Dawladii Prof Cali M Geedi oo la riday, ma rasuulka
ha ku reed ku daa?
Dawladii Prof Cali M
Geedi, oo ka koobneeyd 71 Gole Wasiiro, oo la soo
hor-dhigay Baarlamaanka Ku Meel Gaarka ee
Federalaaka Soomaaliyeed ee jooga, Nairoobi
caasimadda Kenya, oo ah magaaladda lagu soo dhisay
baarlamaankaas Soomaaliyeed.
Taariikhda markeey
aheeyd 11 Dec 2004, oo la riday ama la aqbali waayey,
in eey dawladu noqoto sida uu u soo xushay Prof Cali
M Geedi.
Ra`iisal Wasaaraha
Prof Cali M Geedi inkastoo uu, asagu, sida uu ka
sheegay laanta afsoomaaliga ee BBC-da, in uu wada
tashi marka uu la sameeyey qeybaha kala duwan ee
siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee Xil-dhibaano iyo
cuqaal-iskugu jiro ee Kenya jooga , ee Soomaalida
ah, la tashaday, marka uu sameeynaayaayey dawladaan
uu dhisay, ee 71 wasiiro ka kooban.
Soomaaliya, waxeey
soo martey dawlado ku dhisnaa -baarlamaani
ansixintiisa- oo ku saleeysnaa in
shacabka-Soomaaliyeed oo qabiil-qarameed huwanaa,
laakiinse qurxoonaa, oo aan dil iyo feer iyo
faralaab ka dhici jirin. Sannadahaasna waxeey aheeyd
marka laga soo bilaabo - 1960 ilaa sannadka markuu
ku ekaa - 1969. Waloo doorashooyinkii dhici jiray
sannadahaas tiro aad iyo aad u yar ku dhinteen oo
dhimashado eeyna ka marneeyn, doorashooyinka intii
lagu jiray.
Waxaa na soo maray
dawlad loogu magac daray dawladii Cabdirashiid ee
Majeerteen- 1961-1964, iyo dawladii Cabdirizaaq ee
Majeerteen ayana, sannadihii u dhaxeeyey 1964-1967
iyo midii ugu danbeeysay ee aheeyd dawladii Cigaal
ee Isaaq 1967-1969 ilaa Octobar sannadkaas 1969 oo
eey, askartii ama Ciidamadii Qalabaka siday( Sercito
Somalo), ee dalka kala wareegeen.
Dawladii Prof Cali
M Geedi, uu soo dhisay waa lagu diiday maanta oo ah,
taariikhda 11 dec 2004, oo xil-dhibaanadii
baarlamanka federaalka soomaaliya, eey cod u qaadeen.
Dawladaan prof Cali
M Geedi, ayana waxaan u bixineynaa, dawladii Abgaal
ee Geedi oo la diiday, inkastoo lagu celinaayo sida
aan wararka ku haaysano, waloo tii Rizaaq ee
Majeerteen 1964-1967, madax-weyne Aden Cadde oo
Hawiye ahaa uu ku ciliyey waqtigaas, kadibna la
doortay inkastoo uu prime minister Cabdirizaaq Xaaji
Xuseen, isticmaalay xeeelad cajiib aheeyd oo uu
xil-dhibaanadii waqtigaas jiray ku dhagray, sida
taariikhda nalagu sheegay; haddan midaan uu -
ra`iisal wasaaraha u yahay Prof Geedi oo Abgaal ah,
u isticmaalo xeelad uu ku marsiisto, ansixinta
dawladiisa uu rabo in uu soo dhisto, bilaha soo
socdo, waaba hadii marka kale, lagu celiyo- in uu
ra`iisal wasaare ka noqdo dalka federalka
soomaaliyeed, waloo eey u egtahay in lagu celinaayo
xil-kiisa.
Xil-dhibaanada
Baarlamaank Federaalka Soomaaliyeed, ee Kenya degan
wali, ogaada arinta ma ahan mid shacabka
Soomaaliyeed ka turjumeeysa, hana isku amaanina
dawladaan diidideeyda , in aad u maleeysaan in aad
shacabka wax u qabateen, ee marka horeba meeshaa
waxaad ku joogtaan, arin shacabka Soomaaliyeed uu u
arko in aad noogu gogol xaartaan, doorasho guud ee
ka dhacda deegaanadda Soomaaliyeed, gaar ahaan
koonfurta Soomaaliya ee ma tihiin, kuwo Shacabka
toos idin soo doortay; sidaas darteed Xil-dhibaanoow
waxaad tahay ku meel gaar ee la soco, shan sanno ka
dibna shacabka koonfur degan ee Soomaaliyeed waa in
loo diyaariyaa, doorasho ku dhisan- one vote one man
- waxa lagu magacaabo.
Dawaldii Abgaal ee
Geedi waa dhacday, marka hore , madaxweyne
Cabdulaahi Yuusufoow, ku celi mar kale- Prime
minister Geedi in la soo dhiso, asagoo xoogaa ka
badalay dawladaan ka kooban 71-da , wasiir iyo
wasiir ku xigeen, ee qabiilada Soomaaliyeed ka
boodeen, ayagoo ku soo gabaday magaca ah,
xil-dhibaano Soomaaliyeed oo sharci, ilaalinaayo
baan nahay.
Xil-dhibaanoow,
runta ma kuu sheegnaa, weey fiicantahay in aad
xeerka Axdiga la qortey aad raacdid oo ilaalisid,
laakiin rididda dawladaan prof Cali M Geedi, uma
arkaan Soomali badan in eey qalbi fiicnaan idinka
aheeyd, ee u jeedooyino kale , baad u danlaheeydeen;
xumaannna ma ahan oo idinka oo dhan baaba ku dhisnaa
xildhibaano- waxna qorin, waxna akhrin in yar ma
ahee-iskaba dhaaf in aa akhriseen ama akhrin kartaan
kuligiin, waxa ku qoran -Axdiga Federaalka ee la
qortey- laakiin, aad u badan tihiin kuwo dalka iyo
dadka Soomaaliyeed, xoog dalka iyo dadka ku heeysta
, sidaas darteed aan idinka rabno in aad ahaataan
kuwo ku meel gaar ah, inta aan, soomaalideedanna
qofka aan rabno soo xulaneeyno, oo nooga hirgaleeyso
- one man one vote- waxa loogu yeero ama lagu
magacaabo.
Feero Gaar ah-
Waxaa xusid mudan in la sheego, taariikho -siyaasadeed
oo waa horey dhacay, waxaa la sheegaa in qabiilka
Abgaal eey banaan bax ka sameeyeen, oo sida aan u
arkana ah, wax qofka ama qabiiladda dimoqoraadiga ku
dhisan eey xaq u leeyihiin in eey sameeyaan-
bacdamaa aan qofna ku dhimaneeyn; qofna sharftiisa
gaar ahaaneeyd meel looga dhaceeyn- banaan baxaas
waxeey qabiilka soomaaliyeed ee Abgaal ku shirbeen,
fagaaraha Villa Somalo- ayagoo ku dhawaaqayo- marna
ma Rashiidaa; marna ma Rizaaqaa; Rasuulka ha ku reed
kudee, inta kale ma Rootiyaa.
MAQAAL:
Qabiil iyo Qaran meel ma wada gali karaan? [Gagaale]
Bile Jaamac (
Gaagaale)
Oslo, Norwey
sharmarke10@hotmail.com