SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Sacab maxaa habeenkii loo tumaa hadaan wax ku jirin? 

Waxaa qortay; Ikraam Cali-kaar
Ikraam_calikaar@hotmail.com

Waa la filayey talaabadda ku dhisan kalitalisnimada ee u ku dhaqaaqay Madaxweynaha dhaarta har cad ku maray inuu adeegayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Sidoo kale ma aheyn mid dadku ay sugayeen in Cabdulaahigii maalintii loo caleemo saarayey ku kaftamay inuu isaga yahay ” Kii Soomaaliya xabadda cuntay horseeday maantana uu noqon doona kan ugu horeeya ee dhigaya” Hadaba haddii sida uu sheegay odeygaasi xukun jeceykal u laayey masaakin aan wax galabsan, cadowgii soo jireenka ahaana ummaddu u horseeday dalka, maxey tahay waxa la oran karro nabagalyadiisa ayey halis ku tahay? Yey tahay cidda isaga cadowga gaarka ku ah ee aanay la qabin dagaal oogeyaalka kale ee wasaaraddaha beenta ah isaga aamusiyey?? Wel welka weyn ee Cabdulaahi ka heysta Muqdisho ee aan Beydhabo uga imaneyn maxey tahay? Beydhabo sow ma ahan meel u dhow dal cadow ah, islamarkaasina ayba joogaan ciidamadda cadowgaasi??  Haddii Cabdulaahi ka baqayo cadow isaga u gaar ah miyaaney duqu ogeyn iney meel kasta ku dili karraan? Jawaabtu waa cadahaya umana baahna in siyaallo kala duwan qiil loogu hello. 

Hadaba siddii diirneyd ee wefdigii dowlada loogu soo dhaweeyey Muqdisho, waxey ahaayeen kuwo cid walba ay ogeyd, dareenka dadkuna wuxuu ka tarumeyey rabitaanka dowlad Soomaaaliyeed oo markale soo noolaata si qiimaha qofka soomaaligu lahaa soo laabato lana helo dowrkii ay dowlada Soomaaliyeed ku laheyd saxaadda siyaasaddeed ee caalamka. Maanta ciidamo shisheeye ay Itoobiya hormuud ka tahay cidda dooneysa waa kuwo sida ay muuqato aan danaha ummadda xanuun ku heyn oo ay tooda gaarka ah u muuqato.

Shalay waxaa magaalada Muqdisho lugu dilay ruux aan dambi gelin dilkeedana aaney diintu baneyn. Gabadhan weriyaha aheyd u dhalatay dalka Ingiriiska waxey lamid tahay dhiiga shacaka Soomaaliyeed ee maalin walba sabab la’an ku daadanaya. Sidoo kale dilalaka qorsheysan ee lugu filiyey qaar kamid ah ciidamadii qalabka, iyadana waxey tahay kuwo ujeedo fog laga lahaa qolo kastoo adeegsatana ay gaartay hadafkey laheyd. 

Shacabku inkastoo ay yihiin kuwa maanta halaaga jira qeyb ka ah oo durbaanada u tumay kuwo aan qiimo laheyn oo xitaa qalinkaan wax ku qorayo aan u dhiibteen ayaa hadana waxaan la dafirikarrin in badan oo iyaga kamid ah iney doonayan nabad iyo dowlad, sidaas aawadeed maanta waxkasta waxey dhaafsiinsan lahaayeen hadey helayan Nabadgalayo. Arrinkooduse ma dhaafo ”Hadal aan ficil laheyn” malaha waxey ilowsan yihiin ooraahdi carabiga aheyd ”Xarrako Xarrako Lahaa Baraka”. Oo Haddey uun sameyn lahaayeen xooga dhaq dhaqaaq ah ay iska qaadi lahaayeen heeryada dagaal oogeyaalka. Nasiib darrase waxaa la yiri ”Hal ninkii kicin lahaa seynta kaga taagan yahay makacdo baa la yiraahdaa”  

Go’aanka adag ee Cabdulaahi Yuusuf ku doonay ciidamo Afrikan ah, meelkastana ka sheegay inuu u baahan yahay ciidamo ka dhiga waxa uu ku sheegay meleeshiyaadka hubeysan, taasi waxey caddeyneysaa in ujeedadu aaney aheyn nabad lugu doonayo in Soomaaliya lugu soo dabaallo dadkan is dilayna la iskugu keenayo. Madaxweynuhu wuxuu og yahay in sabankan uusan dagaal shaqsi ahaaneed kala dhaxeyn kooxaha Muqdisho ee codkoodi siiyey. Sababta uu ciidamo shisheeye ugu ordayana waa mid dadka siyaasadda kala rog roga aaney ishaarikarin dabanida dhigsan.  Si kastaba arrintu ahaatee haddii Cabdullaahi Yuusuf doonayo hormarka Soomaaliya waa inuu geed dheer iyo mid gaabanba u korro, haddii kale waxaa muuqanaeysa sida uu sheegtay inuu yahay nin ”Itoobiyaahan ah” ” ayana qortay jariiradad laga leeyahay Itoobiya oo mar sii horeysay wareysi uu siiyey” luguna soo daabacay shabakada Mudug Online. Baadi doonkii madaxweynahu ugu jiray gaarista mansabka ugu sareeya ee Soomaaliya, haddii higsaday weligiina uu sheegi jiray inuu kasoo horjeedoo xukunkii Maxamed Siyaad Barre badalkeedi ma waxaa noqotay inuu yiraahdo ”Soomaaliya argagaxiso baa joogta, iyo qadiyadiiSoomaliweyn ee doonista dhulka maqan ku sheego OLD FASHION, ama sheeko baraleey. Taasi waa ayaan darro tii ugu weyneyd u soo hoyata soomaalida guud ahaanteed. Su’aasha furan waxey tahay haddii ay ummadda Soomaliyeed tiri “dooni mayno ciidamo shiisheeye”, barlamaanku ma ummadda ayuu matalaa mise danta madaxweyne laaluush ku hurgufahaya ayaay fulin doonan??  Waxey ila tahay baarlamaanku in maanta la kala barran doono hadduu u adeego danaha ummadda amase u adeegada duqada GODEY looga arrimiyo. Haddii kalase xaalka xillidhibaan ku sheegyada ay nooqonayaan “Damiir qabayaalkii shalay ee codkooda kalsoonida siiyey prof: Geedi. Daneystinimo aawgeedna markale cod aqlibiyad leh ku siiyey iyagoo arkayey qaladkey shalay ku dhaliileen. 

Gunaanadka qoraalkeyga wuxuu yahay haddii Cabdullaahi Yuusuf iyo dowladiisa ay rajo ka qabaan iney sii fadhiyaan 5-ta sanno ee soo socdaa waa iney ka dhii dhiyaan waxkasta oo soomaalida maanta markale dagaal u horseedi karra.  

Waxaa Qortay: Ikraam Cali-kaar

Ikraam_calikaar@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 11, 2005


»Maxaa Hortaagan in idaacado madax banaan la keeno SL | Qodax
»
Boobkii Dhulka Soomaaliyeed oo Puntland laga bilaabay  | C/waxid
»Ha la Aamusin Aragtidaada - Faalo | Afyare
»SOOMAALIDU MA U BISISHAHAY DOWLADNIMO ?! | Istiilla
»YAA U GARNAQI DOONA SOOMAALIA IYO QAB-QABLAYAASHA?
»Muqdisho:- Soo Dhaweyntu Daacad Maka Tahay. | Asad 
»BANAADIR LAMA BOOQAN KARO, BEEN DHEH! | Garaad

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD