SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
 
Daabaco Boggan | Print

WARARKA MAANTA::: NOV 21, 2004

  • Baaq Ku Wajahan Gobolada Waqooyi Galbeed Iyo Kuwa Waqooyi Bari, Iyo Talo Bixin. 
  • Waxgarad u hadlay Beesha Fiqi-Shinni oo sheegay in dad lagu xasuuqay Qarar
  • HOGAANKA SIYAASADA BEESHA TUNNI SHANGAMAAS OO DHAMBAAL U DIRAY GUDOMIYAHA BAARLAMAANKA FEDRAALKA KMG
  • GUDOOMIYE  CUSUB OO LOO MAGACAABAY DAGMADA CADAADO EE GOBOLKA GALGADUUD
  • Arday ka socota machadka caafimaadka ee bosaaso oo deeq Waxrasho ka helay Suudaan
  • Ururka PEDO oo qabtay Xaflad lagu maamuusaayo Ciidulfidriga

Cilmi Iyo Caddaalad
Noloshu Waa Nabad Iyo Shaqo
Midnimadu Waxay Leedahay Horumar
Ugaaska Beesha Sade Daarood

Ref: ………………….                                                         Date: ……………... 

Baaq Ku Wajahan Gobolada Waqooyi Galbeed Iyo Kuwa Waqooyi Bari, Iyo Talo Bixin. 

Sida aanu ogsoonahnay, waxaa ka jira Gobolada aan kor ku soo xusnay, iska hor imaad ciidan oo sababay, khasaare naf iyo maalba leh, sida xaqiiqda ah ummadda Soomaaliyeed waxay macalin ku noqotay, dagaalka macna darada ah, ee ku salaysan Qabiilka, inaan marnaba wax faa’ido ah, laga gaari Karin, marka laga reebo in la dilo qof miskiin ah, iyo in la bara kiciyo, ummadd aan awoodi Karin iney soo xasiliyaan nolol maalmeedkoodii, taasoo ah, ayaan daro aduun iyo aakhiraba. 

Hadaba waxaan ugu baaqayaa mas’uuliyiinta, Gobolada Waqooyi Galbeed, sida Issimada, Culumaaudiinka, Siyaasiyiinta, Saraakiisha, Aqoon yahanada iyo Dhammaan waxgaradka ku nool Gobolada Waqooyi Galbeed in ay joojiyaan dagaalada macna darrada ah, ee aan lahayn hadaf la taaban karo ama ay ka danbeyso ujeeddo dhab ah, sidoo kale waxaan xusuusinayaa Mas’uuliyiinta in aysan jirin xuduud u dhaxaysa Gobolada Waqooyi iyo kuwa Koonfureed, isla markaana waa iney maanka ku hayaan dalka inaysan ka talin Talyaani iyo Ingiriis midnaba, tan kale sharciga iyo caqligaba waxaa lagu ogaaday xaq daradu iney ka adagtahay qofkeeda, sidaas darteed waxaan kula talinayaa ineysan xaqiiqada iska indha tirin, dhibaatana aynan u hor seedin Shacabka, ku nool Gobolada aan kor ku soo xusnay, oo ahaa, wixii hadda ka horeeyey kuwo nabad ku faani karay marka loo fiiriyo Gobolada kale ee Soomaaliya. 

Sidoo kale waxaan baaq iyo talo bixin u soo jeedinayaa Mas’uuliyiinta iyo Shacabka Gobolada Waqooyi Bari, Issimada, Culumaaudiinka, Siyaasiyiinta, Saraakiisha, Aqoon yahanada iyo Dhammaan waxgaradka ku nool Gobolada Waqooyi Bari, iney muujiyaan samir iyo dulqaad, isla markaana ay u dhaga dhuglaadaan talooyinka wax ku oolka ah, waxaana rajeenayaa iney wax badan ka qaadan doonaan dhacdooyinkii soo maray, meelo badan oo ka mid ah Soomaliya, isla markaana ay ku dadaali doonaan sidii loo ilaalin lahaa nabad galyada labada Gobol. 

Talo Bixin:

1.      Waxaan ku tala bixinayaa in la joojiyo doorashooyinka, la rajeenayo iney ka dhacaan sanadka cusub bilowgiisa, Gobolada Waqooyi Bari, sida aan ognahay qabashada dooroshooyinka, waxaa ka jira khilaaf taasina waxay keeni kartaa, bur bur ku yimaada midnimada Gobolada Waqooyi Bari, markaa ka dibna, waxaa dhici karta, Goboladu iney u nuglaadaan fadqalalada gudaha ah iyo kuwa dariskaba, sidaas darteed, waxaan mar kale ku tala bixinayaa in dib loo dhigo doorashooyinkaas, iyadoo la ilaalinayo, isku duubnaanta Shacabka Gobolada Waqooyi Bari.

2.      Doorashada hadda laga qabto Gobolada Waqooyi Bari, waxay sharci daro ku tahay iyo minjo xaabin dawlada cusub ee federaalka, aniga aragtideyda, isla markaana waxay u horseedi kartaa doorashadaasi, qalalaase cusub oo ay kaga daydaan kuwo xumaan raadis ah, sidaas darteed waxaan mar kale ka codsanayaa Gobolada Waqooyi Bari ineysan noqonin kuwii looga dayan lahaa wado xun oo qaaditaankeedu ka dhalan karto masiibo aafaysa naf iyo maalba.

3.      Waxaa waajib ah in la ilaaliyo, midnimada iyo isku duubnaanta ummadda, isla markaana laga hortago, wax kasta oo keeni kara khilaaf, isku dhac iyo bur bur kaasoo aan ka dhaxalnay 14 sano, oo lagu tilmaami karo cadaab isla markaana ah dibu dhac, sidaas darteed waxaan ka rajeenayaa  Mas’uuliyiinta Gobolada Waqooyi Bari in ay qaadan doonaan talooyinkaas wixii suurta gal ah.

Nala Shaqeeya Aan Idiinla Shaqaynee
Wa Billaahi Towfiiq

Qore: Guddoomiyaha Golaha Mideynta Iyo Dibu Heshiisiinta Beesha Sade Daarood Ahna Af-hayeenka Salaadiinta Beelaha Daarood.

Ugaas Maxamed – Wali Sh. Axmed – Nuur | 18/11/2004


Waxgarad u hadlay Beesha Fiqi-Shinni oo sheegay in dad lagu xasuuqay Qarar

Cabdi Xasan Somalitalk/Muqdisho
abdi172@hotmail.com

Nov 21, 2004

Cumar Xirsi Cilmi oo ku sugan magaalda Muqdisho ayaa qoraal uu nasoo gaarsiiyay isagoo ku hadlaya magaca odayaasha beesha Fiqi-shinni waxaa uu ka waramayaa dad lagu laayay meesha loo yaqaan Qarar oo ku dhaw magaalda Buuhoodle,isagoo sheegay in dad safar ah oo u dhashay beeshooda lagu laayay halkaas,dilkaasna ay gaysteen waa siduu sheegtaye beel degta magaalda Buuhoodle.

 

Xubin ka mid ah baarlamaanka Somaaliya oo alaabtiisa ka qaatay hotel 680 oo qayb kamid ah ay gubatey shalay... GUJI
Sawirka:  Standard
Cumar waxuu meesha ka saaray in wax dagaal lagu tilmaami karo jiraan sida ay wakaaladaha wararka qarkood qoreen,waxuu yiri niman hubaysan oo isir raadis ah ayaa soo duulay dabadeena waxay cagta mariyeen dad aan hubaysanayn oo xoolo dhaqato ah ugu yaraanna waxaa beesha Fiqishinni laga dilay 11 nin ,dhawr qofna dhaawac culus ayaa gaaray ayuu sheegay Cumar Xirsi oo ka codsaday wax garadka deegaanka inay soo qabteen dadkii gaboodkaas gaystay,isla markaana laga hortago inay arrintu sii faafto dagaal beeleedna isku bedesho.Maraan khadka fooniyaha kula xiriirnay Magaalada Buuhoodle waxay noo xaqiijiyeen in dad gaaraya 9 qof ku dhinteen halkaas, balse uu yahay dagaal dhexmaray labo maleeshiyo oo si kama'ah isugu dhacay,waxay kaloo noo sheegeen in hadda lagu guda jiro daminta xasaradaas oo gacanna ay ka gaysanayaan masuuliyiinta Puntland ee ka talisa buuhoodle,inkastroo beesha fiqishinni dood ka keentay dhexdhexaadnimada booliska Buuhoodle oo waa siday hadalka udhigeene kuwa wax laayay iyo boolisku isku beelyihiin.
 
Sida laga warqabo Dagaal dad badani ku hoobtay ayaa dhexmaray beelaha Fiqi shinni iyo beel ka tirsan Dhulbahante gaar ahaan deegaanka Adhicadeeye, balse waxaa markii dambe ku guulaystay oo nabad waarta dhexdhigay salaadiinta Soomaliland iyadoo qayb wayna ay ka qaadatay taabgelinteeda maamulkii uu hurmuudka ka ahaa allaha u naxariistee marxuun Maxamed Ibraahim Cigaal,aydoo loo fadhiyay shirar qaatay muddo ka badan 2 bilood
 
Qarar waxay ku taal howdka Buuhoodle Galbeed ka xiga waxaana dega Beesha Fiqishinni. 
 
Cabdi Xasan Somalitalk/Muqdisho
abdi172@hotmail.com

HOGAANKA SIYAASADA BEESHA TUNNI SHANGAMAAS OO DHAMBAAL U DIRAY GUDOMIYAHA BAARLAMAANKA FEDRAALKA KMG


Ref. No: 004/HSBTSH/04 Taariikh 17/11/2004

KU: GUDOMIYAHA BAARLAMAANKA FEDRAALKA KMG
OG: MADAXWEYNAHA JUMHUURIYADA FEDRAALKA SOOMAALIYEED
OG: GUDIGA FUDUDAYNTA IGAD
OG: IPF
OG: UNKA
OG: MIDOWGA YURUB
OG: JAAMACADDA CARABTA
OG: MIDOWGA AFRIKA
OG: SAXAAFADDA GUDAHA IYO DIBADDA


UJEEDO : BAAQ TALAJEEDIN AH

Hogaanka Siyaasada Beesha Tunni Shangamaas waxa uu ayaan daro ku tilmaamayaa go'aanada aan sharciga waafaqsaneen ee ka soo baxaya Baarlamaanka Federaalka ku meelgaarka ee Soomaaliyeed go'aanadaasoo mar walbo u muuqanaayo kuwa u xaglinaya ujeeedoyinka gaar ah oo koox gaar ah dani ku wadato ayada oo meesha laga saaray dantii guud oo ay ahayd in lagu dhiso masiirka ummada Soomaaliyeed loogana taliyo ilaalinta muqadasnimada midnimada Soomaali weyn kuwaasoo aan ka tilmaami karno

1- Go'aankii uu qaatay baarlamaanka Fedraalka kumeelgaarka ah markii lagu jiray xiliga doorashada madaxweynaha Soomaaliyeed , go'aankaasoo ku xeray sida aan wada ognahay musharaxiinta jagada madaxweynaha isku soo sharxaysay inay bixiyaan $2000 doolar oo lacag ah iyadoo Axdiga ku meelgaarka ee Fedraalka ku cad yahay sharuudaha musharaxa madaxweynaha, halkaas wuxuu ahaa qilaaf qaanuuneed oo baarlamaanku ku galay aqoon dari qaanuuneed, ayada oo loogu danaynaayey koox gaar ah xubnaha baarlamaankana ay sidaa ku iloobayn xaquuqda siyaasadeed ee muwaadinka Soomaaliyeed siwaafaqsan baaqa xaquuqda aadanaha ee qaramada midoobay ee Soomaaliyana xubin ka tahay kasakow ku xadgudubka axdiga Fedraalka ku meelgaarka iyo mabaadiida guud ee inta badan lagau saleeyo dajinta sharuucda oo qeexaya inay sharuud dhaqaale ku xernayn ama aan lagu xeri karin xaquuqda siyaasada ee qofka .


Golaha ammaanka oo Nairobi ku yeeshay shir ay kaga hadlayeen arimaha Soomaaliya iyo Suudaan... GUJI..

2- Go'aanka labaad oo ah in baarlamaanka Fedraalka Kumeelgaarka uu qaatay marki laga doodayey qodobada 46 iyo 47 kasoo si cad markale loogu tuntay Axdiga Fedraaalka kumeel gaarka oo tilmaamaya wax ka bedelka iyo wax ku kordhinta Axdiga Fedraalka kumeelgaarka inay lagama maarman tahay in la helo cod ah 3/2 tirada xubnahah baarlamaanka oo ah 275 (184) waxaan wada ognahay in baarlamaaka uusan helin cod aqlibiyadeed oo intaa la' eg oo uu ku diiday mowshinkii la horkeenay oo ahaa in golaha wasiirada laga soo qadan karo gudaha baarlamaanka iyo dibadiisaba .
Haddaba arintaasi waxay daliil cad u tahay in baarlamaanka Fedraalka Kumeelgaarka ah u noqday mid u danaynaya kooxa gaar ah oo aan marna ilaalinaynin danta guud oo ummadda .

Ku tumashooyinkaasi axdiga kumeelgaarka ah uu barlamaanka Fedraalka kumeelgaarka sida tooska ah ugu tumanayo waxay abuuri doontaa in ummadda Soomaaliyeed oo mudada labada sanno ah ka dhursugayey dadaalkii dib u heshiisiineed ee beesha caalamka ugu jirtay nabad ku soo celinta Soomaaliya ee ka socday dalka kenya inay ka quustaan oo ay kalsooni iyo taageero midna ayan siin.
Sidaa Awgeed Hogaanka Siyaasada Ee Beesha Tuni Shangamaas wuxuu ku talobixinayaa.

* In baarlamanka fedraalka kumeelgaarka ay ku haboon tahay inuu dhawro ilaaliyna Axdiga Fedraalka kumeel gaarka oo dhismaha baarlamaanka saldhiga u ah
* In baarlamaanka Fedraalka kumeel gaarka uu iska ilaabo u shaqaynta kooxo gaar ah oo dan gaar ah fushanaya una soo jeesto ka shaqaynta danta guud ee ummada Soomaaliyeed
· In baarlamaanka Fedraalka kumeelgaarka ah si uu u miro dhalo in la waafijiyo cadaaladda xubnaha baarlamaanka ku jira lagana saaro xubnimada baarlamaanka kuwa beelaha ay u dhashayn beel aan ahayn ku fadhiya kuraastooda sida Inj Muye Cumar Cabdalla
· In Baarlamaanka Fedraalka kumeel gaarka ah ay iska iloobaan u danaynta kooxo gaar ah oo doonaya in masiirka umamada Soomaaliyeed ay iyaga kaliya ka taliyaan loona furo aqoonyahanada iyo siyaasiinta inay ka qeyb qaataan aay ka talinta ummada Soomaaliyeed si loo waafijiyo mabaadiida caamka ah ee dib u hesheesiinta ummadaha qilaafaadka siyaasadeed uu dhexmaro iyadoo isla markaana la dhowrayo madaxbanaanida xaquuqda beelaha.


HOGAANKA SIYAASADA

BEESHA TUNNI SHANGAMAAS

Prof: Max’ed Nuur Sheegow

sheegow888@hotmail.com


GUDOOMIYE  CUSUB OO LOO MAGACAABAY DAGMADA CADAADO EE GOBOLKA GALGADUUD

sabti :20,11,04

Cadaado ( Somalitalk).

Bayaan ay soo saareen waxgaradka iyo guurtida beesha saleebaan ee dagmada cadaado ayaa qoraal,kooda ku qornaa in ay gudoomiye cusub umagacaabeen dagmada, kadib markii uu geeriyooday gudoomiyihii dagmada cadaado, oo lagu magacaabijiray Maxamed Maxamuud Suulay, oo horaantii bisha November, ku geeriyooday tuulada docoley oo katirsan dagmada cadaado.

Gudoomiyaha iyo qaar kale ayaa ku guda jiray sidii ay u soo afjari lahaayeen colaadda dabada dheeraatay ee u dhexaysay labadii beelood ee ku dagaalamijirtay tuulooyinka Qaydaro iyo bali Guuleed oo katirsan dagmada cadaado ee gobolka galgaduud.

Gudoomiyaha loomagacabay dagmada ayaa ah wiil da,yar oo uu dhalay marxuunkii geeriyooday ee ahaa gudoomiyihii dagmada cadaado.

Wilkan yar ee loo doortay xilka gudoomiye nimada ayaa lagu magacaabaa Sharmaarke Maxamed Maxamuud (Suulay).Sharmaarke waxa uu ahaa arday dhiganayay dugsiga sare ee cumar Samatat waxa kale oo uu katirsanaa Saxaafadda asagoo ka shaqaynayay Radio Galkacyo,kadibna waxa uu u amababaxay dagmada cadaado oo ahayd goobtii uu aabihii ka ahaa gudoomiyaha haatanna loo dhiibay xilkii isaga oo ah curadkii uu dhalay Suulay.

Tuulooyinkan ay labada beelood ku dagaalamayeen ayaa waxaa horay dadaal dheeraada oo loogu raadinayo in colaadooda la soo afjaro ku guda jiray qaar kamida waxgaradka iyo masuuliyiinta labada beelood oo kakala yimid muqdisho, galgaduud, galkacyo intaba

Masuuliyiinta ka timid muqdisho ayaa waxaa horkacayay gudoomiyaha labada beelood oo lagu magacaabo Imaan Xasan Jimcaale (Jiirow) waxayna in mudo ahaydba joogeen magaalada galkacyo xubnahan oo ka koobnaa sagaal xubnood ayaa gaaray goobta uu kugeeriyooday gudoomiyaha iyo xubnihii kale halka ay dhaawacmeen labo kamid ahaa odayaashii kayimid dhinaca muqdisho waxa ayna kala ahaa,yeen

Gudoomiye kuxigeenkii labada beelood Nabadoon Maxamed Xasan Barow iyo Nabadoon Maxamuud Kulane Cabdule (Dalmar).

Gudoomiye kuxigeenka oo isagu dhaawac soogaaray ayaa loo gudbiyay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.

waxaa jira haatan odoyaal kale oo soo gaaray magaalada galkacyo ayadoo ay sheegeen in ay u yimaadeen sidii ay uga hadli lahaayeen anshaxumada lidiga ku ah diinteena islaanka iyo sidii loo xoojinlahaa banadda labada beelood oo mudada badani colaadu u dhexaysay. iyo guud ahaanba tan gobolka mudug. 

sahrosiglan@hotmail.com

Ka qeyb qaado dhismaha masjidka al-furqaan oo ku yaala degaanka jarmalada ee gobalka cayn buuhoolde s.s.c ee jf Somalia

Masjidu al-furqaan ee deegaanka jarmalo

Walaalayaal sida aad qoraalka kore ku aragtaan waxaa dhismo ku socdaa oo qabyo ah Masaajidka Al-furqaan oo ah masjid ku yaal Bartamaha magaalada jarmalada. Masaajidkaan oo ah midka ugu weyn magaalada jarmalo ee aaga marqaan wayn ee degaanka buuhoodle, waxaa hadda la dhisay qayb ka mid ah sida,dhinacyada iyo hoosta, waxaa kale oo hadda socda dhameys tirka qaybaha kale. Masjidkaan wuxuu ku ku fadhiyaa Dhul baaxadiisu tahay 120 mitir oo labada dhinacba ah.

Walaalayaal taageera dhisida guriga Alle maxaa yeelay waxaa rusuulka ka sugnaatay (SCW) qofkii dhisa ama ka qayb qaata dhisida guriga Alle waxaa alle u balan qaaday inuu guri uga dhiso aakhiro.

Hadaba qofkii Alle dartii masaajidkaan dhaqaale ugu deeqaayo, waxaa uu ugu soo diri ama hagaajin karaa meel kasta oo uu joogoba shirkadaha Xawaalada ee Soomaalida, waxaana wixii intaa dheer oo faahfaahin ah kala soo xiriiri karaa Gudiga wada hawsha Masaajidka oo ay ka mid yihiin:

  • 1-mukhtaar ahmed ismaaciil
  • 2-abdilahi A.ali c/lahi yare
  • waxaadna kala xiriiri kartaan
  • telephone da kala
  • 002527412919
  • iyo 002527412929
  • magaalada laascaanood ee puntland
  • puntland jf somalia
  • wixii faah faahin intaa dheer dheer kala soo xirira

c/risak A.ali kaneec
kaneec1@hotmail.com


Arday ka socota machadka caafimaadka ee bosaaso oo deeq Waxrasho ka helay Suudaan

Nov 21, 2004

Arday ka socota machadka caafimaadka ee bosaaso oo gaaraysa ilaa sodon arday oo ka heshay deeq waxbarasho dalka suudaan ayaa waxa ay soo gaareen gagida diyaaradaha ee khartuum 15/11/04 ardadaa waxaa gagida diyaardaha ku soo dhaweeyay wakiilka arimaha carabta ee Puntlad maxamed cabdi cali (malow), Gudoomiyaha ardada puntland Warsame Cabdi masuuliyiin kale oo ka tirsan ururada ardada somaliyeed iyo arday fara badan oo wax ka barata dalka suudaan.

wakiilka arimaha carabta ee puntland ayaa sheegay in ay arintaani sabab u ahayd xili hada laga joogo 9 bilood oo ay u soo safreen dalka suudaan wafdi ay hogaaminayeen asaga iyo prof cabdirizak xusen xasan oo ah hormuudka machadka culuunta caafimaadka ee bosaaso wafdigaa oo uu soo magacaabay madaxwaynaha somaliyeed mudane cabdulaahi yuusus axmed oo ahaa markaa madaxwaynaha DG/puntland, wakiilku wuxuu intaa ku daray markii aan nimid dalka suudaan waxaan u gudbinay masuuliyiinta dalka suudaan ujeedadii aan u soconay oo ahayd in laga kaalmeeyo ardada ka baxaysa machadka caafimaadka iyo dugsiyada sare ee puntland kororsashada aqoonta sare ee jaamacadaha maadaama uysan dalkeena ka jirin aqoon jaamacadeed oo dhamaystiran ka dib burburkii dalka oo sababay in jaamacadii umada soomaliyeed aysan shaqayn mudadaa 14 sano ah, wada hadal dheer ka dib waxaan isla ogolaanay masuliyiintii arintaa ay khusaysay in nala siiyo 35 boos oo ka tirsan kuliyadaha kala duwan ee dalka suudaan, gaar ahaan waxaa xusid mudan 13 boos oo la siiyay ardadii ka qalin jabisay machadka caafimaadka oo loo aqoonsaday in ay ayagu la qabsadaan ardada sanadka sadexaad ee kuliyadaha nursiska kuwaas oo mudo labo sano ah ku qaadanaya shahaadada BS, waxaa kale oo ka mid maadooyinka culuunta caafimaadka sida Public Health , Dhakhtarnimo, Nutration, Injenering, Beeraha, Dhaqaalaha, Maamulka iyo maraynta, IT(information technology) iyo maadooyin kale oo u qaybsan sodonkaa xubnood.

waxaa dalka suudaan wax ka barta arday soomaliyeed oo dhigta jaamacadaha dalka in ku dhow 2000.
horayna waxaa uga qali jabiyay tiro kale oo badfan, dalka suudaan waa dalka kaliya ee tiro intaa dhan oo deeq wax barasho ah siiyay ardada somaaliyeed ka dib burburkii dalka somaliya, walina aad u danaynaya in ay umada somaaliyeed ka saacidaan xaga aqoonta.

Diyaariye A/karim Husein
Xiriiriyaha Machadka Bosaaso
bookh56@yahoo.co.uk


Ardayda reer Islamabad iyo dalxiiskoodii Al-Ayubia

Waxaa subaxnimadii isniinta ee bishu ahayd 17/October/2004 ka anbabaxey maglaada Islamabad ee xarunta dalkan Pakistan koox arday ah oo u dabaal degaysa farxada ciid-e-Fitriga, ardaydaasi somaliyeed ayaa iyagu wada raacey hal baas si ay dalxiis ugu tagaan goobta quruxda badan ee loo dalxiiska tago ee la yiraahdo Al-Ayubia, magaaladan oo ah magaalo aad u bilicsan islamarkaasna ku taal buuralayda dalkan Pakistan ayaa looga socdaa magaalada Islamabad ilaa 2:30, ardaydan oo safarkooda bilaabey abaarihii 10kii barqanio ee saacadan Pakistan ayaa iyagu halkaasi gaarey 12:30 duhurnimo. 

Guud ahaan ardayda ayaa iyagu aad ugu faraxsanaa dalxiiskoodan oo ay runahaantii dareemayeen inuu yahay safar ay kaga nasanayaan dhowr bilood oo ay ku dhexjireen hawlahooda waxbarsho, haddaba iyagoo ka faa’idaysnaya fasaxan ciideed ayay doorbideen inay bal u dalxiis tagaan goobtaasi aadka u quruxda iyo bilicda badan ee Al-Ayubia. 

Qabanqaabadii Ururka PEDO 

Si kastaba ha ahaatee xubno sarsare oo ka tirsan ururka horumarinta waxbarshada Puntaland ee marka magaciisa la soo gaabiyo la yiraahdo PEDO ayaa aad ugu hagarbaxay suurta gelinta dalxiiskan, Xiriiriyaha guud ee uruka PEDO Mr.Ahmed Osman Haji Farah (Zahid) ayaa isagu daadihinayey barnaamijka dalxiiska, halka xubin ka mid ah gudiga dhexe ee PEDO Mr. Mohamoud Warsame (Casaawe) uu duubayey barnaamijka dalxiiska (Camera Man), intii laguy jirey wadada dhexe ardaydu waxay ku ildoogsanayeen cagaarka iyo buuraha waawayn ee dalkan Pakistan, farxada ayaa maashaysey wajiyada ardaydaasi dalxiiseesey, waxaan indhaha ku arkayey dhalinyaro dhoola cadaynaysey, mar aan waydiiyey sababta keentey farxadooda ayaa iigu jawaabeen inay la dhaceen habka wanaagsan ee loosoo agaasimey barnaamijkan iyagoo mahad balaaran u jeediyey intii isku xilqaantey qabanqabda dalxiiskan. 

Al-Ayubia waa goob noocee ah? 

Safar gaaban dabadeed, abaarihii 12:30 waxuu baskii ardayda wadey gaarey goobtii dalxiiska, waxay ahayd meel qaboow, islmarkaasna indhaha ardayda doojisey taasoo sabab ka dhigtey in arday kasta uu aamusey isagoo keligiis indhihiisa kaga boganaya quruxda magaaladan ay camireen kooxo dalxiisayaal ah.

Qabawga magaalada Al-Ayubia waxuu ahaa mid aad u daran, mid ka mid ah mulkiilayaasha makhaayadaha magaalada Al-Ayubia ayaa ila yaabey markii aan u sheegey inay meeshani aad u qabowdahay waxuuna ii sheegey inaan weliba la gaarin xiligii uu di’ jirey barafka, waxuu noo sheegey inaan soo laabano Janaayo oo ah xilliga uu da’ barafka buurahaasi.

Barnaamij Gaaban 

Ka gadaal eegmadii buuraha waawayn iyo meelaha kale ee Al-Ayubia, ardayda ayaa u dhaqaaqey hotel ka mid ah Hotelada ku yaala Al-Ayubia si ay u gada galaan barnaamij horey loosoo agaasimey oo ku saabsanaa dalxiiska ardayda.

Ugu horayn waxaa Hadley xiriiriyaha uruka PEDO Mr. Mr.Ahmed Osman Haji Farah (Zahid), isgaoo mahad balaaran u celiyey allaha wayn ee suurta geliyey inuu qabsoomo dalxiiskan, sidoo kale waxuu mahad balaaran u cleiyey dhalinta kala soo qayb gashey dalxiiskan, waxuu si qoto dheer u tilmaamey Mr.Zahid in ay muhiim tahay in ay jiraan dalxiisyo lagu ilaawo dhowr bilood oo casharro iyo imtaxaano ardaygu ku jiro, intaasi dabadeed waxuu carabaabey inay guda gelayaan barnaamijkooda oo ugu horayn  u yeerey shikh Eng. Said Osman oo ka mid ah xubanha ururka PEDO si uu barnaamijka ugu furo aayadaha quraanka kariimka, intaas dabdeed sheikh said ayaa akhriyey aayadaha quraanka, quraanka dabedeed daadihiyaha barnaamijku waxuu codsadey in ay bilaabanto barasho dhex marta ardayda qaarkood oo aan horey isku aqoon maadama ardaydu ka kala yimadeen gobollo kala duwan fursadanina tahay mida ay isku baran karaan, sidaas daraadeed arday kasta waxuu tilmaamey magaciisa iyo waxbarashadiisa iyo wleiba sida uu ugu faraxsanyahay barnaamijkan dalxiiska ah.

Is barasho dheer ka dib Mr. Zahid ayaa war haadiyaha ku wareejiyey Mr. Mohammed Abdul Rizak Dayib oo ah gudoomiyaha BOD-da  ururka PEDO oo ka mid ah ardaydii ka qaybgalaysey dalxiiskii ardayda, gudoomiyaha ayaa abaarey muhimada dalxiiska iyo waxqabadka uruuka PEDo isagoo sheegey in uruuku u adeego bulahsda somaliyeed ee baahida u qaba waxbarshada dalkan PK, waxuu kaloo intaasi ku darey in ururkiisu ka hawl galo dhamaan magaalooyinka dalkan baksitan isgaoo sheegey in gudoomiyihii ururka Mr.AbiRahmn Farh Ali (Sudeysi) iyo xubno sarsare ay ku suganyihiin maglaada xeebta ah ee Karachi, waxuu kaloo intaasi raaciyey inuu ku faraxsanyahay dalxiiskan inuu kal qaybaqaato walaalihiisa kale. Intaasi dabadeed xiriiryuhu waxuu u yeerey Mr. Mohammed A/Kader Mohamoud (Cagey) oo isna ku Hadley magca gudiga qabnqaabiyey dalxiiskan, waxuu tilmaamey inuu aad ugu faraxsanyahay in barnaamijkani u qabasoomo sidii loogu talageley isgaoo mahad balran u celiyey  Mohammed Sacuudi oo aad uga qayb qaatey barnamaijka qabsoomidiisa iyo weliba ururka PEDO oo dhabarka u ritey hawlo muhiim u ah suurta gelinta barnaamijkan dalxiiska ah ee magalaada Al ayubia. 

Waqtigii Nasashada  

Xiririyaha barnaamijka Mr.Zahid waxuu ardayda aad uga mahad celiyey sida wanaagsna ee ay u dhegaysteen walalahooda ereyada gabaan ka yiri goobta islamarkaasan waxuu sheegey in barnaamijku socon doono balse marka hore maadama ardayu safar dheer soo galeen ay haboontahay in lagu nasto qado ay gudiga qabaqaabadu u diyaariyeen ardayda. Qadadaasi dabadeed waxaa ardaydu bilabaeen inay daawadaan buuraha dhaadheer ee magaalada iyagoo koox koox u galayey sawirro waxayna keli keli u daawanayeen geedaha iyo buuraha ilahaay ku galadey magaladan bilicsan ee Al-Ayubia. 

Gabagabdii dalxiiska 

Ardayda ayaa dareemey inay cadceedi sii dhici rabto ayna muhiim tahay in la isku diyaariyo ku noqoshada goobihii ay saaka ka soo anbabxeen ayaa kusoo ururey baskii ardayda soo qaadey oo ku sugayey hotelka Parking-kiisa, Daadiyihii barnaamijka Mr.Zahid ayaa ku dhawaaqey in uu gabagabo yahay barnaamijkii dalxiiska aradayduna koraan baska si looga anbabaxo maglaada Al-Ayubia oo 12:30 ilaa 6:00 maqribnimo ay ardaydu joogeen, sidaas daraadeed dhamaan ardaydii ayaa kusoo dhamaadey baskii, anago halkaasi ka soo dhaqaaqney abaarihii 6:00 maqribnimo oo aan sidaas u soo gabagabeeney dalxiiskii ardayda. Si kastaba ha ahaatee aradyii aya aiyagoo faraxad iyo rayrayni k amuuqato indhahooda abaarihii 8:30 fiidnimo kusoo laabtey maglaada Islamabad ee xarunta dalkan Paksitan. 

Dhamaad.

Diyariye: Mr.Ahmed Osman Haji Farah (Zahd)
                        PEDO Co’ordinator
                        Islamabad-Pakistan
            axmedshiino@hotmail.com


Ururka PEDO oo qabtay Xaflad lagu maamuusaayo Ciidulfidriga

Nov 21, 2004


Sawirada Xaflada ka daawo halkan... Guji

Ururka PEDO ayaa qabtay xaflad ballaaran oo si heersare ah loosoo agaasimay, xafladaas oo lagu maamuusaayey Ciidda wayn ee Islaamka .(ciidul fidri). Xafladda waxaa lagu qabtay HOTELKA weyn ee loo yaqaan HOTEL DAYS INN oo ku yaala bartmaha Magaalada Karachi , waxaana kasoo qaybgalay dadweyne aad ufara badan oo isugu jira CULIMAA’DIIN, AQOON YAHANO, INDHEER GARAD, iyo dhamaan qaybahakale ee bulshada iyadoo ay ka muuqanaysay farxadda Ciidda. Xafladda oo bilaabatay saacadda PAK markay ahayd 7:00pm habeenimo waxa ay soo gabagabowday 11:00pm habeennimo, waxayna ahayd mid aan lagu cabiri Karin qalinka sida loo soo abaabulay iyo sida dadweynuhu ufadhiyeen, iyagoo dhagaysanayey hadalka ay jeedinayeeen Madaxda Ururka PEDO iyo Marti sharafta kasoo qayb gashay xaflada. 

Gudoomiyaha ururka PEDO, Mudane A/rahman Farah Ali [Sudeysi] oo ka jeediyey goobta hadallo kooban ayaa ugu tahniyadeeyey dadweynihii kasoo qaybgalay iyo dhammaan shacabka Somaliyeed Ciida Islaamka ee barakaysan, waxaana uu urajayeeyey dhammaan mustaqbal wanaagsan. Iyo inay ciidan ciideeda kale ku gaaraan farxad iyo baraar, sidoo kale wuxuu xusay  oo uu tilmaamay ahmiyadda ay leedahay hawsha lagu qabto iskaa wax u qabsonimada iyo kaalinta ay ka qaadato horumarka bulshada. 

 Sidoo kale waxa uu u mahad naqay Marti sharaftii kala gedisanayd ee kasoo qayb gashay Xaflada. Ugu danbayntiina wuxuu ugu baaqay dhammaan ummada somaliyed inay isku duubnaadaan danohoodana ay si wadajir ah isku meel uga soo jeestaan. 

Waxaa kasoo qayb galay xafladan ciidka ee lagu qabtay Magaalada Karachi,  prof/dir  Dhabbar Abdi Moalim oo ah Aqoon yahan somaliyed ee haysta shahaadada  HIGHER EDUCATION (ph.d) Proffesorna ka ah jaamacada Kenya University isla markaasna xubin sare ka ah Hospitaalka caanka ah ee loo yaqaano AGHAR KHAN HOSPITAL oo arima siminaaro la xiriira usoo booqday Magaalada KARACHI., professor ka oo ka hadlay dhinacyo badan wuxuu somalida iyo ardayda meesha wax kabarataba kula taliyay inay wadankii dib ugu laabtaan oo ay dib u camiraan Meesha ay ka aadayaan wadamo qorbe ah oo aysan sharaf kulehayn iyo magactoona. 

Sidoo kale waxaa xaflada marti sharaf u ahaa oo halkaas hadallo waano iyo wacyi gelin ah kasoo jeediyay Dr.mahamed Hassan oo kamid ah aqoon yahanada ka qalin jebiyay JAAMACADA wayn ee Karachi University, 

Aqoon yahanku wuxuu aad uga hadlay qiimaha uu ku fadhiyo cilmigu iyo in wadankii dib loogu laabto oo dib loo camiro wadankuna uu u baahan yahay dadka wax soo bartay ee mutacaliminta ah. 

Sidoo kale waxaa ka hadlay xaflada oo erayo qiiro leh ka jeediyay Eng, Mahamed Ciise Jaamac [Mj] oo isaguna booqasho gaaban ku yimid Magaalada Karachi  horayna uga mid ahaa aqoon yahanadii ka qalin jebiyay jaamacada  NED University ee ku taala wadanka Pakistan magaalada  Karachi. Kadibna wuxuu Engineerku aqoon sare (Postgraduate ) u raadsaday wadanka MALAYSIA  oo uu hada fasax ku yimid magaalada Karachi ee dalka Pakistan wuxuuna goobta xaflada kasoo jeediyay hadal kooban oo dhinacyo badan taabanaya wuxuuna xusay, is bar bardhiga wax barashada labada wadan Malaysia iyo pakistan..  

Xafladan oo ahayd mid aad loosoo agaasimay dhamaan qaybaha bulshaduna ay u dhamaayeen ayaa sidookale dhanka siyaasada waxaa kasoo qayb galay hadalona ka jeediyay Dr, Mahamed Ahmed (Dhuungoooye) oo ah safiirka kenya u fadhiya Qunsuliyada Pakistan ee magalada karachi, oo ka hadlay dhibaatooyinka soo wajaha ardayda wax ka barata wadanka Pakistan dhanka sharciga iyo fiisooyinka iyo weliba saamaynta uu ku yeeshay passporka somaliga oo wadamo badan ay diideen inay fiiso ku dhiftaan amabase ay aqoon sanyihiin, ayagoo sheegay inuu passporka somaligu uu joogo $100 ama $50 wadamada Kenya iyo Ethiopia  

Dr.  Cali ahmed ciisman ayaa isaguna xaflada kasoo jeediyay war bixin guud oo ku saabsan jaamacadaha Dawliga ah siiba Jaamcada Karachi University oo arda badan oo Somali ahi ay dhigtaan.sidoo kale sidoo kale Dr cali wuxuu Hanbalyo u diray dawlada Federalka somaliyed  ee dhowaanta lagu dhisay Kenya  wuxuuna xusay inay Somalia leedahay rajo fican hadii dawladaan lagacan qabto  

Dr. C/qadir daaci (chariman s.s.c.) oo isaguna kalmed muhima kasoo jeediyay xaflada munaasabada ciidka ee ururka pedo uu ku qabtay wadanka Pakistan sidoo kale waxaa kelmad diini ah kasoo jeediyay xaflada Shaikh.shucayb maxamuud  sidoo kale waxaa  warbixin iyaduna ku saabsan  jamacadah private sector loo yaqaan soo jeediyay  Mudane Jamal Cumar oo runtii hadalo dhaxal gal ah kajeediyay xaflada  

Mr jamal wuxuu sidoo kale aad uga hadlay  sharaftii Somalia ay lahaan jirtay iyo heerka ay maantay marayso isagoo yiri .. some Times waxaan ka xishoonaa inaanu ku niraahno ardayda ajnebiga ahi markay naweydiiyaan wadankee u dhalateen (where are you From) inaan dhahno SOMALIA. 

Waxaa sidoo kale Xaflada Khodbad dheer oo ku dayasho mudan kasoo jeediyay WAAXDA ururka PEDO u qaabilsan Wax barashada Mudane Ismail farah Yuusuf oo xusay  qiimaha wax barashadu leedahay iyo horumarka ururka pedo uu gaaray dhanka wax barashada intii uu ururku dhisnaa. 

Mahamed ali farah ayaa isaguna ugu danbayntii xaflada kelmad kusoo qatimay mahamed oo xubin muhiim ahna ka ururka PEDO  

Ugu danbaytii iyo gaba gabadii waxaa lagu soo afjaray xaflada oo lagu soo gunaanaday  Majaajilo aad iyo aad uga yaabisay ugana qoslisay Dadweynihii kasoo qayb galay xaflada. 

Majaajiladaan oo ay soo habeeyeen iskuna soo dubarideen Qaar kamid ah ardayda Somaliyed ee wax kabarata Magaalada Karachi, ayaa noqotay mid runtii qiiro weyn gelisay dadweynaha. Riwaayadaan oo ku saabsanayd Wax barashada loogana gun lahaa dadka wax barashadoodii iyo wakhtigoodiiba ku lumiyay waxaan anfacayn sida Internetka GYM ka iyo waxa lamid ka ah.
Majaajiladaan oo uu hogaaminaayay DIRECTOR na ka ahaa Eng, Abdulkadir Assayr Said Ayaa noqotay Mid bilad dahabi ah ku fadhida.

Xaflada oo ugu danbayntiina lagu soo afjaray refreshments iyo casho loo diyaarshay martisharafta kasoo qayb gashay xaflada ayadoo ku dhamaatay farxad iyo is macasalaamayn Afhayeenka ururka Pedo Mudane.Mahamed Abdinur Ahmed ayaa waraysi la yeeshay qaar kamid ah dadweynihii kasoo qayb galay xaflada Afhayeenka oo islamarkaasna ahaa Xiriiriyaha iyo hogaamiyaha xaflada oo qaab habaysan usoo gunaanaday.

Waxaa soo diyaarshay

Afhayeenka ururka PEDO
Mr.Mahamed Abdinur Ahmed
E-mail.
info@pedonet.com

Website:www.pedonet.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2004
Silsiladda Taariikhda Islaamka:
Qaybtan oo Labo Toddobaadle ah waxay kamid noqday qormooyinka ugu xiisaha badan ee kusoo baxa SomaliTalk, waxana ay maanta ku saabsan tahay "Nabiga (scw) Oo La Amray u Istaagidda Gudbinta Dacwada"..
Qore: Shiikh C/risaaq Macalim Abshir

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji

Xaalada Caafimaad Ee SamSam Axmed Ducaale Oo Laga Dayrinayo
Xuseen Dalmar oo kamid ah ahaa askartii ilaalada Saldhiga Dhexe ee Hargaysa ayaa sheegay in... Guji Nov 19

»Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo bilow ah..
»Talo ku Socota Sasam Axmed Ducaale Abtigeed...

MADAXWEYNE C/LAAHI LAGU DOORAYEE  HA DILIN
“Fulay xantii mamooga, waxaad igu xamataan nin dagaal inaan ahay, wixii hadda ka danbeeya oday nabadeed ayaan ahay”...
Faalladii Fahad Yaasiin...

SHILALKA BAABUURTA MAREYKANKA XILLIGA CIIDAHA: "hal qof ayaa ku dhinta shil baabuur 30-kii daqiiqaba" ka akhri warbixintii Cabdiweli Haybe..

"Bush iyo Xisbigiisa Jamhuuriga waa Guulaysteen Laakiin Caqabado ayaa weli hor yaal" Wardheere - Waraysi Somalitalk..



HTML CD