daalo waxay ka baxdaa LONDON... Sidaas daraadeed haddaad ka bexeysaan Maraykaanka raaca Diyaarada  Northwest Airlines kaddibna 'connection' ahaan London ka raaca Daallo Airlines oo idin geyneysa Soomaalia.. Soomaali ayaa diyaaradaha Itoobiya Airlines raacda ma ahan arrin la qaadan karo.. Dawlada Maraykanaka oo idin soo dhoweysey diyaaradeheeda raaca, shilin aad leedihiin ha siinina Itoobiyaan...

  5.  Qaadka in la joojiyo ama la qaadaco. Waa in aan la iibsan qaadka laga keeno Itoobiya...
  6. Cuntada Xabashida waa in aan la iibsan, CANJEELA XABASHI ama CANJEELO ITOOBIYAAN waa in aan la iibsan..
  7. Meel Soomaali degan tahay wax ku dirso.. Xawaaladaha waxaan ka codsaneysna in ay xiraan xafiisyadooda Addis Ababa.. Shirkadii diida in ay xirto xafiisyadeeda Addis Ababa yaan wax lagu dirsan... waa nala xumeeyey oo gabdhehenii ayaa la kufsaday.. sidee lacagteenu u tegi kartaa Itoobiya.. tagaJABUUTI, iyo gobola Soomaalida... Kuwa deggan Addis Ababa reerahooda h au rareen JIGJIGA, WARDHEER, QARIDAHARRE.. HARGEYSA.. GALKACYO.. BAYDHABO.. iyo meelaha Soomaalidu degto.. Shirkadii diida arrimahaas yaan lala macaamil..
  8. Xumaanta ku suuliya gacanta, carrabka, haddii aysin awoodin qalbiga ka nebcaada... Sidaas daraadeed dhaqaale haku bixinana meel faa'iidada laag helo lagu wax yeelayn doono shacabak Soomaaliyeed.
  9. Bannaanbax joogta ah, "lobby" (ololayn) joogto ah, gaar ah reer Minneapolis.. Xooggiina iyo midnimadiina aduunka tusa, mudaharaada oo isu soo baxa hxitaa haddii heer-kulku ka hooseeyo -20.. Idaacada ka hadala, joornaalada wax ku qora, shir marka la qabanayo meel la maro hala waayo.. Ogaadana dadka raba Amxaarada waa dad yar (kuwaas oo berri ina soo raaci doona).. Waa inoo halgan..

Mar uu Sakariye ka sheekaynayey sida xabashidu xilligaan sida tooska ah ugu maamusho Soomaalida, waxa uu yiri, anigoo safar ah ayaan nin Xabashi ah meel isku aragnay, sawirkaayga ayuu hore u arkay markaas ayuu yiri, orod oo taag Addis Ababa oo ka raadso jago aad ka qabtid Soomaaliya.. Bal eeg aayuu yiri, ma dalkaygii ayaan Zenawi weydiistaa si aan wax uga noqdo.

Shirkii Casmara isagoo ka war bixinaya waxa uu Sakariye yiri: Bishii September 2007 ayaa shirkaas la qabtay, waxan auu ahaa shirkii ugu horeyey oo muddo sagaal maalmood oo keliya go'aano k asoo bexeen. Haddab anagu qorshehiihii dejieny ee wixii lagu socod siin lahaa idinka ayaa ah ee waa in Soomaaliya la xoreeyo.

Waxaan samaynay Buug Cad iyo Buug Madow, ayuu yiri, sidii ay u jiri jirtey xilligii gobanimodoonka. Qofkasta asaga ayaa laga rabaa in uu astaysto meeshii uu isku qori lahaa.. Waxaan u baahanay dadka yaqaan farsamadan casriga ah (technology) iyo dadka aqoonta leh. GUUL IYO GOBANIMO, ayuu ku soo xiray Hadalka.

Sharci darrada ay Dawladda Itoobiya ku qabsatay Soomaaliya (Prof. Ibbi)

prof ibbi
 Prof. C/raxmaan Xaaji Aaden Ibbi

Kaddib waxaa madasha shirk alagu soo dhoweeyey Prof. C/raxmaan Xaaji Aaden Ibbi oo ka tirsan Isbahaysiga Dib u xoraynta Soomaaliyeed qaybta xiriirarada dibada iyo dib u heshiisiinta oo ku xeel dheeraaday sidii ay Itoobiya ku soo gashay Soomaaliya, waxan auu yiri:

Masuuliyadda soo gelitaankii xabashida waxaa qaadaya ummadda Soomaaliyeed oo dhan.  17kii sano ee ugu dambeeyey xabbad kasta oo aan isku dileyney waxaan ka heli jirney xabashida..

Waxana uu markaas xusay sidii Itoobiyaanka lagu soo geliyey Soomaaliya in ay ahayd hab sharci darro ah, waxayn au dhacday, ayuu yiri sidan:

Khudbadii ugu horeysey ee uu la yimid C/Laahi Yuusuf (markii la doortay) waxaa ku qornayd in loo baahan yahay 20,000 ciidamo ah in Soomaaliya la geeyo. Waxaa lala yaabay maadaam auusan ogeyn in la dooran doono sida uu qoraalka dheer u soo diyaarsaday oo ay ku qoran yihiin tiradaas ciidamada ah.. Waxaan ilowney 1978 - yaa Balanballe suray calanka Itoobiya, C/laahi Yuusuf, Soomaaliya wa ilowsiiyo dhowdahay, ayuu yri Prof. Ibbi.


Xubanaha Baarlamaanka DFKMG oo kuraas isla dhacaya March 17, 2005

Waxana uu xusay sida baarlamaanku isugu dagaalay "Yaan la keenin ciidamao safka hore iyo hala keeno" oo muran weyn iyo feer ka dhex dhacay xubnaha baarlamaanka.

Arrintu waxay soo jiitantoba waxaan nimid Baydhabo, ayuu yiri. Markan nimid waxaa habeenkiiba Baydhabo soo galay 70 ciidan ah .. AMHARO KOYTEE.. ayaa reer Baydhabo ku waaberiisteen.

Prof. Ibbi waxa uu yiri: Haddii aan wax yar idiinka sheego qaabka ay yihiin xubanaha baarlamaanka DFKMG waa:

  • 90 waa hanuunsan, kuwaas oo ka badbaadey xulashadii Itoobiyaanka, (waa kuwo u fekera si xor ah)
  • 90 Addis Ababa ayey Itoobiyaanku kala yimaadeen
  • 90 waxay raacaan hadba dhankii xoogga weyn labadaas kooxood ee sare...

Haddaba, Waxaa markii la yimid Baydhabo la bilaabay in moshin la keeno Baarlamaanka ay ku saxiixan yihiin ilaa 27aad (waa wata 90kii laga keenay Addis Ababa).. Waxaa ujeedadu ahayd in ciidamao shisheeye la keno Soomaaliya... Durbadiiba 20 kale o xildhibaan ayaa  ayaa baarlamaanka keenay mooshin ah in cod bixintu ahaato qarsoodi...

Sidaas ayaa 14kii Juune 2006, waxaa 125 xildhibaan u codeeyeen in ciidamo shisheey la keeno Soomaaliya, ciidamadaas oo la kala soocin.

Halkaas waxaa uu ku muujiyey Prof. Ibbi in "Intii aan tashaneyney xabashiduna waa tashaneysey." Waxana uu yiri C/laahi Yusuuf waxaan ku uri "xitaa biya-tooni kuuma noqonayo."..

Prof. Ibbi waxa uu dadkii shirweynaah ka soo qayb galay shaashadda ka tusiyey warqaddii uu qoray guddoomihii Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aaden. Waxan uu Ibbi yiri: Warqadasas markii loo geeyey madaxweynaha ayaa madaxweyana iyo ra'iisulwasaarhuhu waxay ka bedeleen sidii ay ahayd waxayna sameeyey mid macmal ah (foojeri) taas oo ay u geeyeen UN-ta markii ay safarka ku tageen Maraykanka.

Wixii dhacay waa dheceen waa ciqaab, ayuu yiri Ibbi... haddaan dib ugu noqono Allah, dhibka waa ka bixi doonaa.

Prof. C/raxmaan Ibbi oo taageeraya hadalkii Sakariye ee ahaa in dhaqaalaha lagaka dagaalamo Itoobiya, waxa uu yiri: Itoobiya waxaa ka furan sagaal xawaaladood, ha tagaan Jabuuti.. aan jabuuti dhisno.. Safaarad kasta ayaa Jabuuti kutaal oo dadka Fiisayaash adiraya ay uguhagaajin karaan ehel kooda ee Jabuuti hala tago meeshii laag tegi lahaa Addis Ababa.

  • Qof ayaa Xajka ayaa lagu adaa Diyaaradaha Ethiopian Airline ee ka waran. Waxa uu ku jawaabey; XAJKIINU HA BAAQDO HADDAAD RAACDAAN ETHIOPIAN AIRLINES..

Prof. Ibbi waxa kal eoo uu xusay in Dumarka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo dhisa dalka. Taas oo uu ku amaanay dumarka Soomaaliyeed.

Dhanka kel waxa uu xusay in arrinta Soomaaliya ay hadda meel xun mareyso waxana uu xusay qiso dadkii mshirka joogey kaga yaabisay, kana xanaajisey, markalena ku abuurtay caloolyiw, qisadaas oo ahayd:

Nin Xaaskiisii yiri u tag Xabashi!

Qisadan ayaa ka dhacday meel ka mid ah Soomaaliya, ayuu yiri. Nin saarkaal Xabashi ah ayaa magaalada ku arkay qof asturan, markaas ayuu inta uu ninki haweentaas qabey u yimid waxa uu ku yiri: War nin yohow waxaa la sheegayey AIDS iyo wax la mid ah, qoftaada ayaa asturan ee aan la seexdo.. Ninkii inta uu xaaskisii u tegey ayuu weydiistey sidii la soo amray.. Gabadhii inta ay il iyo labaeed baar ninki goysey ayey ku tir dayuusyohow ig aatag.. Arrintii waxay gaartey wax loogu yeero in loo fariisiyo oday dhaqameedyo.. taas oo dulaysi kale ah..

Gabadhii oo dhawr carruur ah haysata waa soo carartay waxayan hadda joogtaa Nairobi.. Waxaan ku niri carruurta ninkaas magaciisa ka bedel dullig aha si aysanba weligood ugu abtuirsan... maanta ayey taagan tahay nasab dhimankii rasmiga ahaa in la hayo...

Ninkii taageera Xabashi waa in la takooro, waa in aan la guursan gabdhohooda, guntii rasmiga ahayd weeye, tusbax go'ay hala dhigo wixii xabashi gacan siiya, ayuu ku yiri. Dadka masaajida Muqdisho dhexdooda ayaa lagu qowracaa.. Maanta waa maalintii la kala baxayey. [Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan hadaladii Prof. Ibbi hoos ayaad ku arki doontaa...]

Buraanbur Qiiro leh... [Hadday diintu maqantahay dawladnimo macaan ma leh....]

Laba gabdhood ayaa buraanburro ka soo jeediyey madasha.. Buraan buradaas oo qiiro geliyey dadkii kulanaka ka soo qayb galay.

Buraan buradaas dulucdoodu waxay ahayd guubaabo in dalka Soomaaliya la xoreeyo, laga xoreeyo gumeysiga Itoobiya.

Waxa kale oo buraanburadu ku salaysnaayeen in dawladnimadu aysan qiimo lahayn haddii aan la isu dhiqin diinta Islaamka. "Hadday diintu maqantahay dawladnimo macaan ma leh...." ayeytiri gabadhii buraan bureysey.

Ku Xadgudubka Ethiopia Xaquuqul insaanka (Fowsiya Sheikh)


Fowsiya Sheikh

Waxaa mashada shirka lagu soo dhoweeyey Fowsiya Maxamed Sheikh oo ka hadashay Ku Xadgudubka Ethiopia Xaquuqul insaanka iyo danbiyada dagaal ee ka dhacay Soomaaliya. Waxayan ugu horayn xustay in Itoobiya aysan na qabsan kari lahayn haddii aysan soo kaxaysan lahayn dad nala midab ah.

Waxay xustay ilaa markii Itoobiya soo gashay Soomaaliya in ay qowracaan carruurta iyo dhallinyarada, oo kufsatay gabdhahii Soomaaliyeed.

Waxa kale oo ay Fowsiya xustay in Itoobiyaanku ay bililiqaysteen hantid iyo maal wixiiay arkaan, taas oo ay tiri waxaa hadda Addis Ababa laga furay Suuq madow oo lagu gado alaabta ay ka bililiqaystaan Soomaaliya.

Hadda waxay dadka ka ururusadaan computerada iyo Labtop-yada iyagoo ku marmar-siinyoonay argagaxiso sawiradooda ayaan ka fiirineynaa, sidaas ayeyna ku qaataan. Waxa kale oo ay xustay in Itoobiyaanku hubka ay dadka Soomaaliyeed ku laayaan ay ku jiro kiimiko halis ah..

Waxay aad uguxeel dheeraatay dhibaatooyinkii ay ciidamada Itoobiy ageysteen intii ay ku jireen gudaha Soomaaliya.

"Waxaan idin ka codnayenaa in aan maxkamad soo taagno inta qof ee dhibaatada u geystay Soomaaliya, waa in maxkamad la soo taago intii dhibaatada geystey.." ayey tiri Fowsiyo oo madasha ka akhriday warbixin dheer oo ay arrimaah Soomaalida ka soo diyaarisay...

Kaddib waxaa dadweynihii shirka aka soo qayb gaaly loo daaray Filim ay Fowsiya Sheikh ka keentay Soomaaliya oo tusinaya sid ay Itoobiyaanku u baabi'yeen shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho.. Filimkaas oo ah mid aah u naxdin badan, marka la geliyo YOUTUBE ayaan halkan kusoo xiriirn doonaa insha Allah.

Gabagabdii Kulanka waxaa bilald sharafyo la siiyey xubno siweyn u muujiyey Soomaalino.


Faarax Macallim :
Akhri Soomaalida Minnesota oo Taageeray Musharaxnimada Faarax Macallin Dawaara ee Baarlamaanka Kenya

Ugu dambayntiina Ururka Midowga Qurba Joogga Soomaaliyeed waxay Hambalyo Faarax Macallim oo ku guulaystey doorashaii xildhibaanao ee Kenya ee uu u tartameyey.

  • Ururka Midowga Qurba Joogga Soomaaliyeed waxa uu bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Maraykanka weydiistey in ay la xiriiraan ururka, taageerona siiyaan, emailka ururku waa: unitedsomalid@gmail.com

SOO KOOBID:

Waxaa dadweynaha Soomaaliyeed la xusuusiyey in ay xaq ugu leeyihiin xor-nimada iyo nolosha gumeysi la'aanta ah, sidaas daraadeedna ay xaq u leeyihiin in ay iska xoreeyaan Itoobiyaanka ku soo duuley dalka Soomaaliya.

Waxaa kale oo dadweynihii shirka ka soo qayb galay aad ugu riyaaqeen markii kulanka laga soo jeediyey siyaabaha dalka Soomaaliya lagu xorayn karo oo looga saari karo Itoobiyaanka ku soo duuley in ay ka mid tahay in dhaqaalaha laga curyaamiyo Itoobiya, oo qof Soomaali ah Shilin iyo Taanu uu leeyahay uusan ku bixin meel ay Itoobiyaanku ka faa'iidi karaan, waayo lacagta ay Itoobiya ka hesho Soomaalida ayaa lagu laayaa isla dadka Soomaaliyeed ama lagu xasuuqayaa.

Sidaas daraadeed hadaladii aadka loogu riyaaqay oo ay soo jeediyeen marti sharaftii ka hadashay shirka ayaa waxaa ka mid ah in gebi ahaanba la qaadaco Diyaaradaha Ethiopian Airlines. Arrintaas oo uu ku nuuxnuuxsaday Sakariye Xaaji Cabdi, oo uu ayidey prof. Ibbi, waxa ay dadka Soomaaliyeed xusuusiyeen in ay jiraan diyaarado Soomaaliyeed oo ku geynaya Soomaaliya, oo aysan jirin wax qof Soomaali ah ku khasbaya in uu raaco diyaaradaha Itoobyan Airlines.

Waxa kale oo lagu baaqay in la qaadaco:

  • Cuntada Itoobiyaanka, sida canjeela xabashida
  • Qaadka laga keeno Itoobiya
  • iyo wax kasta oo ay ka macaashayaan Itoobiyaanku in la qaadaco

Lacagta ay helaan Itoobiyaanku waxay ku maal geliyaan xasuuqa ummadda Soomaaliyeed, ayaa lagu adkeeyey Soomaalida, sidaas daraadeedna aysan bannaanayn in arrintaas lagu gacan siiyo Itoobiyaanka.

Waxaana dadka Soomaaliyeed la xusuusiyey: Qofkii arka xumaan gacanta ha ku suuliyo, hadii uusan ku suulin karin af ahaan haku suuliyo, kii aan intaas awoodina qalbiga haka nebcaado... Sidaa daraadeed ficil ahaan ayaa Itoobiya loo tusi karaa in lacagteena meeshii aan doono aan xor u nahay si aan dadkeena loogu xasuuqin macaashkii ama faa'iidadii laga helay lacagtaas.

Xawaaladaha iyo Addis Ababa

Waxaa kale oo loogu baaqay xawaaladaha Soomaaliyeed in aysan wax lacag ah geyn magaalada Addis Ababa. Dadka Soomaaliyeedna halkii ay eheladooda ugu diri lahaayeen Addis Ababa ha geeyeen Jabuuti, ama magaalooyinka Soomaalida sida Jigjiga, Qabri dahare, Qalaafe, Godey. iwm, magaalooyinkaas waxaa lacagta la geeyo ka macaashaya Soomaali, laakiin lacagta la geeyo Addis Ababa waxaa ka macaashaya Itoobiyaan.

Waxaa la xusuusiyey in xawaaladaha Soomaaliyeed ay wax ku yihiin dadka Soomaaliyeed, sidaas daraadeed xawaaladii lacag geysa Addis Ababa in ay Soomaalida oo dhammi qaadacaan xawaaladaas.

Waxaa Soomaalida loogu baaqay in ay maalkooda gashadaan dalka Jabuuti oo ah dad walaaleheen ah halkii ay lacagtooda ku bixin lahaayeen Addis Ababa.

Waxaa la xusay in sababta ay Soomaalidu u tagaan Addis Ababa in ay ka mid tahay dad loogu diro Fiisooyin. Waxaa dadkaas loogu baaqay in ay Jabuuti u wareegsadaan fiisooyinkooda iyo haddii ay qof soo isboonsarayaan, maadaama Jabuuti ay joogaan safaarada adduunka badan koodu.

Taageerada Itoobiyaanak oo Lagu noqonaayo Gun...

Waxaa kale oo Soomaalida loogu baaqay in la takooro qofkii taageero la garab istaaga Itoobiyaanka xasuuqaya dadka Soomaalida, oo markaas laga dhigo gun aan laga guursan gabdhihiisa, aan wiilashiisa loo guurin, laga dhigo gunta dhabta ah... Waxaa Soomaalida la xusuusiyey in ay jiraan dad Soomaali ah oo la quursan jirey si xaq darro ah, balse maanta ayaa la ahayaa gunta dhabta ah oo wixii hadda kadambeeya ay noqon doonto cidda Itoobiyaanka taagerta.

Warqadaa aad u direysid senotorka iyo congresska halkan kala soo bax: PDF | WORD | HTML

Warsaxaafadeedka Ururka Qurba Joogga oo dhammaystiran ka akhri: HTML | PDF | WORD

Warbixintii Fowziya Sheeikh akhri: AF-SOOMAALI | ENGLISH

Asaaskii Ururka United Somali Diaspora ka akhri halkan...

SomaliTalk.com | Minneapolis, MN | Nov 25, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com