SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
 
Daabaco Boggan | Print

WARARKII NOV 23, 2004

  • Xiisad colaadeed oo ka dhalatay 3 nin oo lagu dilay agagaarka Degmada Jiriiban
  • Saddex Qof oo ku dhintay Tacshiirad la isku weydaarsadey Muqdisho:
  • Soomaalida Britain oo talooyin usoo jeediyay Ra’iisal wasaaraha Cusub ..
  • Waraysi: Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Marka Dr, Jeylaani Qaali Huurshe.

Xiisad colaadeed oo ka dhalatay 3 nin oo lagu dilay agagaarka Degmada Jiriiban

Nov 23, 2004

CULIMADA  SOOMAALIYEED EE  RAACI DOONA XUJAAJTA SANNADKAN. 

1.     SHARIIF C/NUUR SHARIIF, SAUDI ARABIA

2.     SH. MAXAMED IDIRIS,               USA

3.     SH. MAXAMED UMAL,                 KENYA

4.     SH. CALI WARSAME,                 BURCO

5.     SH. MUSTAFE X. ISMACIIL,      NORWAY

6.     SH. M/ED CABDI DIRIR,         HARGEYSA

7.     SH. DAAHIR,                BOOSAASO

... XILLIGA SAFARKA XAJKA... GUJI.....

Wararka naga soo gaaraya tuulada Towfiiq oo ka tirsan Degmada Jiriiban ee Gobalka Mudug,ayaa waxay sheegayaan in 3 nin oo geel la joogta lagu dilay halkaas maalintii bishu ahayd 20ka Noveembar. Warku waxuu intaa ku darayaa in dilkaasi ay ka dambeeyeen dablay ka soo duushay magaalada Afbarwaaqo,ayadoo lala xiriirinayo ujeedadaas aano qabiil oo hore dagaal lagu hoobtay dhexmaray beelaha kala ah Saleemaan Cabdalle ee Dir iyo Sacad ee H/Gidir.

 
Mar aan maanta fooniyaha kula xiriirnay tuulooyinka ku teedsan Dooxada caanka ah ee GOLOL, sida Budbud, Dhanaane,Towfiiq ,Biitaale iyo Qaydaro,waxay noo xaqiijiyeen in dhiilo colaadeed ay ka soo cusboonaatay deegaanadaas,ka dib markii 3 nin oo u dhashay beesha Saleemaan Cabdalle ee Dir la dilay, nimanka la dilay oo labo walaalo yihiin kan kalena ay ilmo adeer ahaayeen ayaa maalintii Axadda ee Nov 21 lagu aasay Tuulada Towfiiq.
Sida laga warqabo dagaal muddo dheer soo jiitamayay oo nafo badan iyo hanti badan ku lumeen ayaa dhexmary labadaas beelood, ayadoo horaantii sanadkan fadhiyo badan ka dib xabbad joojin lagu kala saxiixday magaalada Galkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, laguna heshiiyay in wixii hadda ka dambeeya nabad lagu wada noolaado. Waxaase moodaa in lagu kala nasnaa abaar xun oo ka dhacday deegaanadaas, hadda oo laga doogsaday abaartii waxay u muuqataa in colaaddii soo cusboonaanayso.
 
Wali ma jiraan dad isku xilqaamay inay ka hortagaan colaadda laga soo sheegayo Dooxada Golol, colaadaas oo u baahan si dhaqso ah looqaboojiyo inta aysan galaafan dad kale.
 
Cabdi Xasan Somalitalk/Muqdsiho
 abdi172@hotmail.com

Saddex Qof oo ku dhintay Tacshiirad la isku weydaarsadey Muqdisho:

Wararka ka imaanaya magaalada muqdisho ayaa sheegay in saddex qof ku dhinteen dagaal habeenimadii isniinta ka dhacay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho, waxa kale oo dagaalkaas ku dhaawac may afar qof oo kale. 

Waxaa la soo weriyay in dagaalkaas uu ka dhashay kadib markii habeenimadii isniinta ay malaysiyo joogtay aaga Shibis ay lacag weydiisteen si ay aagaas ugu difaacaan.

Nin da'a ah oo lagu magcaabo Ahmed Dhuhulow oo ay soo xiganeysey Reuters ayaa yiri " wiilashayada da'da yar ayaan u diyaarinay in ay difaacaan oo nabadeeyaan aagganaga degmada shibis, sidaas daraadeed maxaan u bixineynaa lacag?"...

Axadii la soo dhaafay ayey ahayd markii Suuqa Bakaaraha ay laba dumar ah ku dhinteen tacshiirad la is-weydaar sadey. [ISHA: GUJI HALKAN] 23.11.2004



Soomaalida Britain oo talooyin usoo jeediyay Ra’iisal wasaaraha Cusub Prof. Maxamed Cali Geedi.

23.11.2004

Ridwaan Haji - London

Kulan si Wanaagsan loo soo agaasimay oo uu ururka Somali Concern Group (SCG) soo qabanqaabiyey ayaa magaalada London lagu qabtay maalintii Axadda 21ka November 2004, kaasoo looga hadlayey xaaladda uu manta waddanka Somaliya ku sugan yahay. Guddoomiyaha Somali Concern Group Cabdiraxmaan cumar Cusman (Eng. Yarisow) ayaa u sheegay ka soo qeybgalayaasha (150 -200 qofood) in kulankan ay gacan kala geysteen ururka Somali Community Centre ee xaafadda Camden, ujeedada kulankana uu yahay in Somalida UK ay qiimeyn ku sameeyaan dowladda cusub oo dhowaan guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa, Madaxweyne iyo wasiirka koowaadba loo dhameystiray. Guddoomiyaha ayaa caddeeyey in ururka SCG ay kal hore inta aan la dooran dowladda cusub soo saartay war saxaafaddeed ay ku taageereyso dhameystirka shirka iyo go’aanada ka soo baxa, isla markaana taageertay dowladda cusub ka dib markii la doortay Madaxweyne Abdullahi Yusuf iyo magacaabistii ra’iisal wasaare Prof Ali Mohamed Ghedi. Waxaa kaloo uu sheegay gudoomiyuha Somali Concern Group in Somalida dibedda laga doonayo inay wax la qabtaan dowladda cusub oo uu sheegay in shacabka ay yihiin dowladda, Madaxweynaha iyo ra’iisal wasaarahana u adeegayaan shacabka soomaaliyeed. Eng. Yarisow ayaa ka soo qeyb galayaasha u soo bandhigay barnaamijka ururka SCG oo uu ka codsaday inay ku soo biiraan ururka.

Kulankan ayaa waxaa lagu casuumay Mudan Abdisalan Omar ahan madax ka socotay hay’adda UNDP Somalia oo halkaas ka jeediyey warbixin ku saabsan waxqabadka hay’adda. Abdisalan ayaa faahfaahiyey barnaamijka ay UNDP Somalia ee ku wajahan sidii Somalida dibedda ay khibraddooda iyo aqoontoodaba uga faa’iideyn lahaayeen waddanka, taasoo illaa iyo hadda 11 qofood ay ku laabteen waddanka ayagoo ka faa’iideystay mashruucan uuna rajeynayo in muddada 3da bilood ee soo socota la helo illaa 200 qofood oo ku laabta waddanka.

Xoghaya Ururka Cabdulaahi Cabdi Maxamed ( Taleefan) ayaa isna sheegay in ay muhim tahay xiligan in aan lagu dag dagin ciidamo shesheeye oo dalka la keeno maadaama inta badan kooxaha hubaysani ay ka mid yihiin Dawladda.

Waxaa intaasi uu ku daray in loo baahanyahay xiliga dib u heshiisiin iyo is afgarad iyo looga gudbo sidii hubka looga ururin lahaa dalka guud ahaan.

Mohamud Ahmed Nur oo ka tirsan guddiga fulinta ee SCG ayaa isna halkaas ka soo jeediyey warbixin ku saabsan arrimaha horyaalla Soomaalida dibedda isagoo ka codsaday in shaqsi jecleysiga laga gudbo oo loo gudbo danta guud, isagoo sheegay inuu C/llahi Yusuf iyo Prof Ghedi uu ku xushmeynayo darajada iyo xilka ay ummadda u qaadeen, qofkastana laga rabo inuu waddanka waxuu tari karo uu taro.

Xafladaan ayaa la filayey in Prof Ghedi uu la soo hadlo waxgaradka Somalida UK, ha yeeshee cilad farsamo awgeed ay u suuro geli weysay. Wax garadkii ka soo qeybgalay xafladda ayaa iyagana la siiyey fursad ay talooyin ku dhiibtaan, kuwaasoo tallooyinkii la soo jeediyey ay ka mid ahaayeen:

  1. In wasiirada la magaacabayo ay ahaadaan kuwo wax ka tari kara arrimaha dib u heshiisiinta oo dowladda ay muhiimadda saarto sidii nabad waarta looga dhex dhalin lahaa Somalida.
     
  2. In Dowladda ay la timaado caddaalad, wax qabad, karti iyo hufnaan oo aan loo fiirin 4.5. In Agaasimayaasha guud iyo Maareeyayaasha noqdaan shaqsiyaad lagu soo xulo aqoon, waayo aragnimo iyo si caddaalad ah oo qof walba fusad u siineysa inuu dalbado.
     
  3. In Ciidanada shisheeye aan lagu degdegin oo loo soo jeesto in Somalida ay iyaga hubka iska dhigaan oo loo helo ciidamo qaran oo Soomaaliyeed.
     
  4. In Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaarahaba ay sameystaan koox soomaaliyeed oo xafiiskooda ka shaqeeya si kalsoonida Soomaalida loo soo celiyo.
     
  5. In hay’ad madax bannaan ay maamusho shaqaaleynta xirfadlayaasha dowladda si loo helo shaqaale dowladdeed oo tayo leh.
     
  6. In shaqsiyaadka hubka heysta loo abuuro shaqooyin ay kaga maarmaan hubka.
     
  7. In wasiirada iyo xildhibaanadaba laga saxiixo caddeyn ay ku caddeynayaa hantidooda si loo illaaliyo hantida qaranka oo xisaabtan dhan ah uu yimaado.
     
  8. Dowladdu ma qaban karto howlaha horyaallo oo dhan ee waa in shacabka uu ogaadaa awoodooda oo ay la shaqeeyaan dowladda si dib u heshiisiin dhab ah loo gaaro isla markaana loo soo celiyo sharciga.
     
  9. In Somalida UK ay warqad u qoraan xildhibaanada (MP’s) ee xaafaddooda iyagoo ka codsanayo in UK ay taageerto dowladda.
     
  10. In ururka SCG uu joogteeyo kulamada iyadoo xirriir joogta ah lala sameynayo dowladda cusub.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali

London, UK.

ridwanhaji@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 23, 2004


Dr,Jeylaani Qaali Huurshe "Xaaladda Maxkamada Degmada Marka waa mid wanaagsan,laakiin waxaa jira.."

W/Qorey,Abdi Wali Ibraahim Aden "Garyare"
Garyare20@hotmail.com 
 

Waraysi Dheer oo aan la yeelanay Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Marka Dr, Jeylaani Qaali Huurshe,...


Dr. Jeylaani Qaali Huurshe

Akhristayaal waxaan halkan idiinku soo gudbineynaa Waraysi aan la yeelanay Guddoomiyaha Maxkamada Degmada Marka Dr,Jeylaani Qaali Huurshe oo ka hadlaya habsami u socodka howlaha Maxkamada Degmada Marka,Waxaana Waraysikaasi inoo qaaday Wariyaheena Magaallada Muqdisho Abdi Wali Ibraahim Aden "Garyare" oo baryahanba socdaal ku marayay qeybo badan oo ka mid ah Gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaana uu waraysiga u bilowday sedan:-

"Garyare" waxaad iiga warantaa Dr,Jeylaani Qaali huurshe bal howlaha aad iminka qabataan???

"Guddoomiye Dr,Jeylaani" waad ku mahadsan tahay marka hore Garyare booqashada aad nagu soo booqatay Xarunta Maxkamada Degmada Marka,haddii aan u soo laabto Su’aasha aad iweydiisay Maxkamadu howlahay qabato waxaa ka mid ah qeyb Madani iyo qeyb ciqaab,waxaa kaloo intaasi dheer arimaha la xiriira Dhaxalka iyo hantida guurta iyo mida aan guurin,haddii aan kuu cadeeyo hantida guurta waa sida gaadiidka badda iyo biriga mida aan guurin iyana waa sida Guryaha,Beeraha iyo dhulalka banana,waxaan intaasi kuugu dari lahaa inay iyana jirto qeybta guurka iyo furiinka.ma garatay.

"Garyare" Dr,Jeylaani Qaali Huurshe waxaad inta badan aad ka hadashay arimaha aad umada u qabataan,haddaba Su’aasha aan iminka ku weydiinayo waxay tahay bal waxaad inooga warantaa dacwadaha ugu badan ee maalmihii ugu danbeeyay idin soo gaaray???

"Guddoomiye Dr,Jeylaani" Dacwado badan ayaa jira Garyare waxaa kamid ah Dilka,Dhaawaca,kufsi iyo kuwo la xiriira burcadnimo,laakiin haddba waxay ku xiran tahay dacwadaha ay soo gudbiyaan Xafiiska xeer’ilaalinta iyo kan danbi baarista.iyadoo markaasi kadib qoftaasi la soo tag idoono Maxkamada oo haddii ay ku cadaato Danbiga lagu xukumi doono hadba sharciga waxa uu ku xukumo,laakiin haddii lagu waayo waa la iska deynayaa sida uu qabo Sharciga.

"Garyare" Guddoomiye Dr,Jeylaani Qaali huurshe adiga oo mahadsan bal waxaa iyana aad inoo sharaxdaa qaabka aad u wada shaqeysaan idinka oo ah Maxkamada iyo Dadka dacwada ay ka dhexeyso???

"Guddoomiye Dr,Jeylaani" waxaa ka dhexeeya xiriir kaasoo ah mid isku xiraaya Ciidamada Booliska,Xafiiska danbi baarista iyo dadka isku soo dacwaynaya Maxkamada Degmada Marka,marka qofka dacwada loo haysto la soo qabto waxaa mudo 24-saac kadib loo soo gudbinayaa Maxkamada,iyadoo marka uu danbiga ku cadaayo qofkaasi loo sii dhaadhiciyo Xabsiga dhexe ee Magaallada Marka.

"Garyare" Su’aasha kale ee aan ku waydiinayo Dr,Jeylaani waxay tahay waxaad sheegtay in qofka la soo eedeeyay xabsiga lagu hayn doono mudo yar oo gaaban,haddba ma inoo sheegi kartaa waqtiga qofkaasi Maxkamad sugaha uu yahay tiro ahaan???

"Guddoomiye Dr,Jeylaani" haa waan kuu sheegi karaa waqtiga qofkaasi uu Maxkamad sugaha uu yahay waa mudo dhan 45-Bari,haddii mudadaasi wax danbi ah lagu waayo sharcigu waxaa uu qabaa in la siidaayo qofkaasi.

"Garyare" markan waxaan baraa in aan ku waydiiyo su’aal ku saabsan Maxkamada iyo Dadka Degmada marka Kalsoonida ay isku qabaan,haddba Dr,Jeylaani taasi iyana inooga waran???

"Guddoomiye Dr,Jeylaani" Run ahaantii haddii aan maanta ku dhaho Garyare Dadka Degmada Marka iyo deegaanada ku teedsan kalsooni buuxda ayay nagu qabaan waxaad u qaadan kartaa inay tahay hadal uu sheegay in howshiisa faaninaya,laakiin waxaan taasi u deyn lahaa in aad weydiisaan Dadka Degmada Marka taasi ayaad ku ogaan kartaan xaqiiqada jirta eek u saabsan Su’aasha aad i weydiisay.

"Garyare" waa tahay Dr,Jeylaani Qaali Huurshe qaarka mid ah Dadka akhrisanaya Waraysikan aad siisay shabakaddan waxaa macquul ah inay maskaxdooda ka dhex-guuxeyso su’aasha ah,Jeylaani sow ma ahayn ninkii lagu xukumay mudo xabsiyeed iyo qarash la sheegay inuu horey u lunsaday,hadana taasi marka laga soo gudbo waxaa muuqata inaad ku hadleyso isla xilkii aad dartiis xabsiga u gashay,haddaba waxaad inoo cadeysaa Markii danbiga la kugu soo oogayay ma Maamulka ayaa qaldanaa mise adiga ayaa danbigaasi galay???

"Guddoomiye Dr,Jeylaani" Walaahi ma jecli inaan hadda dib ugu laabto wixii mar hore dhacay,laakiin waxaan kuu sheegayaa inay ahayd arintaasi mid qalad u dhacday oo ka timid dhinaca maamulka,laakiin haatan waxaan dib ugu soo laabtay howsheydii oo ay muuqato in la iiga maarmi waayay,waxaan kaloo rabaa in aan intaasi kuugu daro Garyare soo laabashadeyda waxaa qeyb wayn ka qaatay Dadka Gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan Dadka Degmada Marka oo ah kuwo lagu faani karo..

"Garyare" Dr,Jeylaani Qaali Huurshe waxaad bilo ka hor aad waday abaabul aad ku dooneysay jago ka duwan mid aad iminka ka hayso Degmada marka ee ah Maxkamada Degmada Marka oo ahayd in aad noqoto Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose,taasi xagee ku danbeysay Dr,Jeylaani???

"Guddoomiye Dr,Jeylaani" taasi waa ay jirtay Garyare,laakiin waxaan jeclaan lahaa in arintaasi marka la gaaro aan idiin soo gudbiyo.

"Garyare" Waxaad la socotaa in Bilihii ugu danbeeyay Gobolka ay ka jireen xarig la kula kacayo qaarka mid ah Mas’uuliyiinta dhinaca garsoorka oo aad adiga ugu horeeysay rag kalana ay kaaga danbeeyeen,arimaha noocaas ah bal inooga waran Dr,Jeylaani maadaama aad tahay Mas’uul arintaasi u dhuun-duleela???

"Guddoomiye Dr,Jeylaani" Garyare waxaad ogaataa in qof waliba uu ka sareeyo Sharciga oo aysan jirin qof uu la dhashay sharciga,,laakiin anaga oo fiirineyna Wanaaga ay inoo hayaan Dadka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaan u dulqaadan doonaa dhibaata kasto oo naga soo wajahda dhinaca dadka jecel qiyaanada.Ma garatay.

"Garyare" dhibaatooyinkaasi aad inta badan ka cabataan ragiina dhinaca garsoorka G/Sh/Hoose haddii aan wax laga badalin sow ma keeni karto inaysan gobolka imaan dad badan oo is lahaa wax ka qabta Gobolka???

"Guddoomiye Dr,Jeylaani" qofka shaqsiyadiisa isaga ayay ku xiran tahay arinta aad iwaydiisay Garyare,laakiin waxaan kuu sheegayaa qofka hadda ugu danbeeyay ee lagu soo eedeeyay faldanbiyeed waa Kaaliyihii Maxkamada racfaanka ee Gobolka Shabeelaha Hoose Abuukar Cali Maxamed "Abuukar Calow" kaasina waxaa uu ahaa fal danbiyeed la xiriiray been abuur lagu sameeyay Saxiixeyga aniga oo ah Guddoomiyaha Maxkamada Degmada Marka iyo isticmaalida Shaabada Maxkamada Racfaanka uu isticmaalay,taasina waxay ahayd qalad uu galay Mas’uul inbadan u soo shaqeeyay wasaarada garsoorka waana la dhameeyay.

"Garyare" waxaa dhinaca kale jira Dr,Jeylaani wararka soo baxayay deegaanka Buulo mareer oo sheegayay in gabi ahaanba la kala diray shaqaalihii garsoorka deegaankaasi,haddaba arimahaasi maxaad kala socotaa adiga???

"Guddoomiye Dr,Jeylaani" waa ay jirtaa arintaasi Garyare oo waxaa ku dhaqaaqay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad "Indha-cadde"laakiin ilaa iyo inta maamul looga sameeynayo aniga ayaa howlaha garsoorka ee degaankaasi gacanta ku haynayo oo waxaa ay qeyb ka yihiin howl maalmeedkeyga.

"Garyare" waxaa jirta eedeeymo loo soo jeediyay Maamulka G/Sh/Hoose oo ay saxaafada soo gaarsiiyeen qaarka mid ah Dadka wada degan gobolkaasi oo sheeganaya inay jiraan Beero xoog looga haysto,arimaha noocaas ah dacwado ku saabsan ma soo gaareen Maxkamada Degmada Marka Guddoomiye Dr,Jeylaani Qaali Huushe???

"Guddoomiye Dr,Jeylaani" ma jiraan Garyare Dacwado arimhaasi ku saabsan oo la soo gaarsiiyay Maxkamada Degmada Marka kolay waxaad tahay qofkii ugu horeeyay oo aan ka maqlo arimahaasi.

"Garyare" Su’aasha ugu danbeysa ee aan ku waydinayo waxay tahay Dr,Jeylaani Qaali Huurshe maadaama aad tahay Guddoomiyaha Maxkamada Degmada Marka ma ku qanacsan tahay adiga Xiriirka ka dhexeeya Wasaarada garsoorka iyo Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose???

"Guddoomiye Dr,Jeylaani" Waad ku mahadsan tahay Garyare Su’aasha aad i waydiisay,haddii aan isku dayo in aan kaaga jawaabo,waxaa xaqiiqo ah in arinta ay kala tahay garsoor oo ah arimaha la xiriirra cadaalada iyo sinaanta dadka Soomaaliyeed ee ku dhahqan Gobolka iyo arimaha Maamulka oo ay tahay mid u qaas ah Maamulka haatan ka jira Gobolka,laakiin waxaan markasta aan idiin sheegayaa in Wasaarada garsoorka ay ka madax banana tahay Maamulka Gobolka.

Kaasina waxaa uu ahaa Guddoomiyaha Maxkamada Degmada Marka eeXarunta u ah Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Dr,Jeylaani Qaali Huurshe oo u waramayay Wariyaheena Magaallada Muqdisho Abdi Wali Ibraahim Aden "Garyare" oo maalmihii ugu danbeeyay socdaalku marayay qeybo badan oo ka mid ah Gobolka shabeelaha hoose,isla isaga ayaana inoo qoray waraysigan.

W/Qorey,Abdi Wali Ibraahim Aden "Garyare"
Garyare20@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 23, 2004


Maxaa Kajira in "la Dhaawacay" Islaan Bashiir
 iyo "in Lagu Weeraray Baasuukayaal iyo in Lagu Dawaynayo Isbitaalka Gaalkacyo"... Guji... Nov 22

Sidee Loo Arkay Heshiiskii Beelaha Hiraab ee Xalay Ku Dhex maray Nairobi
»Caydiid: Fila Soomaaliya waa ku Wareejinayaa Dowlada
»Beelaha HabarGidir, Mudulood & Duduble oo taageeray DFKMG
»Ra'iisul Wasaaraha: Safar Kismaayo, Baydhabo iyo Muqdisho
»Golaha Baarlamaanka oo siminaar 3beri ah uga Furmay NRBI
»DGPL iyo Isimda oo Shir uga Furmay Magaalada Garoowe
...
Wararka oo dhamaystiran ka akhri halkan... Guji Nov 22

Warar Goos Goos ah
»Beesha Fiqi-Shinni oo sheegay in dad lagu xasuuqay Qarar
»Baaq Ka soo Baxay Ugaaska Beesha Sade Daarood
»Baaq ka soo baxay beesha Saleebaan ee dagmada cadaado
»Arday Soomaaliyeed oo Deeq Waxbarsho ka helay Suudaan
»Beesha Tunni Shangamaas oo dhambaal u diray R/Wasaaraha
»Dhismaha masjidka al-furqaan ee cayn, Buuhoolde
»Ardayda reer Islamabad iyo dalxiiskoodii Al-Ayubia
...Wararka oo dhamaystiran ka akhri halkan... Guji Nov 21

Silsiladda Taariikhda Islaamka:
Qaybtan oo Labo Toddobaadle ah waxay kamid noqday qormooyinka ugu xiisaha badan ee kusoo baxa SomaliTalk, waxana ay maanta ku saabsan tahay "Nabiga (scw) Oo La Amray u Istaagidda Gudbinta Dacwada"..
Qore: Shiikh C/risaaq Macalim Abshir

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
:::6-JIR XAAFIDAD AH:::
Gabadhan da'da yari waxay ka jawaabeysaa su'aal kasta oo laga weydiiyo Quraanka
Maxamed Dheere vs Xijaabka
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji

Xaalada Caafimaad Ee SamSam Axmed Ducaale Oo Laga Dayrinayo
Xuseen Dalmar oo kamid ah ahaa askartii ilaalada Saldhiga Dhexe ee Hargaysa ayaa sheegay in... Guji Nov 19

»Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo bilow ah..
»Talo ku Socota Sasam Axmed Ducaale Abtigeed...

MADAXWEYNE C/LAAHI LAGU DOORAYEE  HA DILIN
“Fulay xantii mamooga, waxaad igu xamataan nin dagaal inaan ahay, wixii hadda ka danbeeya oday nabadeed ayaan ahay”...
Faalladii Fahad Yaasiin...

SHILALKA BAABUURTA MAREYKANKA XILLIGA CIIDAHA: "hal qof ayaa ku dhinta shil baabuur 30-kii daqiiqaba" ka akhri warbixintii Cabdiweli Haybe..

"Bush iyo Xisbigiisa Jamhuuriga waa Guulaysteen Laakiin Caqabado ayaa weli hor yaal" Wardheere - Waraysi Somalitalk..



HTML CD