SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

Miless Zanawi: Ilinta Iska Tir

Ra'iisul wasaaraha Ethiopian Meles Zenawi oo wajiga qabsaday markii uu khudbada jeedinayey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan, khudbadaas oo ku saabsanayd arrimaha Afrikaanka, taas oo uu  July 1, 2006 ka jeediyey kulanka Midowga Afrika uga socda caasimada dalka Gambia ee Banjul. Kulankaas oo laba maalmood soconaya waxaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo gobolka Dafur ee dalka Suudaan. Sawirka REUTERS.
Warbixinta Khudbadii Annan ka akhri halkan...

 


Laguye Wasiirraa is Casilaya

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

Aug, 2006  

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Wasiirka iyo wasaaradda yaa horreeya? Arrintu ma joogto falsafaddii ahayd: ukunta iyo digaagga kee horreeyey. Is-casilaadda “wasiirradu” waxay la mid tahay sheeko-xariireedkii Soomaaliyeed ee oraneysay: waxaa meel wadajoogay afar nin oo midi dhego la’aa midna indho, midno lugo midna qaawanaa. Kii dhegaha la’aa baa yiri: sac baa seeri ka ciyey! Kii indhaha la’aa baa isna yiri: arkaayoo giiran! Kii lugaha la’aana yiri: aan cararno. Kii qaawanaa baa isna yiri: amaa nala furtaa? Bal Ilaahay baan idinku dhaarshee jagadee iyo shaqadee hayeen oo iska casilaan? 

Haddii la is yiraahdo ninkani waa mucaarad marka yaan loo qaban wuxuu ka sheego labada gole ee dowladda; waxaan idin xasuusinayaa waxay ku hadleen dad badan oo ka mid ah labada gole ee dowladda. Markii madaxweynaha iyo afhayeenka baarlammaanku go’aan ku gaareen Cadan inay labada gole lagu shirayo Baydhabo ayaa waxaa Xamar ku haray dhowr wasiir oo markii la dambe la magac baxay: la dagaallanka argagixisada. Midkood baa la yiri haddaad Baydhabo tagiweydaan soow kama baqaysid in la idin ka qaado jagada wasiirnimada? Wuxuu yiri: muxuu yahay wasiir aan guri, gaari iyo xafiis lahayn? Marka yaa raba jago noocaas ah? Ee ha qaateen hadday rabaan. Waa runtiis. Sidoo kale markii xildhibaan Cali-baashi ka hor akhrinayey baarlammaanka hortiisa mooshinkii la rabay in Geeddi looga takhaluso buu sheegay in golaha wasiirrada shaqadoodii ay qabtaan Geeddi iyo labo wasiir. Isla maantadan oo Jimce ah ayaa waxaa hadalka xildhibaanka oo kale ku ceshay Cabdi Maxamed Tarrax oo ah wasiirka warshadaha. 

Maaddaama dad badan oo maqaalkan akhrinaya ay ardaynimo soo mareen bal aan suureeyo wasaaraddii waxbarashada iyo barbaarinta. Waxaa hoos imaanjiray boqollaal kun oo arday; kumannaan macallimiin, boqollaal xoghayayaal; intaas oo agaasime waaxeed; agaasime guud, darawallo, biyatooniyaal iyo iskuullo. Ha iloowina wasiir-ku-xigeen iyo weliba qofkii u qeybsanaa xisbigii Kacaanka. Marka wasiirku wuxuu u baahanyahay dad iyo agab kale oo hoos yimaada. Haddii iyadoon wasaarad jirin la magacaabo wasiir waxay la micno tahay adoo gaari faraska ka hormariya faraska! Bal gaari-faris ha jiido faraska! Ama nin fura haweeneyn u doonnan oo aan weli loo meherin. 

Waxaa taas ka daran, markii wasiirradii waayeen meel ay salka dhigaan ayaa qaarkood waxay bilaabeen iney raadsadaan shaqo ku lid ah tii ka turjumeysay magaca wasiirraday wataan. Soow meynaan arag wasiirkii ganacsiga oo inta hay’ad sirdoon shirqool la galay rabay inuu culumadii iyo shacabkii Soomaaliyeed ka ganacsado? Wasiirkii ammaanka oo sidii horay loo sheegay ka shaqeynaya ammaandarrada Xamar? Wasiirkii arrimaha gudaha oo isbaaro u taal Xamar? Kii kalluumeysiga iyo kheyraadka badda oo badaheenna soo galiyey maraakiibta jiraafka inta xoogaa laaluush ah ka qaatay? 

Marar badan baa la sheegay iney fiicantahay samo-saadsiga. Waxaa la sheegaa in markii go’aan lagu gaaray in Baydhabo la i sugu keeno labada gole la isweydiiyey meesha baarlammaanka la fariisinayo. Ma bakhaarradii hay’addii horumarinta beeraha mise iskuul? Fiicnaanlahaydaa iney iskuulka doortaan. Belaayaba ugama horreyn markey doorteen bakhaar gelley. Dadka kuwooda liita waxaa lagu sheegaa buunshe. Buunshe iney yihiin oo bakhaar ku habboon lagu shiriyey waxaa u daliil ah: waxay intoodii badneyd u codeeyeen in ciidamo shisheeye oon laka saarin la keeno Soomaaliya. Ogaada, waa taas midda keentay in Xabashidu si aan leexleexad lahayn ugu dhiirratay iney soo gasho Soomaaliya. 

Fiicnaanlahaydaa hadday saxaafaddu ka fogaato buunbuunista is-casilaaddaas. Ma ahan in saxaafaddu mar kasta sanka naga soo geliso arrintaas oo ay ka fiiriyaan sida qolyaha iska soo horjeeda ee labada gole u arkaan. Haddaad iska horkeentid oo dadka waqtiga uga qaadid inaad labo qof oo labadaas kooxood ah aad waqti dheer madaxa isu gelisid maxaa laga dheefayaa? Arrinta waxaa loo cabbiraa sida shacabku arko oo qaranka dani ugu jirto. Arrintaas wax micno oo weyn uma laha shacabka Soomaaliyeed. Maxaa yeelay markey wadajoogeen ooyna is qabanba waxba nooma kordhin aan ka ahayn iney cadowgii Soomaaliya helay qiil uu ku soo galo waddanka Soomaaliyeed. Marka is-casilaaddoodu waxay dani ugu jirtaa shacabka Soomaaliyeed. Markay BBC-du tiraahdo: qalalaasaha ka jira Baydhabo, yey ula jeedaan? Arrinta uma aha shacabka Soomaaliyeed qalalaase ee waa u naruuro. Marka saxaafaddu haka fiirsadeen iney u shaqeeyaan shacabka iyo in kale. 

Haddaan hal tusaale soo dhexgeliyo oo ku saabsan maxkamadaha soo ma muuqato in golayaasha maxkamaduhu ka caqli badan yihiin kuwa dowladda? Jagooyinka dhifka ah ee maxkamaduhu magacaabeen waxaa ka mid ah: maareeyaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Goormaa xilkaas la doortay? Waxay doorteen markii la sugay ammaanka garoonka iyo guud ahaan Xamar. Markii wax laga qabtay nadaafaddii garoonka. Markii diyaarado ku soo dageen garoonka oo uu howlgalay. Marka dhib ma leh in maareeyuhu inta kursi iyo miis soo qaato uu fariisto bannaanka ama dhismo burbursan maxaa yeelay ugu yaraan waxaa halkaas ah wax la maareeyo. Laakiin 99% wasiirrada dowladdu ma laha wax ka badan isaga iyo ku-xigeenkiisa iska daa xafiis iyo wax kalee. Marka muxuu iska casilaa? Mise waa armaa nala furtaa?! 

Waagii Eldoret la fadhiyey waxaan dagaaloogayaasha siiyey calaamad taban. Waxaan soo iri haddii la isku daro waxaa sii bata dhibkooda anoo ka dhigay: 

(-1) + (-1) + (-1) + (-1) + (-1) + (-1) + (-1) + (-1) + (-1) = -9 

Micnuhu waa haddii dadka shacabka ah oo wata calaamad togan lagu daro dagaaloogayaasha waxbay naga goosanayaan. Marka haddaan u naxariisanno xildhibaannada aan dagaaloogayaasha ahayn waxaan ku sheegikarnaa eber (0). Markey dagaaloogayaashu Xamar joogeen, maalin kasta Xamar wax baa lagu dilijiray. Hadda markii dagaaloogayaashu Baydhabo tageen waxaa yaraaday dhibkii Xamar ka jiray oo wuxuu u wareegay Baydhabo maxaa yeelay waxay wataan calaamad taban. Aniga, dagaalooge waa ii dagaalooge gobol kasta haka soo jeedee. Marka xildhibaannada eberka ahi waxba nooma soo kordhinkaraan hadday is casilaan iyo haddii kalaba. Waxay ku fiicantahay in iyaga laftooda la siiyo calaamad taban ileyn waa kuwii u codeeyey in ciidamo shisheeye oon lakala saarin la keeno Soomaaliyee. 

Waxaa taas u dheer waxaa lagu soo doortay dhul shisheeye. Waxaa soo xushay shisheeye iyo sharwadayaal marka laga reebo in yar. Waxay diiddanyihiin Shareecada Islaamka oo waxay jeebka ku wataan sharci shisheeye iyagoo kale ahi dejiyey. Marka qof kastoo muslim ah oo Soomaali ahi wuu ku farxayaa is xagxagashadooda. Marka qofkii dadka noocaas ah wax ka filayey waa khaldanyahay. Marka dadkaas leh waan is casileynaa waxaa u fiican in inta Ilaahay u toobadkeenaan ay dhibka ka daayaan diintooda iyo dadkooda. Sidoo kalana dhinac ka raacaan dadkooda oo qof walba wuxuu yaqaan ku shaqeysto. Haddaan shacabkii nahay waxaan noo yaal sidaan wax uga qabanlahayn Xabashida dalka ku soo gashay waxay iyagu u codeeyeen. 

Waxaan kaloo maxkamadaha kula talinayaa ineysan soo kala dhoweysan C/hi iyo Geeddi. Wey fiicantahay in lakala dillaalo maaddaama ay cadow ku yihiin qaranka Soomaaliyeed laakiin ma ahan arrin fiican in la yiraahdo waxaan soo dhoweyneynaa C/hi iyo Shariifka si Geeddi meesha looga saaro. Yaa Geeddi markii hore keenay? In kastoo Zenawi keenay haddana waxaa ku dhawaaqay C/hi. Marka nimanku iyagaa u dhaarsan ineysan kala harin ee sidaas ha ahaato. Xisaab ahaan haddii la isku dhufto labo qof oo wata calaamad taban waxaa soo baxaysa mid togan: 

 (-1) x (-1) = 1 (maxkamadaha). Soow awalba ka meynaan faa’iidin isku-dhicii u dhaxeeyey labada gole ee kala joogay Xamar iyo Jowhar? Soow maxkamaduhu kama soo dhexbixin? Marka Ilaahay idinkiis, tanna waxay keeneysaa kacdoon shacab oo ka bilaabma Baay iyo Bakool oo gaara Soomaaliya oo dhan. 

Hooyadeen Caa’isho (RC) ayaa mar mar iyadoo Nabiga (SCW) ugu talogaleysa ku dhaaranjirtay: Ilaahii nabi Ibraahim baan ku dhaartee saas iyo saas. Marka hadhow nabi (SCW) weydiiyo arrintaas bey dhihi jirtay xanaaq dartiis baan saa u yeelayey ee magacaaga keliya ayaan ka hijroonjiray ee ma jirto nacayb iyo cuqdad aan kuu qaaday. Waxaan uga danleeyahay, waxaan shaki ku jirin ineysan jirin jagooyin ay iska casileen wasiirradaasiye ee keliya waxay hadda iska casileen magacii masabidka ahaa ee ay wateen. Marka inta Ilaahay ka baqaan meel hanaga fariisteen. 

Waxaan shacabka kula talinayaa inay raacaan oo la shaqeeyaan maxkamadaha. Iyagaa yaqaan si jago loo magacaabo. Hadda markay wax ka qabteen dekedda weyn oo ay soo dhowdahay in maraakiib ku soo xirato ayaa la filayaa iney maareeye magacaabaan.  Soo ma aha sidii la rabay? Sidoo kale waxay magacaabeen guddi nabadgelyo markey Xamarna gacanta ku dhigeen oo sidii markaan ka soo hadlayey wasaarrada waxbarashada ay isla haleen dad, ciidan, Xamar iyo agabkii kale ee nabadgelyada lagu sugilahaa. Marka waa sidaas sida fidrada iyo diintu qabtee hala raaco maxkamadaha. Marka wax is casiley ma jiraane keliya waxay la mid yihiin ciiddii inta weel dhexda laga sirqiyey lagu shubo si saacad ahaan loogu isticmaalo markay dhinaca hoose ku dhammaato inta kii hoose la kormariyo si ay hoos haddana u aado 24-ka saac ee soo socda. Marka dadku iyaga uun baa hadba magaalo ku shubmayee ma jirto wax dan ah oo ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed. Kuma dambaabayo haddaan dhaho waxay iska casileen Soomaalinimo markay u codeeyeen in la keeno ciidamo shisheeye oon laka saarin.

C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | AUg 5, 2006

WARBIXIN: MAALINTA DEGAANKA ADDUUNKA
Abshir Bacadle "Dhulka dhiig Bixiisu waa kuwa Dhuxusha Dhoofiya"... Guji...


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD