SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
 
Daabaco Boggan | Print

  • Qaxootiga Soomaalida oo kamid noqday Magangalyo doonka ugu badan ee bilooyinkii lasoo dhaafay iska dhiiba Dalka Britain oo warbixin laga soo saaray.
  • Ra’iisul wasaaraha Soomaliya Prof Cali Maxamed Geedi oo Maanta kulan kulaleh Nairobi xubnaha besha Hawiye si ay Dowladiisa utaageeraan

Qaxootiga Soomaalida oo kamid noqday Magangalyo doonka ugu badan ee bilooyinkii lasoo dhaafay iska dhiiba Dalka Britain oo warbixin laga soo saaray.

 
24.11.2004
Ridwaan Haji - London.
bilooyinkii ugu danbeeyay July ilaa September ee sanadkan 2004 ayaa warbixin ay soo soo saartay Qaybta Statisticska ee Dawladda oo ay weheliyaan immigrationka iyo home officeka waxaa lagu sheegay in dalka ay iska dhiibeen 8,605 magangalyo doon ah .
 
Tiradan waxaa ay sagaal jeer ka badantahay sadexdii bilood ee kasii horeeyay July oo halka 2003da bilooyinkii July ilaa Septemberna ay tahay 29%, Dalka Soomaaliya oo ka mid ah dalalka Dagaalada sokeeye ay ka jiraan ayaa isna ka mid noqday shanta dal ee warbixintan lagu sheegay oo kala ah Iraniyiin,Chinese, Somali, Zimbabwi iyo ciraaqiyiin.
 
Dadkaasi magangalyo doonka ah waxaa weheliya caruur fara badan oo la socda iyadoo isla dalka taliyaanigana lagu waramayo in ay jiraan qaxooti badan oo soo gala dalkaasi , waxaana intooda badan ay soo mareen dhanka badda oo marar badan ay ku haligmaan.
 
49,405 oo magangalyo doon ah ayaa dalbaday qaxootinimo sandkii 2003 , waxaana tiradaasi ay ka hoosaysaa 41% tiradii is dhiibtay sanadkii 2002 oo lagu sheegay sida warbixintu ay qortay 84,130.
 
Sanadkan waxaa warbixintu ay ku xustay in 90% la aqbali waayay dadka magangalyo doonka ah  halka 10% ay isugu jiraan kuwa mudooyin cayiman loo ogolaaday in ay dalka sii joogaan iyo kuwo la siiyay sharciyada dalka lagu joogay ee qaxootiga.
 
Sharciyada lagu adkaynayo qaxootiga magangalyo doonka ah ee dunida ka yimaada ayaa lagu waramayaa in ay dawladdu uga dan leedahay sidii ay ku hakin lahayd qaxootiga tirada badan ee dalka Britain soo gala, waxaana dhanka kale jira sharciyo cusub oo qaarkood la sheegay in ay dhaqan galeen halka kuwa kalana wali aanay bilaaban dhaqangalkooda. 

Ra’iisul wasaaraha Soomaliya Prof Cali Maxamed Geedi oo Maanta kulan kulaleh Nairobi xubnaha besha Hawiye si ay Dowladiisa utaageeraan

 axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya, Nairobi 

Nov 24, 2004

Maanta oo Arbaca ah waxaa lagu wadaa in wasiirka koowaad ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi la wadaago kulankii ugu danbeeyay Beesha Hawiye.

Wasiirka koowaad ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi waxa uu maalmahan waday kulamo wada tashiyo ah isaga oo ka dhaadhicinaya dadka Soomaaliyeed in ay taageeraan doowladiisa. 

Kulamadan kuwoodii ugu horeeyay waxa uu la yeeshay Xubnaha xildhibaanada Soomaaliyed isaga oo maalinki ciida qado sharaf ugu sameeyay Hotelka Intercontoneter ee Magaalada Nairobi. 

Xubnahaasi waxa ay balan qaadeen in ay la shaqaynayaan doowlada ayna siinayaan isaga taageero buuxda. 

Sidoo kale wasiirku waxa uu kulan la yeeshay beesha Mudulood Hiraab oo iyagu umuujiyay Taageero hiil iyo hooba leh una balan qaaday in ay taageeri doonaan. 

Iyagoo isla markiba googol ufidiyay xubnaha kale ee Hiraab ee Habar Gidir iyo Duduble balse beesha Martiile Hiraab ee Shiikhaal iyada wali ma aysan kulmin wasiirka waxaase lagu wadaa in ay maanta kulmaan. 

Xubnaha Madarkicis iyo Maxamuud Hiraab waxa ay si dheeli tiran ubalan qaadeen in ay taageerayaan doowlada Prof Cali Maxamed Geedi walibana ay ka dajinayaan Magaalada Muqdisho ayna furayaan Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho iyo Dakada wayn ee Caasimada Soomaaliya. 

Hogaamiyaasha kala ah Cusmaan Xasan Cali Caato, Eng Xusseen Maxamed Caydiid  Furux,  Axmed Ducaale Geele Xaaf  Gacmodheere Al Xaaj Muuse Suudi Yalaxow Axmed Diiriye Cawalle ayaa iyagu nidir ku galay in aysan dhinacooda waxba hagraneen ayna soo dhawaynayaan dowlada iyagoo dageenadooda ka hir galin doona in ay doowladu ay fariisimo ka dhigato. 

Hadaba kulanka maalinka barito ah lagu wado in u la wadaago Prof Geedi xubnaha kale ee Beesha Hawiye Sida Martiile Hiraab Mursade, Gugundhabe Xawaadle iyo dhamaan beelaha Hawiye ee aysan Raysul Wasaaraha Soomaaliya kulmin waxa uu daba joogaa kulamadii hore ee ku saabsanaa in doowladu ka hir gasho gudaha Soomaaliya gaar ahaan Caasimada wadanka Soomaaliya ee Muqdisho , 

Hadi wasiirka Koowad ee Soomaliya ku guulaysto in ay beesha hawiye taageeraan doowlada ayna raali ku noqdaan qaabka Prof Geedi u soo magacabo Golihiisa Wasiirada ayna saanada hubeed iyo mid dhaqaale ku taageeraan iyagoona rug uga dhigaya doowlada Muqdisho PROF Cali MMaxamed Geedi waa ka badbaadayaa Jidkii ay mareen Cumar Carte Qaalib Cali Khaliif Galayr Xasan Abshir Faaerax Maxamed Cabdi Yuusuf oo dhamaantood Soomaaliya burburkii ka dib ka soo noqday Xilka hada uu hayo Cali Maxamed Geedi o ah wasiirka Koowaad ,

 axmeddheere65@hotmail.com Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya, Nairobi 

Faafin: SomaliTalk | Nov 24, 2004


Wararkii Nov 23, 2004
»Waraysi: Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Marka..
»
G/Mudug: 3 nin oo lagu dilay agagaarka Degmada Jiriiban..
»Soomaalida Britain: Talooyin kusocda Ra’iisal wasaaraha Som.
»Muqdisho: 3 qof oo ku dhintay tacshiirad la is-weydaarsadey
Wararka oo dhamaystiran ka akhri halkan... Guji.. Nov 23

Maxaa Kajira in "la Dhaawacay" Islaan Bashiir
 iyo "in Lagu Weeraray Baasuukayaal iyo in Lagu Dawaynayo Isbitaalka Gaalkacyo"... Guji... Nov 22

Sidee Loo Arkay Heshiiskii Beelaha Hiraab ee Xalay Ku Dhex maray Nairobi
»Caydiid: Fila Soomaaliya waa ku Wareejinayaa Dowlada
»Beelaha HabarGidir, Mudulood & Duduble oo taageeray DFKMG
»Ra'iisul Wasaaraha: Safar Kismaayo, Baydhabo iyo Muqdisho
»Golaha Baarlamaanka oo siminaar 3beri ah uga Furmay NRBI
»DGPL iyo Isimda oo Shir uga Furmay Magaalada Garoowe
...
Wararka oo dhamaystiran ka akhri halkan... Guji Nov 22

Warar Goos Goos ah
»Beesha Fiqi-Shinni oo sheegay in dad lagu xasuuqay Qarar
»Baaq Ka soo Baxay Ugaaska Beesha Sade Daarood
»Baaq ka soo baxay beesha Saleebaan ee dagmada cadaado
»Arday Soomaaliyeed oo Deeq Waxbarsho ka helay Suudaan
»Beesha Tunni Shangamaas oo dhambaal u diray R/Wasaaraha
»Dhismaha masjidka al-furqaan ee cayn, Buuhoolde
»Ardayda reer Islamabad iyo dalxiiskoodii Al-Ayubia
...Wararka oo dhamaystiran ka akhri halkan... Guji Nov 21

Silsiladda Taariikhda Islaamka:
Qaybtan oo Labo Toddobaadle ah waxay kamid noqday qormooyinka ugu xiisaha badan ee kusoo baxa SomaliTalk, waxana ay maanta ku saabsan tahay "Nabiga (scw) Oo La Amray u Istaagidda Gudbinta Dacwada"..
Qore: Shiikh C/risaaq Macalim Abshir

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
:::6-JIR XAAFIDAD AH:::
Gabadhan da'da yari waxay ka jawaabeysaa su'aal kasta oo laga weydiiyo Quraanka
Maxamed Dheere vs Xijaabka
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji

Xaalada Caafimaad Ee SamSam Axmed Ducaale Oo Laga Dayrinayo
Xuseen Dalmar oo kamid ah ahaa askartii ilaalada Saldhiga Dhexe ee Hargaysa ayaa sheegay in... Guji Nov 19

»Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo bilow ah..
»Talo ku Socota Sasam Axmed Ducaale Abtigeed...

MADAXWEYNE C/LAAHI LAGU DOORAYEE  HA DILIN
“Fulay xantii mamooga, waxaad igu xamataan nin dagaal inaan ahay, wixii hadda ka danbeeya oday nabadeed ayaan ahay”...
Faalladii Fahad Yaasiin...

SHILALKA BAABUURTA MAREYKANKA XILLIGA CIIDAHA: "hal qof ayaa ku dhinta shil baabuur 30-kii daqiiqaba" ka akhri warbixintii Cabdiweli Haybe..

"Bush iyo Xisbigiisa Jamhuuriga waa Guulaysteen Laakiin Caqabado ayaa weli hor yaal" Wardheere - Waraysi Somalitalk..



HTML CD