SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

WEY ITLAAL DHIGTEE,INDHAHA KA TUURMIYAA??!!!!!!!!mursal

W/D: Mursal Max'ed Max'uud(Garaad)E-mail: stethy1@yahoo.com

Tan iyo intii la dhisay T.F.G-da, gaar ahaana wixii ka danbeeyey markii Madaxweynaha Somaaliya Col. C/laahi Yuusuf uu ka dalbday Golaha amaanka  Midowga Africa, Ciidamo shisheeye oo gaaraya ilaa 20 kun oo askari, kuwaas oo uu sheegay in ay hub ka dhigis ka samayn doonaan dalka, ayaa waxaa soo ifbaxayey Dagaalo qaraar oo ka kala dhacay Goboladda Bay, Bakool, Mudug iyo G/gaduud, waxaana gacanta ka baxay Xasilooni aan aad laysugu halayn karin oo ka jirtay Magaalooyin badan haba ugu darnaato Caasimada Muqdisha,e. Malaha Xaajaddu waa (intaan lagugu imaan, Ciil ha kaa haro).

 
    Waxa iminka dhacayaahi ma'ahan wax la arki jiray 14kii sano ee bur-burka iyo fowdada lagu jiray. Waxbana waxbaa ka darane, markaan waxaad moodaa in uu socdo mashruuc aad u balaaran oo Indhaha looga tuurayo Dalka! Waxaa socda Xusuuq saf-mar ah oo lagu hayo Aqoonyahanka Soomaaliyeed, gaar ahaan Saraakiisha Ciidamadda Xooga dalka iyo kuwa Boliskaba.
 
    Waxaa guryaha loogu dhacay 5tii bilood ee T.F.G-du jirtay Saraakiil fara badan oo ALAHA u wada naxariistee ay ka mid ahaayeen: Gen. Max'ed Cabdi, Gen. Yuusuf Sarenle, Col. Ismaciil gureey, Col. Max'uud Bataar iyo Col. Xirsi Dhoore oo noqday Sargaalki ugu danbeeyey ee la khaarijiyo, waxaa sidoo kale isla bishii ina dhaaftay ee Janaayo gudaheeda 48-saacadood kahor dilkii Col. dhoore isna la toogtay Sarkaal Wasaaraddii Waxbarashadda ka tirsanaan jiray. Waxaana lagu magacaabi jiray  Aqoontahankaas Prof. C/raxmaan(Majimoweyne). Mudaddii Qaran bur-burka waa ay dhici jireen Gabood faladda iskugu jira Dilka, dhaca, iyo af-duubka ee lagula kici jiray qaybaha wax-tarka u leh Bulshadda Sida:- Dhaqaatiirta,madaxdda Ciidamadda,qaybaha Warbaahinta iyo Aqoonyahanka kaleba, hase yeeshee Xawaarahan oo kale weli magaarin, taas ayaana in badani dhafooradda la haystaan, waxna iska waydiinayaan.
 
HADAL HAYNTA DADKA EE CIDDA LOO MALEYNAYO IN AY KA DANBEEYAAN FALALKAAN ARGAGAXA LEH.
 
    Aad ayeey Dadku ugu kala aragti duwan yihiin, marka ay timaado ka hadalka dhacdooyinkaan. Dadka waxaad moodaa in ay u kala jabeen Ilaa 4 koox oo kala Aaminsan Afar fikradood oo kala duwan...Waxayna kala yihiin sidan:
 
1. Qaybta 1aad waxay aaminsanyihiin in waxani ay tahay Mashruuc ay maal gelinayso Dowladda Ethiopia. Fikir kani aad ayuu macquul u yahay waayo taa iyo wax ka waynba waa laga filankaraa in Ethiopia ku dhaqaaqdo. Waxaan ognahay oo hubaal ah in jiilka cusub ee da'da 20ka iyo wixii ka sii hooseeyaaba aanay garanayn waxa Somaliweyn lagala jeedo,islmarkaasna aanay si saaniya u qeexi karin waxa ay u taagan tahay 5ta gees ee Xidigta ku asteysan Calanka Buluuga ah ee Soomaaliyeed, marka laga reebo tiro aad u yar oo Jaanis waxbarasho helay, iyaguna taariikh ahaan uun bay u ogyihiine, Ciddii Aqoonta u lahayd una soo joogay wax badan, loogana fadhiyey in ay soo dhiciyaan Xuquuqo badan oo Soomali ka maqan, waa kuwaa iminka ugaarsiga ba'an lagu hayo, si aanay waxba ugu gudbin uguna faa'iidayn Jiilka Cusub!!
 
2. Qoladda 2aad Waxayba si toosa ugu eedaynayaan T.F.G-du, in ay falalkaan ka danbeyso, gaar ahaan kuwooda aaminsan bay leeyihiin in Xalku ku jiro Ciidamo Ajnabiya, iyagoo sidoo kalena leh "Iyaga ayaa abuuray Waxa dhacaya, Aduunyadda ayeey uga gadayaan in Dalka waxaasi ka dhacayaan aan Cagta la dhigi karin, haddii beesha Caalamku, gaar ahaan Africa aanay ku yaboohin Ciidamo shisheeye" Fikirkani isna wuxuu kula noqonayaa macquul marka aad eegto sida Xubnaha Dowladdu ay ugu kala qaybsanyihiin qorshaha keenista Ciidamo shisheeye. Qaarkood ayaa qaba in Askari Ajnabiyihi aanu imaan karin Geyiga Soomaaliyeed, halka qaybta kale oo uu ku jiro Madaxweynuhuna ay ku adkaysanayaan in Ciidamo shisheeye loo baahan yahay, iyagoo ku andacoonaya in aan talaabo la qaadi karin, Muqdishana laga howl geli karin Ciidamo shisheeye la'aantood.
 
3. Qaybta 3-dexaad waxay qabaan in sheekadda lagu soo maleegay dhanka Somaliland,oo kooxo iskaashaday oo muqdisho jooga iyo kuwo maamulka somaliland ka tirsani hawshaan  wada jir u fulinayaan. Qaybtani waxay ku doodayaan in Saraakiisha lagu dilay Muqadisho ay kujirayn Rag ay ka mid ahaayeen: Gen.Talan oo isaga la dilay Waqtigii Dowladdi Carta lagu soo dhisay ay Dalka timid. Wuxuuna ahaa  Reer Boorame, Col. Ismaaciil gurey oo Reer Sool ahaa, iyo Gen.Sarenle oo reer Sanaag ahaa. Beelaha ay ka soo jeedaan Saraakiishaasi waxay deganyihiin oo ay ka soo jeedaan  Deegaano Gobolada Waqooyi katirsan, laakiin aysan deganayn qolyaha sida aadka ah ugu ololeeya gooni-isutaaga somaliland.

     Guruubkaan 3edexaad ood moodo in ay Cidiyaha  ku dagaalamayaan waxay ku andacoonayaan in CID-da somaliland ay howshaas fulinayaan si beelaha kale ee aan Isaaqa ahayn looga gooyo jacaylka ay somaliweyn u qabaan, gaar ahaan dadka ku nool Muqdisho.
 
4. Qaybta 4-aad oo aad u yar waxay qabaan in Fallalkaas Argagaxa leh ay ka danbeeyaan Culimaddu, gaar ahaan Maxkamaddaha. Maadaama bay leeyihiin ay Wadaadadu horay ugu goodiyeen in ay Jihaad Iclaamin doonaan haddii 1-Askari yimaado Dalka. Qoladani waxay ku doodayaan in Saraakisha La,laayey ay ku jiraan qaar aad ugu Ole-olaynayey keenista Ciidamo shisheeye. Hase yeeshee taasi waxay beenoowday Markii Madaxdda Maxkamadduhu ay ku yaboohayn in ay xil gaara iska saari doonaan Sugida ammaanka Saraakiisha Soomaaliyeed, si ficil ahna waxay ku soo furteen Sargaal u af-duubnaa koox dabley ah..dhanka kale Maxkamaduhu waxay noqdeen Cidda ugu horaysa ee ka hadasha, Xusuuqa lagu hayo Hantida Dalka(Aqoonyahanka). Isku soo duuboo midkasta oo ka mid ah 4taa qaybood ee la hadalhayo, iyo haddii ay qolyo kale soo baxaanba Taariikhda ayaa Xusi doonta oo kala cadayn doonta, maalin ayaana la abaal marin doonaa dhagar qabayaashaas.
 
MAXAA LA GUDBOON BULSHADDA, SI AY ISKUGU TASHATO????
 
   Markasta oo ay dhacaan falal qarbudaad ah, waa iska caadi in aad maqasho Tiro Hay'adaa oo jeedinaya canbaarayn, Warbaahinta oo dood ka samaynaysa iyo Shaqsiyaad Magac ku dhex leh Bulshadda oo ku biirinaya Codkooda sida ay uga xunyihiin waxa dhacay, hase yeeshee waxaad moodaa in ay Aamusnaan uun ka roontahaye aanay macno badan samaynayn. Tusaale: Dadku markasta waxay la kulmaan Falal qarbudaad ah, qof walbaahina isagoo u jeeda ayuu indhaha ka dadbanayaa, islamarkaasna wuxuu sheegayaa in uu ka xunyahay. Hadaad waydiiso Maad  gacan siisid qofka hortaada logula  xad gudbayo wuxuu ku leeyahay "sheikh aniga ha i dakanayn, hadaan naftayda la iigu imaan meeshaydda u dhaafimaayo". Hadaba waa muuqataa in Dadkii ka xunyahay Falalka wuxuushtinimada ehe, waxaa dhiman oo kaliya in si practical ah la'isugu tashado, oo wax loowada qabsdo. Waxaan jeclaan lahaa in aan soo bandhigo talooyinka uu Aniga Xalku igula jiro.
 
1. In Culimaddu Wacyi gelin joogto ah sameeyaan, si dadka loogu baraarujiyo xaqa.
2. In la kor dhiyo Ciidamadda Maxkamadaha iyo kuwa Madaniga lagana saaro habaca ku jira.
3. In laba Al-baab Ganacisi-kasta oo iska soo horjeeda aanay ogolaanin, in falal burcadnimo dhexdooda laga fuliyo.
4. In Dhaqaale loo qoon deeyo dhinacyadda ku howlan sugidda nabad gelyadda, si niyadooda kor loogu qaado.
5. In Saraakiisha Ciidamadda loo sameeyo Ilaalo gooni ah, gaar ahaan in ay dhexdooda iska abaabulaan, inta ay ka soo baxaan Qabiilka ay dabadda la kala galeen.
6. Fulinta Howshan waa in ay iska kaa shadaan dhinacyadda Warbaahinta, Ganacsatada iyo Aqooyahanka.
 
Wabilaahi towfiiq

W/D: Mursal Max'ed Max'uud(Garaad)E-mail: stethy1@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: Somalitalk.com | Feb 3, 2005


»NOLOSHA SOOMAALIDA:SOMALI LIFE FOR DUMMIES | M.Ahmed
»Haddii Samsam soo Baxayso maxaa Samir naloo ka Waayey c/waxid
» GABDHAHA [GABAY] [WT. Stanza]
»UJEEDDO BADAN: Faalladii Isniinta ee Fahad
»GABAY: GAASHAANDHIG [WT. M. Cibaar]
» Ciraaq: Doorasho duulaan iyo doolar ka danbeeya, ayaa ka dhacday
» MUQDISHO MAAMUUSKEEDII DIB | Khaliil
» Sidaad Kaga Taxadari Kartid in Aqoonsigaaga La xado | Daray
» DGPL Ma C/laahi baa  Magacaabay mise Cade? | Dhooye
» FAALLO: Heshiis Lagu Siray Reer Puntland

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD