HALAGA DIGTOONAADO: U TAFAXEYDASHADA SIDII AMXAARO DALKA LOO KEENI LAHAA
Beryahan dambe, waxaa soo kordhayay qilaaf u dhaxeeya Dowladda iyo Madaxweynaha, oo waxaa lagu
sigtay in lagu kala dareero, wixi labada sanno loo fadhiyay. Qilaafka, inta badan waxaa abuurayay,
Mudane Cabdullaahi Yusuf Axmed, Madaxweynaha, oo meeshi uu safar u tagaba, ku dacwoonaayay, in
Ciidan Afrikaan ah, oo uu u baahan yahay, ammaanka gacan ka siiya Soomaaliya, oo ay Amxaaradu
hormuud u tahay; asagoon la tashan Ra’iisul Wasaaraha, leyskuna raacin in Ciidan Shisheeye Dalka
la keeno. Arrinta, runtii waxay, Soomaali badan iyo Caalamka, Dowladaha arrimaha Soomaaliya,
daneeya, u arkeen in ay tahay heshiis qarsoodi ah, oo uu Cabdullaahi iyo Amxaarada horay, u wada
galeen. Wax qarsoodi ah, ma ahin, in Cabdullaahi iyo Amxaarada, in ay leehiyiin xiriir dheer, oo
waqti hore ah.
Haddaba, waxaad mooda in Cabdullaahi ku guuleystay, manta (i.e., taariikhda 05-02-05), markii
Golaha Wasiirada, inti joogtay intooda badan isku raaceen, in Ciidamo Shisheeye, oo ay Asgarta
Amxaarada ku jirto dalka la keeno; olalaha ugu weynna waxaa waday reer Puntland, Bay iyo Bakool.
Waxaa diiday, oo kaliya inti meesha joogtay Sagaal Xubnood, o ku taliyay in aan lagu soo darin
Ciidamada Dalka la keenayo Dalalka Safka Hore ee Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti, sababo jiro awgeed,
weyn ku saxsanaayeen. Mida kale, soo jeedinta, waxay ahayd, mid qaldan oo aan horay Ra’iisul
Wasaaraha lagala soo tashan in Golaha Wasiirada la soo hor-dhigo; in uu dib u dhigo ayeey ahayd,
ka doodideeda. Hadda, waxaa dhiman, oo kaliya, in ay ansixiyaan Xildhibaanada Baarlamaanka
Federaalk KMG-ah ee Soomaaliyeed, oo ay tahay qaabka soo jeedinta hadda u qoran tahay, in aan la
ansaxin, oo wax laga bedelo. Xiladhibaanada Baarlamaanka, waa la sugaya arrimahan soo socda: 1) in
ay xadidaan tirada Ciidamada Shisheeye; 2) dalalka ay ka imanayaan; 3) qaabka howl-galkooda (i.e.,
Rules of Engagement); 4) cidda ay amarka ka qaadanayaan; 5) hubka iyo saanada ay dalka la soo
galayaan; iyo 6) waqti go’an oo ay dalka joogayaan.
Marna, ma qabo, in codsiga Ciidamo Shisheeye, lagu soo koobo Afrikaanka, oo ah qorsho Amxaarada
dalka lagu soo gelinaayo iyo Dalaka Muslimka, oo kaliya, oo aha, asaguna mid looga hortagayo
arrinta Amxaarada; laakin, waxaa ila haboon, inuu cosiga noqdo mid Caalami ah; si Soomaaliya gacan
looga siiyo nabadda iyo xasiloonida Dalka. Waxaan, kaloon qaba, inaan marna lagu soo darin
Ciidamada Dalka imaanayo Ciidamada Amxaarada sababahan awgood: a) waxay abuureysa colaad hor leh,
qilaaf lagu kala qeybsamo iyo dagaal Soomaaliyeed, oo uu dhiig badan ku daato; b) in isbaheysi
cusub qabiilada Soomaaliyeed ka dhex abuurmo; c) in aan hubka Soomaalida dhigin; d) in la u
gaarsado, dhuumaaleysina lagu dilo Amxaarada rayidka ah ee dalka ku nool am Ciidamadooda; e) in
Hawiye yiraahdo, Gobollada Dhexe illaa iyo Kismaayo, Ciidam Amxaaraha ah lama keeni karo ama
Amxaarada Askarteeda ha loo geeyo, reer Puntland; f) in Cabdullaahi, yiraahdo Puntland kuma jirto
goobaha Ciidamada la geynaayo, oo horay ayuu u yiri, “Puntland Dowladda ma hoos imaaneyso”; iyo g)
in Ciidamada Amxaarada iyo Keenyaatiga, oo ay ku jiraan Askar Soomaali ah, la ka kala saftaan
qabiilada Soomaaliya, oo ay isku reerka yihiin. Haddaba, Soomaaliya iyo Amxaaro, colaad dheer ayaa
ka dhaxeysa, mana leyska indha tiri karo, intii dalka bur-bursanaa dowrka ay ka qaadatay
Amxaarada, oo ahaa; a) in Ummadda Soomaaliyeed isku hubeyso, iskuna dirto; b) in ay ka shaqeyso
kala go’a dalka iyo isku dirka Somaliland, Puntland iyo dalka intiisa kale; c) in ay hubeyso
hoggaamiye kooxeed, markuu madaxa la soo kaco, uu wax is-bido, ka hoos abuurta mid kale oo isku
reer yihiin, o ay hubeyneyso, si ay u dagaalamaan; oo loo waayo, Soomaaliya cid heshiis ah; iyo d)
Amxaaro, oo aan marna hal maameyn, dagaalkii 1977-dii, dhulka Soomaliya ay ka haysato lagu
xureynaayay. Haddaba, yaan dalka la keenini, Ciidan Amxaaa ah; haddii aan la rabin qilaaf
Soomaalida dhexdeeda ah, in dowladda fashilanto iyo in Cabdullaahi Yusuf ku waayo
Madaxweyne-nimada.
Ugu dambeynti, waan qaba in Ciidan Shisheeye oo Caalimi ah dalka la keeno, oo nabad ilaaliya-yaal
ah, oo aan hub-ka-dhigis ahayn, oo arrimahan soo socda qabta: 1) suga nabadda iyo xasiloonida, si
Dowladda u shaqeyso; 2) ilaaliyaya jidadka, xafiisyadda, hay’adaha dowladda, madaxda iyo
hawl-wadeenada Qaranka iyo meelaha muhiimka ah. Laakin, loma baahna, in ay ahaadaan Ciidan soo
duula, o raba in ay Soomaaliya qabsadaan, oo ku hubeysan Gawaarida Gaashaaman, Tangiyo,
Madaafiicda Goobta, Dayaarado ama Elekobtar (i.e., Attack Helicopters). Waana, in ay sitaan
hub-fudud, amarka hawl-galkooda ka qaataan, Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya. Waana,
inuu jiro, Guddi, uu Guddoomiye ka yahay Ra’iisul Warsaaraha, xubnano ay ka yihiin Wariirada
Difaaca, Ammaanka Qaranka iyo Arrimaha Gudaha, ayagoo warbixin joogta ah ka helayo, Taliya
Ciidamada, ka wada hadla wixii qorsha ah.
Dr. Cabdi Maxamed Culusow ‘Black’
drabdi2000@yahoo.com
Afeef: Ra'yiga qoraalkan waxaa leh
qoraaga kusaxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 6, 2005
»GABAYGA
GOGOL: AKHRIS
| DHEGEYSI
[WT: Fagare]
»NOLOSHA
SOOMAALIDA:SOMALI LIFE FOR DUMMIES | M.Ahmed
»Soomaaliyeey,
dawlad la`aanta ameey noo fiican-tahay | Gaagaale
»WEY
ITAAL DHIGTEE, INDHAHA KA TUURMIYAA? | Garaad
»HAMBALYO
AROOS: Amiin Yuusuf iyo Xaawo-Kiin | Muqdisho
OGEYSIIS:
KALFADHIGA SANNADKA
2005 EE SOOMAALIDA SWEDEN
»
Dariiqada Timawaynta oo aan umadda la Ciidin khamiistii | Yagoori
»
MAQAALKA MAANTA:
Ka Taxadar Aqoonsi Xaddida
[Daray]
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|