SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

Yaa ku Abaal sheegan kara bulshadan baa’baday?!

Qore: Adbulaahi Mohamed Adam  (Abdulaai yare)

           exmurux@hotmail.com

 

 

          “”  Dhalaan rafaadsan , dhalinyaro niyad     jabsan,  , gabar gabi kasii dhacaysa , wiil la wareeriyay oo weeraxsan, garmadow gawaan raac ah, mawro murugaysan , Iyo waayeel walwalsan ayay ahayd astaanta bulshadan somaliyeed  mudo afar iyo toban sano ah. bulshadu waxay  ku tabisay qaybahaas silica ka wada siman “”””…………

 

“Nin socoto ah oo ku lugeenayo  barin baaxad soore ah ayaa la kulmay sagaaro oon iyo gaajo meel la yuurarta , markaasuu yiri “SAAGOOROY WAA SIDAAD TAHAY IYO AYADOON CIDNA KU MAQNAYN! “…

 

Qofkasta oo damiir leh waxa uu dareemi karaa in bulshada soomaliyed ay aad uga baa’bayda dhinac walba,  Waa bulsho u baahan in laga baxnaaniyo noocyada kala duwan ee balayada, burburka, barakaca , iyo baahida …

 

In bulsho  musiibo ku dhacdo , kuma ahan dunidan dhacdo ku cusub , waayo bulshooyinka caalamka Waxay nolosha kala kulmayeen bur-bur ka baahsan ama bar-bardhac ku ah bur-burka inagu habsaday  oo kale ,  Balse bulsho ahaan barta madow ee  uu burburka inagu reebay waa in aysan jirin dadaal dhab ah uu lagu samata bixinayo bulshada , way jireen dhawaaqyo badan oo iska soo daba noq-noqonayay oo halku dhigooda ahaa “ ha la bad baadiyo bulshada “ Dib u heeshiisiin dag-dag ah waa in la qabtaa” “ Caawimaad dag-dag ah waa in lala soo garaa bulshada taabalaysan “ iyo dhawaaqyo kale oo  aan halkan lagu soo koobi Karin ,hadana dhawaaqyadas ma aysan noqon kuwo lagu diirsado , waayo waxay ka soo fufayeen qalbiyo aysan daacad ka ahayn baaqyada ay u bahinayaan…

 

In ajnabi uu daacad ka noqon waayo baaqyada bad – baada doonka ah kama aysan nixin bulshada, balse waxay aad ula tacajabeen in muwadiniin somaali ah oo ku bahoobay magacyo urur , sheegtayna In   yihiin kuwo damiirka uu dhaqaajiyay in ay noqdaan habaaar qabayaal hanaqa gooya bulshada soomaliyeed!..

 

Inta badan bulshada caalamka ku dhaqan waxaa hafrada siyaasiyiintooda, waxay ka qadiyaan go’aan qadashada dhabta ah ee aaya ka talintooda, waxay u jeexaan marin siyaasadeed ku dhisan damacooda, Waxay si bareer ah ugu takri falaan hantida umada iyo haybadooda, hadana bulshooyinka caalamka waxaa wax uun looga fuliyaa danahooda guud si aysan u kicin, siyaasiyiinta caalamka oo ku caanbaxay damiirla’aanta waxay xisaabta ku darsadaan in bulshadu ay kici doonto hadii xaladaha arxandarada ah ay ku sii wadaan , markaasay isku dayaan in dadka ay maaweeliyaan,u ilaaliyaana wax uun ka mid ah xuuquuqda aasaasiga ah ee nolosha , sida nabadgalyada , caafimaadka , waxbarashada, Iyo kaladanbeenta , laakin nasiib daro siyaasiyiinta soomalida way ka qadiyeen bulshadooda maawelintaas , waxay u dhaqmeen sidii doqonkii ogaaday in aan lala xisaabtameen , waxay kala qayqabiyeen bulshada, waxay isu rogeen qabqablayaal dagaal , qabqable walba waxaa uu ootay edag yar oo ay ugu xareesan yihiin dad uu ku soo arursaday baaqa qabiilka!,  waxaa sidoo kale wax lala yaabo ahayd in qab-qable walba xata uusan u arxan falin intii ku soo xarootay xeendaabkiisa!! Taasi waxaa markaqaati kuugu noqon kara cabashada ay kuu muujinayaan dadka ku hoosnool maamulada qab-qablayasha , Intii ay noqon lahaayeen siyaasiiin ku sifooba u sama falida bulshadooda waxay ka doorbideen in ay noqdaan kuwo ku qoran diiwanka abaal lawaaysha ! intii lagu guda jiray bur-burka soomalida lama hayo siyaasi qura oo ka run sheegay balanqaadyadii uu sameeyay , maskaxda bulshada waxaa ku xariiqan balan ka baxyadii ay galeen ,tusaale ahaan bulshadu waxay marqaati ka ahaayeen sidii loogu wacad furay heeshiiski ugu danbeeyay  xabad joojinta ee lagu saxiixay Eldoret ,Raadadki  dagaaladii badnaa ee bulshada lagu bara kicyay heeshiiskas ka dib waxa uu ka muuqdaa  gobolada qaar! waxyaabaha ay ugaartaan siyaasiyiinta caalamka waxaa ka mid ah sumcad ay ka helaan bulshadooda, balse siyaasi ku sheega soomalida ma diiriyaan in lagu sifeeyo dhiigcabayaal ku naaxay baabi’inta bulshadooda !!

Mudo afar iyo toban sano ah ayay hortaagnayeen dadalada naflacaariga ah ee lagu doonayay in lagu dhiig joojiyo bulshada dhiiga iyo dheecankaba u ka qubanayo !!! Qabqable walba waxaa ka sii faracmay unugyo badan oo isku rogay qab-qable ka sii qalbi qalafsan qab-qabqablihii ka horeeyay !!

Midkastoo ku fakara in uu ka qayb qaato bur-burka lixaadka ah ee bulshada waxa uu isku suntay calaamada ma jixin-jixinimada ee ka wada muuqata siyaasiyiinta soomalida , wuxuu aruursaday koox dhalinyaro ah uu u qorsheeyay in u ka dhigto xaabo uu ku shito dabka uu ku holcinayo bulshada! , Geed-gaaban iyo mid dheerba waxay u fuuleen sidii ay urursanlahaayen  hubkii ay ku gubi lahaayen dhalaanka soomaliyeed, bulshada waxay la tahaysa dhawacii ka soo garay hubkas sida arxandarada ah ee ay ugu gumaadeen, Runtii waa hubaal in siyaasi ku sheega soomalida in uusan marnaba ka fakarin waxa ka shisheeya damaca maalintaas uu ka dangiigsan karay xaalaadaha bur-burka...(… Ala Arxan daranaa  oo damiir xumaa , kuligood waa dib ka naax ku nahaqaday bahalnimada,!!!!! ) sidaa waxa ku hadaqayay oday meel dhaxaad ah oo aan baabuur isla raacnay , Waa bulsho in la ibtileeyo ay xukmaned ileen siyaasiga sumeesan ayaa noqday xidiga jiheeya jaangooyada umada!!!( Goor barqo ah in madfac uu ku soo dhaco islaan 80 jir ah iyo garab 9 jir ah oo ayeeyo ay u tahay halkaasina ku wayaan  lugahoodii waa dhacdo aan ka soo xardhan  xusuuta bulshada! Waana kaas  abaalka ay ku ilaawi doonin bulshada qab-qablaysha soomalida).

 

                                                                 *        *       *

 

Waxyaabaha in laga soo kabsadaa ay aad u adkaandoonto bur-burka bulsada ibtileeyay dabaded  waxaa ka mid ah sidii lagu so celinlaha dareenka iyo damiirka wanaagsan ee aadamigu dugsado si uu dantiisa u gaaro , qof ka soomaaliga ah waxa ka dhintay dareenka caadiga ah, waxaa uu isku badalay shaqsi ku raran damiir xumo, daymo gaabnimo, waayeelka ayaa noqday horseedka xumaanta, waalidkiiina    wuxu isku badalay murayad ay ka dheehdaan  dhalaanka dhamaan intii xumo jirtay !!

 

 

Bulshooyinka caalamka marka ay heerkaan oo kale ay ka gaaran xumaha waxaa loogu cawil celinjiray , dad   isutaaga hanuuninta umada, waxaa dhaxda – xiran jiray shaqsiyaad uu  diray  damiirkooda damqaday  si ay bulshada u bad-baadiyaan! balse bulshada soomaliyed taas way ka qaday ,lama hayo shaqsi ku taami kara in bulshadiisa uu si  daacadnimo ah u baraarujiyay, Inkatsoo baraarujin aan dhameestirneen ay u hinqadeen shaqsiyaad lagu tilmaami karo kuwii ugu niyada wanaagsana bulshada, hadana laguma tilmaami karo abaal dhaxal gal ah oo ku kaydasan kaydka bulshada!! in la is hafro ma fiicnee bulshada dhaxdeeda waa laga maqlayay qeelo dhaan ka soo yeeraysay waxgarad ku baaqaya bad-badada bulshada , haba u badnaadan abwaanada, laakin xagay ku danbeeyen? Midwalba waxaa u barkinta dheerstay ka hor intuu uusan guran mirihii baraarujintiisa  , Ujeedada wax u sheega bulshadada hadii ay noqoto mid aad ku doonaysid aqbalaad dag-dag ah waxaad ka dhaxashaa uunwaa qalbi jab iyo quus aan xiligeeda la gaarin, waana taas sababta curyaamisay intii waxgaranaysay dhaq-dhaqaaqoodii baraarujineed!!  Waxgarad badan baa hungo kala kulmay markii ay u hinqadeen hanuuninta bulshada , laakin xisaabta kuma aysan darsanin in bulshada ay baraarujinayaan ay tahay bulsho u bahan waqti badan.

 

Culimada diinta islaamka  waa kaydka ugu wayn ee bulshadu u baxsato marka ay cudurka maskax bur-burka ah uu haleelo xubnaha bulshada, Inkasto marwalba culimada ay yihiin  kuwa ugu Muhiimsan ee dad ku baraarujinkara dantoodata aduun iyo mid aaqiraba , hadana musiibada maskaxeed iyo mida nololeedba marka ay jiraan  waa ilayska kaliya ee isku dumi kara bulshada , ku baaqi kara dareen guud oo dadka ku haga dantooda umadnimo, Caalimka diinta islaamka ku xeeldheer waa midka u tagaan ilaalina karaamada aadmiga , Wuxuu ogyahay cawaaqib xumada laga dhaxli karo marka uu dulmigu iyo danbiyada kale ay baahaan . Caalimka dhabta ah waa midka ka gilgisha godobta la iska galayo, ka gubaabiya dadkiisa garaad xumada, Balse bulshada soomaliyeed waxay hungo iyo hataaran ka joogaan in ay nasiibsadaan culimo damqata! Culimadii bulshdan intii badnayd ma aysan Noqon kuwa loo riyaaqo, (marka laga reebo culimo yar oo runtii aan lagula dul-dhici Karin canbaaraynta ay culimada inta badan la caraabeen), Culimada soomaliyeed waxay sii xoojiyeen faraqii u dhaxeeyay bulshada, waxay ku guulaysan kari waayeen in ay mideeyaan codkooda , dadka ay u sheegan wax  si guud looga samata bixi karo silica, waxay ka doorbideen in mid walba uu uu ooto xayndaab uu  ku soo xareeyo in asaga daacad u ah , Waxay aad u afuufeen fikrado kala firdhiyay fikirkii guud ee islaamka!, dadka waxay dusha kaga keenen aragtiyo ku dhisan kooxaysi, Lama hayo wadaado si wadar ah u arxanfalay! wadaada soomalida waxqabadkooda wuxu ku soo koobmay wareeg yar oo ay ku xareesanyihiin  wadaado ay isku si wax u wada arkaan!! Soomalida oo lagu tiriyo dad Isku madhab ka ah marka loo fiiriyo madaahiibta kal ee umadaha islaamka ay kala taabacsan yihiin , hadana waxay ku hoos noolyihiin calankii Qilaafka , Way jiraan Culimo labada galin meeriya kutubta diinta laga raacdo, masa aynu arkin culimo si guud dadka ugu meeriya casharo cadaynaya cawaaqib xumada cuquubooyinka ay bulshada la Caalwaysay !  imisa jeer baad maqashay wadaad masjid ka sii caraabay oo macawiistii  ay burcad uga furatay wadadii u dhaxaysay masjidkii iyo xaafada ?! mase maqashay wadaad ka gilgishay godobtaas loo gaystay?, Qudbooyinka jimcaha masaajida laga meeriyo marka aad goobjoog ka noqotid waxaad ku farxaysaa sida loo soo buuxdhaafiyay baaxada masjidka , waxaadse naxaysaa marka aad aragtid in mawduuca qudbada aysan ku beegnayn boogta bulshada! Meeqo jeer baad goob-joog ka noqotay bur-burki ka dib qudbooyin, wacdi ama muxaadaro  si xamasad leh uu ku aqrinayo wadaadka qadiibka ah , mase naxday marka uu wadaadku ku dheeraday mas’alo farci ah oo iska fudud sida (faataxada ka hor in kor loogu dhawaaqo bisinka iyo inkale marka la tukanayo!) asagoon dhibanayaasha masjidka buux dhaafiyay uusan ku baarujinin dhibaatooyinka ay ku hoosnoolyihiin sida , dilka , dhaca , kufisiga , qabiilka isku maqiiqa, xanta , xasadka iyo xintanka!! waa run in muuqaalka buuxdhaafiyaasha masaajidka usaan u ekeen bulshadii iskula kaccday dhibaatooyinkaas, waayo dadku waxa ka muuqda muuqalka lagu garto dad muslimiin ah oo  is nabad galiyay , “ qamiisyo cadcad oo aad u qorxoon., cimaamado kala nooc-nooca ah, barafuun la isku soo buufiyay , kutub quraan ah oo la aqrinayo, suno la tukano , iyo isku dhoola cadayn salaanta islaamka uu ka muuqdo  waa jawiga guud ee maalmaha jimcaha “ Hadana muuqalkas ma ahan mid ku ilowsiin kara in dadkan ay yihiin dhibanayaashii la rabay in  ka dhiidhiyaan dhibta ku xeeran, sido kale Culimada ma ahan in ay ku qancaan muuqaalkas oo kaliya ,waa in ay dhaxda u xirtaan dhibta nololeed ee ka  jirta bulshada dhaxdeeda sidii ay dadka ugu wacyi galin lahaayen ayagoo adeegsanaya wacdi iyo iyo wax usheg badan oo ka tarjumaya nolol maalmeeka ,

Bulsho walba waxa soo mara marxaldo ay ku tabiso musiibooyin baaha , Bulshadana way ka bixi doontaa bur-burka dhan walba ka soo abaaray waayo ilaahay uma qorin cidna in ay dhibaatada ku waarto , qolo walbana maalin uu bay u bidhaantaa ilayskii bad, badada,

Culimada, aqoonyahanka , abwaanada , xirfadlayda, iyo dhamaan cidlwaba oo garasho iska dareemaysa waa in iska diinwaagaliyaan diinwaaka  lagu daabaco abaalka bulshada, Waa cayb in ilaa hada in bulsho sida u baahsan una dhiban aysan cidna abaal dhab ah ugu qorin kaydkeeda waayaha!.. 

 

*  *  *

 

Qalin laguma qeexi karo xirfadlaydii sida arxandarada ah ula dhaqmay bulshadan tabaalaysan, Waa cuqubo kale oo halkeda sii holcaysa in kooxo badan oo wax ku bartay canshuurtii bulshada ay manta noqdeen mindiyo ku dirir dadban ! Soo ma aragtid dhaqtarkii la rabay in uu diirnaxo bulshada oo ku ugaaranayo cilmiga uu canshuurtodi ku kasbaday! Ma istaahilaan in qoraal sidan u afgabaan lagu soo qaato damiirxumada dhaqtar ku sheega soomalida ,Waa dhab in dhaqtarada soomalida aan looga ciilbixi Karin maqaal la daabaco marka la fiiriyo dhibta ay umada dhaxlsiiyeen , Waan hubaa in aqriste kasta uu magan galay mar uun dhaqtarada ceebta la dhiiqaysan ee soomalida., hadaba dareekaankaga ayaan ku soo koobaya dhaliisha uu qalinkayga qeexayo!

 

Macalimiinti umada wax bari jirtay way lumiyeen kaalintoodii, Intoodi badneen waxa ku dhacay maskax guur! ma tahli karaan in bulshada ay u gudbiyaan casharo ka maran caadifada qabiilka, waan xasuustaa macalimiin badan oo wax ii dhigtay   bur-burkii ka dib marka ay firaaqo yar ka helaan xiisada in ay nooga sheekeen jireen qabiilka, qaar badan baa ardayda kula kaftami jiray heebtooda qabiil ! halkaas waxaad ka garan kartaa in bahda waxbarashada aysan abaal baraarujineed aysan uga haynin macalimiinta soomalida !

 

Ganacsata soomaliyeed waxay ku si foobeen dhiigmiiradnimo aan dhigeed la arag, waxay bulshada u soo waarideen badeecoyin  tayo ahaan aad uliidata , waxay dadka dusha ka saareen macaash aan xadlahayn, waxay aad u holciyeen dagaladii sokeeye ayago noqday isha ay dhaqalaaha ka helaan qab-qablayaasha dagaalka , sidoo kale ganacsatada ku  kasbatay hantida badan bur-burki ka dib waxay u badnaayen geeljirayaal garaadkooda uusan gaarsiisnayn in waayaha iyowaqtiga ay wax ka bartaan bulshadana ay u dhimriyaan ,

Qoraalka oo gaaban awgiis kuma dheeraan karno in aan qexno saamiga dhabta ah ee ganacsatada soomilyeed ku leeyihiin bur-burkii bulshada

 

Qoyska oo xumaada waa halka ugu qatarsan ee ay ka soo fufi karto bulsho qaabdaran , Bulshada dhaxdeeda waa ku dhif iyo nadir waalid si wanaagsan ubadkiisa u barbaariyay ! Iska dhaaf in ay bar-baariyaane intoodi badnayd dayac iyo dhumasho ayay caruurtood waydaariyeen isla waqtigii ay dhasheen ,Nolosha laga argagaxo ee qoysaska soomalida waxay ku haboontahay in qormo gooni ah loo sameeyo .

 

Afo saygeeda abaal dhab ah u haysa way ka nabaad guurtay gayiga soomaliya, dhalaan ku hana qaday hanaan wanaagsan waa ku dhif soomaliya , gabar guurkeeda mahdisay ma badna, dhalinyaro heshay guubaabo iyo garab istaag waa inyar , waayeel helay xanaano iyo xushamad lama xusin ..

 

Aqristaha qaaaliga ah qalinka oo aan wax ku qorno kuma gaari karno gunta hoose ee ay gaarsiisantahay sida ay u abaal dhaceen dhamaan itii dadnimada looga fadhiyay ,  Waxaana ku soo koobaya qormadaydan tixdan uu mariyay Sayid Maxamed cabdule xasan mar uu daraawiishta ugu beer qaboojinayay in la heli doono dad af iyo adin ku taageera.

 

 

Dad qaraab nin kuu xigay hadii uu kugu dugaagoobo

Maruun baa daafarkii fakaday dabin ku rooraaye

Bal dayow nabsigu waa wixii daaha yuururaye

 

Hadii daawadii furay nimaad daris xigaalmooday

Maruun baa mid duunkaga jecel dawka soo bixiye

Baldayoy daruun baad heshaa daacad kuu noqone

 

Tol dulloobay oday dooralaa loogu dawgalaye

Maruun baa duqaydii xulnayd danabba dhaafane

Baldayoy rag cadho duuban baa dib u guhaadoone

                                                 

 Sayid Maxamed Cabdule Xasan

 

Qore: Adbulaahi Mohamed Adam  (Abdulaai yare)

           exmurux@hotmail.com

           Gaalkacyo , Puntland , Somalia

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 25, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


UK: Qaxootiga Soomaalida oo kamid noqday Magangalyo doonka ugu badan
iyo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Maanta Kulan la leh Beelaha Hawiye Guji... Nov 24

Cudurka Shubanka oo fara ba,an ku haya Caruurta Gobolka Qoraxay
Wararka xorriyad doonka Ogaadeenya...
Guji..

 
Silsiladda Taariikhda Islaamka:
Qaybtan oo Labo Toddobaadle ah waxay kamid noqday qormooyinka ugu xiisaha badan ee kusoo baxa SomaliTalk, waxana ay maanta ku saabsan tahay "Nabiga (scw) Oo La Amray u Istaagidda Gudbinta Dacwada"..
Qore: Shiikh C/risaaq Macalim Abshir

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
:::6-JIR XAAFIDAD AH:::
Gabadhan da'da yari waxay ka jawaabeysaa su'aal kasta oo laga weydiiyo Quraanka
Maxamed Dheere vs Xijaabka
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji

Xaalada Caafimaad Ee SamSam Axmed Ducaale Oo Laga Dayrinayo
Xuseen Dalmar oo kamid ah ahaa askartii ilaalada Saldhiga Dhexe ee Hargaysa ayaa sheegay in... Guji Nov 19

»Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo bilow ah..
»Talo ku Socota Sasam Axmed Ducaale Abtigeed...

MADAXWEYNE C/LAAHI LAGU DOORAYEE  HA DILIN
“Fulay xantii mamooga, waxaad igu xamataan nin dagaal inaan ahay, wixii hadda ka danbeeya oday nabadeed ayaan ahay”...
Faalladii Fahad Yaasiin...

SHILALKA BAABUURTA MAREYKANKA XILLIGA CIIDAHA: "hal qof ayaa ku dhinta shil baabuur 30-kii daqiiqaba" ka akhri warbixintii Cabdiweli Haybe..

"Bush iyo Xisbigiisa Jamhuuriga waa Guulaysteen Laakiin Caqabado ayaa weli hor yaal" Wardheere - Waraysi Somalitalk..



HTML CD