SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
 
Daabaco Boggan | Print

WARARKII MAANTA::: NOV 22, 2004
  • Sidee loo arkay heshiiskii Beelaha Hiraab ku dhamaray Magaalada Nairobi
  • Beelaha Habar Gidir, Mudulood iyo Duduble oo caawa isku Raacay in ay taageeraan Doowlada iyo Wasiirka Koowaad ee Soomaaliya
  • Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Siminaar Sadex Maalmood ahi uga Furmay Magaalada Nairobi

  • SHIR AY YEESHEEN GOLAYAASHA DGPL PUNTLAND IYO ISIMADA OO  KAFURMAY XARUNTA PDRC EE GAROOWE.
Sidee loo arkay heshiiskii Beelaha Hiraab ku dhamaray Magaalada Nairobi 

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com 
Kenya, Nairobi Somalitalk

Heshiiskii xalay ku dhexmaray beelaha Mudulood Hiraab, Madarkicis Hiraab ee Habargidir iyo Maxamed Hiraabe ee Duduble ayaa si fiican looga soo dhaweeyay Magaalada Nairob..

Heshiiskan oo Astaan u ah  dhoowrkaan qodob

  • 1-in ay dowlada Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed ka hoowlgasho magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya
  • 2- in ay dhamaato kaltankii beelaha Hiraab ee ku aadanaa gacan ku haynta Magaalada Muqdisho
  • 3-iyo in doowlada Soomaaliyeed ay noqoto mid ku fida dhamaan gayiga Somaaliyeed

Dad badani waxa ay is waydiinayaan  Su'aalahan dhoowrka ah

Maxaa Kajira in la Dhaawacay Islaan Bashiir iyo in Lagu Weeraray Baasuukayaal iyo in Lagu Dawaynayo Isbitaalka Gaalkacyo... Guji

1-heshiiskani ma ahaan doonaa mid ku faafa guud ahaan deegaanada Beelaha Hiraab iyagoo uqaadanaya qaabka xalay ay ku gaareen mas uuliyiinta beesha Mudulood

2-Beesha Hiraab ma ku guulaysan doontaa in ay ka dhaadhiciso beelaha kale ee hawiye iyo kuwa kaloo Soomaaliyeed si doowladu unoqoto mid sal Adag oo guud ahaanba ka hir gasha gudaha Soomaaliya

3- Beelaha Hiraab Dantooda gaar ahaaneed ma ka hor marin doonaan danta guud iyo Maslaxada umada Soomaaliyed oo doowlada ma ku wareejin doonaan ilaha guud ee bulsho waynta Soomaaliyeed ka dhaxeeya Sida Garoomada Diyaaradaha, dakedaha iyo ilaha Doowlada ee ku jirta Gacanta Beeshaas si doowlada uu Wasiirka koowaad ka yahay prof Cali Mahamed Gedi unoqoto dowlad leh kaabayaal dhaqaalle.

4- qodobka ugu hadal haynta badan oo dadku maanta is waydiinayaan waxa uu ahaa beesha Mudulood hubkooda isku meel ma ku jahayn doonaan mana galin doonaan gacanta Doowlada Soomaaliya u dhalatay 14 Sano ka dib iyadoo dawladan ay ku jiraan  dhamaan hogaamiye kooxeedyada Dalka Soomaaliya marka laga Reebo Jan Maxamed Saciid Xirsi Morgan , 

Hadii ay beesha mudulood ku guulaysato xalinta qodobada kor ku xusan waxaa meel mar noqonaya heshiiskoodii xalay hadiise qodobadaasi fuli waayaan waxa uu heshiiskani raacayaa heshiisyadii 14 sano ee la soo dhaafay beeshu samayn jirtay.

Warkii heshiiska hoos ka akhri....

Beelaha Habar Gidir, Mudulood iyo Duduble oo caawa isku Raacay in ay taageeraan Doowlada iyo Wasiirka Koowaad ee Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi waxa ayna ku Heshiiyeen in ay uyaareen Soomaalida iyo qaybaha kalle ee Beesha Hawiye

  • Xidhibaan Xuseen Maxamed Caydiid "si shuruud la aan ah ayaan ugu wareejinayaa doowlada Fila Soomaaliya iyo goobaha aan ka taliyo".
  • Prof Cali Maxamed Geedi isagoo sheegay in uu Safaro ku tagi dooni Kismaayo, Baydhabo iyo Muqdisho..
Somali President Abdullahi Yusuf Ahmed
Madaxweynaha Soomaaliya: Abdullahi Yuusuf Ahmed

Beesha: Daarood
Somali Prime Minister Ali Mohamed Ghedi
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya:
Prof. Ali Mohamed Ghedi
Beesha: Hawiye
Somali parliament Speaker  Sharif Hassan Sheikh Adan
Afhayeenka Baarlamaanka Som.
Sharif Hassan Sh. Adan
Beesha:
Digil-Mirifle

Beelaha Mudulood Hirabe, Madarkicis Hiraab ee Habar Gidir iyo Maxamuud Hiraab Duduble ayaa Caawa Shir uga furmay Magaalada Nairobi ee Dalka Kanya shirkaas waxaa ka soo qayb galay xubnaha Xidhibaanada Beelahaas .

Guud ahaan way soo xaadireen Xubnaha Xidhibaanada Sadaxda beelood marka Lagareebo Xidhibaanada Caasho Caaji Cilmi oo la ii sheegay in ay ku maqneed safar Dibada ah .

Ujeedada shirkaas ayaa aheed in doowlada Soomaaliya iyo Madaxwaynaheda Mudana Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo Raysul wasaaraha Prof Cali Maxamed Geedi iyo dhamaan Xunaha Xidhibaanada Soomaaliyeed iyo guud ahaanba doowlada ay utaageeri lahaayeen.

Dhinaca kale shirkaas oo aan loo ogolaan saxaafada ayaa markii shirku dhamaaday waxaa saxaafada la hadlay Al Xaaj Muuse Suudu Yalaxow, Cusmaan Cali Caato, Xuseen Maxamed Faarax Caydiid Iyo Furux oo dhamaantood sheegay in ay isku afgarteen kulankoodii ayna iska dhax qabteen gudi soo qaban qaabiya kulanka beesha Hawiye iyo qaabkii ay beeshu si wada jira ugu gudbi laheed in ay muujiyaan taageerada ay uhayaan Doowlada.

Xidhibaan Xuseen Maxamed Caydiid "si shuruud la aan ah ayaan ugu wareejinayaa doowlada Fila Soomaaliya iyo goobaha aan ka taliyo".

Guud ahaan shirku waxa uu ku dhamaaday is afgarad iyo is fahan iyadoo goobtaa uu ka hadlay Prof Cali Maxamed Geedi isagoo sheegay in uu Safaro ku tagi dooni Kismaayo, Baydhabo iyo Muqdisho, waxa uuna sheegay in hadi ay dadka goobtan fadhiyaa caawa ku heshiiyaan heshiis isaguna dhiniciisa ka kaalmayn doono isagoo sheegay in uu bixin doono qarasha kubaxaya Goroonka Diyaaradaha Ee Muqdisho.

DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Warbixin :xafladdii soo dhawaynta dowlada cusub ee somalia oo ay qabteen jaaliyadda somalida ee dalka Malaysia.  Guji..
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

»DHAMBAAL KA YIMID  BEESHA RAXANWEYN:::
»DHAMBAAL KA YIMID URURKA NABADA EE PUNTLAND

Hadaba inkasoo Saxaafada aysan galin heshiiskan iyo kulanka xubnaha xildhibaanada ee beelahan hadana gaba gabadii kulanka ayaa Al Xaaj Muuse Suudu Yalaxow ii sheegay in ay ku heshiiyeen Sidan:

1-Is cafin

2- in aan la shaqayno Doowlada Federaalka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya iyo raysul wasaaraha Jamhuuriyada

3- In aan walaalaheena Hawiye la kulano oo aan ku dhiiri galino in aan wada taageerno doowlada iyo sidii loo gayn lahaa doowlada Muqdisho loona furi lahaa Garoonka iyo Dekada Magaalada Muqdisho anagoo wadnana aan doowlada ugayn laheen Magaalada Muqdisho waxaan sii wadi doonaa kulamo is daba jooga oo aan beesha hawiye la yeelandoono iyo beelaha kale ee Soomaaliyeed si aynu u dhamays tirno heshiiska iyo taageerada Doowlada maadaama mudo Sanado ah soomaaliya dhib iyo doowlad la aan ay ku jirtay.


Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Siminaar Sadex Maalmood ahi uga Furmay Magaalada Nairobi

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com 
Kenya, Nairobi Somalitalk

Nov 22, 2004

Kulankan waxaa xaadir ku ahaa inta badan xubnaha Baarlamaanka Federaaliga kumeel Gaarka Ah ee Soomaaliya Waxaana horkacay gudoomiyaha Baarlamaanka, Shariif Xasan Shiiq Adan.

Hay'ada Aweeba oo ah hay'ada ka socota Baarlamaanka Yurub gaar ahaana qaybta qaabilsan afrika ayaa iyadu siminaarkan waday isagoo siminaarku sii socon doono labada maalmood ee fooda nagu soo haysa.

Daruursta shalay lagu baranay ayaa aheed in Baarlamaanku ka madaxbanaanyahay Doowlada in Baarlamaanku Saxo Doowlada in Doodaha baarlamaanka ay noqdaan kuwo adag si fiicana looga doodo Qodobada la isku Qabta Dimuquraadiyada is xaqdoowrka iyo in Baarlamaanka looga bahanyahy in ay ahaadaan hay ad nabadeed intaas ka dib baarlamaanka Soomaaliya Xubnihii ka socday ayaa su aalo waydiiyay Macalimiinti Siminaarka Bixinaysay iyagoo Codsaday in la taageero Baarlamaanka Soomaaliyeed guud ahaan codsigii ay soo jeediyeen dhamaantii xubnihii maasha ku soo xaadiray way aqbaleen ,

Caash Axmed Cabdalla, Sakiyo Cabdi Salaam Caalim iyo Xusseen Maxamed Faarax Caydiid ayaa su aalaha waydiinayay iyo Xubno kalle oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ,

Kulanka ayaa Biloowday Labadii Duhurnimo ee Saacada Afrikafda Bari ee Magaalada Nairobi (nov 21), kulanka ayaa isagu 17 Bishan ka biloowmay Hotelka Hilton ee Magaalada Nairobi laakiin hada si habsami ah uga socda Safarkibark Hotel ee Nairobi

Axmed Muuse Cabdulle  axmeddheere65@hotmail.com


SHIR AY YEESHEEN GOLAYAASHA DGPL PUNTLAND IYO ISIMADA OO  KAFURMAY XARUNTA PDRC EE GAROOWE.

Isniin November, 22, 2004.
Garoowe (Somalitalk).

Shir wada tashiya oo looga wada hadlayay aayaha iyo jiritaanka Puntland ayaa shalay subax (Nov 21) waxaa wada yeeshay salaadiinta iyo golayaasha xukuumadda PL, shirkan ayaa lafilayaa in uu socondoono mudo sadex maalmooda shirkan ayaa kafurmay xarunta cilmi- baarista Puntland ee garoowe (PDRC).

ayadoo lafilayo in Isimadu ay kawada hadli doonaan ugana talo bixindoonaan xaaladda cakiran oo ay haatan Puntland kusugantahay ayna tahay sababta rasmiga ah ee ay kaga wada hadlayaan xil u kordhinta ama qabanqaabinta sidii loo soo dhisi lahaa xukuumad cusub labadaa midii u doorroon oo ayagu ay soo bandhigaan.

Jiritaanka xukuumadda ayaa ayaa kaharsan mudo gaaraysa 43-casho ku dhowaad waxa ayna waxa ayna ku egtahay horaanta janaayo ee 2005.

Furitaankii shirkan ayaa saaka waxaa kala qayb galay Golaha Xukuumadda DGPL oo uu hoggaaminayay Madaxweynaha DGPL Md. Max’ed Cabdi xaashi, Golaha Wakiilada DGPL iyo marti sharaf kale oo badan.

Kahor inta aanu shirku furmin ayaa waxa saxaafadda la hadlay Wasiirka warfaafinta DGPL Md C/risaaq Yaasiin C/lle (Geesood) oo ka war bixiyay Ujeedada Shirka Isimada ee ay maanta isugu yimaadeen waxa tahay.

Shirkaan oo ka furmay Xarunta Cilmi baarista Puntland ee PDRC ayaa waxaa markii ugu horreysay hadal soo dhaway ah ka jeediyay Agaasimaha Hay’adaasi PDRC Md Cabdiraxman Cabdulle Shuuke, waxaana uu war bixin kooban ka bixiyay Asaaskii Puntland iyo muhiimadda ay u lahayd Shacbi weynaha Puntland iyo weliba sidii loogu guulaystay Hadafkeedii ugu weynaa oo ahaa in Puntland ay hormuud u noqoto curasha Dawlad Federaal ah ee Soomaalyeed iyo dhibaatooyinka ka jiray mudadii ay jirtay Puntland, waxaa kale oo uu ka war bixiyay saamaynta ay ku yeelan kartop Dawladda Federaalka ah ee dhawaan lagu dhisay Magaalada Nairobi.

Waxaa kale oo isna halkaasi warbixin dheer oo ahayd laba qaybood ka jeediyay Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Md. Maxed Cabdi Xaashi oo markii hore Salaan iyo soo dhawayn u soo jeediyay Issimada warbixin koobanna ka siiyay Xaalka maanta ka jira Puntland, waxana uu sheegay in talo iyaga markasta oo ay dhibaato la soo gudboonaato ula noqda Issimada, ay maantana ay ka sugayaan taladii fiyoobayd ee ay uga barteen, waxaana halkaasi khudbaddii madaxwaynaha ka jeediyey la taliyihiisa Md Cabdikaafi Cabdi Abshir oo isla markaasna ah ergeyga ee madaxwaynuhu u xilsaaray arinta wadatashiga shirkan Isimada. Khudbadda Madaxweynaha ayaa nuxurkeedu ahaa warbixin ku saabsan xaaladda dalku maanta ku sugan yahay (dhinaca siyaasadda, dhaqaalah iyo nabadgalyada) iyo wakhtigii dowladda oo wax yari ka dhiman yihiin, wuxuuna isimada ka codsaday in ay ka talo bixiyaan xaaladda. Nuxurka khudbadda madaxwayanaha ayaa ahayd mid ku uruursan ineysan jirin wax gaar ah oo ay iyagu doonayaan in mudada loogu kordhiyo, balse ay tahay in la dhowro jiritaanka Puntland, ayadoo aan waaqica laga tageyn.

Sidoo kale ayaa halkaasi waxa ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cismaan Dalmar Yuusuf oo isagana si kooban uga hadlay xaalka Puntland iyo caqabadaha Jiray iyo siyaabihii ay ku suuro galeen xillikordhimihii la soo maray, waxaana uu kula taliyay Isimada inay danta ka raacaan wax kasta, ayan keenaan talo Caafimaad qabta oo ay ka midaysan yihiin.

Qaar kamida Hogaamiye Dhaqameedyada G/Bari oo u kicitimay Garoowe
»Warsaxaafadeed uu qabtay Madaxweynaha DGPL
»Gaari kusii Jeedey B/weyne oo Ku Geeriyooday Bandiiradlay
....
Guji Nov 18

Si kastaba ha ahaatee waxaa halkaasi soo xaadiray intii badnayd Isimada Puntland iyadoo la sheegay in Issimada Gobolka Mudug aysan weli soo gaarin Magaalo madaxda iyagoo la filayo inay Berri kala soo qayb gelaan Shirka Isimada. Af-hayeen u hadlay Xafiiska Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ayaa sheegay in Islaanku markan mashquul ku yahay arimo beeshiisa dhexdeeda ah isla markaasna uu waafaqsan yahay wixii ay isku raacaan Isimada shirka fadhiya. Shirka Salaadiinta ayaa la filayaa in uu socdo sadex barri. 

Shirkaani waa midkii labaad oo salaadiinta Puntland isugu yimaadaan muddo lix bilood ah – shirkaan kii ku xigay ayaa markii sidan oo kale wakhtiga dowladdu dhamaad noqday waxay ku taliyeen in lix bilood dowladdu sii shaqeyso, mudadaas oo hadda ay ka dhiman yihiin wakhti gaaban. Isimada ayaa shirkoodan looga filayaa inay ku maareeyaan sidii ay isu waafajiyaan, xaaladda dalku ku sugan yahay iyo mudada sii dhamaanaysa. ayadoo waxaa jira marka la eego shacabka reer PL in ay doonayaan in xukuumaddu ay hesho xil u kordhin waxaayo ayay leeyihiin wax ay kordhinayaan golayaal cusub oo hatan lagu badalo kuwii hore majirto, waxa ayna dhaman danaynayaan marka shacabka la eego in uu madaxwayne ahaado Maxamed Cabdi Xaashi.

sahrasiglan | sahrosiglan@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2004


Wararkii November 21, 2004
»Beesha Fiqi-Shinni oo sheegay in dad lagu xasuuqay Qarar
»Baaq Ka soo Baxay Ugaaska Beesha Sade Daarood
»Baaq ka soo baxay beesha Saleebaan ee dagmada cadaado
»Arday Soomaaliyeed oo Deeq Waxbarsho ka helay Suudaan
»Beesha Tunni Shangamaas oo dhambaal u diray R/Wasaaraha
»Dhismaha masjidka al-furqaan ee cayn, Buuhoolde
»Ardayda reer Islamabad iyo dalxiiskoodii Al-Ayubia
...Wararka oo dhamaystiran ka akhri halkan... Guji Nov 21

»»» :::SAMSAM DUCAALE:::
samsam ducaale
»Maaha Dhacdo indhaha Laga Daboolan karo... [Mataan]
»Talo ku Socota Sasam Axmed Ducaale Abtigeed... [C/wahaab]
»Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo bilow ah.. [Mumtaz]
»Samsam Ducaale Xabsiga ayaan ku ilaalin jirey.. [Askari]
»Warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa [Hargaysa]
»Xagee ayey ku Danbeysay Samsam [warbixin]
»Samsam Axmed Ducaale iyo Hargaysa [Faallo]
»Dhegeyso Taliyaha Booliska SL oo ka hadlaay Samsam [Cige]
»GABAY::: Zamzam (abtiyoow) [Joobane]
»SAMSAM MAXAA LOO SILCIYAY !? [Khaliil]
»Hargaysa iyo Xabsigii abuu qurayb maxaa ka dhexeeya  [Naasir]
»Sheekada samsam maxaa kajira [Hamdi]
»Naa Ma Boosaasaad ka Timid, Ma Bari Baad Ka Timid  [Eelay]

Silsiladda Taariikhda Islaamka:
Qaybtan oo Labo Toddobaadle ah waxay kamid noqday qormooyinka ugu xiisaha badan ee kusoo baxa SomaliTalk, waxana ay maanta ku saabsan tahay "Nabiga (scw) Oo La Amray u Istaagidda Gudbinta Dacwada"..
Qore: Shiikh C/risaaq Macalim Abshir

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
:::6-JIR XAAFIDAD AH:::
Gabadhan da'da yari waxay ka jawaabeysaa su'aal kasta oo laga weydiiyo Quraanka
Maxamed Dheere vs Xijaabka
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji

Xaalada Caafimaad Ee SamSam Axmed Ducaale Oo Laga Dayrinayo
Xuseen Dalmar oo kamid ah ahaa askartii ilaalada Saldhiga Dhexe ee Hargaysa ayaa sheegay in... Guji Nov 19

»Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo bilow ah..
»Talo ku Socota Sasam Axmed Ducaale Abtigeed...

MADAXWEYNE C/LAAHI LAGU DOORAYEE  HA DILIN
“Fulay xantii mamooga, waxaad igu xamataan nin dagaal inaan ahay, wixii hadda ka danbeeya oday nabadeed ayaan ahay”...
Faalladii Fahad Yaasiin...

SHILALKA BAABUURTA MAREYKANKA XILLIGA CIIDAHA: "hal qof ayaa ku dhinta shil baabuur 30-kii daqiiqaba" ka akhri warbixintii Cabdiweli Haybe..

"Bush iyo Xisbigiisa Jamhuuriga waa Guulaysteen Laakiin Caqabado ayaa weli hor yaal" Wardheere - Waraysi Somalitalk..



HTML CD