SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
 
Daabaco Boggan | Print

WARARKA MAANTA::::

  • Mire Sheekh Cumar oo xubin ka noqday guddiga abaalmarinta Nobel,
  • Hay’adda Xuquuqda aadanaha ee Gaashaan..
  • Ahlu-sunna wal jamaaca oo soo dhaweeyey in dalka ...
  • Shirweynihii koowaad ee ururka Wargeysyada madaxabanaan oo furmey..
  • Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo kulan gaar ah la yeeshey xildhibaanada ka soo …..
  • Xasan Sheekh (Cirro): "Suxufiyiintu waa macalimiin wax bara ....
  • Maxaa ku soo beegay xilligaan oo dowlad dhalatey in la dhisto.dhulkii jaamacadda...
  • Xubno ka tirsan baar-lamaanka oo ka dalbaday..

Mire Sheekh Cumar oo xubin ka noqday guddiga abaalmarinta Nobel, (International Nobel Peace Prize Recommendation Forum, INPPRF). ….

Mire Sheekh Cumar oo in muddo ah ka mid ahaa mas'uuli-yiinta maamulka Ciyaaraha Soomaaliyeed ayaa loo doortey inuu noqdo xubin guddiga fulinta ee hay'adda Abaalmarrinada Nobel gaar ahaan qaybteeda Golaha Caalamiga ah ee Talo-bixinta Abaalmarinada Nabadda ee Nobel, (International Nobel Peace Prize Recommendation Forum, INPPRF). Md. Mire Sheekh Cumar Muddo dheer ayuu la shaqeynayey hay'ado caalami ah oo taageera Nabadda iyo Ciyaaraha. Taas oo keentey in sanadkan 2004, Shir weyne ka dhacey Dalka Hindiya loogu doorto Xubin Gudiga Fulinta ah ee Hay'adda Abaalmarrinada Caalamiga ah ee Nobel.

Md. Mire waxa uu maamulka Isboortiga Somaaliyeed ku soo jirey illaa 1985-kii kolkaa oo uu ka mid ahaa gudiyaddii Wasaarada Isboortiga ee maamulayey ciyaaraha Gobollada, illaa iyo markaana si buuxda ayuu uga tirsamaa lana shaqaynayey xiriirada kala duwan ee Isboortiga iyo gudiga Olombikada, waxaana uu ka qayb galey shirar fara badan oo heer caalami ah oo ay isugu yimaadeen xubnaha Xiriirada ciyaaraha Afrika, Aasiya iyo Yurub. Mire waxa sanadkii 2000 Shir ka dhacey Magaalada Addis_Ababa loogu doortey Xubin ka mid ah Gudiga Fulinta ee Xiriirka Kubadda Miiska ee AFRICA, isagoo horena u ahaa xubin gudiga warfaafinta ee isla xiriirkaas. Golaha INPPRF waa hay'ad caalami ah oo qayb ka ah loona aasaasey inay la shaqayso hay'adda caanka ah ee bixisa Abaalmarinnada Nobel (Nobel Prize Foundation) waxayna wakiilo ku kala leedahay dalal badan ee dunida ah. Wuxuu goluhu talo ahaan ku soo gudbin doonnaa Shaqsiyaadka dunida dacal-adeeda ku kala nool ee dadaalkooda iyo naf huridooda ku mutaysta in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel ama soo gudbinta xubnaha musharrixinta billada ah. Waxa uu sidoo kale goluhu faafin doonaa farriimaha Hay'adda Nabadda ee Nobel ee lagu dhiirrigelinayo laguna horumarinayo nabad kuwada noolaanshaha dadyowga, Dhowrista xuquuqda aadanaha, Dimoqraadiyada, IWM.

Md. Mire Sheekh Cumar oo hadda ku nool dalka Sweden waxa uu heley aqoonsi caalami ah oo dadaalkiisa iyo hawl karnimadiisa ah muddooyinkii uu ka soo jirey hawlaha maamulka isboortiga sida iyadoo magaalada Porta-Elizapeth ee dalka K/Afrika lagu gudoonsiiyey Shahaado heer qaaradeed ah iyo laba billadood oo lagu kala guddoonsiiyey magaalooyinka El-Minia ee dalka Masar iyo Pezerte ee dalka Tuniisiya sanadihii 2001 iyo 2002-da. Ka dhex muuqashada iyo ka mid noqoshada ururrada caalamiga ah ee shaqsiyaadka Soomaalida ah sida Mire Sheekh Cumar ayaan dhihi karnaa waa sharaf iyo maamuus u soo hoyatey guud ahaan Soomaalida, waxaana wax lagu farxo ah maanta laga heli karo ururro kala duwan oo heer qaaradeed ama caalami ah Shaqsiyaad Soomaaliyeed oo hawlkar ah kuwaas oo xubnaha beesha caalamka ee u dhaqdhaqaaqa nabadda iyo arrimaha bulshada u noqon kara xarig ku soo jiida ummadda Soomaaliyeed.

Hay’adda Xuquuqda aadanaha ee Gaashaan..

Hay’adda Xuquuqda aadanaha ee Gaashaan ayaa ugu baaqaysa maamullada Somaliland iyo Puntland inay dhowraan xuquuqda maxaabiista oo ay dhawaan ku kala qabsadeen dagaalladii ku dhex marya deegaanka ari caddeeye ee degmada Laaso-caanood ee gobolka Sool.

Hay’addu waxay ka codsanaysaa madaxa maamul-ladaasi inay ka fogaadaan wax walba oo xadgudub ku ah xuquuqda ay leeyihiin Maxaa-biista Dagaalka.

Waxaa qoraalkaan ku saxiixnaa guddoomiyaha hay’addaasi Cali Maxamed Maxamuud.

Ahlu-sunna wal jamaaca oo soo dhaweeyey in dalka ...

Ururka Ahlu-Sunna wal jamaaca ayaa mas’uuliyiintooda waxay shalay shir jaraa’id ku qabteen magaalada Muqdisho, waxayna sheegeen in taageero hiil iyo hooba leh ay la garab taagan yihiin dowladda Cusub ee u dhalatay Soomaaliya.

Culummada Ahlusunna wal jamaaca waxay soo dhaweynayaan in dalka la keeno ciidammo hubka ka dhiga malleeshiyooyinka ee ku daadsan dalka oo dhan.

Culummaa’uddiinka Ahlu-sunna wal jamaaca waxay sheegeen inay si aad ah uga soo horjeedaan waxay ugu yeereen kooxaha caadaystay inay carqaladeeyaan rajada iyo nabadda Soomaaliya.

Waxaana xubnihii bayaankaan soo saaray ka mid ah Sh. C/nuur Sh. Axmed, Sh. Rufaaci Sh. Axmed, Sh. Max’ed Sh. Abba, Macallin Nuur Max’ed Siyaad, Sh. Cismaan Xiddig iyo xubno kale.

Shirweynihii koowaad ee ururka Wargeysyada madaxabanaan oo furmey..

Waxaa maalintii shalay ahayd Hotel City View ee magaalada Muqdisho ka furmay shirweynihii koowaad ee ururka Wargeysyada Madaxa Bannaan ee Soomaaliyeed (SOINA) Somali Independent News Papers Association.

Waxaa shir weynahaasi ka qaybgalay xubnaha ururka waxaana warbixin laga dhageystay Guddoomiyaha Ururka C/llaahi Maxamed Xasan (Black) iyo xoghayaha guud ee ururka Xasan Axmed (Xasan Fanax) oo labaduba ka hadlay waxyaabihii muddada sanadka ahayd u qabsamay ururka iyo wixii aan u qabsoomi waayay iyo weliba sababihii keenay inay qabsoomi waayaan.

Intaa kaddib golaha ee ururka ayaa si aad ah uga dooday waxyaabihii qabsoomi waayay, taasoo ugu dambeyntii la isla xariiqay sababaha dhabta ah ee qabsoomid la’aantaas, iyadoo la isku afgartay in xilliga cusub la saxo arrimahaasi.

Shirweynaha waxa uu markiiba gudogalay in laga doodo xeerka ururka iyadoo la soo bandhigay dhowr qodob oo qaar u baahan in wax laga beddelo iyo kuwo u muuqday in wax lagu daro iyo ku daris qodobbo cusub.

Maanta ayaa lagu wadaa in shirweynaha uu sii dhamey-stiro doodihii la xiriiray xeerka ururka, iyadoo kaddibna guddgia qabanqaabada soo bandhigi doono musharraxiinta cusub ee u kala tartamaya jagooyinka ururka, sidoo kale waxay guddigu soo badhigi doonaan qaabka ay doorashadu u dhacayso iyadoo gababada shirku la rajeynayo in ay hoggaan cusub loo doorto ururka wargeysyada madaxa bannaan ee Somali Independent News Papers Association

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo kulan gaar ah la yeeshey xildhibaanada ka soo …..

Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maalmahaan waday kulanno uu la yeelanayay siyaasiyiinta iyo xildhibaannada baarlamaanka, wuxuuna shalay uu kulan la yeeshay xildhibaannada ka soo jeeda gobollada Puntland isagoo kala hadlay xaaladda gobollada Sool iyo Sanaag gaar ahaan dagaalladii dhawaan dhex maray Maamul goboleedyada Puntland iyo Somaliland, wuxuuna C/llaahi Yuusuf sheegay in loo baahan yahay in dadaal loo galo sidii loo gacan looga geysan lahaa qaboojinta xiisaddaasi, isagoo sheegay in labada dhinac ay yihiin dad walaalo ah oo weligood ku noolaa darisnimo wanaag. C/llaahi Yuusuf wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu wada xaajood la galo maamulka Somaliland si loo so oaf-jaro dhibaatada ka dhex taagan labada dhinaca oo soo jiitamaysay muddo aad u dheer, waxa kale oo uu C/llaahi Yuusuf sheegay inuu soo dhawey-nayo cid walba oo ka qaybqaadanaysa deminta colaadahaas, haddii ay noqon lahaayeen Soomaali iyo shisheeye intaba. Dagaalkii dhawaan dhex maray labada dhinac waxaa ku dhintay dad aad u fara badan, waxaana ku baro kacay tiro kale oo aad u fara badan, waxaa lagu warramay in labada dhinac ay haatan isku hub urursanayaan iyadoo ciidammo fara badan soo dhoobay goobaha ay isku haystaan labadaasi maamul mana jirto illaa iyo haatan cid isku howshay joojinta dagaalkaasi. Beesha caalamka ayaa iyagu indhaha ku hayay dagaalkaasi waxayna u jeediyeen labada dhinac baaqyo lagaga dalbanayo inay joojiyaan dagaalka u dhexeeya labada dhinac, waxaana loo soo jeediyay in khilaafka lagu xalliyo wada hadal iyo dib u heshiisiin.

Xasan Sheekh (Cirro): "Suxufiyiintu waa macalimiin wax bara ....

Xasan Sheekh Max’uud (Xasan Cirro) oo ah milkiilaha Hotel City View ayaa sheegay in suxufiyiintu ay yihiin macallimiin dadka wax bara, haddii ay xumaadaanna ay dadku xumaanayaan.

"Dal waxaa laga fiiriyaa Saxaafadda, haddii ay noqoto mid wax dhistana dalku waa dhismaa, haddii kalena wax walba ay isdaba marayaan" ayuu yiri Xasan Cirro oo la hadlayay weriyayaal ka tirsan ururka SOINA oo ka qaybgalayay shirweynihii koowaad ee ururkaas uga socday Hotel City View.

Xasan Cirro oo ka mid ah Soomaalida qurbaha ku soo raagtay ayaa aad u amaanay dadaalka saxaafadda Soomaali-ya iyo xorriyaadka ay haystaan: "balse waa inay noqdaan kuwo xorriyaddooda wax ku saxa isla markaana ilaaliya anshaxa suubban ee saxaafadda".

Xasan Cirro oo ah nin saxaafadda guud jecel beryahaanna aad u aqrinayay ayuu wuxuu ku boorriyay xubnaha SOINA ee shirweynuhu u socdo inay ku dadaalaan sidii ay u hormarin lahaayeen warbaahinta gaar ahaan wargeysyada.

Maxaa ku soo beegay xilligaan oo dowlad dhalatey in la dhisto.dhulkii jaamacadda...

Iyadoo dhawaan dalka Kenya lagu dhisay dowlad Soomaaliyeed ayaa haddana dhul boob xooggan uu ka socdaa dhulkii ay lahayd Jaamacadda gaar ahaan halkii ay ku yaalleen jaamacadda Gahayr, waxaana dhul boob ka la mid ah uu ka socdaa dhulkii wasaaradda xannaanada xoolaha iyo weliba halkii ay ku taallay xaruntii dabdamiska, waxaa lagu warramay in xittaa la fuqsanayo qaybihii kala duwanaa ee uu ka koobnaa dhismihii jaamacadda.

Jaamacadda ummadda waxay ka mid tahay jaamaca-daha ugu waaweyn ee qaaradda Afrika. Illaa iyo haatanna ma jirto cid isku howshay ka hortagga dhul boobkaasi, waxaana halkaasi ka taliya hoggaamiye kooxeedyo ka mid noqday golaha baarlamaanka.

Waagii dowladdii Carte ayaa waxa uu dhul boob kan la mid ah ka socday fagaaraha tarabuunka hase ahaatee dowladdaasi si buuxda ayay uga hortagtay, waxayna gabi ahaanba dhulka la sintay guryihii la dhisay, haddaba su’aasha is weydiinta mudan waxay tahay dowladdaani ma ka hortagi doontaa dhul boobka ka socda jaamacadda ummadda.

Xubno ka tirsan baar-lamaanka oo ka dalbaday..

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi waxay sheegayaan in xubno ka tirsan baarlamaanka ay ka dal-badeen midowga Yurub in aysan wax lacag ah siinin dowladda Kenya oo ay isaga bixiso daymanka lagu leeyahay dowladda Kenya.

"Kharashka uu midowga Yurub u aruurinaayo dib u dhiska Soomaaliya ma ahan xilligaan in loo weeciyo ama la siiyo dowladda Kenya si ay isaga bixiso daymanka lagu leeyahay" ayay yiraahdeen xildhibaan-nadaas oo intaa raaciyay: "Shirkii Carte waxaa ku baxay, waxaa ku baxay kharash aad u fara badan sidaa darteed dowladda Jabuuti kama gudan waxyaabihii soomaaliya loo ururiyay xil-ligaasi, marka waxaan leen-nahay dowladda Kenya meel kale ha ka raadsato lacagtaas, ama ha sugto waqti dambe.

Lacag gaaraysa 15-Milyan oo Dollar ayaa Midowga Yurub u ururiyay dib u dhiska Soomaaliya, lagactaas shan ka mid ah waxaa markiiba codsaday dowladda Kenya si ay isaga bixiso qarashyadii galay xilligii shirkii Soomaalida

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 2, 2004


MADAXWAYNAHA SOOMAALIYA  OO UMUUQDA IN UU HELAY KAL SOONIDA HOGAAMIYAASHA SIYAASADA
Kulamo xiriir ah oo uu madaxweynaha DFKMG la yeeshay hoggaamiyayaasha Siyaasada ayey u muuqataa in uu.. Guji..

MADAXWAYNAHA DFKMG OO KA DHURSUGAYA XUBNAHA BAARLAMAANKA IN AY IS WAA FAJIYAAN QODOBADA 46-47  Si uu u magcaabo wasiirka koowaad...  Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Warbixin :xafladdii soo dhawaynta dowlada cusub ee somalia oo ay qabteen jaaliyadda somalida ee dalka Malaysia.  Guji..
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD