SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
Daabaco Boggan | Print
Su'aalihii caafimaadka ee sannadkii 2001 uu ka jawaabey Dr. Ibrahim.
:::GAROONKA GAROOWE:::

$250,000 Range Resource Sheegtay in ay u dhiibtey Isimada Garoowe Halkee ku Danbaysey...
:::MAQAALKII INJ. CIBAAR:::
cibaar Maqsuud: Maashaa-Allee Sow Muqdisho Lama Mushaaxaayo!
isbeddelladii dhowaan ka dhacay  Muqdisho
Akhri...
:::MAQAALKII ASSAD:::
AssadDimishiq Caasimaddii Umawiyiinta, Taariikh Qotodheer, Warbixin:.. AKhri... (pdf)
:::HORYAALKA YURUB:::

Isku Aadka Horyaalka Yurub
 
:::HARGEYSA:: GARGAAR:::
Xamse Axmed Xuseen waa wiil yar oo ay haleeleen xanuun rabaani ahi una baahan in lagula daalo dhakhtaro... Akhri...
:::MAQAALKII CILMI:::
cilmiGardarada garabka og iyo gobanimadoonka go’doonsan: WQ. A.D. Elmi.. Akhri
OLOLAHA NADAAFADA XAMAR:
hamar
Garoonka Muqdisho: Wejiga hore ee ololaha nadaafadda iyo bilicsamida Muqdisho.. Akhri..
:::GEEDDI & BAARLAMAANKA:::
geediGeedi oo Gowska Dambe  ka Qosley: waayo 90% waxay filayeen in Geeddi uu dhacayo. Qore: Amiin
 
:::682 QOF OO LA DILEY:::
Soomaaliya: Magacyada iyo meelahii lagu diley 682 qof oo rayad ah muddadii u dhexeysey July 22, 05 - July 20, 06.. Akhri...
::GABAYGII INJ.CIBAAR::
cibaar
 
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo

:::OTTAWA ISLAMIC SCHOOL:::
iskuul
Waraysi maamulaha Ottawa Islamic School, Maxamed Sh. Axmed.... Halkan Guji...
::: DOOD-CILMIYEED:::
dood
Aqoonyananno Soomaaliyeed oo ka hadlay isbedelka iyo kacdoonka ka dhacay Soomaaliya Halkan ka dhegeyso...
qoraalHooyo Faadumo “Wiilkayga kama quusane, Qiil gargaar ma ii haray" Akhri...
::: XAFLAD MAHADCELIN AH:::
qoraal
Minneapolis: Masjida Dar-alHijra oo qabtay xaflad mahad celin ah
:::MUQDISHO:::
qoraal
Aayadaha Qur’aanka Maxay Galabsadeen | Qore: Amiin Yusuf

:::ISBEDELKA CUSUB EE SOM:::
somSOOMAALIDA DIBADDA IYO ISBEDELADA CUSUB!:: Qormadii Sh. Xasan Jaamici... Guji..
:::WARAYSIGII SH. SHARIIF:::
Sharif Wareysigii Sheekh Sharif Sheekh Ahmed ee June 22 oo Af-Soomaali lagu tarjumey... Akhri..
::ARDAYDA SOMALIDA INDIA::
qoraal
Xaflad  Qalin Jebin Ardayda Wax ka barata  Hindiya... Guji..
:::BILICDA BOOSAASO:::
bilic
Warbixintii Yusuf Gaduudow.. Guji
:::WARAYSI: DR. FAROOLE:::
farooleC/Raxmaan Maxamed Faroole oo u Waramay Idaacada Australia... Guji..
::GARYAQAAN C/LAHI FARAX::
qoraalWajiga Labaad ee Kacdoonka  Muqdishu:
ha la taageero rabitaanka iyo kacdoonka Shacbiga reer Muqdisho...
Guji...
::MAQAALKII ASAD::
Maxkamaduhu Maka Faa'iideysan Doonaan Guulaha, MIse Saliid iyo Baladxaawo Kama Duwana | Asad
:::WARAYSI:: QAADKA:::
qoraalWaraysi ku saabsan Qaadka oo Radio Australia SBS la yeelatay  Eng.Ismail Said Aw-musse... Guji
:::M. C. YUUSUF:::
yusufMaxaad ka taqaan Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf: Waddaniga aan Daalin!.... Guji...
:::CIBITAALKA MANHAL:::
qoraal
Manhal Specialty Hospital waa cusbitaal Hargeisa laga furay
Bandhigga "Ibn Khaldun"
Spain iyo dunida Islaamka...
::: ISGAARSIINTA::::
qoraalTAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA Q.10aad
Qaybtani waxa ay ku bilaabaneysaa heerarkii uu soo maray Raadiyaha. Akhri..

QORAALO KALE OO XIISO LEH... GUJI


Wararkii Nov 8, 2006
  • Gudoomiyaha baarlamanka oo ugu baaqay maxaakiimta inay ciidankooda dib uga soo celiyaan Baydhabo.
  • Prof.Dalxa: Lama In-kiri Karo Wax qabadka Maxkamadaha, Laakiin?!.
  • Axmed Nuur Cali Jimcaale “Aad baan uga xunahay in Dowladda Mareykan ay sii haysato lacagihii ay lahaayeen Masaakiinta..
  • Dad ka soo barakacay Deegaano ka tirsan Jalalaqsi oo ku dhibaateysan Tuulooyin ka tirsan ..
  • Shariif Xasan “Waxaan ka codsanayaa Maxaakiimta.in ay xiyraada ka qaadaan
  • DOWLADDA FEDERALKA OO KU EEDAYSAY....
  • WAFDIGII KENYA DIYAARADU SIDA QALAD AH ULA GASHEY OO KA WAR BIXIYEY SAFARKOODII
  • DOWLADDA MASAR OO ETHIOPIA...
  • 67 XILDHIBAAN OO UU HORKACAYAY ....
  • Ogaadeenya: Dagaallo Cadowga lagu jabiyay.

Keith Ellison for U.S. CongressKeith Ellison (Muxammad) oo Noqday Muslimikii ugu horeeyey oo Ku Biira Aqalka Congress-ka Maraykanka...

Tirintii codbixintii doorashada Maraykanka, gaar ahaan doorashada aqalka Congress-ka ayaa tibaaxday in Keith Ellison uu ku guulaystay kursigii uu Minnesota ugu tartamaya aqalka Congress-ka, sidaasna uu ku noqday qofkii Muslimka ahaa ee ugu horeeyey ee xubin ka noqda aqalka looga arrimiyo Maraykanka ee Congress-ka. (Codbixintii ugu horeysey waxa uu Ellison ku horeeyey 56%, halka latartamihii ugu soo dhowaa uu helay 21%).

Keith Ellison waxa laga soo doortay magaalada Minneapolis, gaar ahaan aag laga soo bilaabo 1962 ay ku guulaysan jireen xisbiga Dimoqraadiga ee uu ka tirsan yahay. Qodobada uu tartanka ku galay waxaa ka mid ahaa in uu ka qayb qaadanayo in si degdeg ah "ciidamada Maraykanka looga soo saaro Ciraaq" asagoo arrintaas ka hadlaayana waxa uu yirii "waxaan soo afjareynaa dagaalka ku salaysan beenta, ciidanka Maraykankana degdeg ayaan guryigooda ugu soo celineynaa". Waxana uu si xoogweyn uga soo horjeeda siyaadada Madaxweyne Bush.

Akhri qormadii: MUXAMMAD HALOO DIRO AQALKA US CONGRESS

Xilligii uu socdey kulan diineedkii 6-aad ee Muslimiinta W/Ameerika (Sept 2006) ayaa SomaliTalk.com fursad u heshay in ay su'aal gaar ah weydiiso Keith Ellison, taas oo ahayd "Haddii lagu doorto maxaad u qaban doontaa ama u ballan qaadeysaa in aad u qabaneysid Soomaalida". Waxana uu ku jawaabey: Waxaa ka shaqaynaya nabadda, waxaan ku dadaalayaa dhawrida xuquuqda shacabka (civil rights), waxaan Soomaalida kala shaqaynayaa xagga Immigration-ka iyo qaadashada dhalashada (citizenship), iyo yaranta waqtiga dheer ee la sugayo immigration-ka iyo caddaalad samayn xagga dhaqaalaha - halkaas asagoo sharaxayana waxa uu yiri waagii hore hal qof ayaa biili kari jirey qoys ka kooban shan qof, laakiin taasi hadda suurta gal ma ahan, waxaana kala tegey daqabqadihii, dadkii fiqiirka ahaa ee Maraykanka waa sii fiqiirayaan dadka qaniga ah waa sii taajirayaan, waxaan ku dadaalayaa in aan taas wax ka qabto ayuu yiri, isagoo xilligaas aad ugu niyad samaa in Soomaalida haysta dhalashada Maraykanka ay u codayn doonto. Agga laga soo doortona ay Soomaali badan deggan tahay, xilligan oo Soomaalida deggan Maraykanku ay noqeen cod ay ku tartamaan musharixiintu.


Kulankii Jaaliyadda Suuriya iyo Xubnaha Baarlamaanka :-Prof.Dalxa: Lama In-kiri Karo Wax qabadka Maxkamadaha, Laakiin?!.

asad cadaani | Suuriya
assadlaska@yahoo.com

 
Kulan ay soo qaban qaabiyeen Safaaradda Soomaaliya iyo Jaaliyadda Dalka Suuriya ayna ka soo qayb galeen xubno ka socday Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo u yimi dalka Suuriya Sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen shirka Baarlamaanaadka Carabta ayaa lagu qabtay hoolka shirarka xaafadda masaakin ee magaalada Dimishiq.

 
Guddoomiyaha guud ee jaaliyadda Soomaalida ee dalka Suuriya Fu’aad  ayaa warbixin kooban oo uu halkaasi ka soo jeediyey kaga waramay xaaladda guud ee jaaliyadda Soomaalida ,isaga oo xusay in ay dhammaan arrimaha la soo gudboonaada kaga gudbaan isku duubnida Jaaliyadda Iyo safaaradda Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in Soomaalida halkan ku dhaqani ay iska kaa shadaan wax kasta oo ku soo kordha.

 
Safiirka Soomaaliya ee dalka Suuriya Md. Maxmuud Muuse Tarey ayaa hadal uu ka jeediyey kulanka xusay in ay dadweynaha u fidiyaan adeegyo gala duwan kuwaas oo ay ku buuxiyaan baahi kasta oo markaa la soo gudboonaata jaaliyadda dalka Suuriya ku dhaqan, iyaga oo la kaashanay xukuumadda dalka Suuriya oo uu tilmaamay in ay Soomaalida aad wax ula qabtaan.

Sii hayaha Safaaradda Soomaalida ee Suuriya Maxamud Muuse Tarey
Sii-hayaha Safaaradda Soomaalida ee Suuriya Maxamud Muuse Tarey

 
Hasa yeeshee waxa uu tibaaxay Safiirku in ay haybadda iyo sharafta ku dhamaystirmi karto iyada oo la helo dawlad Soomaaliyeed oo wada shaqaysa, markasta oo isqabadku yaradaana ay ummadaha kale karaamo ku dhexyeelanayso ummadda Soomaaliyeed.
 
Waxaa isaguna goobta ka hadlay guddoomiye ku xigeenka koowaad Prof. Axmed Cumar Dalxa oo sheegay in muddooyinkan danbe ismaan dhaafka golayaasha dawladu soo yaraanayo ,tan iyo intii loo soo guuray magaalada Baydhabo,ayna jiraan dadaalo lagu doonayo in lagusoo afmeeriyo wixii hadhsan.
 
Guddoomiyaha iyo xubnihii waftiga  ayaa dadweynihii ka soo qayb galay kulankaasi waxa ay su’aalo ka weydiiyeen xaaladdda siyaasadeed ee uu dalku manta ku sugan yahay, mar guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka wax laga weydiiyey qudobada ugu waaweyn ee ay dawlada iyo maxkamaduhu isku maandhaafsan yihiin ayaa waxa uu sheegay in  aan la in-kiri Karin waxqabadka maxkamadaha , laakiin ay jiraan ayuu yidhi  dawlado badan oo aan doonayn in Soomaaliya nabad galyo ka hirgasho, mar uu ka jawaabayey Mr Dalxa su’aal ku saabsanayd dalka itoobiya ayuu sheegay  in ay arrintaasi buunbuuniyeen saxaafadda qayb ka mid ahi, wuxuuna sheegay in dalka Soomaaliya ay ku loolamayaan in ka badan 14 dawladood uuna la yaabay  waxa dal kaliya farta loogu fiiqayo.
 
Xildhibaan Maxamed Macalin C/raxmaan Nadif iyo Xildhibaan Ismaaciil Xasan Timir oo iyaguna ka hadlay madasha ayaa xusay in loo baahan yahay in labada dhinaca ee haatan ku loolamaya siyaasadda Soomaaliya Maxkamadaha iyo Xukuumaddu ay lagama maarmaan tahay in ay wada xaajood yeeshaan, waxayna sheegeen in maxkamaduhu yihiin awood xoogbadan ,goobo badana nabad ku soo dabaalay ,dawladuna ay haysato taageero afeed caalamiya , ciddii diida dadaalka nabadeed ee haatan la wadana aysan u danaynayn shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale ilo ku dhow dhow xubnaha waftiga ayaa tibaaxay in xubno ay ka mid yihiin zakariya Xaaji Cabdi ay ka degayaan magaalada Muqdisho , Prof Dalxa oo isaga ay aad isugu dhawyihiin Mas’uuliyiinta Sare ee dawladuna uu ka degayo Magaalada Baydhab.

asad cadaani | Suuriya
assadlaska@yahoo.com



Axmed Nuur Cali Jimcaale “Aad baan uga xunahay in Dowladda Mareykan ay sii haysato lacagihii ay lahaayeen Masaakiinta..

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Shalay oo ay bisha November ahayd 7 oo ay ahayd maalintii xayiraadda lagu soo rogay Shirkaddii Barakaat ayaa waxaa munaasabad ku aadan maalintaasi waxay ka dhacday xarunta Shirkadda Barakaat ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgalay mas’uuliyiinta shirkadda, Dadweynihii laga xayiray lacagahooda iyo dadkii ay taakuleyn jirtay.

Axmed Nuur Cali Jimcaale oo ah madaxa shirkadda Al-Barakaat ayaa waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay aad uga xun yihiin in Mudo shan sano ah Dowladda Mareykanka u xayirnaato lacagihii ay dadka masaakiinta ah lahaayeen.



“Waa dowlad weyn waxay ku tumatay xaquuqdii dadka Masaakiinta ahaa” ayuu yiri Axmed Nuur Cali Jimcaale oo sheegay in baaritaankii ay sameeyeen gudigii loo xilsaaray shirkadaasi ay baaritaankooda ku caddeeyeen in ay shirkaddaasi aysan wax xiriir ah la laheyn ururada Argagixisada.



Madaxweynihii hore ee Dowladdii Carta C/qaasim Salaad Xasan ayaa waxa uu isna sheegay in Shirkadda Barakaat lagu waayey waxyaabihii lagu tuhmayey, isagoo sheegay in ay habooneyd in mar hore shirkaddaasi xayiraada laga qaado, waxaa kaloo ka halday munaasabaddaasi Maryana Xuseen Awreeye oo sheegtay in Mareykanka laga doonayo in uu fasaxo lacagahaasi ay dadku masaakiinta ah lahaayeen. (Warbixin dheer oo ku saabsan Barakaad hoos ka akhri)...

Dad ka soo barakacay Deegaano ka tirsan Jalalaqsi oo ku dhibaateysan Tuulooyin ka tirsan ..

Dad tiradooda gaareysa ilaa iyo 650- qoys oo ka mid ahaa dad markii hore ka soo barakacay Dagaalo ka dhacay degaanka Jalalaqsi soona gaarey Gobolka Shabeeladda dhaxe halkaas oo ay ka heli jireen Gargaar aan sidaa u badneyd Dadkii ay la joogeen ayaa waxaa ugu darsamey Roobabkii lixaadka lahaa oo waayadanbe ka da’ayey Gobollo ay ka mid yihiin Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan iyo fatahaada webiga ayaa haatan waxay ku dhibaateesanyihiin Tuulooyin ka tirsan Gobollada Shbeelada Hoose. oo ay u soo carareen

Dadkan ayaa waxa ay ka cabanayaan baahi daran, biyo la’aan, iyo hooy la’aan taasoo ay ugu waca tahay waxyeelladii ka soo gaartay daadadka iyo fatahaada Dadkan oo ay haatan k ku sugan yihiin Tuulooyinka ay ka mid yihiin Moora Shiikh, Buula yareey Shiikhaaleey , Baaldoos iyo Gaalgube, iyo Tuulooyin kalaba,ayaa haatan ku jira Xaalad ba‘an, ayadoo hantidooda ay heysteen baa’ba”dey markii beerahii ay tabcan jireen daad fara badan waxyeelo u geysteen .

Dadkan oo xoogsato ahaa dhinaca Beeraha ayaa cabashadooda ku salaysan tahay gaajo, Biyo la’aan ,Cuduro.Hoy la”aan iyo dhibaatoon kalaba, sidaas daraateed Dadkan waxay ka codsanayaan Hay’adaha Samafalka iyo Dhamaan Ummadda Soomaaliyeed in ay la soo gaaraan gargaar aadamnimo, ayadoo ay dadkan saamayn weyn ku yeesheen Cudurrada, iyo Qaajada, waxaana cabashadaan soo jeedinaya Odayaasha Tuulooyinka, oo ay ka mid yihiin Xsan Xaaji, Ibraahim, Aadan Dheere Saney, Cabdiraxmaan Shiikh Maxamuud iyo Odoyaal kale.

Shariif Xasan “Waxaan ka codsanayaa Maxaakiimta.in ay xiyraada ka qaadaan

Guddoomiyaha Baarla-manka Soomaaliyeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa shalay ka qaybgalay kulan balaaran oo ay xubnaha Baarlmaaanka ee Muqdisho ku sugan ay la yeesheen mas’uuliyiinta sarsare ee Maxaakiimta Islaamiga ah kaas oo ka dhacay beertii Sheekh Saa’id Bin Suldaan ee Degmada Afgooye.

Shariif Xasan waxa uu u soo jeediyay Dowladda iyo Maxaakiimta Islaamiga in ay kala qaadaan ciidamada, isla markaan shacabka Gobalada Bay iyo Bakool xayiraada laga qaado, waxaa kaloo ka hadlay kulankii shalay Gudoomiyaha Guddiga Fulinta Sheekh Shariif iyo Guddoomiyaha Golaha Shuurada Xasan Daahir Aweys, waxayna labadoodu sheegeen in ay soo dhaweynayaan wada hadal toos ah oo dhex mara Dowladda iyo Maxaakiimta Islaamiga ah.

Ciidamadii Milatariga oo hawlgal qarsoodi ah ka fuliyey Deegaano ka tirsan..

Ciidamado Milatari ah oo isugu jiray Kumaandoos iyo Miiniiste oo dhawaan loo qaaday safka hore ee Dagaalk ayaa dhawaan waxa ay hawlgal ka sameeyeen deegaan ku dhow Bardaale oo ka tirsan Gobalka Bay. Ciidankaan oo watay labo gaari oo Tikniko ah ayaa iyagoo sahan ah oo maraya deegaankaasi waxay la kulmeen Gaari ay lahaayeen ciidamada Itoobiya, Gaarigii markiiba waxa uu ku soo dhex dhacay ciidamadaasi, balse waxaa si xeeladeysan gacanta kugu dhigay ciidamada Milatariga Soomaaliyeed, waxayna wararka aanu helnay sheegayaan in gaarigaasi ay saarnaayeen 9- sagaal askri, iyadoo labo ka mid ah oo isku day in ay baxsadaan la toogtay, halka kuwii kalana ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamada Milatariga oo ay wehliyeen ciidamo kale oo ka amar qaata Maxaakiimta Islaamiga ah, waxayna wararku sheegayaan in Askartii Itoobiyaanka aheyd ee la qabtay loo soo kaxeeyay Magaalada Muqdisho, bale ilaa iyo haatan ma jiraan shaaq ka qaadis rasmi ah oo ay sameeyeen Mas’uuliyiinta Maxaakiimta Islaamiga ah. Waa markii ugu horeysay oo ciidamadii hore ee xoogga Dalka ee dhawaan Maxaakiimtu uruuriyeen hawlgal noocaan oo kale ah sameeyaan, waxaana Magaalada Muqdisho dhawaan laga qaaday dhowr boqol oo Askari oo ciidamadii xooga Dalka ah kuwaas oo isugu jiray Kumaandoos, Darawaliin iyo Miiniiste, iyagoo dhamaan ciidankaasi la geeyay safka hore ee halka ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Itoobiyaanka ah iyo kuwa Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale wararku sheegeen in guutooyin ka tirsan Ciidamadii Xoogga Dalka oo iyana ku sugnaa Gobalka Hiiraan iyana loo qaaday dhankaa iyo goobaha dagaalka

Musavini oo wada qorshayaal ku aadan sidii uu isugu keeni lahaa...

Madaxweynaha Wadanka Uganda Musavini ayaa waxa uu wadaa qorshayaal dib loogu soo nooleynayo wada hadaladii burburay ee u dhexeeyay Maxaakiimta islaamiga ah iyo Dowladda Federaalka ah.

Madaxweynaha ayaa waxa uu qorsheynayaa in uu dalkiisa ku martigeliyo, balse waxaa is weydiin mudan Maxaakiimta Islaamiga ah ma ogolaan doonaan in ay ka qaybgalaan shir uu wado Musavini maadaama uu ka mid yahay mas’uuliyiinta u ololeyneysa in Soomaaliya la keeno ciidamo nabad ilaalin ah oo gacan siiya Dowladda Federaalka ah. Dowladda Federaalka ah ayaa la sheegay inay ku qanacsan tahay qorshahaas uu wado Musavini waxaana la sheegay in dhawaan ergay ka socda Uganda uu soo gaari doono Soomaaliya, isagoo kulamo la yeelan dona Dowladda iyo Maxaakiimta.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Gudoomiyaha baarlamanka oo ugu baaqay maxaakiimta inay ciidankooda dib uga soo celiyaan Baydhabo.

Muuse maxamuud Jisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho somalia
002521576666/002521653623


Gudoomiyaha golaha baarlamaanka federaalka Somalia md Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta ugu baaqay golaha maxaakiimta soomaaliyeed inay ciidankooda ay dib uga soo celiyaan magaalada Baydhabo ee xarunta u ah dowlada federaalka Somalia.

Munaasabad maanta furitaan u aheyd kulankii dib u heshiisiinta ee dhexmarayay xubnaha dowlada federaalka Somalia ee Muqdisho jooga iyo masuuliyiinta labada golaha ee maxaakiimta islaamka soomaaliyeed ayaa lagu qabtay brrta sheikh sayid binsuldaan alnahyaan ( reer Kuwait ) ee degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada hoose, waxaana sidoo kale ka soo qeybgalay munaasabadasi 67 xildhibaan iyadoo hadalada inta badan ay jeediyeen masuuliyiinta labada dhinac ay u badaayen sida loogu baahan yahay in la gaaro dib u heshiisiin iyo is afgaray dhexmara dowlada federaalka ah ee Somalia iyo golaha maxaakiimta soomaaliyeed.


Gudoomiyaha golaha baarlamaanka Somalia Md Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kulankaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in loo baahan labo qodob oo aad muhiim u ah taasoo uu ku sheegay in la tixgaliyo aqoonsiga ay dowlada caalamka ka heysato iyo sidoo kale iyana loo baahan yahay in la tixgaliyo awooda golaha maxaakimta iyo nabada ka jirta goobaha ay ka taliyaan, wuxuna sheegay inay sababta ugu waa weyn ee ay Muqdishi u yimaadeen ay aheyd in la helo nabad iyo dib u heshiisiin waarta oo labada dhinac dhexmarta, isagoo gudoomiyuhu ka codsaday in cunaqabateynta laga qaado magaalada Baydhabo, isla markaana ay maxaakiimtu ka ogolaadaan inay ciidamadooda ay dib ugala soo baxaan deegaamada ku dhow dhow magaalada Baydhabo, wuxuuna sidoo kale sheegay inuu ku dadaali doono inuu dhanka kalena ka dhaadhiciyo inay iyagana ciidamadooda ka qaadaan aagaga hore, isagoo xusay inay macquul tahay inay dhankooda ay ku adkaankarto ciidamo qaadista.

Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia wuxuu sidoo kale kulankii maanta horta dhaca u ahaa dib u heshiisiinta ee dowlada iyo golaha maxaakiimta soomaaliyeed ka sheegay inay Muqdisho u yimaadeen in la helo dowlada awood leh oo aan hoos tagin dowlado kale oo jaar nala ah ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan, wuxuna uga mahadceliyay sidii wacneyd ee isaga wafdigiisa loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho oo uu qiray inuu isbedel weyn ku arkay.

Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay gudoomiyaha gudiga fulinta ee golaha maxaakiimta soomaaliyeed Sheekh Sharif Sheekh Axmed, wuxuuna ka waramaray inay dhinacooda diyaar u yihiin in dib u heshiisiin la gaaro taasina ay tahay hadafka koobaan ee golaha maxaakiimta, wuxuuna ka waramatay halgankii ay maxakiimta u soo galeen iyo sida ay ugu guuleysteen taasoo uu sheegay inay u seheshay qaadashada kitaabta alle, wuxuna ugu baaqay xildhibaanada kale ee ka tirsan dowlada federaalka inay iyaguna sidoo kale ay qaataan kudhaqanka shareecada diinta islaamka, taasoo uu shegay in aduun iyo aaqiroba guul lagu gaarikaro.

Waxa isna goobtaasi ka hadlay gudoomiyaha gudiga shuurada ee golaha maxaakiimta soomalaiyeed, gudoomiyaha qabanqaabada kulankaasi, isla markaana ah gudoomiye ku xigeenka gudiga fulinta Sheekh cabdiraxmaan Janaqoow, xildhibaan Cumar Xaashi Aadan iyo xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf, kuwaasoo dhamaantood cadeeyey in loo baahan yahay in dib u heshiisiin dhab ah ay la gaari si looga baxo dhibaatada maanta Somalia heysto, iyadoo la shaaciyay in gudiyo farsamo oo ka wada xaajooda dhameynta waxyaabaha la isku maandhaafsan yahay loo sameyn doono kuwaasoo ka wada xaajoon doono ka mira dhalinta hadafkaasi.

Kulankaasi oo ahaa kii ugu horeeyay ee Muqdisho si rasmi ah ay ugu yeeshaan xildhibaanada dowlada federaalka Somalia ee Muqdisho ku sugan iyo masuuliyiinta golaha maxaakiimta soomaaliyeed ayaa intiisa badan wuxuu ahaa mid kaftan iyo hadalo sarbeeb ah ay is dhaafsanayeen labada dhinac.

Axmed nuur cali jimcaale “ dulmiga 5 jirsaday dowlada maraykanku waa in ay naga joojiso

Manta oo ay u buuxsantaya 7/11/2006 markii maraykanu uu xirey shirkadii al barakat iyo bangigii shirkadaas

Shirjaraaid oo uu manta ku qabtey aruntii shirkadii albaraat ee uumaraykanku albaabada u laabay godoomiyahay shirkadaas ayuu kaga hadlay dhinacyo badan oo ay ka midyihiin dhibaatooyinkii ka soo wajahay arintaas shacabka dulman ee somaliyeed guud ahaan gaara ahaana saamilaydii shirkada iyo dadkii hantidooda ku anibantay bangigii la barakaat ,

Gudoomiye axmed cali jimcaale wuxuu sheegay in shirkada xawaalada barakat iyo bangigaba in maraymkanku uu ku daray liiska farta agaduudan ee argagixisada ka dib markii ay dhaceen qaraxyadii loo geystey daarihii mantaanaha ahaa ee xaruntii ganacasiga aduunka ee magaalada new York . wuxuuna karaykanku markii ugu horeysay xiray xarumihii shirkada ee ku yiilay Minnesota iyo Ohio iyo guud ahan xarumihii shirakda ee aduunka tas oo maraykanku ugu talagalay in uu ku curyaamiyo shacbiga somaliyeed oo ilaa iyo hada ay ka xayirantahay dhaqaale garayo 8 milyan oo dolar .

Axmed nuur cali jimcaale waxaa kale oo u shegay in baaritaanlagu sameeyey lagu waayey wax danbi ah sidaa daraadedna ay dowlada isweden ay markii ugu hreysay ay fasaxda cadaysayna in uusan xiriir kala dahxaayn shirkadaas iyo alqaacida

Axmed nuur cali jimcaale waxaa kale oo uu sheegay in ay shirkada barakat ay aheyd shirkada gu baaxada weyn shirkadaha ka jirey dalka xiligii maraykanku u xirayey oo ay isticmaali jireen somalida inteeda badan dunida dacaladeeda meekasta oo ay ka joogaan taas oo ay eheladooda u dirsan jireen ama ay dhigan jireen si dhibato shirkada loogu geysto .macaamiisha ,iyo shaqaalahaba dowlada maraykanku waxey xirtey shirakadii al barakaat iyada oo madaxdii shirkadane lagu darey liiska argagixisada caalamiga ah ,

Dadkii shirkada ka shaqeynayey dadkii lacagaha dhigtey iyo madaxdiiba intaba dhibato weyn ayaa soo gaartey dhaqaalahoodii oo la baabi.iyey dhibato weyn oo ka so waaqsasho laheyn loo geystey naftoosdii iyo xoolahoodii wuxuuna intaa ku daray isaga oo hadalkiisii si wato aad iyo aad anaga oo uga xunahay ayaa hadane dadfkii ku noolaa ama shirkada xafiisyadeeda ka shaqaynayey wadamada bariga dhexe iyo wadamada aan ahayn reer galbeedka kuwaas dhibaatada aad iyo aad ayey ugu sii badneyd arintooduna rajo la.aan ayey eheyd maxaa yeelay ma sameynin in ay u doodaan shirkada sababao jira owgeed ayuu yiri isaga oo ka gaabsaday in uu carabka ku adkeeyo wadamada uu sheegaayo kuwa ay yihiin kamana aysan dalban dowlada maraykanka sabab iyo cadaymo ay u haayaan arinta shirkad albarakaa sheegaysa dadkas ayaga wadankooda jooda oo si sharci ah ku degan in danbi cad la keeno ama loo daayo xoolahooda arintas ma aysan ku guulaydsan laakiin ragii kale ee la mid aka ahaa ee deganaa wadamada yurub ama America ayaga rajo ayaa muuqatey sanadkii 2006dii hay.ada maraykanku leeyahay oo dadka dibadaha koontroosha ayaa laba nin oo ka mid ah dadkii somaliyeed ay ka saareen liiska argagixisada kuwaas oo ahaa rag somaliyeed oo jinsiyad mareykan ah heysto arintu

 

si kastaba ha haatee waxaa weli ku jira liiska argagixisada shirkada dadkii ka shaqeynayey oo madaxda ahaa qaar aan nasiib u yeelay in ay helaan passporadii maraykanka ama yurub .dadkii heystey passporada maraykanka iyo yurub waa laga saarey liiska maxaa yeelay dowladahoodii ayaa u dooday laakiin wixii heystey passpor Somali ah wuxuu noqday looma ooyaam intaas ayaa liiska ku hartey hoolihii somalidu iyo shirkada laheydna sidaas ayaa loo heystaa weli

dacwaii faraxa badneyd ee aan soo jedinay weli dheg jalaqlooma siin arimahaasuna waxey wax u dhimaysaa xaquuqda aadnaha waana cadaalo dari iyo meelka dhac loo geysanayo dadka somaliyeed ugu danbeytiina wuxuu dowlada maraykanka ka codsaday in ay shirkada albarakaat ka joojiso dulmigaa 5 jirsaday dadkaa somaliyeed ee masakiinta ahna u aoo deyso dhaqaalihii laga xanibay dadkaa liiska ku haarayna oo ka mid ah bulsho weynta somlaiyeedna iyagana waa looma ooyaane liiskaas oo sida qaladka ah ugu jira ka saarto dowlada maraykanku ,

Guntii iyo gabagabadii dadkii halkaa ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Dr maxamed axmed yuusuf oo a mid ahaa dadkii hantidooda lagu xanibay shirkada albarakaat oo ka war bixiyey sida ay dhibatada u tabada

“ Dr . maxamed axmed yuusuf Manta oo ah maalin loo murugoonayo oo xanuun leh oo ku dhacday keydkii somaliyeed dadku amaano ahaan u dhigteen hantidooda shirkada albarakat waana arin aad u xanuun badan marka la yiraahdo xog aan ku doonano na Somali ahaana wax isbede ah aan keeneynin anigu waxaan ku jirey shaqaalihii qaramada midoobey u shaqeyn jirey wixi aanka shaqeystane shirkada albarakaat ayaan amaano ahaan u dhigtey wixii aan kala soo cararayey dadkii hubeysnaa ee burcada ahaa oo dadka guryaha ugu soo dhacayey waxey noqotey in shirkadii aan u dhiibtey maraykan ku daro liiska argagixisada oo xoolaheygii waxba aysan ka ceyman hadii qabii iga dhaco wax baa ii ceyman lahaa ee qabiil ayaa lagu dacweyn lahaaye maraykan qabiil malaha sidaa daraadeed bulshada maraykanka waxaan u soo jeedinayaa in xoolahaas sida qaladka ah somalida uga maqan oo markasta ay dhahaan somalida ayaan caawineynaa waxeyna keliye hanagu caawiyaano in ay noo fasaxaan intaa ka dib waxuu umada somaliyeed ugu baaqay in ay samir muujiyaan

sidoo kale waxaa isne halkaa ka hadlay isaga oo ku hadlayo magaca ganacsatada somaliyeed gudoomiyaha ganacsata mudane c/kariin cali gabayre

“gabayre manta oo ay tariikhdu tahay 7/11/2006 waxey ku began tahay maalinti ugu horeysay ee shirkada albarakaat albaabada loo laabo waana shirkad ay ku xiraayeen kumanyaalo Somali ah oo ay hanti u taalay ilaa iyo hadane ay ka maqan tahay xoolihii ay shaqaysteen waxaan manata si toos ah ugu sheegaynaa kana codsanaynaa in shirkadaas la fasaxo si ay u helaaan dadkii xoolahooda lagu xanibay

sidookale waxaa iyane ka hadashay canab cali faataale oo sheegtey in ay dad amaano u dhiiban jireen iyadune ay ku shubi jirtey bangiga shirkada albarakaat waxaan ku shubayna dib uma helin oo dhibaato weyn ayaa dhacday waxaana shaqadii laga jojiyey shirkadii oo dhan xafiisyadiina waa la wada xirey sidaan ayaan ku waayey wixii aan dhigtey bangigii albarakaat 5 sano ayey naga maqantahay lacatgtaa teeniina waxaa ka daran tii amaanada eheyd ee naloo dhiibtey taas oo aheyd konton konton doolar iyo boqolboqol doolar oo ay noo soo direen dadka dibada joogo aniguna aan geyn jirey bangiga albarakaat taas ayaa na loo haystaa sidaa daraadeed dowlada maraykanka waxaan ka codsanaynaa wax ka soo gelaaya ma jiraan xoolaha dadkaa masaakiinta ah waxoooda in ay iyagu na caawiyaan ayey aheyd ayey tiri canab cali faataale oo hadalkeedii ku dartey ma fialaynin in ay maraykanku dhibaato noo geysanayaa ee waxaan fialynay in ay dhanwalbo naga caawin doonaan ugu danbeyntii ayey codsi u jeedisay dowlada maraykanka ku aadan sidii ay xanibad uga qaadi laheyd xoolaha ku xaniban shirrkada albarakat

iyada oo aan la soo koobi Karin dadkii halkaa ka wada hadlay iyo wixii ay sheegeen ayaa waxaa ka mid ahaa cabdi mahad oo ku hadlayey magaca aqoonyahanada somaliyeed ,gacal abkow oo ku hadlayey magaca ururada bulshada somaliyeed , maryan xuseen owreeye o ku hadlaysay magaca hay.ada u doodada xaquuqda aadnaha ee ismaciil jimcaale osoble , ruqiyo sheeq cali oo ku hadlaysay macaga xaqitiga ku jira xerada ama kaamka ceelwaaq dadkii halkaa ka hadlay ayaa dhamaantod waxey ka sinaayeen baaq ay u dirayeen dowlada maraykanka oo ay ku sheegeen in ay ka danbeyso xirnaanshaha shirkada xawaaladaha ee albarakaat

DOWLADDA FEDERALKA OO KU EEDAYSAY....

Masuul sare oo ka tirsan dowlada Federalka oo diiday in la shaaciyo magaciisa ayaa waraysi uu siiyay wargeyska asharqal awsat ee ka soo baxa magaalada London, wuxuuna ku eedeeyay gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya.

Sharif Xasan Sh. Aadan wuxuu ka talaabsaday awoodihisii dastuuriga ah, wuxuuna wadaa isku day inqilaab Siyaasadeed oo ka dhan ah dowladda Federalka isagoo u adeegaya maxkamadaha Islaamiga ah" ayuu yiri masuulkaasi oo intaas ku daray in Guddoomiyaha baarlamaanka uusan xushmayn wadiiqoyinki Soomaliyeed ee sharciga ah balse uu isagu iskiis u qaatay go'aan uu wada xaajod la gelayo Maxkamadaha ah isagoo horay u ogaa in dowlada Federalka ay u dhaqaaqday sidii ay wada hadalo u la geli lahayd Maxaakimta balse ay maxaakimto fashiliyeen wareegii seddexaad ee wadahadalada ee lagu waday in uu ka furmo 30ka bishii tagtay, wuxuuna sheegay inuu qabo in Sharifku uu metalayo naftisa oo keliya balse dowladda Federalka uusan wax xiriir ah la lahayn waxa ka dhacaya magaalada Muqdisho.

WAFDIGII KENYA DIYAARADU SIDA QALAD AH ULA GASHEY OO KA WAR BIXIYEY SAFARKOODII

Afhayeenka maxkamadaha gobolada Jubbooyinka ayaa ka hadlay qaabkii ay Kenya ula dhaqantay mas'uuliyiinti maxaa-kiimta ee saarnaa diyaaradii sida qaldan uga degtay magaa-lada Nairobi ee dalka Kenya.

Afhayeenka maxkamadaha ee Jubbooyinka Ibraahim Shukri Sh. Axmed oo ka mid ahaa wafdigii la socday gudoomiyaha gobolka socdaalkii qaldamay ay ku gaareen magaalada Nairobi ayaa sheegay inay aheyd sababaha keenay aadistooda magaalada Nairobi cillad farsamo oo soo wajahday diyaaradii ay saarnaayeen wafuudaas oo iyada ka dagi weysay garoomada Muqdisho iyo Kismaayo sababa la xiriira cimilada oo aad u kululeyd iyo weliba iyadoo Nal la'aan ka jirto inta badan garoomada Muqdisho iyo Kismaayo sida uu sheegay duuliyihii diyaarada sidaana ay keentay inay dib ugu noqdaan magaalada Nairobi.

Afhayeenka ayaa sheegay in intii ay joogeen magaalada Nairobi ay waaxda socdaalka Kenya ay su'aalo weydiisay dad uu ka mid ahaa Guddoomiyaha gobolka hase yeeshee waxa uu mahad celin u jeediyey afhayeenka dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan dalka Kenya gaar ahaan safiirka Kenya ee Soomaaliya Max'ed Cabdi Afey oo kaalin muuqata ka ciyaaray soo deysmadooda wafuudaas sida uu sheegay Afhayeenka.

DOWLADDA MASAR OO ETHIOPIA...

Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Masar dhow-aan uu booqasho ku tagi doono wadanka itoobiya.

Waxa uu shegay in uu kulamo la qaadanayo madaxda dalka Itoobiya isagoo kala hadalaya xaalada dalka Somaliya.

Warkani oo ay soo daabacda jariiradda Al-ahraam ee ka so baxda magaalada Qaahira ayaa waxaa lagu sheegay labada wasiir arrimo dibadeed ee laba-da dal ay kulan gaar ah qaadan doonaan.

Arimahani ayaa waxa ay soo baxayaan iyada oo dhowaan xukumada Qaahira ay shaaca ka qaaday in ay dhex dhexaadin ka bilabayso dalka Somaaliya.

67 XILDHIBAAN OO UU HORKACAYAY ....

guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubno gaaraya 67 xildhibaan iyo masuuliyiinta Midowga Maxk-amadaha Islaamiga ayaa Maanta kulankii ugu horreeyay oo ay si fool ka fool ah isu soo hor fariistaan uga furmay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Kulankan oo ahaa mid qado ah laguna furayay kulanka looga hadlayo isu soo dhowaanshaha dowladda Federalka iyo golaha maxkamadaha ayaa waxaa ka hadlay xubnihii kulankaasi ka qeyb galay oo ay ka mid ahaa-yeen guddoomiyaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo afar xildhibaan oo kale oo uu ku jiro Cumar Xaashi Aadan, Max'ed Cabdi Yuusuf iyo xubno kale, kuwaasoo dhammaantood ka hadlay sida ay diyaarka ugu yihiin inay heshiis buuxa ka dhex dhaliyaan labada dhinac ee dowladda Federalka iyo golaha Maxkamadaha Islaamiga.

Dhinaca kale madaxda golaha Maxkamadaha Islaamiga oo ay ka mid ahaayeen Shariif Xasan Sheekh Aadan guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha iyo guddoomiyaha Golaha shuu-rada Sh. Xasan Daahir Aweys ayaa kulankaasi ka hadlay, kuw-aasoo sheegay inaysan wax shuruud ah ku xireyn wada hadalka ay la galayaan dowlada Federalka.

Kulankan ayaan la sheegin inta uu sii socon doono iyo haddii uu ka sii socon doono degmada Afgooye iyo haddii Muqdisho lagu soo wareejin doono.

Dhinaca kale kulan Maanta ay ku yeesheen magaalada Nairobi wafdigii dowladda Federalka ee ka qeyb galay kulankii bur-buray ee Khartoum ee uu hoggaami-nayay ra'iisul wasaare ku xigee-nka ahna wasiirka Arrimaha dastuurka iyo Federalka Danjire C/laahi Sheekh Ismaaciil oo uu khadka taleefanka uga qeyb galay ra'iisul wasaare Cali Max'ed Geeddi ayaa laga soo saaray gabagabadiisii in xukuu-madda iyo baarlamaanka inta ku sugan Baydhabo maahee inta kale ee ku kala baahsan dibada ay si deg-deg ah ugu soo galaan xarunta dowladda Federalka ee magaalada Baydhabo si loo gudo galay waxa loogu yeeray khad cusub oo sheegay in isag-oo la tashiyo la sameeyay mad-axweynaha dowladda Federalka iyo guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqorre la go'aamiyay in si deg-deg ah ay u soo xaroodaan masuuliiinta xukuumadda iyo baarlamaanka oo aan Baydhabo ku sugneyn taasoo loo arko mid culeys lagu saarayo kulanka degmada Afgooye Maanta uga furmay xubno uu horkacayo Shariif Xasan Sh. Aadan iyo
golaha maxaakiimta Islaamiga.

MASUULIYIINTA GOBO-LADA JUBBOOYINKA EE ...

Waxaa Maanta gelinkii hore ka soo degay garoonka diyaardaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho masuuliyiintii gobol-ada Jubbooyinka oo uu hor kacayay guddoomiyaha Maxkamadaha Islaamiga ee gobollada Jubboo-yinka Md. Sh. Axmed Max'ed Islaam, iyadoo ay halkaasina ku soo dhoweeyeen guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamiga Sh. Shariif Sh. Axmed iyo ku xigeenkiisa C/raxmaan Max'ud Janaqow iyo xubno kale.

Wafdiga oo uu hoggaaminayey Sheekh Axmed Max'ed Islam oo shir jaraa'id ku qabtay markii ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha ayaa waxa uu ka warramay sababtii diyaaraddii ka qaadday magaalada Kismaayo ay ugu degtay magaalada Nairobi ee dalka kenya iyo sababihii dhaliyay arrintaasi iyo sidoo kale qaabkii ay dowladda Kenya ula dhaqantay.

Sheekhu wuxuu sheegay in dadkii sida weyn u garab istaagay markii ay halkaasi ka dageen ayuu shee-gay inuu ka mid ahaa Safiirka dowlada Kenya u qaabilsan Soo-maaliya Max'ed Cabdi Afey iyo wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Kenya.

Dhinaca kale waxa uu ku eedee-yay Sh.Axmed Islaam Arrinta lagu celcelinayay ee Nairobi ku qabsatay in sabab ay u ahaayeen Qolooyinka sheeganaya Dowlada Federalka oo iyagu doonayay in ganacsigii culumada oo horey ay u wadeen ay halkooda kasii wadaan isla markaana ay uga sheekeeyeen in Maxkamadaha ay doonayeen in ay qarax geystaan.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Gola-ha Maxaakimta Islaamiga Sh. Shariif Sh. Axmed oo isna shir jaraa'id ku qabtay Isla Xarunta garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Mahada Alle kadib walaala-hooda ay si nabad ah ku soo gaareen Magaalada Muqdisho.

KOLONYO CIIDAMADA MARAYKANKA AH OO U....

Sida uu Maanta ku warramay wargeyska Kenya Times ee ka soo baxa dalka Kenya Kolonyo ciidamo Maraykanka ah oo ka tirsan Ciidamada la dagaalanka argagaxisada ee ku sugan dalka Jabooti isla markana watay 20meeyo baaburta waaweyn ee xamuulka wax ay Sabtidi aynu soo dhaafnay ka soo gudbiin magaalada Gaarisa iyaga oo u soo talaabay dhinac xuduuda Kenya ay la leedahay Somaliya.

Wargeysku waxaa uu sheegay in talaabadan uu Maraykanku qaaday ay timid iyadoo ay jiraan khatarada dagaal gobaleed qarxa, wuxuuna intaas raaciyay in ay cabsida laga qabo qaraxa dagaalkan ay sii kordhisay digniinta Maraykanku uu ka soo saaray weeraro is miidamin ah oo ay fuliyaan xubnaha mayalka adag ee ku sugan Somaliya, weeraradas oo ku wajahan dalalka Itoobiya iyo Kenya.

Wargeysku wuxuu intaa ku daray in ay sidoo kale jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xoog badan oo ay ciidamada Kenya ay ka wadaan magaalada Garisa iyo xuduuda Kenya ay la leedahay Somaliya kadib markii xayiraad lagu soo rogay dhaqdhaqaaqa gaadiidka ee sadexda xarumod ee qaxootiga ee maamusho hay'ada UNHCR ee Dadaab asbuuci hore.

Waxaa wargeysku sheegay in dhaq dhaqaaqyadan ciidan ay xoojinayaan tuhumo la xiriira dhisida isbahaysi ciidan oo ka dhan ah maxkamadaha oo qab-saday inta badan K/ Somaliya.

Muuse maxamuud Jisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho somalia
002521576666
002521653623

Chad: xukuumada wadanka Chad ayaa ku eedaysay Sudaan in ay xuduuda dalkeeda ka wado xasuuq.

Sida laga so xigtay madaxda wadanka chad ee ay suuudaan xuduuda wadaagaan ayaa dalkaasi suudaan ku eedeeyay in ay xuduuda dalkeeda ka wadaan wax ay ugu yeereen xasuuq.

Subaxnimadii hore ee saaka ayaa wasiirka warfaafinta ee dalkasi Chad sheegay in 100 qof dad gaaraya lagu dilay xuduuda dalkisa chad.

Waxana uu intaa ku daray in ay jiraan dadbadan oo dhibanayaal ah dhibka ayaa u dhexeeya dadka asal ahaan ka soo jeeda Carabta iyo kuwa aan ahayn Carabta kuwaasoo si xawli ah uga soo talaabay xuduuda Darfur ee dalka sudaan una soo gudbay dalka Chad sida uu wasiirku sheegay.

Xukuumada dalka Chad ayaa ka dalbanaysa in la keeno ciidamo Nabada ilaaliya oo ka socda Qaramada Midowbay kuwaas oo lageeyo xuduuda dalkaasi uu la wadaago Dalka Suudaan.

Waxaa jira Xasuuq waxaana si xad dhaaf ah looga soo gurmayaa dalkasi suudaan iyaga oo soo beegsanaya dadku dalkayga halka ugu dara ay dadkaasi imanyaaan waaa Dar Sila meesha lagu amgacaabo sidaasna waxaa yiri wasiirka warfaafinta ee dalkasi Chad Ahmed Mahamat Bachir isaga oo intaa ku daray in ay jiraan xaafado iyo tuulooyin badan oo lagubay oo dhamaan tood kuyaala halka lagu magacaabo Salamat oo ah xuduuda.

Ururada carabta ah ayaa dagaalka wada iyaga oo halkaasi ka dhigay meel aan amaan ahayn islamarkaan ay tahay meel faraha kabaxday sida uu wasiirku cadeeyay.

Waxaa kale oo halkaasi ka jirta dhibaato bini aadanimo majiraan Biyo ay dadku cabaan mana haystaan raashin iyo wixii ay dadku u baahan yihiin oo aan laga maarmi karin sida uu wasiirku cadeeyay.

Xaalka dadka qaxootiga ah ee ka soo qaxaya dalka Sudan ayaa ah mid aad u liita kumana haystaan dadkaasi halka ay u soo qaxeen hoy ay ku noolaan karaan in kabadan halmiyan ayaa ka cararay guryahoodii Gobalka ay dhibka badani ka jirto ee Darfur iyaga oo u soo qaxay dalka Chad oo ay dhibaato bini aadantinmo ka haysto hada islamarkaana aysan xataa wali amaan ku haysan oo hada sida cadna xuduudii lagu baabi'inayo.

Xukuumada Dalkaasi Suudaan iyadu waa ay beenisay eedaymahaasi loo soo jeediyay sidoo kalena sudan ma ogala in ciidamo ka socda qaramada midowbay la keeno gobalka Darfur waxayna ka xigtaa dagaal sida ay shaaca ka qaaday suudaan mararbadana ku cel celisay.

A/rizak koronto
Garowe Puntland


Barnaamijkii Radio Xoriyo
07 November 2006  
Ogaadeenya: Dagaallo Cadowga lagu jabiyay.
 
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo ciidammada lagu jabiyay oo ka dhacay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah. Dagaaladaasi waxay u dheceen sidatan;
 
 13/10/06 dagaal ka dhacay Baarguun, oo ka tirsan degmada Godey, waxaa ciidammada gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 9 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 11 askari.
 
 24/10/06 dagaal sidoo kale ka dhacay Laas-dhankayrre, oo ka tirsan degmada Qabridaharre, waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 6 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 8 askari.
 
 27/10/06 waxay ciidammada xoreynta Ogaadeenya weerar mir ah ku qaadeen cidammada gumaysiga ee fadhigodu yahay magaalada La-helow, oo ka tirsan gobolka Doollo, waxayna weerarkaas ugu gaysteen khasaare ba’an oon faahfaahintiisa la haynin.
 
 23/10/06 ciidammada xoreynta Ogaadeenya ayaa sidoo kale weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga ee fadhiya magaalada Iimey, waxayna u gaysteen khasaare lixaad leh.
 
 25/10/06 cidammada geesiyiinta ah ee xoreynta Ogaadeeyna ayaa weerar mir ah ku qaaday mid ka mid ah xarumaha ciidammada gumaysiga Itoobiya ee ku sugan magaalada Qabribayax, waxayna gaadhsiyeen khasaare aad u badan.
 30/10/06 dagaal ay cidamada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa saama la-ludka ah ee gumaysiga Itoobiya iskaga horyimaadeen magaalada Galaalshe, oo ka tirsan gobolka Qorraxey, waxaa ciidamada cadowga lagaga dilay 7 askari, waxaa kaloo lagaga dhaawacay 9 askari.
 
 25/10/06 dagaal ka dhacay magaalada Baabili waxaa ciidammada maxaysatada ah ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 4 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
Dad cadowgu ku xidhxidhay meelo kala duwan.
 
Ciidamada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa meelo kala duwan oo ogaadeenya ka mid ah ku xidhxidhay dadwayne rayad ah iyo dad u shaqaynayay maamul ku sheegyada degmooyin Ogaadeenya ka mid ah.
 Sida uu ku soo warramayo wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya waxay ciidammada gumaysiga xabsiga u taxaabeen xubnihii maamul ku sheegga degmada Qabribayax, ka dib markii ay ciidammada xoreynta Ogaadeenya ka fuliyeen weerar mir ah 25/10/06.
 
 Waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu meelo kale ku xidhxidheen maamul ku sheegyadii u shaqayn jiray, iyagoo ku eedaynaya inay wax ka qaban waayeen JWXO oo maalin maalinta ka denbaysa ka sii xoogaysanaysa oo horumar dhinac walba ah sii samaynaysa, waxaana ka mid ah maamul ku sheegyada la xidhxidhay maamul ku sheeggii degmada Dhagaxbuuu oo siduu u dhannaaba xabsiga la dhigay markii ay taariikhdu ahayd 29/10/06.
 
 Magaalada Dhagaxbuur waxay ciidammada gumaysigu sidoo kale ku xidhxidheen bisha Oktober horraanteedii dadwayne rayad ah oon waxba galabsanin. Dadka aan magacyadooda helnay waxay kala yihiin;
 
1-    C/llaahi Cabdi
2-    Bashiir Maxamed Sh Cabdi
3-    Cali Dhagjar
4-    Axmed Maxamed Xaamud
5-    Yuusuf Daa’uud iyo
6-    Ina Sh Cali oo magiciisa hore aanaan haynin.
 25/10/06 Waxay ciidammada cadowgu magaalada Iimey ku xidhxidheen dadka kala ah;
1-    Sh Xuseen Xasan Xirsi
2-    Cabdi-Jawaad Xasan Xirsi
3-    Abshir Suufi Cali Aar iyo Xer badan.
 
30/10/06 waxay ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya magaalada Galaalshe ku dileen Alla ha u naxariistee Wali Amaadin oo ahaa nin shacab ah on waxba galabsanin.
Waxay sidoo kale ku xidhxidheen Raage Aw C/llaahi Cadaad iyo Bashiir Raage Aw C/llaahi Cadaad.
 
 Ciidammo badan oo gumaysiga ka baxsaday.
 
 Ciidammada gumaysiga Itoobiya ee sida qasabka ah lagu keenay dalka Ogaadeenya ayaa beryahan denbe aad u kordhiyay baxsiga, iyagoo si naf la-caariga ula carara dhinaca Soomaaliya iyo dalka gudihiisaba.
 
 24/10/06 waxaa ciidammada gumaysiga eek u sugan magaalada Huuraale ka goostay 9 askari oon la garanaynin meesha ay u jahaysteen.
 
 10/10/06 waxaa sidoo kale ciidammada gumaysiga ee fadhiya magaalada Iimey ka baxsaday 22 askari oo hubkoodii la baxsaday.
 
 20/10/06 magaalada Sagag waxaa ka goostay 18 askari oo ka tirsan ciidammada gumaysiga, hase yeeshee waxaa laga daba-diray ciidammo kale markii baxsigooda la tabay. Waxay ku gaadheen meesha lagu magacaabo Bar-dhamaad, waxaana halkaas ku dhex maray dagaal qallafsan, iyadoo ay ku kala dhinteen 22 askari.
 
 Intii u dhaxaysay 29/10 – 30/10/06 waxaa ciidammada gumaysiga eek u sugan nawaaxiga Qabridaharre ka baxsaday 31 askari.
 04/11/06 waxaa sidoo kale ciidammada gumaysiga ee ka hawlgala magaalada Qabridaharre ka goostay 17 askari oo hubkoodii wat.
 
 02/11/06 baabuur ay ka buuxeen ciidammo gumaysigu leeyahay oo loo waday dhinaca Soomaaliya, kaasoo ka baxayay magaalada Jigjiga waxaa ka baxsaday intii aanuu baabuurku ka bixin magaalada 40 askari.
 
 01/11/06 ciidammada gumaysiga ee ku sugan magaalada Sagag waxaa ka baxsaday 20 askari. Koox kale oo iyaguna ku talajiray inay ciidankaas ka baxsadaan ayaa laga warhelay, ka dibna xabsiga loo taxaabay.
 
 Ciidammada gumaysiga ee ku sugan degmada Dannood ee gobolka Doollo waxaa sidoo kale ka baxsaday ciidammo badan oo tiradooda saxda ah aanaan helin.
 
 Dhinaca kale daba-yaaqadii bishii hore waxaa saraakiisha ciidamada gmaysiga shir qiimayn ah loogu qabtay magaalada Qaridaharre, waxaana markii uu shirkaasi dhammaaday la xidhxidhay 83 ka mid saraakiiisha ciidammada gumaysiga. Markii ay taariikhdu ahayd 03/11/06 waxaa la toogtay 50 sargaal oo ka mid ahaa saraakiishii la xidhxidhay. Intii kalana wali way xidhan yihiin. Sidoo kale waxaa bastoolad dhafoorka iskaga dhuftay oo is-dilay mid ka mid ah saraakiishii qiimaynta lagu samaynayay.
 
 Wariyuhu wuxuu kaloo noo soo sheegay in toddobaadyadii u denbeeyay ciidammada laga ruqseeyay oo xeryohoodii lagu hayaa 86 askari oo laga shakiyay inay daacad u yihiin taliska keligii taliye Meles Zenawi iyo in kale. Waxaa sidoo kale dhinaca galbeed loo qaaday 800 oo askari, kuwaasoo looga baqay inay ciidammada ka baxsadaan.
 
 Waxyeellada roobabka Dayrta.
 
 Roobab aad u badan ayaa maalmihii denbe oo dhan ka da’ayay dhammaanba gobollada kala duwam ee dalka Ogaadeenya. Roobabkan ayaa keenay in Wabiga Shabeelle uu fataho, isla markaana daadad badan oo ka dhashay ay waxyeellooyin kala duwan soo gaadhsiyaan dad iyo duunyada.
 
 Booraale, oo ka tirsan degmada Galaalshe, waxay dadaadadku ku dileen labo gabdhood. Meesha lagu magacaabo Odawaato, oo Faafan ka tirsan, waxay sidoo kale ku dileen labo gabdhood iyo 40 Adhi ah.
 
 Dullashe oo ka tirsan deegaanka Faafan, waxay sidoo kale daadadku ku dileen Ruqiya Maxamed Qaloonbi, oo ahayd gabadh uur leh. Daakhato waxaa sidoo kale daadadku kula tageen wiil yar oo magiiciisa aanaan helin.
 

Saddaam Xuseen oo Dil lagu xukumay.

 
Madaxweynihii hore ee ciraaq Saddaam Xuseen ayay maxkamad ku taala wadankaasi ciraaq ku xukuntay dil maalinimadii Axada ee 05-11-06,waxaana xukunkaas loo cuskaday gumaadkii uu ku laayey 148 ruux  sideedameeyadii magalaada Dujayl.
 
Waxaa kaloo ay maxkamadu dil ku xukuntay 1-Barzaan Ibrahim Tikriiti oo ay Saddaam Xuseen isku hooyo yihiin waxaana isna lagu eedeeyey inuu si ulakac ah u gaystay gumaadyo iyo 2-Cawaad Xamad Al-Bandar oo isagu ahaa garsoorihii maxkamada  ciraaq ee xiligii Saddaam Xuseen.
 
Goaan ka gaadhista xukunka Saddaam Xuseen oo qaadatay muddo sanad ah ayuu Axadii si kama dambays ah ugu dhawaaqay  xaakimka la yidhaahdo Rauf Rashiid Maxamed oo ku xukumay Saddaam Xuseen iyo saaxiibadiisaa kale in la daldalo ilaa ay ka dhintaan.
 
Kadib markuu garsoorihii maxkamadu ku dhawaaqay xukunkaas dilka ah ayuu Saddaam Xuseen ku dhawaaqay hadalo ay kamid ahayeen: waxaan ahayn Madaxweynihii shacabka ciraaq,ilaahay baa weyn iyo ciraaq hanoolaato iyadoo xor ah….
 
Sidoo kale waxay maxkamadu xabsi daaim ku xukuntay Dhah Yaasiin Ramadaan oo ahaa kuxigeenkii Saddaam Xuseen iyo sadex eedaysane oo kale oo lagu xukumay midkiiba 15 sano oo xadhig ah waxayna kala yihiin eedaysanayaashaasi:
1-Cabdullaahi Ruweyd.
2-Mazhar Cabdullaahi Ruweyd
3- iyo Cali Daayix.
 
Halka ay maxkamadu fasaxday kadib markii dambi lagu waayey Maxamed Al-Cazaawi
 
Qaaligii maxkamada ayaa amar ku bixiyey in  maxkamada laga saaro qareen Ramzy Clark oo ah abukaate u dhashay Maraykanka kana mid ahaa qareenada u doodayay Saddaam Xuseen kadib markii lagu eedeeyey inuu yasayo sharciga iyo shacabka ciraaqba.
 
 
Ugu dambayntiina Saddaam Xuseen ayaa ka baxay qaacadii maxkamada isagoo dhoola cadaynaya oo aan xukunkaas u arkin mid macno weyn ku fadhiya.

07 November 2006.
Axmed Gaal-Eri

Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9450 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalinta Talaadada ah 7:00PM – 8:00 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 8, 2006

 



Su'aalihii caafimaadka ee sannadkii 2001 uu ka jawaabey Dr. Ibrahim.

Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD