SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
 
Daabaco Boggan | Print

Qaran-dhis 

cabdiwaaxid

C/Waaxid C/hi Khaliif


Lonodn, UK

cabdulwaxid@hotmail.com

Dec 26, 2005


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Maqaalkii, geel markaad leedahay baa geel-jire la samaystaa waxaan ku sheegay kajankii/kaftankii la sheegi jiray ee ahaa wiil imtixaan ku jira oo gabar ka qishayey baa xitaa magaceedii ka qishay. Marka ugu yaraan markii la qishayo waa in qofkaad ka qisheyso magaciisa la iska jiraa. Wax kasta waa inaad u qaadataa sida adiga kugu fiican oo kugu habboon. Hal arrin ah baan u arkaa in  siday tahay loo qaato, annagoon shaki iyo tuhun gelin – waa Islaamka. 

Waxaan mar kale ku celinayaa qaran-dhis iyo dowlad-dhis shuqul iskuma leh; waxayna isu jiraan inta cirka iyo dhulku isu jiro; welibana isku waddo looma maro. Dowladdu waa saqaf/tarniig oo kale oo waxay mar kasta u baahantahay qaran dhisan. Haddaan si kale u dhaho, wasiirrada laga dooran doonno xildhibaannada iyo tiro le’eg oo qaybaha kale ee bulshada ah waxba isma doorshaan markuusan jirin qaran dhisan oo u diyaar ah dowladda. Qofka caadiga eh ee Soomaaliyeed ee jooga Soomaaliya, ka soo qaad inuu yahay bulukeetigii/dhagaxii qaranka dumay; dagaal-oogayaasha wasiirrada noqondoonana waxaa loo wadaa inay noqdaan laamiyeerigii qaranka dumay. Maaddaama uusan laamiyeeri keligiis meel cidla’ ah dedi karin, isaga iyo dhagaxaas wax isma dhaamaan oo makala sarreeyaan. Sidaan horay usoo iri oo ahayd in haanta gunta laga soo unko; ayaa markii guri la dhisayana waxaa laga soo bilaabaa aasaaska iyo in hoos aad looga soo adkeeyo. Laamiyeeriga ka hor, dhagaxa iyo bulikeetigaa ayaa u baahan in marka hore si fiican la isu saaro. Haddii taas la waayo oo qaran iyo dowladi jirin, dhagaxaas waxaa loo isticmaali karaa fargan, dadka “indhaha iyo ilkaha” looga jebiyo ama dhagxaan wax lagu dakhro sidoo kalana tarniigaas, waxaa qaadi kara dabaysha (Zenawi & cadow kale) oo u isticmaali kara inay dadka unuunka kaga gooyaan haddii meel bannaan la iska waro oo wasiirro aan xafiis ay ka soo jeestaan iyo dad ay xukumaan haysan la iska magacaabo. 

Maxaa Geeddi la gudboon? 

Qof baa laga yaabaa inuu is dhaho “madaxweynayaashii” horaba (laga soo bilaabo 1991 –2004) wax bay isku duwdeen! Maxay isku duwdeen? Haddii madaxweyne, soo beryey dowladdo; soow dagaal-oogayaali, cadow iyagoo kaashanaya wax iskuma duwdan? Qof kastoo lacag heysatana wax waa isku duwan karaa laakiin sidaas qaran ma la isugu duwdaa? Marka lacag-isku-duwasho iyo qabiil-isku-duwasho kama hadleyno. 

Maaddaama aan dowladda, dadkii/saqafkii qaranka ku sheegnay maaddaama aan qaran jirin, sidee saqafkaas laga yeelaa? Horta haddaad heysato tarniig aad rabto inaad guri saarato waa inaadan uga tagin bannaanka maalin dabayl dhacayso isagoon xirxirnayn ama aan meel ku jirin. Haddii kale dadkuu huf ka dhigayaa. Sidoo kale waxaa la samaynkaraa in isaga iyo alwaaxda la isku xirxiro oo meel weyn la iska dhigo isagoo diyaarsan oo sugaysa in guri le’eg hal mar lagu dado. Waxay sidaasi ka dhacdaa waddama isticmaala dimuqraadiyadda; oo waxaa jira xisbiyo mucaarad ah oo isu diyaariya inay guuleysaan; haddey guuleystaan, hal mar baa saqafkii hore (xukuumadda dhacda) laga qaadaa oo tan cusub oo dhisan (tarniig diyaar ah) dhusha laga saaraa, waa marka qaran dhisan yahay. Gadaal ka arag markaan tusaale usoo qaadanayo xisbiyada Britian qaarkood. Mar marka qaarkood targiis diyaarsan laftiisa uffo qaadi karta oo inta hinjisa, duul meel fadhiya dusha uga rida. Waa marka xisbigaas isagoo xukun doon ah uu cadow u adeego. 

“Maxasuuste taariikhda waa laga mirqaataaye”. Sidaan horay u soo iri; magacaabid-wasiirro, keligeed wax weyn ma soo kordhiso. Xataa muhuum maahan in markaan ra’iisul wasaaruhu uu wasiir arrimo dibadeed samaysto; hadduu ra’iisul wasaaruhu rabo inuu cid soo baryo waxaa fiican inuu isaga laftiisu soo baryo ee uusan cid kale u dirsan inta qaran dhismayo. Waxay ku fiicantahay inuu nimanka hubaysan, si khaas ah u soo dhoweysto oo uu ka dhigto la-taliyayaal iyo inay hadhow wasiirro noqon doonaan markii qaran dhismo. Dani uguma jirto inuu haddeer uu shaaca ka qaado waxa mid walba helayo ileyn kulligood wasaarad maaliyadeed iyo wax la mid ah bey rabaane. 

Ka warran xildhibaanno u dagaalaya jago? Maxay u dagaalayaan? Waxay rabaan meel ay tuubbo gashadaan! Hal il baa durduraysay, iyadiina waxaan mooday in laga heshiiyey labadii sano ee shirka loo fadhiyey laakiin weli waa sunsumaysaa – waa dhiigga shacabka. Marka ma waxaan idiin dooraneyney inaad dhiigga shacabka tuubo gashataan? Si aad tuubbo u gashataanna waa inaad kuwo badan god gelisaan. Hadday leeyihin, maya, markaan ma rabno inaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed tuubbo gashanno ee waxaan rabnaa in deeqaha Soomaaliya la siinayo aan tuubbo gashanno. Yaa deeqaha bixinaya? Waxaad mooddaa, haddaan Soomaali nahayba, inaan caqli noo kordhin! Waxaad mooddaa in la joogo Toddobaatameeyaddii iyo Carabahoo lacagtii ka badatay! Carabuhu hadday lacag ku siinayaan, iyadoo isku xiran bey farta kaa saarayaan laakiin waddamada reer Galbeedku saas maaha. Bal dib u xasuuso kaalmaddii Talyaanigu sheegi jiray inuu Soomaaliya siin jiray? Imisa naga soo gaartay? Hadda Carabuhu iyagaa toodii u yaabban. 

Sidee Qaran loo dhisaa? 

Ma “Marx”, “Weber” iyo wax dad nala mid ahi sameeyeen baan iska raacnaa; weliba iyagoo naga diin iyo dhaqan duwan? Maya, WALLAAHI. Maxaa Weber iyo Marx noo soo arkey ileyn waa binu Aadan anagoo kala ahe. Markaan aan Ilaah maqalno. Ilaahna wuxuu yiri waxaa tusaale idiin ku filan nabi Muxmamed (SCW). Nabi Muxamed (SCW) markuu reer Makkaad ka quustay ayuu Hijradii sanado yar ka hor, wafdi ka socday Madiina, labo jeer qaabilay. Wuxuu la galay balanqaadyo. Dabadeed wuxuu u diray safiir, dadka reer Madiina diinta bara. Hadda haddaan Soomaali nahay oon samo-saadsi samayno, wataas ay dagaal-oogayaashi kulmeen. Waxaa harsan in xubnaha baarlamaanka loo kala diro nin walba magaaladuu ka yimid oo ay dadka diyaariyaan sidii Qaranka loo dhisi lahaa. 

Nabi Muxamed (SCW) markuu Madiina tegay muxuu sameeyey? Ma wasiirruu magacaabay? Ma dadkii soo qaxay buu xarumo, dhallaanka iyo hooyooyinka lagu quudiyo u sameeyey? Ma rug caafimaad buu dhisay? Mayee wuxuu ka bilaabay masaajid iyo rug arrimahaas lagu baadigoobo. Tusaalaha nabi Muxamed (SCW) qofkii aan raacin waa qof gaarifaraskii ka hormariyey faraska. Marka wasaarad iyo dib-u-dhis waddan ayaa ka horraysa jagooyin la magacaabo. Maaddaama la rabo in qaran dhan la dhiso, wax gooni ah oo baarlamaan ka yar 300 uu samaynkaraa iska yar. Marka qaran la dhisayo, malaayiin qof baa loo baahanyahay. Marka ka warran qofkii inta malaayiin qof iska hilmaama, u qaata in tobonaan qofi wax hagaajin karto? 

Waa sax in “madaxweynaha” ay xildhibaanno doorteen; isna uu “ra’iisul wasaare” doortay. Haddii wax la doortay wax lagu helayo; waxaa la arki lahaa qarankii Soomaaliyeed oo shaqaynaya markii Prof. Geeddi la magacaabay ee hore! Maaddaama maalmo dhowr ah ay dowlad u dhisnayd Geeddi, ma aragteen qaran maalmo dhismay?! Haddaan si kale u dhaho, 22-kii iyo 23-kii Oktoobar 1969 waxaa shaqeynayey amarka Kacaankii 21-ka Oktoobar. Bal car wataase, labo bilood iyo bar ka badan baa la joogaa markii kornayl C/hi madaxweyne loo doortee, haka shaqeeyo amarkiisu Soomaaliya. Haddaan arrinta siday tahay loo wejihin, arrintu waxay ahaaneysaa sidii “dowladihii” ka horreeyey, laga soo bilaabo 1991 – 2004. 

Ilaahoow iimmaanka hanaga qaadin! Nabi Muxamed (SCW) deeq kama sugin Ruum iyo Furus oo markaas ka dhignaa reer Galbeedka iyo Shiinaha oo kale; dadkiisii soo ceyrshayna, naxariis kama sugin ee wuxuu gartay in saxaabadii soo hijrooday iyo kuwa Madiina ay yihiin dad; aysana jirin wax ka qiimo iyo wax-soo-saar badan dadka. Nabigu wuxuu furay quluubtii dadka markaasuu iimmaan ka buuxshay una sheegay inay adduunkoodana la soo baxaan. Waa la ogaa sidii uu u walaaleeyey dhexdooda. Sidoo kale wuxuu heshiish la galay dadkii aan Ansaar ahayn ee Madiina iyo hareeraheeda degenaa sida Yuhuuddii. 

Dowladdii Kacaanka ahayd dan baa naga soo gashay! Waxaan u baahannahay mabda’ii ahaa iskaa-wax-u-qabso. Ogoow Kacaanku uma horrayn cid iskaa-wax-u-qabso sameeysa. Masaajika nabiga (SCW) waxaa lagu dhisay iskaa-wax-u-qabso. Dadka haddaad ku khasabtid in ay iskaa-wax-u-qabso wax ku dhisaan waxaa dhacaysa inay dhagxaanta iyo dhismaha si khaldan isu saaraan dabadeedna mudo yar ka dib ay wax walba dumaan sidii dowladdii hore oo kale. Laakiin waxaa la rabaa in dadka la wacyigeliyo oo iyagoo raali ah ay taburacaad geystaan. Kacaankii 21 Oktoobar wuxuu tan Mbagathi uga duwanyahay, kacaankaas, Maxamed Siyaas iyo taageerayaashiisii buu ka yimid; inkastooy Midowgii Soofiyeeti la xirteen laakiin inay dowladdii rayidka ahayd ridaan wuxuu ka yimid xukun-jacaylkooda ee Adisababa laguma soo dhisin. Marka sina looguma baahna mabda’a aan caadiyeysanay ee ah wax-hanaloo-qabto. Laakiin bal wasiirro tuubbo-gashi raba iyo iskaa-wax-u-qabso maxaa iskaga dan ah.

Horumarka lagu gaaro isku-xukunka diinta Ilaahay 

Bal suurayso suu nabi Muxamed (SCW) uga soo baxay Makkah? Hijradii iyo dagaalkii Badar imisaa u dhaxeysay? Nabi Muxamed (SCW) oo dhuumasho uga soo baxay Makkah oo god-gelidii iyo dhibtii la ogayd ka soo raacday waa la ogaa markii uu baadi-goob ugu dhaqaaqay inuu soo qafaasho awrtii iyo hantidii Qureysheed isagoo uga danlahaa inuu soo ceshado xaqoodii iyo hantidoodii laga soo barokiciyey! Ma durbadiiba! Bal intaad mabaadiida iyo diimaha dadka kale fiirisaan bal soo hela is-bedel ka dhaqso badan kaas Nabi Muxamed (SCW) sameeyey. Haddeer oo la joogo haddaan helno hogaamiye fiican; oo aan Ilaah maqalno waxaa dhici karta inaan la xisaabtanno Zenawi muddo yar gudaheed haddii Ilaah idmo laakiin sida xaalkeennu yahay “heyhaata”.

 Muxuu u baahanyahay hogaamiye Soomaaliyeed? 

Qofkii raba inuu Soomaaliya hogaamiyo wuxuu u baahanyahay maskax iyo feker fiican. Caqli maahan inuu sida Mela Zenawi ama Maraykanka u fekero ee waa inuu u fekeraa waxa danta Soomaalida ugu jirto. Fiicnaan lahaydaa haddii Prof. Geeddi akhrin lahaa sheekadan buugta Afsoomaaliga ee iskuulada lagu qori jiray: 

Waxay sheegaan in nin waxgarad ahaa oo  dhowr aqoolood cidla joogay uu ku soo dul dhacay islaan ladan oo aqal buuxa dhex joogta. Ninkii runtuu u sheegay islaantii iyo inuusan dhowr maalmood afka wax saarin. Islaantii, sidii marti-soor looga sugayey bey deyro iyo is-hafrid la soo boodday; waxayna tiri: 

  • ·         Waatay goome noqotaa

  • ·         Oo guga la waayaa

  • ·         Giddi maanta oo idil

  • ·         waxba maan gasiimanoo

  • ·         Gowsaha wax maan gelin

Ninkii talaa ku caddaatay. Naftiisii buu u baqay iyo inay gaajo naftu uga dhacdo.  Feker gaaban ka dib wuxuu isha ku dhuftay dhagax yar oo islaanta agyaal. Wuxuu yiri waxaan rabaa inaan dhagaxaas, soor ka sameeyee bal dab ii shid. Islaantii oo yaabban baa dab oogtey oo dheri/digsi u saartay. Ninkii inta dhagaxii dhaqay buu digsigii ku riday oo walaaqay! Wuxuu islaantii ku yiri bal xoogaa cusbaa i sii. Markii cusbadii loo keenay buu inta digsigii ku riday walaaqiddii sii watay. Markay biyihii kareen buu ninkii yiri haddii xoogaa jariir ah la helilahaa meeshaa waxaa ka soo bixi lahaa raashin bannaanka laga maray! Islaantii waxay tiri deyrtii dhoweyd waxaan guriga ku ogaa masaf jariir ku jirto ee ii sug aan raadshee; cabbaar ka dib waxay keentay masaf buuxda oo jariir ah. Ninkii intuu rabay buu ku darsaday. Markii cabbaar la joogay oo jariirtii bislaan rabto buu ninkii yiri haddii xoogaa budo ah oo jariirta lagu adkeeyo la heli lahaa, waxa halkaas ka soo bixi lahaa cunto qiimo badan. Islaantii sidii oo kale bay sheegtay in ay waqti hore ay meel ku ogayd masaf budo ku jirto balse waqti ay ku baadigoobto la siiyo. Qaddar yar ka dib bay keentay masaf budo ceegaagto. Ninkii sidii oo kale buu ka isticmaalay intuu rabay. Markii soortii bislaatay buu dabka ka qaaday oo yiri haddii xoogaa subug ah oo lagu daro la helilahaa waxaan shaki ku jirin in faraha la isgoosan doono, soorta macaankeeda darteed! Sidoo kale baa habartii, is-hafrid ka dib keentay tabbad cod-cod/subag ka buuxo. Ninkii intuu u baahnaa buu ka isticmaalay. Ninkii wuxuu hadalka sii raaciyey haddii xoogaa garoor ah oo lagu sii dari lahaa la heli lahaa waxay soortu noqon lahayd tii ugu macaanayd ee weligeed la cuno. Sidii oo kale baa islaantii waxay keentay dhiil uu garoor ka buuxo. Ninkii inta dhagaxii ka saaray digsigii oo xeero soo qaatay buu intuu rabay ka gurtay dabadeedna digsigii iyo intii kale islaantii hoos dhigay. Islaantii oo cantuugeysa soortii baa inta da’ ka yar intay jirtay sheegtay tiri: intaas baan jiraa oo weligay ma arag cunto ka macaan middan dhagaxa laga kariyey! 

Inkastooy dhici karto in sheeko xariirtaas loogu talogalay dacaayadeynta dumarka laakiin dantaan ka leeyahay waa in dadka wixiisa la tuso. Marka soow ma habboona in la hela hogaamiye na tusa kheyraadka waddankeenna oo waxeenna wax naga cunsiiya? Haddii Soomaalida waddama reer Galbeedka joogaa midkii ku deeqo 100 doolar waxa la helayaa lacag wax lagu sii bilaabi karo inta lacag intaas ka yar ay ka baryi lahaayeen waddamo waxay baxshaanba tahay: hoo oo ku go’. 

Dadka dibadaha jooga khaasatan kuwa waddamada reer Galbeedka jooga waxaan kula talin lahaa inay indhaha furaan ee aysan u fekerin sidii wiilal wada mooryaan iyo jirri noqday markay waxbarasho waayeen. Kee caqli badan xildhibaan raba inuu helo wasiir si uu tuubbo wax u gashado ama “aqoonyahan” shadaado sare wata oo raba inuu qabiilkiisu helo wasiirro xukuma wasaarado fiican si uu tuubo u gashado? 

Haddaan tusaale usoo qaato waddankaan Ingiriiska oo aan joogo, iska daa xisbiga talada hayee xitaa xisbiga labaad ee waddankaan wuxuu u dhisnyahay sidii dowladdii oo kale oo wuxuu leeyahay waxa loo yaqaan “shadow cabinet” oo haddii ay beri ka maalin doorasha ku guuleystaan inay talada qabtaan iyagoo diyaar ah. Ururka labaad maahee xitaa kan seddexaad waa diyaar. Xisbigaas labaad wuxuu leeyahay qof qof iyo dad isu tagay oo aan ahayn kuwa xildhibaannada ah, oo ay isu keentay dano urur. Xitaa wuxuu leeyahay urur la yiraahdo “Young conservatives” oo da’doodu u dhaxayso 15 ilaa 30 jir. Waxaa dhici karta inay yihiin xooggaga mutadawiciineed ee ugu badan ee ay leeyihiin dhallinyaro-siyaasadeedka.  Waxay iska aruuriyaan lacago lagu taageero xisbigooda; waxay soo qabanqaabiyaan shirar, waxay iska doortaan ciddii xukumi lahayd dhallinyaradaas; waxay diyaariyaan ciddii hadhow u tartami lahayd xubnaha baarlamaanka. Waxaas oo dadaal ah oo ay sameeyeen waxaad arkaysaa in madaxda iyo hantida waddankaanba ay gacanta u gasho dad kooban oo iyagu ilaashada. Maxaa yeelay waa sharci dad samaystay marka sharci dad samaystayna dibindaabyo iyo xaq-darro lagama waayo. 

Marka bal fiiri inta aqoonyahan Soomaaliyeed ee qurbo jooga. Maxay ku towranyihiin? Fiicnaanlahaydaa xitaa haddii ay danta qabiilkooda si fiican oo waxtar ah uga shaqaynlahaayeen. Waxay fiirinayaan Nairobi iyagoo sugaya inta wasiir ee tuubbo wax gashan karta ee ay helidoonaan! Maxaa noo diiday in aan yeelno waxa dhallinyaradda Ingiriiska ah ee qaarkood jiro 15 iyo wax la mid ah ay sameeyaan. Maxaa noo diiday in dhallinyarada iyo aqoonyahanku wada xiriiro? Maxaa noo diiday in la aruuriyo lacag wax loogu qabto waddanka si qaran loo dhiso? 

Ilaahay wuxuu Suural Al-Anfaal ku sheegay in gaaladu qaarkoodba ay yihiin awliyada qaarka kale (xagga iskhaashiga siyaasadeed, dhaqaale, caafimaad, waxbarasho, tiknoolajiyad iyo ka hortagga Islaamka) marka Ilaah wuxuu leeyahay haddaydaan sidoo kale isku xirmin waxaa dhulka ahaanaya fitno iyo fasaad weyn. Ilaahay waa run sheegay. Bal fiiri waddama Carabta iyo Islaamka? Bal Soomaaliya fiiri. Maxay tahay fidnaha ka daran, koox inta dadkoodii madaxa iyo lugaha qabteen, u haya in cadow gowraco! Soow arrintaas Soomaaliya, waddamada Carabta iyo kuwa Islaamka oo dhan lagama sameeyo? Soow hadda Zenawi uma habboona inuu dagaal-oogayaaha uqaado heestii Sangub alifey; 

  • ·         Wanka macasha ii qabo

  • ·         Adna gowrac ii mari

  • ·         Dhiiggana aan muudsado

Imisa qof oo Soomaaliyeed baa iyagoo xirxiran, Zenawi loo geeyaa? Marka labada kornayl (C/hi Yuusuf iyo Daahir Riyaale) midna madaxa hanagu dhego midna minjaha dabadeedna “xukuumahadaha labada kornayl” hana bireeyeen. Qofkii muslim ah, inta ASHAHAADADA qabsado buu Insha Allaah muslinnimo ku dhiman doonaa laakiin waxaa hoog heystaa dadka falsafad iyo mabda’ aan Islaam ahayn aamminsan ee hadda dhibka iyo gowraca nala qaba. 

Marka danta maqaalku waa inaan wasiir-magacaabid iyo wax la mid ah keliya aysan Soomaaliya xal u ahayn. Soomaaliya qarankii oo dhan baa dhulka ku dhacay. Marka qof kasta oo Soomaaliya baa la rabaa inuu ka geysto wixii tabartiis ah. Marka waxaaba dhici karta in xildhibaannada Soomaaliyeed intooda badan noqdaan kuwa noogu tayo hooseeya markii laga hadlayo aqoonta iyo caqliga oo ayba howsha (qaran-dhiska) inteeda badan dusha uga dhacayso dadkeenna kale. Ilaahay baa i lahe, anigu marna Zenawi kheyr ka sugi mahayo.

C/Waaxid C/hi Khaliif

Lonodn, UK

cabdulwaxid@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 26, 2004


Reer Minnesota oo Taageeray Reer Cali Samatar Si ay isaga Difaacaan Dacwad Madani ah oo ku Furan Maxamed Cali Samatar..
Shir xalay lagu qabtay Minneapolis ayaa laga soo jeediyey in...
Guji.. Dec 26

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji
CADDAANI
Han-yaraanta Iyo Hibashada Hargeysa Ayaa Haleeshay SamSam Yar.. Guji 
FAHAD
Xaaladda Samsam iyo Damiirka Shacabka Somaliland Guji
GAALERI
gaaleriC/Shakuur (Gaaleri): Dhibkii isoo Gaara Ma'uliyadeeda Waxaa Leh Col. Cabdi .. Guji..
DIRIDHABA
diridhabaSam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa Guji
C/WAAXID
cabdiwaaxidDhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha Guji

 



HTML CD