HASHU MAANKAYGA
GADDAYE MA MASAAR BAY LIQDAY!!
Cumar
Cabdinuur Nuux – Nabaddoon
omarabdinur@hotmail.com
Feb 12, 2005
Mahad Ilaah baa
iska leh, nabad iyo naxariisna Nabi Muxamed
korkiisa ha ahaato.
-
Xamar waa
nabad iyo nabad maaha laysku mari waa!!
-
Xabashi waa
saaxiib iyo waa cadow laysla garan waa!!
-
Danta guud
iyo midda gaar ahaaneed laysku dari waa!!
-
Qaran dumin
iyo qabyaalad u orod layska dayn waa!!
Qof kasta oo niyad
Soomaalinimo iyo garasho ku harsantahay wuxuu
fahmayaa ama arki karaa sida xaalka dalkeennii
usii cakirmayo maalinba maalinta ka danbeysa.
Waxaa kuu soo baxaysa in aragti iyo siyaasad
naga xeeldheer oo inta badan Soomaalida maanta
gaar ahaan intooda siyaasadda faraha kula jirtaa
ay garan la’yihiin nala kula ciyaaray!.
XAMAR WAA NABAD!!
MAYA NABAD MAAHA!! MIDKEE BAA SAXA??
Maalmahaan waxaa
magaalada Xamar caasimadda dalka Soomaaliya ku
sugnaa wufuud ballaaran oo ka socotay labada
Gole ee ku meelgaarka ah. Waxay sheegeen in ay
Xamar u aadayeen in ay soo indha indheeyaan
xaaladda nabadgelyo iyo sida ay suurta gal u
noqon karto in dawladda ku meelgaarka ah iyo
golayaasheedu caasimadda u guuraan waqtiga dhow.
Ma xuma waa fikrad fiican iyo dadaal loo baahnaa.
Waxaase dadka soomaaliyeed intooda dhexdhexaadka
ahi fahmi waayeen oo wax lala yaabo ku noqotay,
in madaxdii wufuuddaas qaar ka mid ah iyo xubno
sarsare oo xogdoonkaas ka mid ahaa ay isla
markiiba ku dhawaaqeen iyagoon garoonkii ay
kasoo dageen dhaafin “Xamar waa nabad, wixii
laga sheegayey waa been”. Soo kama fiicnayn in
ay horta xogdoonkoodii galaan, wixii jira
ogaadaan, madax iyo minjaba la kulmaan, kadibna
qiimayn sameeyaan? Kadibna dadkii ay ka
yimaadeen ula soo noqdaan, dabadeedna go’aan
kasoo saaraan wixii ay la soo kulmeen??
Marka nabadgelyo
magaalo laga hadlayo, su’aasha isweydiinta mudan
waxay tahay:
-
Horta yaa
maamula ama ka taliya magaaladaas?
-
Hubka iyo
waxyaalaha nabadda wiiqa yaa gacanta ku haya
-
Dadka
magaaladaas degen ma colaad baa ka dhaxaysa
mise is afgarad?
-
Dadka halkaas
degen ma isku dan iyo aragti baa mise waa
kala dan?
-
Dadka halkaas
degen taladu ma ka go’daa oo go’aan ma
qaadan karaan?
Dadka magaalada
Xamar degen waa afar qaybood:
-
Dadweynaha
guud oo ah inta badan ah
-
Hoggaamiyaasha kooxaha iyo
mallayshiyaadkooda
-
Ganacsatada iyo mallayshiyaadkooda
-
Maxkamadaha iyo mallayshiyaadkooda
Aniga aragtidayda
waxaan qabaa in Xamar ay maamulaan oo ka
taliyaan saddexda qaybood ee mallayshiyaadka leh,
saddexdooduna waa kala aragti iyo kala dan.
Sidaa darteed qofka siyaasiga ah ee Xamar usoo
aaday in uu qiimayn ku soo sameeyo xaaladdeeda
nabadgelyo waa in uusan ku sirmin baahida qaybta
koowaad ama dadweynaha. Waayo dadweynuhu Xamar
ma maamulo, taladeedu kama go’do, dagaalna kama
dhaxeeyo! Nabad iyo dawladna waa u diyaar, waana
u baahanyihiin.
Haddaba qofka xal,
xog iyo xaqiiqo doonka ahi wuxuu fahmi karaa in
Xamar aysan kulansan xaaladaha lagu tilmaami
karo magaalo nabadgelyo ka jirto, waayo magaalo
ay ka taliyaan saddex qolo oo kala aragti ah,
kala dan ah, isku deegaanna ah lama dhihi karo
waa nabad! Dadka dharaar cad Xamar dadka ku dila
yey yihiin, xaggee galaan? Yaa ka danbeeya?
Haddii aan su’aalahaas jawaab loo hayn lama
dhihi karo Xamar waa nabad.
SIDEE XAMAR
NABAD LOOGA DHIGI KARAA?
Waa su’aal aad u
culus, rag badanna hortay isku dayeen xal u
raadinteeda. Waxaanse kusoo koobi lahaa dhowr
arrimood oo u baahan karti iyo go’aan.
-
Sidaan kor
kusoo sheegay Xamar hal koox kama taliso,
sidaa darteed waxaa muhiim ah in kooxaha
hubaysan oo dhan lala kulmo lagana qayb
geliyo xal u raadinta Xamar.
-
Maadaama inta
badan hoggaamiyayaasha kooxaha hubaysan
marka laga reebo Maxkamadaha ay ka
qaybqaateen shirkii Kenya waxna ka saxiixeen
go’aannadii kasoo baxay, waxaa la gudboon in
ay mallayshiyaadkooda Xamar ka saaraan oo
meel ka baxsan caasimadda tababar uga furaan
inta laga helayo ciidan qaran oo ay ka mid
noqdaan.
-
In Hubka culus
isna meel la isugu geeyo, loona xilsaaro
ilaalintiisa ilaalo ama korjoogto laga soo
baryey caalamka kale, si aan la isugu tuhmin
khiyaano iyo bililiqo hor leh.
-
In Maxkamadaha
Islaamiga ah iyagana laga codsado in ay
sidaas oo kale sameeyaan, loona ballan qaado
in aan xadgudub lagu sameyn doonin, wixii
mallayshiyaadka kale helaanna xaq u yeelan
doonaan.
-
Intaa kadib in
ciiddankii Booliska Soomaaliyeed iyo
Asluubta wixii ka jooga loo yeero oo
goboladoo dhan looga yeero, la habeeyo la
isku dhafo kadibna ammaanka magaalada loo
xilsaaro. Haddii shantaas qodob ee sare
qabsoomaan waxaan arkaa in Soomaaliya
dawladda u dhalatay kobci karto, caasimadda
degi karto nabadna lagu soo dabaali karo,
iyadoo aan loo baahan gacan iyo ciidan
shisheeye.
XABASHI WAA
SAAXIIB! MAYA WAA CADOW MIDKEE BAA SAX AH?
Soomaalidu waxay
ku maahmaahdaa “Geeljire geela waa wada jirtaa
waana kala jirtaa”. Waxaad mooddaa in xigmadda
maahmaahdaas uu hoggaamiyaha Itoobiya ka fahmi
ogyahay hoggaamiyaha cusub ee Soomaaliya!
Soomaaliya inay degto baan rabnaa oo dawlad
yeelato hubna waa isugu dhiibeynaa waa geeljire
geela waa wada jirtaa waana kala jirtaa!
Soomaaliya inay qaran ahaato iyo midnimadeeda
waan jecelnahay, gobol gobolna waan ula shirayaa
heshiisna waan ula gelayaa waa – geeljire geela
waa wada jirtaa waana kala jirtaa! Soomaaliya
ciidamo nabadda suga oo dawladda cusub
gacanqabta ayey u baahan tahay, annagaana
ciidanka ugu badan iyo saanadba ku taakuleynayna
– waxay iila egtahay sheekadii ninka carbeed ee
saxraha teendhada ka dhistay, iyo ratigiisii!!
Ratigii oo bannaanka dhaxan xun ku heshay ayaa
saaxiibkiis ka codsaday in uu teendhada gafuurka
ama sanka la soo galo. Aqbalaad ka dib wuxuu
codsaday in qoortii ama surkiina qaboobay ee loo
ogolaado in uu soo yara durko! Wuxuu soo
xamaartaba wuxuu haraati dibadda ugu saaray
odaygii carbeed, halkaasna teendhadii kaligiis u
haray!. Waxay kaloo Soomaalidu ku maahmaahdaa “
Balaayo gafuur la qabto ayey leedahay ee dabo la
qabto malaha”, waxaan uga jeedaa xataa haddii
aan ka dhigno in Itoobiya cadaawad noo qabin oo
wanaag nala doonayso, maxaa inoo diidaya in aan
siyaabo kale oo aan ciidan Itoobiyaan ahi lug ku
lahayn arrimaheenna u xallisanno. Sida Ciidankii
Soomaaliyeed oo boorka laga jafo, ciidan aan
Itoobiya ku jirin ama aan dawladaha deriska ahi
ku jirin (si aysan noogu xanaaqin balaqabtadu!)
in la kaashado.
Waxaa kaloo waayo
aragnimo lagu soo ogaaday “in ciidan dal
qabsaday uu siduu doono ka yeelo” waayo nin kaa
xoog badan hortaa buu xanaaqaa!! Gabdhahay
kufsanayaan, masaajiddaday xirayaan, waxay
rabaan bay xadayaan waayo cid ka joog dhihi
kartaa ma jirto oo iyagaa meesha ka taliya!!
Sidaa darteed waxaa la gudboon siyaasiga maanta
ee majaraha u haya mustaqbalka dalka in uu ka
fiirsado keenista ciidan shisheeye (waxaa qeex
kuugu filan kalmadda –shisheeye).
Haddiise laga maarmi waayo waa in ay noqotaa wax
la maamuli karo iyo qawaaniin adag oo keenis iyo
bixinba laga baaraan degey, ee aysan noqon
ciidan dalkale maamulo.
-
Xuuraansi
hoosaan ku helay, Xabashi maankeede
-
Xaglo geel
haddaan laysku jebin, looma xaal-helo’e
-
Iyaduna
xalkaas bay waddaa, waana loo xulaye
-
Xabiib jecel ninkii moodayow, Xabashi waa
tiiye
-
-
Xisaabaad
horaa weli kumaqan, lagala xaajoone
-
Xurguftii
horaan laga heshiin, xeerna loo dhigane
-
Xudduudihii la beensiiyey baan, laga xorayn
toone
-
Xukunkeeda waataan kun sano, xiiso loo
qabine
-
Xalay- dhalay
maxaa idinka dhigay, Xabashi waa tiiye?
-
Gabaygii
Xankakaabsi:- Nabaddoon
Xamar iyo Xabashi
haddaan ka hadlay, anoo rajaynaya in inta
aragtida dheer iyo Soomaaliga dhabta ahi ila
fahmeen biyodhaca qormadaan, waxaan kusoo
xirayaa qoraalkaygaan talooyin.
Walaalayaal talada
adaa ku nool ee iyadu kuma noola, war hooy yaan
la dayicin fursddaas horteenna ah maanta. War
hooy nin aad aqoon jirtay yaa tahay lama
yiraahdo. War hooy haddaan la kala roonaan roob
ma da’o. War hooy talo walaal diide waa turun
turoodaa. War hooy caggo dhiiqo midba mar baa la
saaraa. Waxa ina horyaal waa mustaqbalka iyo
aayaha ummad dhan, dal, dad iyo diin lagu
tacadiyey oo daryeel u baahan. War lama joogo
waqti la kala aargoosto, war waa kugu dhimay kaa
dhimay kiinnii adkaada iyo kii laga adkaadaaba.
War lama joogo waqti la xisaabtamo oo wixii
laysku haystayba daate oo dad kale ayaa gacanta
ku haya.
Siyaasigu waa inuu
xoogga saaraa marxalad kasta:
-
. Wixii dalka
dan ugu jirto
-
. Wixii dadka
dan ugu jirto
-
. Wixii isaga
dan ugu jirto
Siyaasiga nadiifka
ah ee siyaasadda saxda ah fahmayaa sidaas ayuu u
kala hormariyaa dadaalkiisa iyo aragtidiisa ku
aaddan siyaasadda.
Meel san iyo wixii
san Ilaah ha nagu aaddiyo oo ha noo sahlo.
Cumar Cabdinuur
Nuux – Nabaddoon
omarabdinur@hotmail.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Feb 12, 2005
»Maxaa
Hortaagan in idaacado madax banaan la keeno SL
| Qodax
»Boobkii
Dhulka Soomaaliyeed oo Puntland laga bilaabay |
C/waxid
»Ha la
Aamusin Aragtidaada - Faalo | Afyare
»SOOMAALIDU
MA U BISISHAHAY DOWLADNIMO ?! |
Istiilla
»YAA
U GARNAQI DOONA SOOMAALIA IYO QAB-QABLAYAASHA?
»Muqdisho:-
Soo Dhaweyntu Daacad Maka Tahay. | Asad
»BANAADIR
LAMA BOOQAN KARO, BEEN DHEH! | Garaad