SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


SALFUDAYD!! 

Mahad Ilaah baa iska leh, Nabad iyo Naxariisna Nabi Maxamed korkiisa ha ahaato. 

Haddii aan Soomaali nahay ficilkaan falayno kama fiirsanno. Markaan cabanayno aflabadi baan yeernaa. Markaan qoslayno hilibdalqadaan muujinnaa!! Markaan baryootamaynana beerkaan gacanta saarnaa!! 

Markii dawladdii ciidammada, kadibna Kacaanka la baxday laga agabwaayey duco iyo habaarba waa la isku daray sidii looga hoos bixi lahaa, hasayeeshee ducada laguma darin in mid dhaanta Ilaah noogu baddelo!! Habaarkana looma meeldeyin!! Kadib markii agab iyo arxan midna laga waayey af iyo adin baa la isku daray sidii loo ridi lahaa, hasayeeshee markaanna wax dhaama in lagu beddelo laguma dadaalin, wixii laga cabanayey inaan lagu dhicinna lagama fiirsan. “Waxaan nahay ummad waxa markaa horyaal oo kaliya aragta, oo aan fiiro dheer lahayn”.   

Haddii la kala irdhoobay oo qolo waliba tuuladeedii xayndaab ka samaysatay lama xulan xal-yaqaan iyo xaajo-kalkaal, ee waxaa caado noqotay in la yiraahdo “wax xun wax ka xun baa loo raadsadaaye”, haddii reerka xurguftu nagadhaxayso madhalays hoggaanka u hayo innagana madhalays indhoole ah inoo doona!! Waana taas midda keentay in 14 shir oo la isugu yimid wax horumar ah looga gaari waayey, waayo madhalays iyo indhoolayaal ayaa qolo walba u matalayey. 

Aadanaha qalad waa ka dhacaa oo waa arrin dabiici ah, waxaase doqonniimo ah in qaladka la isaga socdo oo aan marna laga waantoobin!! Shirkii Carte iyo dawladdii C/qaasim Salaad madaxda ka ahaa kadib waxaan islahaa xoogaa ayaa waqtiga iyo waayaha laga faa’iideysan doonaa salfudaydkana laga kori doonaa!! 

Waxaan niraahnaa “Gar laba nin kama wada qosliso”. Waa run oo Soomaalidu run waa maahmaahdaa, runse kuma dhaqanto. Dhaqan xumadaasna waa arrin salka ku haysa xaasadnimo, fuleynimo ama maangaabnimo in nin ama kooxi kii ama kuwii tartanka ama tabcada uga guuleystay ay ka daboqaataan, isqabqabsi iyo muranna aan waligood laga gudbin. 

Sidii aan looga fiirsan hooshkii, halaambaydii iyo washamsidii lagu qaaday dawladdii Marxuum Maxamed Siyaad Barre madaxda ka ahaa, ayaan looga fiirsan murankii iyo mucaaradkii lagala hortagay tii lagu baddalay ee Cali Mahdi madaxda ka ahaa. Sidii aan looga fiirsan minjoxaabadii iyo magrigii lagala horyimid dawladdii C/qaasim madaxda ka ahaa ayaa tan C/laahi Yuusuf hormuudka ka yahayna mindiyo dhaadheer lala goobayaa!! 

Waa su’aale haddaba siyaasiyiin maxaad rabtaan? Odoroskiinnu gaabanaa? Dulqaadkiinnu yaraa? Damiirkiinnu liitaa? Maxamed Siyaad isagoo da’ ah oo idin leh doorasho xisbiyo badan ayaan ogolahay ee haloo tartamo ayaad ku diiddeen oo kala doorransiiseen geeri iyo ihaano (humilation) wuxuuna doortay geeri, in badan oo aan yarayna waa la dhimatay!!  Cali Khalaaif Galaydh isagoo shaqo ugu maqan dawladdii uu madaxda ka ahaa ayaa shaqadii laga eryey!! C/qaasim mar uu dalbaday saddex beri oo uu axdigii isagoo maqan la isku raacay kusoo akhristo ayaa lagu diiday kadibna waxay keentay in bilo badan lagu lumiyo sidii la isugu soo noqon lahaa oo shirku usii ambaqaadi lahaa!! Cali Maxamed Geeddina isagoo qalad iyo sax wuxuu soo wadaba idinku soo maqan oo laba ama saddex beri gudohood idiin imaan lahaa ayaad dawladdiisii kala dirteen!! Siyaasiyiin salfudaydku waa maxay? 

  • Siyaasadda waxaa loo galaa, ma aha seegseege

  • Saadaashiyo waxaa laga bartaa, say hadhow noqone

  • Salaqlaha maxaad uga heshaan, subaxba meel aadka?

  •  

  • Salfudaydka waa loo ogaa, wiil sagaal jira’e

  • In siyaasi uu gebidhacaa, ma aha sooyaale

  • Sida dhaama nimanyahow xilligu, waa na sigayaaye.  

Gunaanad iyo gebagebo waxay tahay, shacabka Soomaaliyeed waa daallanyahay. Nafi ku simimayso inta aad kursiga, dhadhanka iyo dheefta wasaarado aan jirin isku haysataan! Waa laga dheregsanyahay in dhammaantiin ay idinku yartahay waddaniyaddu oo waxa aad isku haysataan ay tahay dano shaqsi ah iyo colaadin hoose. 

Isku xishooda waxaad marti u tihiin dad idin lamid ah oo idin layaaban! Ka fiirsada in aad xukuumad danbe deg deg ku riddaan, is barbardhiga carada iyo ficilada dhexdiinna ah iyo dhibka ay u geysan karto mustaqbalka ummad dhan. 

  • Cagtaad dhawrsan weydaba marbaad, meel xun dhigataaye

  • Dhabaqdhabaqdi hore iyo la fahan, dhagarfalkiineeye

  • Dhammaan shacabku waa wada arkaa, dheeshu say tahaye

  • Ka dhursuga marbaa laga dhex helin, miday ku dhaataane

  •  

  • Dhallaan iyo cirrooliyo hablaha, meelkastaba dhooban

  • Gadhmadoobe caatada la dhacay, dhabarku uu laammay

  • Dhibka adinku aad geysateen, baa ka dhigay saaye

  • Ka dhursuga marbaa laga dhex helin, miday ku dhaataane

  •  

  • Dhabbahaad istaagtaba kun baa, haadda loo dhigaye

  • Dhurwaagaa ku meyracda hilbaha, dhooliyo haldhaaye

  • Dhaxantay badh jiifaan, hablihii dhabancas taahaaye

  • Ka dhursuga marbaa laga dhex helin, miday ku dhaataane

………………DHAMMAAD…………………………

Ilaah baa maciin leh
Gaalnimaa mugdi leh
Mahadna waalid baa mudan 

Cumar Cabdinuur Nuux – Nabaddoon

omarabdinur@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: Somalitalk.com | Dec 17, 2004

»XAQIIQADII OGAANNAYE, XALKA MA U ISTAAGNAA?? [Nabaddoon]
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH



HTML CD