Ninka jooga Xamarow Xaabaashaada sii qodo.
Calan kaaga Xiddigta leh Xagalsha na ku sii qaad.
Dhimashadu xaq weeyaan. Xabaal ayaa qof walba sugaysa.
Qof waliba wixii uu sii dhigtay ayuu dhaxalkeeda helayaa - waa na in la
is xasuusiyo in ay tahay lama huraan in dhammaan loo wada hulleelahayo
aakhiro. Ilaahay ha laga cabso ! Waxa aan Ilaahay inooga baryahayaa in
uu ina waafajiyo wixii uu khayrku inoogu jiro ifka iyo aakhirada ba muslim
ahaan.
Cinwaanka maqaalkayga ee dhiilada leh waxa aan u doortay
wararka la hubo ee sheegahaya in Col. C/Yussuf iyo xulafadiisa xabashidu
ay aruursan hayaan ciidamo fara badan oo u dhashay qaar ka tirsan
Daaroodka Kilnka ( zone ) shanaad, Oromo iyo Tegray isgu jira oo lagu
wado in la soo dejiyo magaalada Baydhaba si ay jidka ugu banneeyaan
sidii ay dawladda Col. C/Yusuusf (FKGS) ay u gaari lahayd Moqdisho
bilaha soo socda.
Ciidanka C/Yussuf iyo Caasimadda Cusub.
Lama diidana, mana xuma in ay dawladdi soo gaarto ama ay
timado caasimada Moqdisho oo waa wax loo baahan yahay sidii ay dawladdi
Somalia uga hirgeli lahayd halkaas, laakiin se ra'yigayga ilama qurux
badna mana haboona farsamada habka loo adeegsaday sidii ay dawladdu ku
gaari lahayd ama ay ku imaan lahayd Moqdisho. Ma na aha qorshe hor-u-kac
leh oo loo qaaday dhinaca nabadda iyo xasiloonada mana aha mid ay dani
ugu jirto Somalida gebi ahaan ba.
Ciidan ka kooban ugu yaraan 12,000 oo askari inta laga
war qabo ayaa la bilaabay in la abaabulo bishii hore gudaheeda -
November 2004, si ku salaysan xaalad deg-deg ah oo qarsoodi ku dhisan
(Crash Programme ). Waxa loogu talo galay ayaa la leeyahay in hubka
lagaga dhigo dhammaan waxii hubaysan laga soo bilaabo xuduudka
Kenya-Somalia iyo Ethiopia-Somalia ilaa koonfurta magaalada Gaalkacayo.
Qiyaastii waa degaanka dhul Hawiye iyo degaanka dhul Mareexaan. Cidamada
la qortay waxa ay ka kooban yihiin laba qabiil oo kala ah qayb ka tirsan
qabiilka Ogaadeen iyo qayb ka tirsan qabiilka Majeerteen ee reer Hawdka.
Waxa weheliya ciidamo ku gaashaaman taangiyo, tikniko iyo hubka culus oo
ka tirsan xoogga dalka Itoobiya oo u badan tegranya. Waxa lagu
aruurinahayaa meelo ay ka mid yihiin magaalooyinka Goday, Shilaabo,
Wardheer iyo meelo kale oo aan weli la ogayn.
Qorshaha noocaas ah waa mid ay iska caddahay ujeedada
laga leeyahay. Lagu ma qanacsana in ay ciidamadaasu ku gaari doonaan
Caasimada Moqdisho si gelbis ah oo dagaal la'aan ah marka la eego qaabka
loo soo agaasimay ee qabiilka iyo cunsuriyadda ku dhisan.
Nin rag ahi waa garan karaa…
Nin rag ahi waa garan hayaa, nacasna loo sheegi mahayo in
ku-talo-galka dhabta ah ee laga leeyahay ciidankaasu uu yahay aargoosi
iyo xasuuq beelaha Hawiye iyo xulafadooda.
Sidii laga sheegay Sayid Maxamed Cabdallaha Xassan waxa
la mid ah siyaasadda iyo qorshaha C/Yussuf in haddii uu ku guulaysan
kari waayo in ay dawladdiisu ka degto Moqdisho uu ugu danbaynta rabo in
uu dhaawac weyn kaga tago dadka inta uu ciilka u qabo.
" Haddii aan waayay calan la ii
nashiro tan iyo Nairobi, ma
waxa aan waayay wax aan naafeeyo iyo nolol qurmuunaata.
Ina C/lla Xassan 1915.
Qorshaha hub-ka-dhigista Somalia.
Qorshaha hub-ka-dhigista Somalia oo sidiisa ba ah fikrad
u gaar ah Col.C/Yussuf oo uu ku tillaabsaday isaga oo aan ogolaansho ka
helin baarlamaanka cidina aanay u ansixin qaabka iyo farsamada ay tahay
in loo adeegsado ayaa u muuqata tilaabo ah suuq madaw oo aan xalaal ku
dhisnayn. Waa tilaabo aan waxba ka tarahayn nabadgelyada iyo nabadaynta
Somalia iyo dib-u-dhiska dalalka burburay.
Marka uu C/Yussuf dhinaciisa ka soo dhiso ciidamo Daarood
oo sooc ah ka dib na uu ku soo qaado duulaan magaalada Moqdisho inuu
xoog ku qabsado wada tashi la'aan waxa ay ka dhigi karta dhinaca kale ee
Hawiye in aanay gacmaha laaban oo aany ahayn wax dhici kara in la iska
daawado inta ay ciidamadaasu soo gelahayaan Xamar. Ciidamada ay C/Yussuf
iyo MelesZenawe ku soo hogaaminayaan Xamar waa khiyaamo iyo shirqool loo
dhigahayo Somalida guud ahaan iyo gaar ahaan qabiil weynaha Hawiye iyo
xulafadiisa. Ciidamada taladooda iyo amarkooda waxa iska leh
MelesZenawe Madaxweynaha Itoobiya iyo xulafadiisa isticmaarka cusub oo
hadaba marmarsiinyo ka dhigan haya argagixiso ayaa joogta Xamar oo been
ah.
Xamar waxa jooga nin nool oo Ilaahiisa yaqaan oo
shantiisa waqti tukada oo dhibane ah ay haleeleen ( victim ) shirqoolada
iyo mu'aamaradaha xeeladaha cusub ee sahyuuniyadda caalamiga ah oo ku
jira wax-iska-caabin, jecel in uu sii ahaado nin dhinta isaga oo xor ah
oo muslim ah.
Qorshaha C/Yussuf iyo xulafadiisa Xabashidu waxa uu
sababi karaa iska hor-imaad ciidan oo qabiil ku salaysan mid aan hore
loo arag noociisa oo ka burbur iyo khasaaro badan marka loo eego waxii
hore u soo dhacay. Madaxweyne dadka iyo dalka dan ka leh kama dhalan
karto fikradda in uu dalkiisa ku soo hugaamiyo ciidamo gumaysi oo
shisheeye ah haddii aanu qabin cuqdad iyo ciil uu rabo in uu ku
aar-goosto isaga oo uga faa'iidaysanahaya fursadda uu helay ee
Madaxweyne ama aanu ahayn cammiil aany gacanta waxba ugu jirin.
"Haddii aanay xeeladi ku jirin maxaa sacabka habeenkii
loo garaacaa"!
"Haddii aanay xeeladi ku jirin maxaa ciidanka qaran looga
bilaabi waayay Xamar"!
Horta adigu iska dhig hubka waa hadal aan meesha qaban…
Madaxweyne C/Yussuf waxa uu weydiistay hub iyo ciidan
beesha caalamka. Waxa lagu qanciyay in aan loo baahnayn hub iyo ciidan
danbe oo ay Somalidu isku disho maadaama ay arrinta Somalidu ku socoto
qaab dib-u-heshiin iyo sulux. Dawladaha u diiday hubka iyo ciidanka ee
weliba la taliyay in aan arrintaas la isku mashquulin, waxa ka mid ah
Jumhuuriyadda Yemen iyo Madaxweyne Cali Cabdallah Saalax. Waxa tusaale
ahaan loo siiyay tirada iyo tayada hubka ay haystaan shacbiga Yemen.
90,000,000 oo xubnood oo hub ah – 30ka millyan ee Qof ee reer Yemen waxa
lagu qiyaasay in uu qofkii ba haysto ugu yaraan 3 xubnood ( pieces ) oo
hub ah. sida lagu sheegay warbixinta UNDP 2001. Dawladda Yemen weligeed
ma ay dalban hub-ka-dhigis maamulkeedu na si fiican ayuu u socdaa oo wax
waliba waa caadi. Waxa la kasbaday kalsoonida iyo rabitaanka dadwaynaha
sidaas darteed na hubku ma uu noqon mushkilad hortaagan dhismaha iyo
habsami-u-socodka maamulka dalka.
Yemen oo kulligood wada hubaysan ayay noloshu deggan
tahay waxaa na ka jira hor-u-mar xawli ku socda. Haysashada hubku waxa
uu isku bedelay Yemen wax uu ninka qabiiliga ahi isku qurxiyo oo qurux
loo qaato iyo haybad markii qofka la gaarsiiyay heer nolol fiican oo uu
kaga maarmo dhaca iyo boobka. Hubku Yemen waa wax la sharfo oo aan laga
qabin cabsi isaga oo yaala guri kasta, caasimadda, suuqa iyo meel kasta.
Waxa uu yeeshay sidashada hubku Yemen dhaqan cusub oo casriyaysan iyo
qawaaniin xeerka galay oo aan cidina ku xadgudbin waa na lagu kala
danbeeyaa haysashada hubka. Wax walba waxa lagu dhameeyay wacyi gelin
iyo caqli.
Kabbashada cilmiga gaaban waa lagu kadeedmaa ..
Si loogu sii qanciyo Col.C/Yussuf khasaaraha ballaadhan,
kharashka badan iyo waqtiga ku lumahaya aruurinta hubka oo la isku
mashquuliyo ayaa waxa loo sharxay oo laga dhaadhiciyay qaabkii loogu
guulaystay Yemen in aanu noqon karin hubku mushkilad hor taagan dhismaha
dawladda. Waxa loogu deeqay C/Yussuf isaga iyo la taliyihiisa dhinaca
siyaasadda iyo dhaqaalaha Md. Yussuf Cumar Al-Azhary oo afka carabiga ku
fiican laba (2) buug ( kitaab ) oo laga barto sida looga gudbay
dhibaatada ka dhalata hubka faraha ka baxay ee galay gacmaha shacbiga.
Arrintaas oo lagu soo bandhigay labada buug oo aanu qiimahoodu ka
badnayn USD 50 midkiiba. Halka ay ku bixi lahayd malaayiin doolar haddii
la qaato mashruuca hub-ka-dhigista oo loo galo hab olole ku wajahan
hub-ka-dhigis guud. Kharashka, Waqtiga iyo dadka ku lumahaya ololaha
hub-ka-dhista waxa ka door roon oo ay tahay in lagu jiheeyo oo lagu
dhaqan celiyo dadka dhaqan xumaystay waqtigii lagu jiray burburka.
Labada buug :
-
Al-Yemen min Al-Qabiilaha ilaa Al-Dawlah 1911 – 1967 ( Yemen ka
Qabiil ku Dawlad ama, Yemen from a tribalhood to a statehood ) qore
: Abdulaziz Al-Mas'uudi.
-
Al-Dawr Al-Siyaasi Lil-Qabiilaha fii Al-Yemen ( Dowrka siyaasadda
Qabiilka Yemen ama, The political role for the Yemeni tribes ) qore:
Maxamed Muhsin Al-Thahiry.
Haddii uu Col. C/Yussuf daacad ka yahay nabadaynta
Somalia iyo mushkiladda hubka waxa kaga filan in uu ku dhaqmo ( haddii
loo akhriyay ama uu fahmay kutubta ) waaya-aragnimada laga dhaxlay sida
loola tacaalay ama loo maareeyay hubka galay gacmaha dadweynaha dagaal
iyo khasaaro la'aan. Tusaale ahaan waxa ku filan in uu ku daydo
dawladaha jaarka la ah Somalia sida Yemen iyo Somaliland in uu uga
faa'iidaysto waayo aragnimada laga dhaxlay madax-dhaqameedka,
qabqablayaasha iyo maamulka jira oo iskaashaday wixii ku saabsan
xallinta mushkiladda iyada ah.
Xammaasad dheeraad ah, waayo (why) xabashidu?
Codsigii C/Yussuf ay beesha caalamku ka diiday hub iyo
ciidan in la siiyo waxa dhinacooda iyo gaar ahaantooda ku taageeray oo
fuliyay Xabashida oo ay jeebkooda tahay talada ay gaargood qaateen ka
hor go'aan caalami ah.
Ma dan baa ugu jirta Somalida in mark kale la isugu
dhiibo hub cusub oo hor leh?
Waxa laga war hayaa in ay Xabashidu dhinacyo kale oo ka
tirsan madaxda beelaha Moqdisho qaarkood ay sidoo kale ku taageertay
hub iyo aduun.
Waxa si fiican loo fahamsan yahay in ay xabashida u soo
martay fursad qaali ah oo ay weligeed ku taamaysay in ay iska jeediso
xoogaggii ka soo hor-jeeday iyo ciidamaddii gobonimo-doonka
Somali-Galbeed ee Ogaadeenia. Waxa ay xabashidu ku guulaysatay qaybinta
Somalida iyo in ay iska hor keento oo ay ka huriso dhexdeeda dagaal
hadba weji kale leh. Kii dhintaa ba waa Somali dhaafay waxay na u tahay
xabashida ciid iyo bakhaan-bakh halka ay Somalida na u tahay mid taa ka
gedisan oo ah maalmaha qalloocan. Deris-wanaagga dawladuhu waa fiican
yahay laakiin faragelinta xabashidu waa mid dheeraad ah oo ka badbadin
leh.
Waxa ay Xabashidu ku guulaysatay in ay somalida ka dhex
helshay Madaxweyne cammiil ah oo ay ku gaarto danaheeda ay Somali ka
leedahay oo ku dhisan cadaawad iyo cirib tir.
C/Yussuf waxa uu ku faraxsan yahay ( only ) in uu ahaado
maamule wakiil u ah itoobiya ee matala Somaaliya una fadhiya Moqdisho
mustaqbalka dheer haddii uu gaaro ba. Ma kala jecla dadka la maamulahayo
in ay yihiin Xabashi ama Somali. C/Yussuf si fiican ayuu u garanhayaa in
aan loo baahnayn ciidan shisheeye oo dadka hubka ka dhiga, dab iyo holac
mar kale ku dhaca Somalia xasuuq iyo bara-kac, laakiin waxa cad in aanu
wadaadku uba jeedin maamul ku dhisan walaalnimo iyo wadaniyad ku
salaysan rabitaan iyo in uu noqdo hogaamiye la jecel yahay oo
Somaaliyeed. Waxa uu u muuqadaa in uu yahay nin inta waqtiga uga hartay
jecel in uu rag naarta ka waraabiyo oo uu cadaabta ku guro – aargoosi
qabiil awgiis iyo nin raba inuu kursiga ku sii fariisto cid kastaaba ha
dhimato ama ha burburto isaga wax ba kama gelin mar haddii uu noqday
Madaxweyne. Madaxweyne mar i dhaha !
Maxaa yeelay waxa uu ku joogi lahaa hadalkiisi hore nin
nabad iyo kalsooni wax ku hogaaminaya. Waxa uu aqbali lahaa suluxa iyo
walaal nimada ay intaas ku baryahayaan ee ay la hoos joogaan
hogaamiyayaasha Beelaha Hawiye oo raba in ay xambaar dhabarkooda ku
geeyaan Xamar C/Yusuusf iyo dawladdiisa debed-yaalaka ah dalka iyo dadka
dayacmay awgiis oo wax walba looga tanaasulay iyada oo la liqay
xumaantii iyo carqaladayntii uu ku hayay xukuumadahii Siyaad Barre, Cali
Mahdi, Caydiid iyo Cabdi-Qaasim.
Nin haddii uu seexdo oo uu soo tooso waa isla isagii ….
C/Yussuf tiisii hore ayuu iska wataa waxa uu foodda isu
gelanhayo waa intii ka soo hartay ummadda Somaliyeed, in ka ban 300,000
oo hore u dhimatay iyo in ka badan 3 malyuun oo ku bara-kacay dabkii uu
asagu bilaabay 36 sano ka hor – sida uu sheegto Cabdullaahi in uu asagu
bilaabay oo uu sabab u yahay burburka Somalida iyo khasaaraha ku dhacay
oo ay hadana guul u tahay in ay u doorteen Madaxweyne iyaka oo ku
khasban. Cidda ku faraxsan dagaalada Somalida keligood oo ay dani ugu
jirto waa xabashida iyo wixii la hal-maala. Xabashida oo helshay fursad
ay kaga baxdo ciriirigii ka haystay dhinaca dekedaha iyo badaha oo
gaartay in ay iyadu maanta wada maamulsho dhammaan dad iyo duunyo
shantii Somaliyeed. Waxa cad in ay halkaas na xabashidu kaga raysay
Carab iyo Muslim oo marka ay rabto cuna-qabatayn saari karto biyaha
durdurka loo yaqaan River Nile.
Maxaan haatan uga heesayaa waa ba la hayaa ye' .
Ma jirto wax natiijo ah ama guul ah oo uu ka gaarahayo C/Yussuf
haddii uu sii wado dagaalo iyo xabbad 36 sano oo kale. Laga ma na yaabo
in ay run noqoto riyaddiisa iyo tan Xabashida ee ku dhisan wakiil
Boqortooyo abasiiniya ee geeska Afrika. Waa baabacada oo ay timo ka soo
baxaan in ay xabashidu ka gacan sarayso Somalida colaad ama ay xukunto
oo ay gumaysato in kasta oo lala helay Somalida shirqoolo iyo dabinno
aanay iska dhaadin sababta oo ah may filahayn Somalidu hadda ka hor in
uu jiri karo qof Somali dhalad ah oo asal ah in uu gacan ku siin karo
xabashida wax yeelada walaalahii Somaliyeed.
Waxa ay Xabashidu illawsan tahay in uu Col. C/Yussuf la
dhashay raggii geesiyada ahaa ee Daarood ee ay ka mid ahaa yeen Mujaahid
Sayid Maxamed C/llah Xassan, Mujaahid Axmed-Guray Ibrahim, Mujaahid
Maqtal Daahir, Mujaahid Suldaan-Biixi iyo Muj. Maxamed Gaal-Ere (
Maxamded Siyaad Barre wax kale ha joogtee asagu ba ma ogolayn gumaysiga
Xabashida ). Waxa kale oo ay illawsan yihiin xabashidu in aanay nabadi
ka dhici karin Somali iyo xabashi dhexdooda inta uu ka yahay Madaxweyne
Somalia nin Daarood ahi ama inta ay xabashidu gumaysato dalka iyo
qoomiyadda ballaaran ee Ogadeen ( Daarood ) iyo Ogaadeeniya.
C/Yussuf iyo noociisu goorta ay noqdeen halyayo ama ay u
hunguroodeen in ay Somali hor boodaan ee ay fursadda heleen waa markii
ay noqotay dhufaan aan xiniinyo lahayn iyo ma-dhalays aanay cidi dhaxlin
himaladii Md. Xaaji Baraako, Md. Dr. Ismaaciil Jumcale, Md. Jenaral
Cilmi-Nuur, Md. Jeneral Daa'uud Cabdallah, Md. Janaral-Mujaahid Salaad
Gabayre iyo Md. Janaral-Mujahid Maxamed Farax Caydiid.
Mahadsanid
Ducale Wanaje II
Political anylist/MA Social Scinece/Community Orgenizer.
Ducalewanaje2@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 25, 2004
»DACWADA
CALI SAMATAR::: DULMI HA SAMAYNINA | Xusen
»Fadeexaddii
2004 & Qarniga (Samsam Yarey)Cabdi
»"Digniin
ku Jeeda Samsam Axmed Ducaalle" |
C/rashid
»Riyadii
Xalay baan Rumeeysto, waan Riyaaqay | Eelay
»Arrinta
Samsam iyo Halka ay Somalitalk iska taagtay | Ibrahim
»Bilad-geesida
dagaalkii sokeeye, beeshee lasiiyaa?!! | Siyaad
»HABKA
NOLOSHA DHULKA [Mohamed A.]
»Nelson
Mandel: Madaxdii Adduunka:
Qarniyada 20aad & 21aad