Kullan Ballaaran oo xalay lagu
qabtay xaafadda Clapham Park Estate ee magaalada London
Faafin: Dec 18, 2004
Kullan ballaaran oo ay ka
soo qeybgaleen dadka degan xaafadda Clapham ee magaalada
London uuna ka soo qeybgalay kana tirsan xisbiga Labour-ka
ee haya talada dalka Ingiriiska ahna Wasiirka Guryeynta,
xubin ka tirsan Baarlamaanka dalka Ingiriiska Hon. Keith
Hill.
Kullankan oo socday intii u
dhaxeysay 7:00 fiidnimo ilaa 9:00 habeennimo ayaa la iskula
soo qaaday arrimo badan oo ku saabsan arrinta Soomaaliya ka
dib markii ay kullan gaar ah yeesheen markii labaad sanadkan
gudihiis C/casiis Cali Ibrahim “Xildhiban” oo u olaleeya
nabadgalyo ka dhacda dalka Soomaaliya iyo Wasiirka Guryeynta
Hon. Keith Hill.

British
MP and Minister Hon. Keith Hill & Abdulaziz Ali Ibrahim
“Xildhiban” Somali Peace Activist
C/casiis Xildhiban wuxuu ku
nuuxnuuxsaday sida loogu baahan yahay in ay dowladdiisu dib
u hanato doorkii ay ka sugayeen dadka Soomaaliyeed ee ay
gabeen laga soo bilaabo qaran burburkii ku dhacay Soomaaliya
marka laga reebo soo dhaweynta iyo magangalyada ay siiyaan
Soomaalida ka soo carareysa weli dagaallada sokeeye ee ka
soconaya geyiga Soomaaliya.
Hon. Keith Hill wuxuu ku
bogaadiyay dadaalkiisa iyo sida hagar la’aanta ee ee har iyo
habeen ugu olaleynayo nabadgalyo ka dhacda dalka Soomaaliya
Mudane C/casiis Cali Ibrahim “Xildhiban” ilaa inta laga
gaarayana uusan ka harin dadaalkiisa ku aadan dib u
hanashada qarannimadii burburtay ee Soomaaliya.

Keith Hill MP & Members of the Clapham Park Community
Gebagebadii kullankooda
ayuu mar kale C/casiis Xildhiban ka codsaday wasiirku in
dowladda Ingiriisku wax badan ka qabato dhibaatooyinka
Soomaalida ha ahaadeen Soomaalida ku sugan gudaha dalka
Soomaaliya iyo dhibaatooyinka heysta Soomaalida ku sugan
dalkan Ingiriiska.
Allasow
Alasow73@hotmail.com