SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Fiqado Makka Ayaa Lagu Diley!

Yaa Diley, Maxaase Loo Diley?

Fiqado, wuxuu ka mid ahaa Baadariyada ugu waaweyn uguna caansan dalka Ethiopia. Wuxuu ku caanbaxay gaalaysiinta dadka reer Ethiopia, wuxuuna noqday mid ka mid ah dadka ugu firfircoon hawshaas gaalaysiinta isla markaana wuxuu ahaa culimada ugu waaweyn ee diinta Kristaanka dalka Ethiopia. Isagoo ka faa’iidaysanaya caanimadaas iyo mansabkaas uu ka gaaray diinta iyo kaniisadaha dalkiisa, ayuu wuxuu helay lacag iyo jaah aad u sarreeya, wuxuuna noqday mid ka mid ah baadariyada ugu khatarsan Geeska Afrika oo dhan. 

Fiqado, isagoo ku sugan xaaladdaas aynu soo sheegnay, ayuu habeenkii danbe wuxuu ku riyooday isagoo akhrinaya suuradda “Qul huwAllaahu Axad, Allaahus Samad ….”

Yaab iyo amakaag ayay arrintaasi ku noqotay, meel uu wax u qaadana wuu garan waayey, maxaa yeelay wuxuu ogaa in suuraddani ay Quraanka ka midtahay. 

Fiqado oo ahaa nin aad iyo aad u caqli badan, Ilaahna uu ku mannaystay garasho iyo feejignaan badani, wuxuu dareemay in aanay arrintani ahayn riyo caadi ah. Wuxuu isku dayey inuu tafsiir u helo hase yeeshee maskaxdiisa iyo aqoontiisa wuu ka waayey wax sharraxaad ah. 

Markii Fiqado wax natiijo ah waayey ayuu wuxuu go’aansaday bal inuu arrintan wax ka weydiiyo culimo muslimiin ah, wuxuuna soo aadey xafiiska Rabidad Islaamka ee Ethiopia, bal inay u qiil bixiyaan arrintan layaabka leh ee haraysay maskaxdiisa.

Masuulkii xafiiska ayaa u sheegay in Ilaahay la doonay hanuun, iyo inuu ka saaro mugdiga gaalnimada, nuurka islaamkana soo geliyo 

Dhawr jeer markii uu soo booqday xafiiska Rabidada, culimadii joogtayna ay u sharxeen Islaamka iyo mabaadi’diisa quruxda badan; waxa uu Fiqado ku qancay in waxa ay sheegayaan ay run tahay, Ilaahayna la doonay hanuun iyo inuu ka saaro baadinimadii uu dadka ugu baaqayey, iyo mugdigii uu dhex dabaalanayey.

Wuu islaamay baadarigii weynaa ee Geeska Afrika, wuxuuna magaciisii u beddeley Maxamed Saciid.

Dhinaca kaniisaddii uu shiikha ka ahaa arrintii waxay noqotay wax aan la qaadankarin! Waxayna u arkeen in arrintani ay keeni doonto burbur xoog leh oo soo food saara kaniisadda, waxayna yiraahdeen: waa in uu kusoo laabto diintiisa! Hadii uu diidana waa in laga takhalluso! 

Dhinaca muslimiintana arrintani waxay noqotay guul weyn oo aan la rumaysankarin! Waxayna Ilaahay ku mahadiyeen sida uu diintiisa ugu xoojiyey Fiqado oo runtii keeni kara in magaalooyin dhan ay usoo wareegaan islaamnimada! Maxaa yeelay ninkani ma ahayn nin caadi ah.

Haddii uu awal ahaa mid u hor seedayey gaalnimo, waakan oo maanta wuxuu u horkacayaa islaamnimo. Runtiina sidii ay fileen baa dhacday tuulooyin idil ayaa soo islaamay.

Kaniisadu iyaduna go’aan bay meel dhigatay. Hadal kama noolee, Fiqado waa in laga takhalluso.

Markuu dareemay waxa ay damacsanyihiin asxaabtiisii hore ee gaalnimada ay ku walaaloobeen, ayuu xafiiska Rabidadu wuxuu u hawlgalay sidii Fiqado looga badbaadin lahaa shirqoolkaas. Waxayna ka shaqeeyeen sidii fiiso Sucuudiga ah loogu heli lahaa, taasoo u suuragalinaysa inuu kor u qaado aqoontiisa islaamka, kana badbaado dilka lala maagganyahay.  

Markii uu Sucuudiga tagey wuxuu isla markiiba helay deeq waxbarsho oo u suuragelisay inuu galo Machadka Luuqadda Carabiga ee hoos yimaada Jaamicadda Ummul Quraa, waxaana si dhaqso ah loogu habeeyey guri ku filan isaga iyo reerkiisa oo iyaguna lasoo islaamay, mushahar u qalmana waa loo qorsheeyey. 

Runtii Fiqado wuxuu ahaa nin aad u dhug badan, fahmadiisuna anay caadi ahayn, taasina waxay u suuragalisey -fadliga rabbi ka bacdi- inuu si dhaqso ah u barto luuqaddii carabiga iyo mabaadi’da diinta islaamka labadaba. Wuxuu noqday nin aad u wanaagsan ay ka muuqato Alla ka cabsi, taqwo, khushuuc iyo boohin dheeri ah, wuxuuna habeen iyo maalin ku cibaadaysan jirey masjidka Xaramka. 

Maalintii danbe ayaa waxaa u timid gabadh uu dhalay baadarigii masuulka ka ahaa kaniisaddii uu isagu kasoo islaamay, oo runtii ahayd gabadh inan ah oo qurux iyo sha’ni aad u badani ka muuqdo. Waxay u sheegtay in uu aabeheed cayriyey kadib markii uu ogaaday in ay diinta islaamka qabsan doonto.

“Reerkayagii oo dhan baa I dayriyey. Waxayna doonayaan inay I dilaan. Meel aan aado ma aqaani. Sidaas ayaan waxaan u go’aansaday inaan adiga kusoo aado, si aad iiga badbaadisid gaalnimada ay iigu yeerayaan, iyo dilka ay ila maagganyihiin” ayay ku tidhi Sh: Fiqado “waxaan doonayaa inaan kula joogo. Haddaad I guursatidna way fiicnaan lahayd. Diinta islaamka ayaan doonaya ainaan kaa barto” ayayna ugu dartay.

Sheekh Fiqadana (bariba laf kama filane), warkan naxdinta leh ee gabadhu sheegtay wuu u nuglaaday. Wuxuuna is yidhi: “Allaylehe niman sameeya waa yihiin” isagoo iskula hadlay “waa inaan inanta badbaadiyaa” wuxuuna go’aansaday inuu guursado.

Markii uu guursadayna wuxuu dajiyey magalada Jiddah, maxaa yeelay reerkiisii hore ayaa Makka la deggenaa. 

Sheekhu ma ogayn in naagtu ay tahay mid ay soo direen nimankii kaniisadda oo aad uga xumaaday nicmada Ilaahay ku galladaysatay, oo ay u quuri la’yihiin.

Shaw inkaar qabto AIDS bay qabtaa!

Markii ay hubsatay in ay u gudbisay cudurkan halista ah, ayay aayar dalkeedii dib ugu laabatay, iyadoo Fiqado iyo reerkiisiiba u qoonsatay noloshoodii.

Isla markiiba wuxuu cudurkii u gudbiyey xaaskiisii hore, isagoon ogayn, taasoo isla markiiba uu soo ritey xanuunku, dhawr bilood ka bacdina dhimatay Allah ha u naxariistee.

Isna muddo yar ka bacdi ayuu soo dhuudhuubtay, xanuunkiina uu soo ritey, halkaasoo ay tii Alle ugu timid.  

Sheekh Fiqado waxaa lagu aasay Magaalada Makkah. Ilaahay Jannadiisa ha ka waraabiyo. 

Maasha Ilaah yidhi –macne-:{ Yuhuud iyo Nasaaro toona raalli kaa noqon mayaan ilaa aad diintooda raacdid} Baqarah, 120

Waxaa sheekadan soo tabiyey www.islamway.com

Cabdisamad Xoday
Hoday30@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 25, 2004


»DACWADA CALI SAMATAR::: DULMI HA SAMAYNINA | Xusen
»Fadeexaddii 2004 & Qarniga (Samsam Yarey)Cabdi
»"Digniin ku Jeeda Samsam Axmed Ducaalle" | C/rashid
»
Riyadii Xalay baan Rumeeysto, waan Riyaaqay | Eelay
»Arrinta Samsam iyo Halka ay Somalitalk iska taagtay | Ibrahim
»Bilad-geesida dagaalkii sokeeye, beeshee lasiiyaa?!! | Siyaad
»HABKA NOLOSHA DHULKA  [Mohamed A.]
»Nelson Mandel: Madaxdii Adduunka: Qarniyada 20aad & 21aad

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
 
XIJAABKA
»Maxamed DHeere oo Indh shareerka mamnuucay

»
Faransiiska oo iskuulada ka mamnuucay Xijaabka...

»Yusuf Shabac II oo Raali Geliyay Jaaliyadda Guji...
 
DAROOGADA QAADKA
KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000. Eeg halkan... Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
Guji.. 

BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay  kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
 ABC Australia...
 
MUSLIMIINTA CUSUB
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..

Dhakhtar Ajnabi ah oo ka tirsan dhakhaatiirta Isbitaalka SOMRUS oo Islaamay: Dr. Maxamed Cali oo horeyna loo oron jiray Dr. Nikiforov Pavel ayaa islaamay Muqdisho Guji

Singapore: 500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka.. Guji
 
QISO XIISA LEH
“Sawirkan Lama Ogala. Waxan Rabna Sawir Midab ah oo wajiga, timaha iyo qoorta wada muuqato”, Guji.. ..

Sheekadii Kiishka... Guji/
 
BARO QAARADA AFRIKA

AFRIKA: DUNI DAHAB AH IYO MALAB DAMEER SAARAN!! aKHRI: Wax ka baro Qaaraddaada