SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -KENYA
 
Daabaco Boggan | Print

  • Booliska Kenya oo gacanta ku dhigay Ninkii labada Dumarka ah ee Soomaaliyeed ku diley Nairobi
  • Dabaqa Sadexaad ee Hotelka 680 oo ay dagan yihin baarlamaanka badankood oo galabta dab Qabsaday. 
  • Shiikh Axmed Maxamed Saciid "Garaare" oo Ku Geeriyoodey Maraykanka

Ninkii dilay Labadii Dumarka ah ee Soomaaliyeed ee Samiira iyo Faadumo ayaa Booliska Kenya Su'aalo waydiinayaan

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com
Kenya,Nairobi, SomaliTalk

November 20, 2004

Gacan ku dhiiglihi Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi ku dilay labo Haween ah oo Soomaaliya Awees Ismaaciil Aways oo isagu Dilay Samiira Axmed Xasan iyo Faadumo Maxamed Xasan oo ku dilay Tooreey ayaa Booliska Magaalada Nairobi Gacanta ku dhigeen. 

Ninkan oo imanka ay gacanta ku hayaan Booliska Bangaani ee isla Xaafada Islii ayaa waxaa soo booqday Saxafiga la yiraahdo Axmed Yaasiin Maxamed Sooyaan oo ah Saxafi ka tirsan Idaacada Iqra FM ee Magaalada Nairobi, waxana uu ii sheegay in uusan qalbi ahaan dhameen oo xoogaa isku buuqsanaa ninkani, wali xaaladiisa meelna uma dhicin oo looma gudbin Maxkamad. 

Dhinaca kale qaraanbada Haweenka Tooreeyda nafta looga qaaday ee Faaduma iyo Samiira iyo Ninka eedan loo Hayo ee Awees ayaan wali is arkin iyadoo laga dhur sugayo Aabaha Aways oo Dagan goob ka baxsan Nairobi.  

Lama oga waxa xaalkani ku danbayn doono, ma Booliskaa Faraha looga qaadayaa mise waxaa lagu dhamaynayaa Xeer Hoosaad Soomaali.

axmeddheere65@hotmail.com


Dabaqa Sadexaad ee Hotelka 680 oo ay dagan yihin baarlamaanka badankood oo galabta dab Qabsaday. 

Canab Mumtaz
SomaliTal | nairob

 


680 Hotel, Nairobi  
Dadkii ku sugnaa gudaha hotelka iyo banaankiisa ayaa si dag dag lagu wargaliyay in ay degdeg kaga baxaan hotelka kadib markii galabta dabaqa sadexaad ee Hotelka 680 si kadis ah dab u qabsaday.
 
Dabkan oo aanay qofna waxba ku noqonin lama cadaynin sababta dhalisay laakiin mid ka mid aha xubnaha baarlamaanka oo daris la ahaa qolka uu ka bilowday dabka ayaa ii sheegay in ay macquul tahay in uu sababay sigaar lagu dhex cababayay gudaha qolkaas oo ay daganaayeen laba ka mid ah xubnaha baarlamaanka.
 
"Waxaan galnay halis ah inaan dhamaanteen ku dhimano dabkan waayo waxaan ku jiray dabaqa afaraad ee hotelka iyadoo xitaa la hakinayay adeega wiishashka" sidaas waxaa yiri mid ka mid ah baarlamaanka oo ku sugnaa hotelka markii uu dhacayay dabka.
 
Hotelka 680 waa halka ugu badan ee ay dagan yihiin xubnaha baarlamaanka FKMG ah  ee soomaaliya.

canabmumtaz@hotmail.com


Shiikh Axmed Maxamed Saciid "Garaare" oo Ku Geeriyoodey Maraykanka

Gobolka Vaee ah nawaaxiga Washington DC  waxaa maalintii khamiista ee bisha November aheyd 18 oo ku aadaneyd 5 bishan shawaal 1425 , ku geeriyooday Allaah ha u naxariistee Shiikh Axmed Maxamed Saciid oo ku magac dheeraa ( Shiikh garaare).

INAA LI LAAHI WA INAA ILEYHI RAAJUCUUN, ALLAAH HA U NAXARIISTO MARXUUMKA  ANNAGANA GADAASHIIS ALLAAH NAMA FIDNEEYO.

Tacsida waxaa diraaya saaxiibadiis oo uu ugu horeeyo Saahid maxamed yusuf, maxamed muuse xaaji saciid,maxamed khaliif, khaliif riiko, Nuuradiin,jamaal guddoomiye, shiikh nuux ciise,shiikh xasn nuur,shiikh c/raxiim,shiikh food,shiikh axmed Va,shiikh cumar maxamud,shiikh maxamed c/llaahi, c/qaadir utah,cumar guure,shiikh axmed xasan,shiikh yaasiin Barkhadle,Shiikh cabdalle cabdalle,gudiga sports va oo dhan iyo dhamaan hooyooyinka iyo carruurta oo shiikha si toos ah u tabayaa, iyo jaaliyadda VA,MD iyo nawaaxigga washington DC.

Waxaan u tacsineyneynaa Aabaha marxuumka maxamed saciid iyo dhamaan wallaaladiis oo kala jooga jarmalka ,norway, bosaaso, waxaan kaloo u tacsineynaa marxuunka carruurtiisa oo kala ah maxamed ahmed ,hana axmed, caa,isha axmed iyo hooyadeed Fowsiyo mohamed ismaaciil.

Tacsida waxaa lagu soo aadinayaa emailka saaxiibkiis sahid maxamed yusuf oo ah:  sahid_yusuf@yahoo.com

Inshaa alaah shiikha taariikhdiisa gadaal ayaan ka soo qori doonaa.                                      

                    INAALILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJUCUUN

Faafin: SomaliTalk | Nov 20, 2004

Silsiladda Taariikhda Islaamka:
Qaybtan oo Labo Toddobaadle ah waxay kamid noqday qormooyinka ugu xiisaha badan ee kusoo baxa SomaliTalk, waxana ay maanta ku saabsan tahay "Nabiga (scw) Oo La Amray u Istaagidda Gudbinta Dacwada"..
Qore: Shiikh C/risaaq Macalim Abshir

NAIROBI::: WARARKII DILKA LABA DUMARKA AH:::


  • Gabar Soomaaliyeed ayaa Lagu Dilay Xaafada Islii Ee Magaalada Nairobi Midna waa Lagu Dhaawacay
  • Kulankii Qaramada Mudoobay Ee Maanta Ayaa looga Hadlay Arimo ku saabsan Soomaaliya
Marxuumad Faadumo Maxamed Xasan ayaa  Saqdii Dhaxe ee Xalay Ku geeriyootay Cisbitaalka Nairobi West ee Magaalada Nairobi iyadoo ka mid aheed Dhibanayaal uu dilay Wiil Soomaaliyeed meydka Marxuumada ayaa lagu soo Dalacay 1877.3006$ (15300 KSh). 

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com 
SomaliTalk | Kenya, Nairobi

November 19, 2004

Allah ha unaxariistee  waxaa Cisbitaalka Nairobi west ee Magaalada Nairobi Ku geeriyooday Faadumo Maxamed Xasan oo Habeenimadii Xalay nin tooreey ku dhaawacay iyadoo xiligaa ku sugneed Qolka ay ka daganed  Hotelka Miski Loj ee Xaafada Ilii, 

Meydka marxuumada oo hada wali yaala Cisbitaalka Nairobi west ee Magaalada Nairobi ayaa loo haystaa lacag dhan 15300 KSh una dhiganta 1877.3006$ iyada oo aan ilaa iyo hada gacanta lagu hayn runtiina dhimashada gabadha waxaa u sii dheer qaraabadeeda qarashkan xaddhaafka ah ee lagu soo dalacay, 

Dhinaca kale wali wada hadal uma bilaaban qaraabada marxuumada iyo Awees oo ah ninkii dhibka gaystay . 

Dhinaca kale waxaa iyaduna Cisbitaalka wali ku jira Samiira Axmed Xasan oo iyadu isla xalay ku nafwaysay dhaawicii Aways ugaystay Gabdhaha Soomaaliyeed, iima suuro galin in aan wax ka ogaado qiimiga lacageed ee ayada lagu leeyahay, Marxuumad Samiira hooyadaded oo aan xalay la kulmay ayaa ii sheegtay in aysan garaneen waxa loo dilay gabadheda laakiin Saaka iima suuroobin in aan la kulmo xili aan baadi goob ugu jiray Saamiga lacageed ee Cisbitaalka Waxii ka soo kordha waxaad kala socondoontaan Bogan inshaa alaahu

Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo Bilow u ah Mujtamaca oo dhan waana cadowtooyo tii ugu waynayd.

Gabar Soomaaliyeed ayaa Lagu Dilay Xaafada Islii Ee Magaalada Nairobi Midna waa Lagu Dhaawacay

Nov 18, 2004

Xaafada islii ee Nairobi oo Soomaalidu si xawli ah ay udaganyihiin ayaa waxaa ka dhacay Dil Loo Gaystay Alaha Unaxariistee Samiira Axmed Xasan waxaa dilkaan uu ka dhacay Miski Loj oo Dhabarka danbe ka saran Hotelka Mash Xaafada Gaarisa looj. 

Sidoo kale waxaa iyada dhawaca hada u taala Isbitaalka Kenyata oo ku yaala Nairobi Gabar Magaceeda la iigu sheegay Faadumo Axmed Xasan , 

Waxaa Dhimashadan iyo dhaawan gaystay Wiil Soomaaliyed oo lkagu magacaabo Aweys laakiin aana helin magaciisa oo sadaxan Wiilkan ayaa la ii sheegay in uu Fakaday markii faldanbiyeedkan uw gaystay, 

Lama oga sababaha dhaliyay dilkan laakiin waxaa la ii sheegay in ay wada daganaayeen dhismaha Hoteelka Miski ee Xaafada Islii mar aan la kulmay hooyada dhashay Alaha unaxariistee Samiira Axmed Xasan waxa ay ii sheegtay in aysan garaneen waxa loo dilay gabadheda Hooyo Canab Yuusuf Cabsiiye ayaa xaaladeeda wanaag iiga muuqaday iyadoo xiligaa ay dadbadani utacsiyadeeynayeen guriguna buuxdhaaf ayuu ahaa xiliga aan  hooyo Canab Yuusuf Cabsiiye booqday waxaan goobtaa kula kulmay wiil ay dhashay alaha unaxariistee Marxuumad Samiira Axmed Xasan oo lagu magacaabo Maxamed C/qaadir, 

Dhaawaca Faadumo Maxamed Xasan oo hada yaala Isbitaalka Kenya ayaa umuuqda mid lagu tacaali kari hadii la helo awood dhaqale iyo Qibradeed Cisbitaalada Magaalada Nairobi ayaa ah kuwo aad qaali u ah , 

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa lagu Dilay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya iyadoo ay uguhoreeysay Istarliin Caruusha iyo Sh Ibraahin oo isagu ka mid ahaa Ergooyinkii Soomaaliyed ee wada hadalada Mbagathi waxaa kalo Magaalada Nairobi Naftooda ku waayay ku dhawad 8 Qofood oo Soomaaliya walina Booliska Dalka Kenya Cidna uma qaban Marka laga reebo Dilki Sh Ibraahin oo loo hayo mudane ka tirsanaan jiray Baarlamaanka Kenya, 

Waxa Habeen hore weerar lagu qaadayguriga Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yuusuf Axmed walina cidi gacan kuma hayso Cidii Falkaa Sameysay , 

Dadka Soomaaliyeed ayaan wali iyagu ku soo baraarugin fal dabiyeedyada loo gaysanayo.

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji Nov18

Madaxweynaha DFKMG oo Khudbad Dheer ka Jeediyay Kulankii Golaha Ammaanka ee Nairobi
Cabdullaahi Yusuuf waxa uu sheegay in dowlada cusub u socotay dal ay golaha amaanka ka warqabaan Guji


Kulankii Qaramada Mudoobay Ee Maanta Ayaa looga Hadlay Arimo ku saabsan Soomaaliya

Nov 18,2004

Shirkaas waxaa ka soo qayb galay doowladaha Xubnaha ka ah Golaha Amaanka Ee Qaramada Midoobayb waxaana lagu qabtay Xarunta Qaramada Midoobay Ee Girigiri, 

Shirkaas waxaa gudoominayay Xoog hayaha Guud ee Qaramada Midoobay KofiAnan waxaana ujeedada shirku aheed sidii looga hadli lahaa Arimaha wadanka Suudaan si xal loogu helo mucaaradka iyo doowlada Suudaan  gaar ahaana Gobolka Daarfuur iyadoo ay jiraan warar sheegay in Kooxo taabacsan doowlada Suudaan ay xadgudubyo geeysanayaan si amuurahaas lo xakameeyo iyo heshiiskii Dowlada Suudaan iyo Mucaaradka ay ku gaareen Nayfaasha wadanka Kenya, 

Shirkani waa kii Afaraad oo qaramada Midoobay ay ku yeelato meel ka baxsan xarunta Qaramada Midoobay Newyork waxa uuna socon Doonaa mudo Maanta iyo Bari ah  

Kulankan waxaa lagu lafa guri doonaa amuuraha Wadanka Soomaaliya waxaana manta ka hadlay Madaxwaynaha Wadanka Kenya Mwai Kibaki oo isagu si gaara uga codsaday beesha caalamka in Dalka Soomaaliya laga taageero dhinaca nabada iyo dinb u dhiska doowlada cusubni uga howl gali laheed Dalka Soomaaliya Gudihiisa, 

Dhinaca kale waxaa halkaa ka hadlay madaxwaynaha Yugaandha Yoweri Mosaveni oo isna si aada ugu dheeraaday arimaha Soomaaliya sheegayna in ciidamo qaramada Midoobay ka socda oo nabada ilaalina la geeyo Soomaaliya  si loo helo amaan doowlada Soomaaliya ee Ugubka ahna ugu sahlantaato wax ka qabashada dhibaatada Dalkeeda isagoo Madaxwaynuhu hoosta ka hariiqay in ciidamadaasi ay Noqdaan Afrikaan maadaama Afrikaanku yahay Ciidamo iyagu qarash yar Soomaaliyana ay yihiin Daris , 

Dhinaca kale  Xoghaya Guud ee qaramada Midoobay ayaa ka sheegay  kulan ay yeesheen isaga iyo madaxwaynaha Dalke Keenya in  soomaaliya ay qaramada Midoobay ugu deeqday aduun gaaraya Bilyan oo Shilinka Kenya ah ayna Diyaar u tahay in ay qayb libaax ka qaadato arimaha Dalka Soomaaliya waana in aysan noqon arimaha Soomaalidu kuwo lagu qasaaro balse waa in ay wax ka soo baxaan arimaha Dib u heshiisiinta Soomaalida.

Faafin: SomaliTalk | Nov 19, 2004

Xaalada Caafimaad Ee SamSam Axmed Ducaale Oo Laga Dayrinayo
Xuseen Dalmar oo kamid ah ahaa askartii ilaalada Saldhiga Dhexe ee Hargaysa ayaa sheegay in... Guji Nov 19

ISHA SAWIRADA: Google Search

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji
Madaxweynaha DFKMG oo Khudbad Dheer ka Jeediyay Kulankii Golaha Ammaanka ee Nairobi
C/lahi Yusuuf waxa uu sheegay in dowlada cusub u socotay dal ay golaha amaanka ka warqabaan Guji nov 19

Xaalada Caafimaad Ee SamSam Axmed Ducaale Oo Laga Dayrinayo
Xuseen Dalmar oo kamid ah ahaa askartii ilaalada Saldhiga Dhexe ee Hargaysa ayaa sheegay in... Guji Nov 19

MADAXWEYNE C/LAAHI LAGU DOORAYEE  HA DILIN
“Fulay xantii mamooga, waxaad igu xamataan nin dagaal inaan ahay, wixii hadda ka danbeeya oday nabadeed ayaan ahay”...
Faalladii Fahad Yaasiin...

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji Nov18

SHILALKA BAABUURTA MAREYKANKA XILLIGA CIIDAHA: "hal qof ayaa ku dhinta shil baabuur 30-kii daqiiqaba" ka akhri warbixintii Cabdiweli Haybe..

"Bush iyo Xisbigiisa Jamhuuriga waa Guulaysteen Laakiin Caqabado ayaa weli hor yaal" Wardheere - Waraysi Somalitalk..



HTML CD