Xirmaynta Bada
Waxaa muuqata oo aan qofna ka
dahsoonayn dhibaatada dowlad la’aanta ka soo gaartay badaha
Soomaaliya. Waxaa wax laga yaxyaxo ah sida dad yar oo wax
magarad ah uga faa’iidaysteen dowlad la’aanta ka jirta
dhulkeenii hooyo, badihii Soomaaliyana u soo geliyeen maraakiib
waxwalba jariiftay, iyo kuwa kale oo sunta haraaga ah ku soo
daadiya badaha. Arimahan kore waxay meesha ka saareen oraahdii
hore ee ahayd “Bada belo kama timaado,” waxaa bada inooga iman
jiray cunto sida cambar, kalluunka iwm, roobka, alaabooyinka
maraakiibtu tuurto marka badu kacsan tahay, oo waxa ugu xumi
noqon jiray khamri. Hadda waa laga baqayaa in la furo wixii soo
caarya. Waxa ugu badan ee soo caarya waa sun ama fuusto weyn oo
faaruq ah oo suntii ka daadatay.
Dhibaatada ugu weyn waxaa
badaha soo gaarsiiyey maraakiibta laga leeyahay wadamada
Thailand iyo Kuuriya oo sida ay u jilaabtaan dunida oo dhan laga
cambaareyey. Dhibaatadooda waxaa sal u ah labo arimood: Tan
hore waa iyaga oo dadka ay la macaamiltamayaan u haysan Bani
Adam wax fahmi kara ee u arka hilib hilib sidow waran, aaminsana
in aan dadkani wax fahmi karin, wax yeelan karin wax wadaniyad
la yiraahdona lahayn. Marka horeba la soco qofka Aasiyaatiga ah
diintuu doono ha haystee (in yar mooyee) waxay u aaminsan yihiin
qofka madow shaydaan; marka yaa tixgelin siinaya cahdi lala
galay shaydaan. Waxaa taa raacda iyagoo dhab ahaan u aaminsan
dicaayadihii ninka cadi fidiyey ee ahaa in aan ninka madowga ahi
waxna yeelan karin waxna maamuli karin.
Ta labaad waa iyagoo ku
kalluumaysta shabaag iyo siyaabo kalluumeysi oo la mamnuucay
1947. Haddaba, haddii aad xusuustaada dib ugu noqotid lix ilaa
todoba sano kalluunka qasaac ah ee suuqa yaalay wuxuu u badnaan
jiray wadamada Jabaan iyo Talyaaniga, maantana haddaad weegtid
waxaa ugu badan Thailand, waxaa halkaa kaaga soo baxay sida loo
xaaqay badihii Soomaaliyeed.
Waxaa la xaqiijiyey in
badweynta hindiya iyo bada cas ay ugu kalluun badan yihiin
geeska afrika, halka labada biyood ku kulmaan waa inta u
dhexaysa Xaafuun ilaa Qandala agagaarkeeda, sababtuna ay tahay
in kalluunku u soo hijroodo si uu ugu dhalo, wuxuu isaga
yimaadaa Australiya ilaa meel u dhow Koofur Afrika iyo inta u
dhexaysa. Khooriyaashaas oo dhan waa meelaha uu ukuntiisa dhigo.
Marka haddii aan u jeedno oo
aqoonsanay dhibaatada ka jirta badaheena waxaa khasab noqonaysa
in aan qaadano talaabooyin xanuun badan laakiin aan looga
maarmeyn jiritaanka dambe ee noolaha bada, dawadaba ilmaha
iyadoo kharaar ayaa ilmaha lagu qaybaa si uu u caafimaado.
Waxaa la gudboon dowlada
Federalka Soomaaliya iyo mida goboleedka “Puntland”1. Inay
xirmayso ugu yaraan 15 – 20 sano badaha Soomaaliya, lagana
mamnuuco ka ganacsiga kalluunka midka dibada loo dhoofsho.
Dadka kalluumaysatada ahna loo ogaalaado in cayiman (2kg/maalintii)
iyo qiyaas go’an (size of the fish). 2. In Xaafuun ilaa
Qandala laga sameeyo xirmo ka caagan marida iyo ka kalluumaysiga
(National Park). Maraakiibta caalamiga ahna looga digo in ay
soo maraan meeshaasi.
Haddii aynaan sidaasi yeelin
waxa nagu dhacayo tan hadda ka taagan Yurub iyo Waqooyiga
Ameericada (environmental catastrophe) oo ah in ay suulaan
noocyo badan oo ka mida xayawaanka bada dibna aan loo soo celin
karin doonin. Hadda badaha Soomaaliya waxaa wadadii shabeelka,
haramcadka, geriga, wisha, iyo maroodiga ku taagan abu-maqaska (Argoosto),
tebediinta, taraaqadda, libaaxa iyo qubada. Haddaan qaban weyno
iyadoo cid kale inagu qasbeyso ayeynu qaban doonaa waxaana soo
baxaya wixii weligeen la ina ku xaman jiray.
Bashir Salah
bashiris@hotmail.com