Barlamaanka Soomaaliya waxay qaateen talaabo geesinimo, oo aad
loogu riyaaqay. Lama filayn in Barlamaanku uu qaadan karo
talaabadaan, iyadoo dad badani ay tuhun sanaayeen in la wiiqay
awoodii Barlamaanka, kadib markii la go'aamiyey in dhexdooda uun
laga soo xusho Golaha Xukuumadda. Mar haddii ku dhowaad 80 xubnood
ay noqdeen Wasiiro waxaa la sii saadaalinayey in Wasiir walba uu ku
guulaysan karo inuu ugu yaraan hal Xubin oo Barlamaanka ka tirsan ka
dhaadhacsho in uu Codkiisa Kalsoonidda siiyo Xukuumadda, taas oo aan
la arki lahayn cid is hortaagi karta Dowladda ha khaldanaato ama ha
sax sanaatee. Niyad-jab ayeey ku abuurtay arintaasi shacabka
Soomaaliyeed oo aaminay in ay gacanta u galeen hal koox oo Ethopia
hoos tagta.
Talaabadda uu Barlamaanku qaatay waxay fariin cad u tahay cid
kasta oo isku dayeeysa in ay wax maroorsato in aan laga ogolaan
doonin oo sharciguna Qof walba ka waynyahay. Golaha Shacabku waxay
iska mayreen xantii hoosta laga waday ee ahayd in ay noqon doonaan
Gole sacbis, maadaama markoodii hore ay ku soo galeen Barlamaanka
Feermadda Hogaamiyayaasha Dagaalka.
Xukuumaddii Kalsoonidda waysay ee uu soo dhisay Prof. Gedi,
waxay ahayd mid aan u cuntami karin Umadda Soomaaliyeed, Xukuumad ay
isku bahaysteen taageerayaasha Xabashidu, Xukuumad hal dhinac u
raran oo inta badan Beelaha Soomaaliyeed lagu dulmay iyo Xukuumad
aan marnaba lajaan qaadi karin wacyiga jira iyo xaaladda haatan uu
Dalku ku suganyahay. Sidaas darteed ayeeyna runtii candhuuftoodii
dib ugu liqeen dad bdan oo ka dhursugayey Dowladda mudo dheer.
Waxaa xusid mudan in meelo badan oo Dlka ah ay ka jireen shirar
fara badan oo looga arinsanayey qaabka ugu wanaagsan ee Xukuumadda
loogu soo dhawayn karo Dalka, iyo howlo iskaa wax u qabso ah oo lagu
nadiifinayey Ilihii dhaqaalaha sdia Dekedda Xamar iyo
Garoonka Diyaaradaha, Waxayse howla haasi mar qura
istaagayn kolkii ay soo baxday Shaxdii qaribnayd ee lagu magacabay
Golaha Xukuumadda. Afkaar laga uruuriyey Dadka ayaa 75% shaki
geliyeen suurta-galnimadda in Dowladdu si fudud uga howl geli karto
gudaha Dalka.
Sikastaba ha ahaatee Barlamaanku wuxuu ka hortegay in la
marsiiyo dhibaato wayn oo ku soo fool lahayd Dalka&Dadka, taas oo
ay aad u bogaadiyeen una soo dhoweeyeen Dadka ay metelaan, waxayna
muujiyeen sababta loo sheego in Barlamaanku wakiil kayahay Shacabka.
Dhanka kale Markii Codka lagu riday Xukuumadda. Prof.Ged, waxaa
ka soo fakaday hadal aan laga malaysanaynin, taas oo uu ku sheegay
in uusan aqoonsanayn go'aankii Barlamaanku gaaray, isagoo laba
codlaynaya oo mar leh weli maba aanan gayn Barnaamijkii
Xukuumadaydee maxaa Kalsooni laygala laabtaa, markalena leh "tiro
iga qaadi karta maba joogin ee 153 shaqsi ee gacmaha kor u taagay
waxay ahaayeen Suxufiyiin iyo Dad caadi ah oo ka yimid Xaafadda
Islii". Codkani ma'ahan mid laga sugayey Geedi oo kale waayo ma'ahan
kii aqoonyahanka ee waa kii hogaamiye Kooxeedka,oo 14kii sanno aan
maqli jirnay hebel xilkiibaa laga qaaday, isna kuma uu qancine
seeftiisa ayuu gasha kala baxay I.W.M. Arintani Ra'isul wasaaraha
weji gabax ayeey ku noqtay, taas oo wax u dhibtay sumcadiisii
aqoonayd. Waxayna dadku ka qabaan labo doodood oo mid
oronayso"Hogaamiye kooxeed muxuu uga bedelan yahay, sow kuma imaanin
Rabitaankiisa" halka dad kalena ay qabaan in aan loo qaban
Profisarka hadalkaas, waayo bay leeyihiin Nasiibkiisii badnaa ee uu
ku noqday Ra'sulwasaaraha Somaaliya isagoon ku jirin dhinacyadii ku
hardamayey Siyaasadda Dalka, ayuu rumaysan waayey in nasiibkaasi uu
isku soo koobay Bil iyo maalmo qura ileen Soomaalidu Xukunka waara
ayeey jeceshahaye.
Mida ugu darayd ee laga cabsi qabay waxay ahayd
suurta-galnimadda in Mdaxweyne C/laahi Yuusuf ku raaco aragtidda
Wasiirkiisa 1aad, waayo C/laahi isagu horay ayuu ugu caanbaxay
taladda oo uu isku koobo, waxaana lagu bartay hab-dhaqankiisii
Maamulkii Puntland ee uu Madaxdda ka ahaa, haseyeeshee markaan wuxuu
qaatay Dowr muhim ah oo uu ku aqbalayo go'aankii Barlamaanka. Malaha
Odayga waxaa dhegta loogu sheegay in meeshu aanay ahayn Puntland ee
markaan uu horkacayo Qarankii Soomaaliyeed, sidaas ayeeyna u bdan
tahay in lagula taliyey, dabcan haddii C/laahi ku raaci lahaa Prof.
Gedi, in aan dheg jalaq loo siinin qaraarkii Barlamanka, markaas
waxaa dhici lahaa fashil balaaran, waa marka horee sharcinimadda C/laahi
ayeey su'aali ka taagnayn lahayd, haddiiba aanay go'aan qadan karin
Xubnihii isga soo doortay, marka xigtana waxay noqon lahayd nasiib
darro Umadda ku habsata, oo Madashii Nabadda la,isaga dareero mudo
dheer kadib.
Waxaa Muuqata in Madaxweyne C/laahi markaleba yeelkeede uu
markaan ku amaanan yahay in aanu raacin taladda Qab-qablayaasha ee
la soo indhacadaa, in kuwa go'aanka gaaray aan loobaahnayn iyaguna
ay yihiin kuwii Hubka hayastay ee wax meel marin lahaa, sidaas
darteed Dowladdu ay howsheeda guda gasho, iyagoo intaas kaliya
maahane handadaad iyo xaqiraad iskugu darayey qaar ka mid ah Xubnaha
Baarlamaanka, waxayna aflagaadooyinka ugu badani ku dhacayeen
Gudoomiyah Barlamanka Mudane Sharif Xasan. C/laahi
markaas wuxuu ka qaatay Dowr dhex dhexaad nimo Waloow aad mooday in
uu si uga ganbanayey in uu yiraahdo Geedi waa sax sanyahay, haddana
si buuxdda ayuu u aqoonsaday una qaatay go'aankii Barlamaanka,
markalena wuxuu soo celshay Ra'isul wasaarihii kalsoonidda waayey
taas oo sharcigu u oglaanayo.
Hadaba Maxaa lagudboon Ra'isul Wasaare Geedi
Waxaan filayaa in Prof, Geedi aanu qaadi doonin
wadadii Qarda-jeexa ahayd ee qodxaha badani ka mudayn, isla markaana
uu sahan san doono mid cusub,waayo Debkii lagu gubto ayaa
Danbaskiisana laga Durkaa. Mudane Geedi, wuxuu sifiican
maanta u ogyahay in waxa lagu haystaa aanay ahayn oo kaliya
Barlamanka oo aan lagu hor dhaarin iyo Barnaamijkii Dowladdiisa oo
uusan ku hor keenin Barlamaanka waqtigii xadidnaa ee 30ka maalmoo
gudahood. Balse ay tahay waxa lagu haystaa Xubnaha uu soo magacaabay
oo aan badankood taariikh fiican oo wax-gal ah wax-goyn mooyaane aan
ku dhex lahayn Dadka iyo tan ugu daran oo ah hanaankii wax qaybsiga
oo uu meesha ka saaray inta badan Beelaha Soomaaliyeedna la
duudsiiyey Xaqoodii.Sidoo kale Wasaaraddo fara bdan oo hadana
shaqadoodu iska wada hor-imaanayso aanay ahayn kuwii wax bad baadin
lahaa.
Dowladdii uu hor kacayey Dr. Cali Khaliif Galayr,
Wasaaradeheedu weey yaraayeen waxaana iska dhex arkayey dhamaan
Qbaa'ilka Soomaaliyeed Qaylo badanina mataagnayn. Sidaas darteed
Prof. Gedi, dhibatada ku haysataa waxa weeye in aad doonayso in aad
wada qanciso dhamaan Hogamiyayaasha Dagaalka, adigoon u fiirinaynin
aqoontooda iyo kartidooda, lagana yaabo in sedex iyo tiro kabdanba
ay isku jufo yihiin. Hadaba waa Su'aal ku hortaalee, in aad qanciso
Hogaamiyayaasha Hubaysan iyo in Shacabku raali ka noqdaan,
Dowladdana gacmo furan iyo hagar la'aan kula shaqeeyaan middii aad
dooran lahayd adaa iga og.
Waxaanse ugu danbayntii ku leeyahay Xubno Damiirkooda Somalinimo
iyo Wadninimo uu shaqaynayo ayaa ku jira Golaha shacabkee, markaan
ha ku waayin Jagadaada in aad ka weecato wada Guusha, isku day in
aad ilaa xad u madax banaanaato dhismaha Xukuumaddaada, isla
markaasna aad kaligaa ula timaado Madaxweynaha Shaxdii aad wax ku
magacawday, haba kugu diidee, ogowna haddii aad soo celiso tii
shalay, ama wax u dhigma fashilbay u danbayne. Ugu danbayn
Geediyoow Gefkii hore ha gelin, ogoow Goluhu waa Diyaar.