Ethopia:Gargaar
bani’aadanimo&Gumeysi Cusub
Farxaan-Ceynte
Nairobi-Kenya
Dabayaqadii
sandkii inadhaafay waxaa dalka,
Kenya lagu soo yakleelay dowlad
qiima’ahaan sareesa lakiin miizaan ahaan liidata
taas oo,dhidaba aasaaskeeda ay laheed
isladowlada dalkeeda lagu casuumnaa taas oo ah
Kenya.
Waxaa sifiican u soo dhaweeyay
dhamaan beesha caalamak taas oo ku tilmaamaytay
mid u cuntami karata caalamaka oo dhan ayagoo
durbaba daaha ka qaaday sida ay u
taageersanyihiin hanaanka cusub ee somaliya wax
ku dooratay,taas oo lagu tilmaamay mid,
Democorcdiyad ay ku dheehantahy.
Dhexdhexaadin dheer kadib waxaa
halkaas ka soo baxay dowlad federal ah waliba
mid ku meel gaar ah taas oo siweyn looga soo
dhaweeyay dalka gudihiisa &dibadiisa.
Waxaa si cadaaladi ku dheehantahy
loo soo doortay Madaxweyne ku meel gaar ah kaas
oo,
Loo caleemo saaray ruk-cadaagii
hore ee,
Col-Abdulaahi yusuf ahamd sidoo
kale waxaa hakaas ka soo baxay 2gole oo kale
marka laga reebo kan madxweynha golaha 2aad oo
ah golaha baarlamanaka oo uu shirgudoomiye u
yahay Shariif-Aadan ayaa qeyb ka aheed
dorashadii halkaas ka dhacday walibana waxaa,loo
qaab ka badaln qaababkii hore ee wax loo dooran
jiray taas oo ah shax go’dan
Ama 4.5 oo ah hanaan cusub oo ay
somalidu wax ku dooratay.
Sidoo kale waxaa halkaas xilika
Ra’iisulwasaare lagu gudoonsiiyay waji cusub oo
ka soo dhax butaacay sidii loo malynaayay in ay
wax u dhaceyeen halkaas oo lagu doortay (Ali-Geddi)waxaana
sifiican ugu riyaaqay dhamaan dadkii
kasooqeybgalay shirkaas.
Dorashadii kadib waxaa ay dowladu
go’aansatay in ay u guurto halkii dowladnimo
loogu doortay oo ah Somalia si ay ugu soo celiso
wadankas xasilooni &nabad.
Maadaama ay dowladu miizaan ahaan
liidato waxaa soo baxay cabsiyo badan oo laga
qaba qaabkii ay u caga dhigilaheed dalkeeda.
Halkaas oo ah meesha xudnta u ah
dowlada federalka ah waxaa ayan cabsidaas
wel-wel farbadan ku abuurtay maamulka c-laahi
yusuf
Sidaasi daraadeed waxaa laga
mamaarmaan noqotay in loo baahdao ciidan
shisheeye oo amaanka dalka suga aydoo ay aad u
yareed baahida loo qabo ciidan shisheeye.
Lakiin cadaadis diplomacy oo ka
imaaday dowlad ciil la fadhisa ayaa waxa ay
suurta galisay in loo baahado ciidan ajnabi.
Sikasta ha ahaahtee waxaa iminka
soo baxaya war-war sheegaya in qaar katirsan
dowlada fedaralka ah ay dalbaadayo u dirayaan
dowladaha safka hore kaga jira arrinta somaliya
gaar ahaan dowlada Ethopia
Codsigaasi oo lagu dalbanayo in
ay ciidan ay hogaamiso
Amxaaro ay soo caga dhiktaan dalka
Kuwaas oo
asal ahaan xiriir cadowtinomo lalaeh dalka
somaaliya kaas oo mid soo jireen ahaa .
Maxaa soo dadajiya xiligan baahi
ciidan shisheeye’?
Hanaanka loo
dhisay dowlada fedarlka ah ayaa waxaa ku dhax
jira qodobo xasaasi ah
.Heshiiska lagu kala saxiixday
Nairobi kaas oo ay kala saxiixdeen dowlda
federalka ah &Euda ayaa waxaa ka mid ahaa in
dowladu ay awood u leedahy in ay dalban karato
ciidan shisheeye taas mar hore ay qalinka ku
roktay,Euda sidaasi daraadeed waxaa cod kalsooni
ah loo qaaday madaxweyne u jajaban qaraarada ka
soo baxa euda waliba midka ethopia maadama ay
ethopia tahay xibin firfircoon oo katirsan euda
ayaa waxa isugu soo aada 2farxadood.
Ayagoo helay qofkii ay isha ku
hayeen & Ayagoo ah dowladaha ay sida goonida u
samaameenayso arrinta somaliya.
Sidaasi daraadeed aad ayey ugu
sahlanaan kartaa in ay ethopia caga dhikto
somaliya
Waxaana iska cad
in madaxweynha &qaar katirsan 2adiisa gole ay
xiriir dhaw laleeyhiin dowlada ethopia taasi
ayaa la dhihikaraa waxa ay soodadajisay baahi
ciidan shisheeye aydoo loo aaneeyay amaan dari
ka jirta dalka gudihiisa
.Gumeysi doonka Ethopia oo huwan
gargaar bani’aadanimo
Waxaa lagaaray
xiligii ay amxaaro riyadeedii u rumoobilaheed
taas oo waligeed ku taami jirtay in ay mar uun
cakta dhikto gudah somaliya aydoo huwan magac
gar-gaar.
Taasina waxaa kuu cadeeynkara
sida ay ugu sacaba tuntay wixii kasoo baxay
shirkii Nairobi aygoo meel cad iska taagay sida
ay u taageersanyhiin dowlada u curatay somaliya
Wexyna abaal marin uga dhigeen
15,000 kun oo askar amxaaro ah oo difaacda
aminga somaliya
Waayabee maxeeytahay difaacan
ethopia ay difaaceeso somaliya (Misa ragi-ragi
maahan)
Waxaan soo garwaaqsady mid kamid
ah ragii u soo halgamay xuriyada dalka somaliya
oo dhihijiray maahmaah cajiib ah
(Ninkaa dagi,Ninkaa dili ,ninkaad
dabin lagaadeyso waa laisku kala daadiyee yuusan
kaa didinee)oo run ahaantii ximbaarsan micno
weyn Ethopia maslaxad somaliyeed marana kuma
farxeeso in ay difaacdo iska daa’
Gabgabadii’
Qofksata oo Somali ah waxa uu
maanka ku heestaa in ethopia ay tahy cadwoga
koowaad oo ay somaliyu leedahay sidaasi
daraadeed qofkata oo ethopian ahna waxa uu
maanka ku heestaa in ethopia cadow aan somaliye
aheen in aysan laheen.
Kuwa maangaabnida ku fogaatayna
waxaa lagud boon in ay fahmaan sida uu qof
ethopian ah u fahamy in somaliya ay cadowgooda
tahy.
Amxaaro waligeed kuma farxeeso
somaliya oo dib isku taakta iska iloow in ay wax
kuu qabato waxaan qofkasata oo muwaadin ah
kulatalin lahaa in aynu meel cad iska taakno
kuwa go’aansaday in cadow lakeeno dalka somaliya.
Yeesan idiin horseedin ethopia
gumeysi cusub aygoo huwan magaca gar-gaar
bani’aadanmo
Aygoo wali xasuun xasuuqii
lagulakacay sandkii 1977 oo ah mid ethopia
sandkaas baal xanuun badan ka galay.
Faalo qoraa
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Feb 12, 2005
»Maxaa
Hortaagan in idaacado madax banaan la keeno SL
| Qodax
»Boobkii
Dhulka Soomaaliyeed oo Puntland laga bilaabay |
C/waxid
»Ha la
Aamusin Aragtidaada - Faalo | Afyare
»SOOMAALIDU
MA U BISISHAHAY DOWLADNIMO ?! |
Istiilla
»YAA
U GARNAQI DOONA SOOMAALIA IYO QAB-QABLAYAASHA?
»Muqdisho:-
Soo Dhaweyntu Daacad Maka Tahay. | Asad
»BANAADIR
LAMA BOOQAN KARO, BEEN DHEH! | Garaad