HOR U DHAC
Kulan
xasaasi ah oo ay
Mudanayaasha
Hawiye ku
yeesheen
Nairobi 24kii
nov, isla
makaasna ay ka
dhexmuuqdeen
Hogaamiye
kooxeedyadda ugu
magaca dheer
ayaa noqday
hadal haynta ugu
badan, ee guud
ahaan dadka
Soomaaliyeed
gaar ahaan dadka
dega Goboladda
ay ka soo
jeedaan Raggaasi.
Waxay
kulankoodaasi ku
sheegayn in ay
gaareen heshiis
ay u dhan yihiin.
Qodobada
heshiiskaas
waxaa ka mid
ahaa, in
Dowladdu
Caasimadda ka
degto, iyaguna
ay halkaas si
diiran ugu soo
dhaweeyaan. In
Hubka ay
haystaan ay
Dowladdu kala
wareegto,
islamarkaasna
loogu bedelo
lacag adag. Iyo
in Jagooyin
Wasaaradood oo
dheeraad ah looga
soo sed-bursho
beelaha kale,
maadaama ay ugu
dhibbadanyihiin
Somaalida sida
ay sheegteen.
Malagu
kalsoonaan karaa
heshiiska madaxdda
Hawiye?
Taariikhada
ayaa na baraysa
in dhacdooyin
aynaan sii
saadaalin karin,
ay iska
fududaanayso
male awaalkoodu,
marka dib loo
qooraan sado,
waxyaabo taxane
ah oo horay u
dhacay soona
laa-laabtay.
Sida aan
dhamaanteen
kawada
dheregsanahay,
ma,ahan markii
ugu horeysay ee
Madaxdda beelaha
Hawiye ay
heshiis ku
gaaraan meelo
kala geisan iyo
siyaabo kala
geisan.
Marwalbana waxaa
jirayey
ismarxabayn,
Cimaamaddo
la'ishuwiyo iyo
mashxarad lagu
dhufto.
Laakiinse dadka
qaarkii oo weli
u sii riyaaqsan
heshiiskii
lagaaray isuguna
hambalyeynaya,
ayaa waxaa soo
gaara war ka
gedisan kaas oo
sheegay in
Hogaamiye Hebel
wax diidanyahay,
dhowr kalena la
tuhun
sanyahay.Taas oo markale
Rajo-beel iyo
niyad jab ku
abuurta dadkii.
Waxaan rabaa
in aan si kooban
u soo bandhigo
qaar ka mid ah
is hortagyaddii
ay sameeyeen
madaxdda Hawiye:
Tusaale
ahaan wax yar
kadib markii la
dhisay Dowladdi
Cali mahdi,
waxaa hor
istaagay Ragg
isla hiraab uun
ah, oo aan ka
xusi karo Allaha
u naxariistee
Janankii
geeriyooday,
taas oo
natiijadii ka
dhalatay ay
ahayd, Dagaalkii
lagu hoobtay ee
lamagac baxay
4-billoodka. Waxaa
xigay Salbalaar
waxaa iyana hor
istaagy kuwii
ugu dhowaa, oo
aan ka xusi karo
Cusmaan Caato.
Waxaa sidoo kale
shaqayn waayey
isku daygii La-gudoomiya
Gobolka Banaadir.
Waxaa xirmay
khilaaf aawadii
Dekeddii iyo
Airboorka Xamar.
Wixii markaas ka
danbeeyeyna
markasta oo la
doonayo in la
soo bandhigo
dhoola-tus
Siyaasadeed,
waxaa lagu soo
hadal qabsan
jiray Dekedda
iyo Airboorka
furitaankooda
ayaa lga
bilaabayaa, taas
oo aanay waxba
marnaba ka
qabsoomin.
Iyadoo shacabka
Muqdishana ay
arintasi ku
noqotay rajo,
rajo ku sug. Bal
ufiirso majiray
shir Beesha
Hawiye u
qabsoomay, oon
lagu sheegin in
lafurayo Dekadda
iyo Garoonka?
Yaanan ka
ilduufin in aan
xuso maamulkii
T.N.G ee lagu
soo dhisay
Tuuladda Carte,
kaas oon anigu
dhihi karo waa
shirkii ugu
mudnaa uguna
macquulsanaa
intii loo qabtay
Soomaali. DKG
ahayd, maka laga
soo tago
beesha caalamka
oon lagarab
istaatin
taageero
Dhaqaale iyo mid
Diblomaasiyadeed
hadana Gudaha
ayeey ka
dhaqaaqi waysay,
waxaana lugaha
isaga maray isla
beesha, oo la
dhihi karo wixii
hadda ka
horeeyey waxay
ahayd Beel aan
waxba isku
ogolayn,
soomaalina aan
waxba u ogolayn.
Waxaa mudan
in la xuso in intabadan
isbedeladii
imaanayey wixii
ka danbeeyey
mudadii
Qaran-jabka ay
hormuud ka
ahaayeen Madax
Hawiye ah,
Hawiye kalena ay
diidanaayeen.
Sikastaba xaalku
ha ahaadee
laguma hanwayna
in ay fuliyaan
go,aankooda.
Heshiiska maanta
waxbadan kama
bdelna kuwii
horay loo arki
jiray, marka
laga reebo in
laysku
dhaarsaday
fulinta
heshiiska,
dhaartuna sidoo
kale kahor
istaagi mayso
wax aanay ka hor
joogsanayn, tii
uu ugu dhaartay
Barlamanka in uu
ugu adeego
Qaranka
Somaaliyeed sid
daacad ah.
Dhanka kale
intii ay doodu
socotay waxaa
laga dheehan
karay in aan la
isku uur
fayoobayn, waayo
waxaa halkaas ka
soconayey Fara
isku taag taag
iyo hadalo
kul-kulul oo
lays
waydaarsanayey.
Waloow markii
danbe ay
sheegayn in ay
meel isku
raaceen. Hidaayo
kalaase laga
yaabaa in Eebe
ku soo ridaye
yaanan ka hor
dhicine aan u
daayo Waqtiga
iyo Waayaha.
Codsiga hawiye
suurtagal
mayahay, waa
maxayse Danta
qarsooni?
Dastuurka
waxaa ku qoran
in beeluhu ay
wax u qaybsadaan
4 siman iyo
bar(4.5) taas oo
haddii wax laga
bedelo uu lumayo
hanaankii awood
qaybsiga
beelaha(Clan
power-sharing).
Sidaas darteed
ma filayo in
Madaxweyne C/laahi
iyo Wasiirkiisa
1aad ay ku
dhaqaajiyaan
talaabadaas,
barlamanka
la,aantiis.
Haddiise
Barlamanku
arintaas isla
meel dhigo,oo uu
go,aan ka qaato
amase beelaha
kale ee
Somaaliyeed
sidaas laga
baryo markaas
Dastuurka ka hor
iman mayso.
Haddii sidaasi
ay timaadana
Beesha Hawiyuhu
waxay si wayn
uga dhex muuqan
doontaa Dowladda,
Wasiirka 1aadna
wuxuu noqon
doonaa mid awood
bdan. Arintaan
aan soo xusay
waxay dhacaysaa
marka ay ku
xaqiijiyaan in
Dowladdu ay ka
degto Caasimadda,
xafiisyadda ugu
bdana ay ka
qabtaan, loona
yeelo
dalabkoodii ahaa
in Wasiiro
dheeraad ah la
siiyo. Taas ayaa
laga yaabaa in
ay tahay waxa
hadda ay u
gurbaan
tumanayaan, oo
Dowladdana ay ku
garab galayaan.
Arinka kale
ee ay dhici
karto in hoosta
laysugu sheegay
waxa weeye, in
ay ku doonayaa
Hukooda in ay
Dowladdu ugu
bedesho lacag ku
dhow 100 milyan$
waxa xigayana ay
tahay in aan
Qabiil kale
lakeenayne,
Maleeshiyadda
hadda Gacanta ku
haya Hubka ay
sii hayaan,
loona tababaro
meelaha ay
Ciidanka ka geli
karaan sida
Boliska,
Milateriga I.W.M.
Iyadoo mar
marsiinyana laga
dhiganayo in
Ciimadamdii hore
ee Qaranku
badankood Howl-gabyihiin
Haddaba
iswaydiinta ugu
badan, waxay
tahay Ragga ugu
mayalka adag
sidee laga
yeelayaa, ama
sidey uga
dhabaynayaan
go,aankoodaas?
Tusaale
ahaan Cismaan
Caato, Maalmo
yar ka hor
Doorashdii C/laahi
mar uu la
hadlayey
Saxaafadda wuxuu
yiri"C/laahi
Yuusuf,
ma'aynaan kulmin,
mana kulmi doono,
salaantana
iskamba qaadno"
waa Colaad fog!!Haddaba
Isxabadsaarkii
Barlamanka
hortiisa ay ku
sameeyeeyn isaga
iyo C/laahi
Yuusuf, iyo in
C/laahi yiri
aniga iyo Caato
saaxiibaan nahay
reer Mudugna
waan islanahay,
iyo in ay jiri
karto Jago hoos
loogu sheegay
isaga ama qof uu
watto, maku
filnaan doontaa
in ay halkaas ku
idlaato
Collaadii u
dhexeysay,
Caatana Joojiyo
wax diidnimaddii
uu ku caan baxay?
Sidoo kale Ragga
Wadnaha farta
lagu hayo in ay
ka horyimadaan
waxaa ka mid ah
Muuse
Suudi,
oo mid ka mid ah
Waraysiyaddii
ugu shacbiyadda
badanaa ku
sheegay, in C/laahi
Kab kawayn
xiranayo, taas
oo hadalkiisa
laga dhedhen san
karay marka laga
soo tago qabiil
ahaan oo uu wax
isku xijinayey,
haddana in uu
aad u sii
fogaynayey C/laahi
Yuusuf. Muuse
sidoo kale ma ka
dhabayn doonaa
go,aankiisa ah
in uu la
shaqeeyo
Dowladda oo uu
ku qanco
Wasiirka 1aad oo
loo dhiibay
Bahdda uu ka soo
jeedo ee
Mudulood ee uu
in badan u soo
halgamayey?
Dhamaan
su,aalahaas oo
ah kuwo la is
waydiinayo
waxaan u danynaa
Waqtiga iyadoo
aysanba dheerayn
markii lakala
ogaan lahaa.
GABAN GABO
Hawiyoow qiratay
in aad is
dhibteen, dadkii
kalena uu gaaray
dhibkiinii.
Haddii aad
garatayn in aad
maanta Soomaali
wax lawadaagtaan,
markaasi waxaad
u muuqanaysaan
in Dowrka dhow
5-sanno kadib
wax laydinku
aamini karo, oo
aad haysataan
sumcad aad la
soo shirtegi
kartaan.
Sidaas
darteed
heshiiskiinu
yaanu noqon kii
horay loo arki
jiray oo kale,
ama mid ay dano
dahsoon ku hoos
jiraan, sida
Danaha aan soo
xusay oo kale.
ugu danbayn
waxaay Soomaali
idin leedahay
Kaadi badane waa
loo gogol
badshaaye, bal
hadana.