SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

 
Somaali-diidkii oo leh, "Hoheey Buuraha hargaga , nin duulahayeey dabraan"

A.Dirir
<burashadley@hotmail.com>

Waxaa mashaqo ku ah reerkii iskood dawladnimda sheegtay in 14kii sanadood ee tagtay lagu maaweelinayey in la aqoonsan doono, mar ay yiraahdaan dhanka Itoobiya ayey ka iman iyo mar ay wakhtiga ku dhunshaan mayee waa Jabuuti ama markan waaba Britsihka.Waxaasna, waxaa faafinayey saxaafad ku sheegggga marqaansan ee ku faanta , "Dee shabakadeennu wax reerkeenna ka dhan ah maba qorto iyadoo xor ah". Illaa iyo maantana kama waantoobin in qabiilkooda ay runta u sheegaan oo ay yiraahdaan:

1.Britishkii, Itoobiyaankii iyo Jabuutiba weey na diideen ee ha laga tashado.

2.In 14kii sanoo tegay maamul la yiraahdo S/land in uusan ka jirin Sool , Sanaag iyo Cayn.
3.In sida uu sheegay Qaybe ay dhabtu tahay ,shacabkuna uu maamulka Pl oo horay u dhisteen ay
   keensadeen.Sidaas darteedna,wakiiladii uu qaybe sida uu sheegay suuqa ka soo qabtay ee Cigaal
   ka geeriyooday ee iska yuurura ayan metelin.
4.In ay shacabkooda u sheegaan in haraagii Siyaad uu maanta xukumo ee dantoodu ay tahay in
   in meesha ay xoolo ka tabcadaan inta goori goor tahay.

Iyagoo dadkiiba runta ka dhowray ayey waxay faafiyeen maweelintii Riyaale iyo riyadii reerka SNM ee labaduba dhabta ka fog ee aheyd xuduudda ayaanu tageeynaa.

Waxaase xusuusin mudan  labo sandood ku dhowaad ay Somaali-diidku ay ku qeylinayeen oo mararka qaarkoodna ay kuba dhaaranayeen sida Shekh Madarkii geeriyooday oo yiri, "Wallee   in aan Garoowe galayo". Runtuse waxay tahay in Shekha karamadii iska xayuubiyey uu geeriyooday iyadoo ciidamadii ay waa hore lahaayeen way ruqaansadeen oo ku jira gaaf wareeg  joogta  ah iyo xishood.
Wixii oo marka hore sameyn kari waayeen ayey maanta oo dad badani isakga soo carareen, Cabdullahina uu yahay Madawenaha Guud ayey waxay isku soo miqiiqeen Jiidda hore ee Sool , wixii ka raacayna waaba la ogaa.
Maanta Riyaale waxay ishayaan Maxamed Xaashi oo looga fadhiyo in Iidoorka doolka ah uu dibedda ka dhigo Pl, una soo celiyo dhulka wali uga maqan Sanaag oo aan rajeeynayo in uu ku dhaqaaqi doono hadduu Eebe idmo.

Gabogabadiina,Somaali-diidka  rabi ka furtay ee gaaladii dhimatay ku xusa Waqooyiga, ka daawo  Radio-Laascaanood maxaabiistoodii sawiradii laga soo qaaday ee tirada badan ee aan ku jirin kuwoodii tirada badnaa ee laga laayey .Waxaad kaloo ka dhegeysan kartaa wareeysigooda oo maqal ah Radio-laaascanood oo labo website kala ah iyo Widhwidh.com oo aad ka arkeeyso sida aadaminimada leh ee loo daweeynayo dhawicii Iidoorka ee yaalla Isbitaalka Laascanood oo ay booqanayaan  saraakiil ka tirsan Puntland,

Waxaase, nasiibdarro ah in wax ma garatda Somalilandnet ay garan waayeen ixtiraamka Somaalida ka dhexeeysa iyo xushmada bisha barakeeysan ee Ramadaan oo soo bandhigay meydhkii labo nin oo ay dileen .Marka xumaantaas aad eegtana , waxaad ka garaneeysaa in kuwa guusha ku doontay sawirka meydka dad muslim ah oo midkoodna uuba ka tirsanaan jiray ciidanka maamulkaas, labadana u dhasheen Sool in haddii kuwo kalena ay jiraana ay iyagoo qaawan ay soo sawiri lahaayen. Waxaana talo iga ah in aanan lagu dayan kuwa ku tuntay dhaqankii, diintii iyo Somaalinimadii, arrimahaas uu Illaahay jab ku badi doono , aakhirana lagula xisaabtami doono iyagoo carabka laalaadinaya oo leh " Hoheey Buuraha Hargagaa , Nin duulahayey dabraan"....

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 3, 2004


MADAXWAYNAHA SOOMAALIYA  OO UMUUQDA IN UU HELAY KAL SOONIDA HOGAAMIYAASHA SIYAASADA
Kulamo xiriir ah oo uu madaxweynaha DFKMG la yeeshay hoggaamiyayaasha Siyaasada ayey u muuqataa in uu.. Guji..

MADAXWAYNAHA DFKMG OO KA DHURSUGAYA XUBNAHA BAARLAMAANKA IN AY IS WAA FAJIYAAN QODOBADA 46-47  Si uu u magcaabo wasiirka koowaad...  Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Warbixin :xafladdii soo dhawaynta dowlada cusub ee somalia oo ay qabteen jaaliyadda somalida ee dalka Malaysia.  Guji..
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD