SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

Isbahaysiga Shimbiraale iyo Guwantanamo

Axmed iid obsiiye

madawayn@hotmail.com

Nov 23, 2004

George w. bush ayaa ku guulaystay inuu mar labaad ku fadhiisto kursiga aqalka cad ee looga taliyo dalka maraykanka taas oo micne weyn u leh bush ta koowaad wuxuu ku guulaystay wixii uu aabihiis ku fashilmay horaantii sagaashameeyada taas oo ah guul weyn oo ku biirmayska liiska sharafta ee reer bush ee buux dhaafay.

Ta labaad guusha weyn ee uu bush kaga badiyay ninkii la tartamayay ee john kerry waxay maydhaysaa fadeexada ka hadhay guushii dirqiga ahayd ee uu kaga badiyay AL GORE sanadkii 2002 taas oo indhaha caalamka soo jiidatay ka dhigtayna dimiqraadiyada ay maraykanku ku faanaan mid ay qosol iyo maad ka dhigteen caalamka intiisa horamarsan iyo inta horamarka ka gaabiyay.

Guusha bush waxay na hor dhigaysaa su’aalo badan soomaali ahaan taasoo ka ugu horeeya uu noqon karo waa maxay saamaynta ay guusha bush ay ku lahaan karto umada soomaaliyeed?

Waxay is weydiintaasi lahaan kartaa dhadhan gaar ah marka aan ogaano in dalka kiinya lagu dhisay dawlad ay soomaaliya leeday oo lagu doortay cabdilaahi yuusuf axmed inuu noqdo madaxweynaha soomaliya shanta sano ee soo socda waxaa markiiba soo baxaya xadhig dhuuban oo midayn kara xukuumada bush iyo tan cabdilaahi yuusuf akhristayaal waxad ku soo dhawaataan isbahaysiga cusub ee la dagaalanka (argagixisada)

Cabdilaahi yuusuf oo in badan ku tilmaamay Somalia in ay tahay hoy argagixiso ayay dan weyn u tahay in goerge bush oo ah nin si weyn u aaminsan in kooxaha uu ugu yeedho (argagixisada) uu ka cidhib tiro dhamaan aduunyada mar kale la caleemo saaro waxaa laga yaabaa in ay abuurmaan isbahaysi cusub oo uu maraykanku u adeegsado la dagaalanka (aragagixisada) geeska Africa oo ka kooban dawladaha itoobiya ,yaman, jabuuti ,Kenya iyo dawlada cusub ee soomaaliya waxaa taa laga dhandhansan karaa waraaqdii uu madaxweynaha dalka yaman uu kaga codsaday maraykanka inuu dawlada cusub ee soomaliya ay ku caawiyaan sidii loola dagaalami lahaa wuxuu ugu yeedhay argagixisada geeska Africa taasi waxay keeni kartaa laba arimood

Kow taageero weyn oo buuxda oo uu maraykanku u fidiyo dawlada cusub si ay u fuliso hawlaha looga baahanyahay iyadoo maraykanku uu ka cabsanayo in Somalia oo 15 sano wax ku dhaw ay dawlad la’aan ka jirtay ay noqoto meel ay ku dhuuntaan (argagixisada) caalamka taasi waxay horseedi kartaa in ay dawlada cusub ay tashiilaad badan ay ka heli karto dhamaan dawladaha caalamka si ay uga taabo gasho gudaha soomaaliya taasna ay hirgalin karto dawlad soomaaliyeed maadaama ay dadka qaarkood u arkaan in asbaabta mushkilada soomaaliya badankeeda ay yihiin kuwa ka imanaya dibada .

arinta kale ee iman karta waxay tahay iyadoo ay somalia noqon karto goob ay si weyn iskugu hirdimaan kooxaha islaamiyiinta ee gudaha iyo dibadaba ka imanaya iyo dawlada cusub iyo dawladaha taageera taas oo keeni kara in albaabada jahanama ay ka furmaan dhamaan gobolka geeska africa taas oo ay caawimi karto xuduud beenaadka u dhexeeya dawladaha geeska Africa oo laga gudbin karo hubka iyo dadka iyo wixii la doono taas oo sahlaysa fara galinta shishiiye.

Waxaa labadaa arimood saamayn kara arimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin dagaalka ciraaq marxaladaha kala duwan ee uu galo, hadii uu gaadho meel qadhaadh ah waxay taasi yaraynaysaa awooda labada dhinac ee islmaayiinta iyo maraykanka ee ay mashaariicdooda ay kaga fushan lahaayeen Somalia, maxaa yeelay culayskooda oo dhan waxay saarayaan ciraaq oo noqon doonta albaabada jahanama ee dhabta ah, inkastoo maraykanku uu dawlado daris la ah soomaaliya uu wakiil uga dhigan karo arimaha soomaaliya waxaa taa wehelisa maraykanka oo gudihiisa aan kala kulmin wax weeraro ay ku soo qaadaan xoogaga ka soo horjeeda taas oo yaraynaysa awooda uu maraykanku u leeyahay faragalinta Somalia.

waxaa iayaduna aan la iloobi karin  wajiyada ka muuqan doona  xukuumada cusub iyo sida ay u raali galiyaan  maraykanka.

maraykanku waxa uu ku dhawaaqay in uuna taageeri doonin xukuumad ay ku jiraan dad lagu tuhmayo inay yihiin ama taakuleeyaan waxay ugu yeedhaan (argagixisada)

Sawirka guud ee ay arintu leedahay wuxuu kala qeexmi doonaa asaabiicda soo socda umada soomaaliyeed oo in ka badan 15 sano aanan qaban wax ka badan inay indhahooda ku daawadaan arimuhu say u dhacayaan ayaana maanta ka duwanayn duruuftuna ayna u saamaxayn in ay dawr kaa ka wayn ka ciyaaraan arintu say u socoto.

Axmed iid obsiiye
madawayn@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk | Nov 23, 2004

 

Silsiladda Taariikhda Islaamka:
Qaybtan oo Labo Toddobaadle ah waxay kamid noqday qormooyinka ugu xiisaha badan ee kusoo baxa SomaliTalk, waxana ay maanta ku saabsan tahay "Nabiga (scw) Oo La Amray u Istaagidda Gudbinta Dacwada"..
Qore: Shiikh C/risaaq Macalim Abshir

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
:::6-JIR XAAFIDAD AH:::
Gabadhan da'da yari waxay ka jawaabeysaa su'aal kasta oo laga weydiiyo Quraanka
Maxamed Dheere vs Xijaabka
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji

Xaalada Caafimaad Ee SamSam Axmed Ducaale Oo Laga Dayrinayo
Xuseen Dalmar oo kamid ah ahaa askartii ilaalada Saldhiga Dhexe ee Hargaysa ayaa sheegay in... Guji Nov 19

»Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo bilow ah..
»Talo ku Socota Sasam Axmed Ducaale Abtigeed...

MADAXWEYNE C/LAAHI LAGU DOORAYEE  HA DILIN
“Fulay xantii mamooga, waxaad igu xamataan nin dagaal inaan ahay, wixii hadda ka danbeeya oday nabadeed ayaan ahay”...
Faalladii Fahad Yaasiin...

SHILALKA BAABUURTA MAREYKANKA XILLIGA CIIDAHA: "hal qof ayaa ku dhinta shil baabuur 30-kii daqiiqaba" ka akhri warbixintii Cabdiweli Haybe..

"Bush iyo Xisbigiisa Jamhuuriga waa Guulaysteen Laakiin Caqabado ayaa weli hor yaal" Wardheere - Waraysi Somalitalk..



HTML CD