SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

MAXAAD LUQADAADA HOOYO UGA DOOR BIDAY AF QALAAD 

HORDHAC 

Waxaan idinku salaamay salaanta Muslimka ay isku salaamaan. Soomaali weynta oo Rag iyo Dumar isugu jira oo maanta dunida dacaladeeda kala jooga aan eebe uga rajaynayaa inuu marka hore inoo sahlo dowlad caadil ah oo isku keena soo celisa, in uu ilaaheey caafimaad qab iyo cimri dheer ina wada siiyo, in ilaaheey inagu wada abuuro wadan jaceylnimo, waxaynu wada joogaa qaarado kala duwan oo ay dadkeenii soomaali marii saddex loo dhigo dhig iyo badh ay u barakaceen qurbaha, waxaanu ku noolnahay wadan aanan ku dhalan oo aynaan lahayn aynaan luqadaadi ahayn baanu wada joognaa dhamaan dadka aqrin doono qoraalkayga marka intaa oo siyaabood ka fakar, intaa kadib... waxaan mahad gaara ah oo diirran u dirayaa maamulka Somalitalk oo jaanis inoo siiyay soomaali meel waliba oo ay joogto in ay ra’yigooda qiyaaseen oo dadwaynaha jaanis usiiyaan ra’yigooda kala duwan kadibna ay isugu timaado meel soke oo ay sahlanaato in ay wada kulmaan oo ay is bartaan, wada sheekaystaanna iyaga oo aan hal wadan wada joogin, waa nicmad eebe. Is waydii horta su'aalo fara badan adiga oo maskaxdaada ka shaqaysiinaya??? Waxaynu nahay soomaali, waxaynu nahay isku af, waxaynu nahay isku dad, waxaynu nahay isku dhaqan, waxaynu nahay isku dhiig, waxaynu nahay isku diin waliba sunni ah, balse cuqadado fara badan isu qaba, waayo maanta waxa inakala fogeeye oo wadamo shisheeye inoo geeye waa qabiil iyo waa reer hebel iyo waa ina hebel, rabbi waxaan ka baryayaa in taasi saafi kadhigo oo qalbgiina daahir ka dhigo, illaahayoow ducada inoo aqbal, Aamiin……….Aaamiin………….Aamiin… 

MEEQO SANO AYAAN DAGAAL KUSOO DHEX JIRNAY 

Waxaanu kusoo dhex jirray 14 sano Dagaal, Qaxar, Dhac, Dil, Dhaawac, Gaajo, Rafaad, Kufsi iyo waxyaabo fara badan oo aan lasoo koobi Karin run ahaantii, waxayna qaadatay sanado fara badan oo maantay gabadhii waqtigaas dhalatay ay maanta guur gaartay iyo wiilkii dhashay waqtigaa, maku fakartay in waqti dheer kaa lumay, jaanis fara badan qasaaray, waxaad kaloo aad eegtaa waqtigaas dadkii aan waxbarasho galin iyo kii markaa u bilaabatay iyo kii dhex u maraysay, xaguu ku dambeeye? Intaa oo idil waa su’aalo mudan in aad is waydiiso kadib jawaabta kaaga soo baxaysa side u egtahay, waxaan ogahay dadka qaar baa markay arkaan (eegaan) waxa aan qorayo ayay qosol ladhacayaan, oo ay layaabi donaan, maxaa kuxiga intaa kadib kani wuxuu joogaa Africa, kani wali waa dambeeyaa oo dunida lama qabsan, IWM waayo, wadaankaagii hooyo mid aanan ahayn baad ku raaxaysanaysaa, canjeeladi maamada (Hooyo) subaxdii arooti hore (hiiradii hore) laguu dubi jiray kuma dhex jirto ismaris iyo hilib 2 bilood ka hor baraf ku jiray baad dhalaalsataa,  

MAXAAD LUQADAADA HOOYO UGA DOOR BIDAY AF QALAAD 

Tusaale ahaan:- aduunka dadka isugu yimaada kaliya maaha soomaali oo wadankooda kasoo tagay ee waxay isugu jiraan wadamo fara badan, isku soo koob ma arakysid marka ay isa soo dhex galaan ama wadankiisa kaliya meel isugu soo haro in ay luqad qalaad ku hadlaan ee wadankooda hadalkooda iyo dhaqankooda xiiso ay u qaabaan bay la xamaasadaysanyihiin marka, wax isku fala luqadeenii hooyo dhulka ayay ku dhacday oo luqadaha afrika in ay ka baxdo halis bay ugu jirtaa, jiilka kor u qaadi karo waa adinka isku daya wax waliba in aad ku qortaan afkiina hooyo waa iga dardaaran.

Nin waliboow waxaad moodaa Holland, Sweden, England, Norway, USA, Denmark, IWM... in uu awoowahaagi kaaga dhintay soo maaha maalinkii dowlad kuu dhalato, xasuusnaaw maahmaahda oranaysa "" Lama Huraan waa caws jiilaal"" marka waxaan idiin dareensiinayaa wadaninimada, si dadna luuqadooda u jecelyihiin qaasatanna inaga oo soomaali ah aanu uga cararayno. waxaan idinku soo afjarayaa su'aasha cinwaanka aan kusoo qaato oo faahfaahsan ahna:- 

Maxaad luqadiinii hooyo uga roorteen (uga cararteen), (uga dideen) oo aad afqalaad ku fasheen dadkii u dhashay ayay anfacaysaaye? 

ogoow hadii ay jawaabtaadu noqoto wax lala yaabo adiga shaqo iyo nabadgalyo ayaad ku heshay balse adiga malihid oo waa afsoomaali luqadaadu, ha isku dhajin baan kuleeyahay??? 

Wixii igu mucaaradsan wali waxbaa ka dhiman ninkii igu taageersan ayaan muwaadin u qirsanahay. 

Waxaan ka cudurdaaranayaa wixii qalad ah in ilaaheey iga cafiyo oo banii aadamku wuu qaldamaa, qaladka igu jirana waad iga saxi kartaa wixii su’aal ahna jawaabteeda diyaar baan ula ahay. 

walaalkiin muslimka ah ee soomaaliga ah. 

Ismail Mahmoud
Dubai – United Arab Emirates

Ismoma114@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 25, 2004


»DACWADA CALI SAMATAR::: DULMI HA SAMAYNINA | Xusen
»Fadeexaddii 2004 & Qarniga (Samsam Yarey)Cabdi
»"Digniin ku Jeeda Samsam Axmed Ducaalle" | C/rashid
»
Riyadii Xalay baan Rumeeysto, waan Riyaaqay | Eelay
»Arrinta Samsam iyo Halka ay Somalitalk iska taagtay | Ibrahim
»Bilad-geesida dagaalkii sokeeye, beeshee lasiiyaa?!! | Siyaad
»HABKA NOLOSHA DHULKA  [Mohamed A.]
»Nelson Mandel: Madaxdii Adduunka: Qarniyada 20aad & 21aad

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
 
XIJAABKA
»Maxamed DHeere oo Indh shareerka mamnuucay

»
Faransiiska oo iskuulada ka mamnuucay Xijaabka...

»Yusuf Shabac II oo Raali Geliyay Jaaliyadda Guji...
 
DAROOGADA QAADKA
KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000. Eeg halkan... Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
Guji.. 

BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay  kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
 ABC Australia...
 
MUSLIMIINTA CUSUB
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..

Dhakhtar Ajnabi ah oo ka tirsan dhakhaatiirta Isbitaalka SOMRUS oo Islaamay: Dr. Maxamed Cali oo horeyna loo oron jiray Dr. Nikiforov Pavel ayaa islaamay Muqdisho Guji

Singapore: 500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka.. Guji
 
QISO XIISA LEH
“Sawirkan Lama Ogala. Waxan Rabna Sawir Midab ah oo wajiga, timaha iyo qoorta wada muuqato”, Guji.. ..

Sheekadii Kiishka... Guji/
 
BARO QAARADA AFRIKA

AFRIKA: DUNI DAHAB AH IYO MALAB DAMEER SAARAN!! aKHRI: Wax ka baro Qaaraddaada