SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  FAALLO

IS BARBARDHIG SHIRKII CARTE IYO KAN MABAGATHI

(Labada shir oo isaga mid noqday xubnaha u tartamaya jagada Madaxweynenimada)

W/D: Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

E-mail: jantiile12@hotmail.com 

Shirka Soomaalida ee Muddada 24-ka bilood ah ka socda Mbgathi Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa wuxuu soo gaaray heerkii ugu dambeeyay oo ah doorashada Madaxweynaha maamuli doona Soomaaliya muddada 5-ta sano ah ee soo socota, waxaana lagu wadaa inay xafladda doorashadu ka dhacdo dalka Kenya maalinta Axadda ah ee soo socota oo ay taariikhdu ku beegan tahay 10-October-2004, iyadoo ay jagadaas isku soo sharraxeen in ka badan 70-xubnood  ayaa haddana waxa uu baarlamaanka federalka Soomaaliya soo saaray shuruud uu ku xiray tartamayaasha taasoo ahayd in ruuxa musharraxa uu keeno laba kun oo Doollar ka hor inta aan la gaarin xilliga doorashada iyo inuu sidoo kale soo gudbiyo taariikh nololeedkiisa, waxaase nasiib u yeelatay inay ka soo baxaan shuruudahaas 28-musharrax oo iyagu u tartami doona Jagada Madaxweynenimada Soomaaliya, inkastoo uu shalay ka baaqday inuu khubaddiisii akhriyo Mudane Xasan Maxamed Nuur Shaarguduud, oo isagu buuxiyay shuruudihii lagu xiray, iyagoo la sheegay inuu ka tanaasulay doonistiisa jagada Madaxweynenimada Soomaaliya. 

 

Waxaana musharraxiinta isugu soo haray doorashada jagada Madaxweynenimada ay magacyadoo kala yihiin sidan hoose ku cad:

 

1. C/laahi Yuusuf Axmed.

2. Xuseen Maxamed Caydiid

3. C/qaasim Salaad Xasan

4. C/laahi Axmed Caddow

5. Jeylaani Cali Kadiye

6. Maxamed Yaasiin Ismaaciil

7. Muuse Suudi Yalaxow

8. Eng. Maxamed Xuseen Caddow

9. C/raxmaan Jaamac Barre

10. Muumin Ibraahim Isaaq

11. Faarax Weheliye Caddow (Sendiko)

12. C/qaadir Suufi (Muriidi Golf)

13. Xasan Max’ed Nuur Shaatiguduud

14. Sheekh Cumar Cabdiqaasim

15. Caasha Axmed Cabdalla

16. Cabdi Cusmaan (Kabareeto)

17. Jaamac Cali Jaamac

18. Jaamac Xassan Khaliif

19. Mahdi Abuukar Max’uud

20. Max’ed Cumar Xabeeb (M/dheere)

21. Max’ed Qanyare Afrax

22. Axmed Cabdi Xaashi (Xasharo)

23. Cabdi Guuleed Max’ed

24. Cabdiraxmaan Cabdi waare

25. Cali C/llaahi Max’ed

26. Cali Cumar Xasan Guuleed

27. Cusmaan Jaamac Cali (Kalluun)

28. Cusmaan Max’ed Faarax

 

Sidoo kale shirkii kan ka horreeyay ee lagu qabtay Tuulada Carte ee Dalka aynu dariska nahay ee Jabuuti ayaa waxaa isku soo sharraxay jagada Madaxweynenimada Soomaaliya xubno ay tiradoodu gaarayso 45-xubnood iyadoo shuruuidhii looga baahnaa ay soo buuxiyeen 29-xubnood oo qura, halka 16-xubnood ay soo buuxin waayeen shuruudihii lagu xiray Shirka, xubnihii isku soo taagay jagadaan ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin:

 

1. Axmed Ibraahim Maxamed

2. Axmed Jaamac Ibraahim

3. Bile Rafle Guuleed

4. Cabdi Cusmaan Faarax

5. Cabdi Guuleed Maxamed

6. Cabdi Maxamed Fiidoow

7. C/casiis Sheekh Cusmaan Cabdi

8. Cabdilaahi Axmed Caddow

9. Cabdilaahi Boqor Muuse

10.Cabdilaahi Cosoble Siyaad

11.Cabdiqaasim Salaad Xasan

12.Cali Khaliif Galaydh

13.Cali Mahdi Maxamed

14.Cumar Xaaji Maxamed Xirsi

15.Cusman Maxamed Jeele

16.Ibraahim Xasan Xaaji Jimcaale

17.Maxamed Aamiin Cabdulaahi

18.Max’ed Cali Xaashi Max’ud

19.Maxamed Isaaq Idow

20.Max’ed Max’ud Guuleed (Gacma-dheere)

21.Maxamed Sheekh Gabyow

22.Maxamuud Cabdi Gaad

23.Maxamuud Maxamed Guuleed

24.Maxamed Sheekh Cusmaan

25.Shire Suudi Maxamuud

26.Warsame Cabdi Shirwac

27.Xasan Abshir Faarax

28.Xasan Max’ed Nuur (Shaati-guduud)

29.Xuseen Ceellaabe Faahiye

 

Xubnahaan ayaa waxaa soo wada xaadireen madashii ay ka dhacaysay Doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya, marka laga reebo 5-xubnood oo iyagu soo xaadiri waayay Madasha shirka, waxayna xildibaannadii noqdeen 24-xildhibaan, iyadoo intii aysan billaaban doorashada ay ka tanaasuleen hamigoodii ahaa inay noqdaan Madaxweynaha Soomaaliya xubno tiradoodu gaarayso 8-xubnood, iyagoo cudurdaar uga dhigay inay badan yihiin ragga isku soo sharraxaya Jagadan, waxaana 8-deeddaas xubnood ee tanaasushay ay Magacyadoodu kala yihiin:

 

1. Bile Rafle Guuleed

2. Cabdi Guuleed Maxamed

3. Cabdi Maxamed Fiidow

4. Cabdilaahi Cosoble Siyaad

5. Cumar Xaaji Maxamed Xirsi 

6. Maxamed Cali Xaashi Maxamuud

7. Maxamed Sheekh Cusmaan

8. Xasan Abshir Faarax

 

Waxaana isku soo haray 16-xubnood oo qura iyadoo xubnahaasina ay u tartameen jagada Madaxweynenimada Soomaaliya oo uu markii dambe ku soo baxay Dr. C/qaasim Salaad Xasan waxay magacyadoodu iyo weliba codadkii ay heleen qaybtii koowaad ee doorashooyinka kala ahaayeen sidan:

 

#

Magaca Murasharraxa

Codka

1

Axmad Ibraahim Maxamad

02

2

Cabdi Cusmaan Faarax

02

3

Cabdicasiis Sheekh Cusmaan Cabdi

00

4

Cabdilaahi Axmad Caddow

83

5

Cabdiqaasim Salaad Xasan

78

6

Cali Khaliif Galaydh

35

7

Cali Mahdi Maxamad

12

8

Cusmaan Maxamad Jeele

03

9

Ibraahim Xasan Cali Jimcaale

00

10

Maxamad Isaaq Idow

00

11

Maxamad Maxamuud Guuleed

03

12

Maxamad Sheekh Gabyow

02

13

Maxamuud Cabdi Gaab

03

14

Maxamuud Maxamad Guuleed

08

15

Warsame Cabdi Shirwac

00

16

Xuseen Ceellaabe Faahiye

04

 

 

Wareegii kan xiray ayaa waxaa ka tanaasulay inay tartanka sii wataan dhammaan tartamayaashii marka laga reebo C/qaasim Salaad Xasan, C/llaahi Axmed Caddow iyo Cali Khaliif Galayr, waxayna codadka u kala heleen sidan hoos ku cad:

 

#

Magaca Murasharraxa

Codka

1

C/qaasim Salaad Xasan

124

2

C/llaahi Axmed Caddow

110

3

Cali Khaliif Galaydh

002

 

Qaybtii saddexaad ee doorashada waxaa isaga hor yimid labadii nin ee ugu horreeyay labadii qaybood ee hore C/qaasim Salaad Xasan iyo C/llaahi Axmed Caddow waxayna codadkii u kala heleen sidan:

 

#

Magaca Murasharraxa

Codka

1

Cabdiqaasim Salaad Xasan

145

2

C/llaahi Axmed Caddow

92

 

Waxaana ku soo baxay doorashada C/qaasim Salaad Xasan oo noqday madaxweynihii KMG-ka ahaa ee mudadii 3-da sano ahayd ee aynu soo dhaafnay.

 

Doorashadaan ayaa waxaa codkooda dhiibtay oo soo xaadiray xildhibaannadii golaha baarlamaanka tiro gaaraysa 238-xubnood iyadoo ay ka maqnaayeen madasha shirka 7-xubnood oo qura, waxa uuna baarlamaanku ka koobnaa 245-xubnood.

 

»XILKA BADBAADADA SHACABKA SOOMALIYEED WUXUU..

»SOOMAALIYA WAXAY U BAAHAN DOWLAD DHEXE OO... [Jantiile]

»SHIRKA KENYA IYO CURASHADIISII KOOWAAD [Jantiile]

W/D: Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

E-mail: jantiile12@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 8, 2004

Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga kusaxiixan

»2 SANO KADIB: DOWLAD SOOMAALIYEED OO LAGA FILAYO SHIRKA
»Gargaar iyo Dhawr [Qore Shaafici]
»MARNA MA NAJAF BAA; MARNA MA FALLUUJAA!! [Amiin]
»WAA TEE DAWLADA AAN U BAAHANAHAY? [Xanaf]
»SHIR-CEEBEEDKA KEENYA WUXUU SII FOGEEYEY  W/ GALBEED  [Xirsi]
»Waa maxay : Dawaladda Federaalka KMG Soomaaliya [Gaagaale] 


» RAMADAAN WAA GOORMA??
»
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..



HTML CD