SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

YAA YIRI MUQDISHO WAA NABAD?

Jimce, February 11 2005

Waxey aheyd dhowr usbuuc horteed markii maliishiyo hubeysani qabsadeen qubuuro ay ku aasnaayeen gumeystihii Talyaaniga ee ku naf waayey dalkeena, banaankana usoo fageen haraagii, dabadeedna qashinka ku dareen.

Saxaafada caalamka iyo mas'uuliyiinta Talyaaniga ayaa qeylo af labadii yeeray, waxaana ka carootay kaniisada Roman Catholic ee dalkaas Talyaaniga.

Waxaan aqrinayey faalooyin ay falka fagitaanka qubuuraha ka qoreen wargeysyada caalamka, waxaana iigu darnaa faalo uu qoray wargeyska todobaadlaha ah ee Times tirsigiisa 165aad qeybtiisa 6aad ee soo baxay 7dii bishan Febraayo oo uu qormadiisa ku bilaabay
"In Somalia even the dead don't rest in peace"  oo macnaheedu yahay "Soomaaliya, xataa kuwa dhintay nabad ma haystaan".

Falka lagu fagay qubuuraha oo ahaa mid argagax leh ayaa waxaa xigay in dhulkii laga soo fagay haraagii Talyaaniga lakala goos goostay oo ninba meel taakeystay sidii goof Alle kusii ah oo aaney cidi ka xigin. Halkii la filayey in ay hogaamiyeyaasha Muqdisho canaantaan kooxdii falka ku kacday waxey bedelkeedii bilaabeen in ay farta ku fiiqaan Cabdullaahi Yuusuf, kuna eedeeyaan in uu lacag ku bixiyay fagitaanka qubuuraha, si uu dhaawaco magaca Muqdisho.

Kaba soo qaad in Cabdullaahi Yusuf lacag ku bixiyay fagitaanka qubuuraha balse su'aasha taagan waxey tahay yaa fuliyay falkaas? yaa fagay qubuuraha? ma Cabdullaahi Yuusuf baa Muqdisho yimid?. Dabcan jawaabtu waa MAYA. Kuwii fagay qubuuraha ee la sheegay in ay Cabdullaahi Yuusuf lacagta ka qaateen sow diyaar u noqon maayaan in ay lacag ku qaataan fal dembiyeed walba oo lagu waxyeeleynayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed? Sow diyaar uma aha in ay lacag ku qaataan qaarijinta mas'uuliyiinta dowlada sida Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha hadii ay xarunta dowladu noqoto Muqdisho?.

Fagitaankii qubuuraha waa leyska ilaaway markii uu Muqdisho tegay wafdi ka socda dowladda debed jooga ah ee Nairobi yuururta. Dadweynaha Muqdisho ayaa caleemo qoyan iyo tiknikooyin fara badan kusoo dhoweeyay wafdigii dowladda ee uu hogaaminayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan Sheekh Axmed. Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay wadooyinka si ay u marxabeeyaan wafdiga, hooyooyin calankeenii lulaya, hablo yaryar oo ubaxyo sida, odayaal cayaarihii hidaha iyo dhaqanka la boodaya, ciidankeenii qalabka siday oo salaan sharaf siinaya wafdiga, iyo Gudoomiye Shariif Xassan oo farxad la ilmeynaya, dhamaan waxey ahaayeen muuqaal aan la iloobi karin.

Markaan telefishinka SKYNews ka daawaday qaabkii habsamida lahaa ee loosoo dhoweeyay wafdiga waxaa indhaheyga kusoo istaagay ilmo anigoo u khushuucay dareenkii reer Muqdisho, balse nasiib darro ilmadeydii markiiba dib baan u liqay kadib markii aan sawirtay in banaanbaxani yahay ruwaayad ay soo abaabuleen dad dano gaar ah leh oo raba in ay dadweynaha Soomaaliyeed u dhigaan riwaayad khayaali ah oo aan ka tarjumeyn waaqica dhabta ah ee ka jira Muqdisho.

Kooxdii soo aliftay  ruwaayadda, kuwii soo habeeyay, iyo kuwii danaha gaarka ah lahaa ee lacagtooda ku bixiyay ka sokow waxaan aaminsanahay in dadweynihii ka qeyb qaatay ruwaayadaas ay ahaayeen dad ay dhab ka aheyd dareenkii wadaninimo ee ay muujiyeen maalintaas. Waxaanan ilaawi karin farxadii ka muuqatay hooyooyinka iyo caruurta, waxeyna ahaayeen kuwo muujiyay doonitaankooda dhabta ah ee dowladnimo.

Dhowr casho kadib maalintii ay wafdiga Dowladu Muqdisho tageen ayey Arbacadii maliishiyo hubeysani albaabka Hoteel Saxafi ee ay dowladu ku degtay ku toogteen gabar Saxafiyad Ingiriis aheyd oo u shaqeyneysay idaacada BBC magacedana la oran jiray Kate Peyton. Saxafiyada oo uu dhaawac culusi gaaray ayaa isla maalintii ku naf baxday cusbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Inkastoo goobta lagu weeraray gabadha saxafiyada ay aheyd albaabka Hotel Saxafi oo ay ilaaliyaan maliishiyooyin fara badan, sidoo kalena ay goobta ku sugnaayeen maliishiyooyin ilaalinayey wafdiga dowladda ee Hotelka degan, misana cidina sooma qaban dhagar qabayaashii falka geystay.

Hadaba hadii dharaar cad Hotelka ugu amniga badan Muqdisho, iyo wafdiga dowladda ee booqanaya magaalada hortooda lagu dilay haweeney aan waxba galabsan oo ajnabi ah, isla markaana aaney cidina iska xilsaarin gacan kusoo dhigida gacan ku dhiiglayaashii falka geystay, su'aasha cid kasta is weydiineyso ayaa ah
AAWAY NABADII LAGA SHEEGAY MUQDISHO? Aaway ruwaayadii quruxda badneyd ee ay soo qaban qaabiyeen hogaamiye-kooxeedyada Muqdisho?.

Yaa ka mas'uul ah? Yaase loo xiray gumaadkii loo geystay saraakiishii ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee Muqdisho lagu laayey bilihii lasoo dhaafay sida Gen. Max'ed Cabdi, Gen.Yuusuf Sarenle, Col. Ismaciil Gureey, Col.Maxamuud Bataar iyo Col. Xirsi Dhoore. Dhagar qabayaashii laayey halyeeyadii xooga dalka Soomaaliyeed yaa kahor taagan in ay laayaan hogaanka Dowladda Kumeel Gaarka ah?


Iska daa Soomaalida oo u dhuun daloola arrimaha ka dhacaya dalkooda, xataa beesha caalamka ayaan aqbaleyn oraahda sheegeysa in ay nabadi ka jirto Muqdisho.

Xaqiiqadu waxey tahay in aaney nabadi ka jirin Muqdisho, isla markaana aaney munaasab aheyn in ay dowladda debed jooga ahi u guurto Muqdisho. Hadiise sida uu sheegay Ra'iisul Wasaaruhu ay dowladda u guurto Muqdisho waxaa hubaal ah in ay dowladdu gacanteeda ku qodatay qabrigii lagu aasi lahaa, isla markaana ay sidaa ku dhicisowday, waxa aan sugnaana ay tahay shan sano kadib iyo shir dib u heshiisiin!!!.

 
Mohamud Yusuf Garre
editor@burtinle.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 11, 2005


»Maxaa Hortaagan in idaacado madax banaan la keeno SL | Qodax
»
Boobkii Dhulka Soomaaliyeed oo Puntland laga bilaabay  | C/waxid
»Ha la Aamusin Aragtidaada - Faalo | Afyare
»SOOMAALIDU MA U BISISHAHAY DOWLADNIMO ?! | Istiilla
»YAA U GARNAQI DOONA SOOMAALIA IYO QAB-QABLAYAASHA?
»Muqdisho:- Soo Dhaweyntu Daacad Maka Tahay. | Asad 
»BANAADIR LAMA BOOQAN KARO, BEEN DHEH! | Garaad

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD