SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

Miless Zanawi: Ilinta Iska Tir

Ra'iisul wasaaraha Ethiopian Meles Zenawi oo wajiga qabsaday markii uu khudbada jeedinayey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan, khudbadaas oo ku saabsanayd arrimaha Afrikaanka, taas oo uu  July 1, 2006 ka jeediyey kulanka Midowga Afrika uga socda caasimada dalka Gambia ee Banjul. Kulankaas oo laba maalmood soconaya waxaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo gobolka Dafur ee dalka Suudaan. Sawirka REUTERS.
Warbixinta Khudbadii Annan ka akhri halkan...

 


Marxuum Deeroow Xabaal Galyaye, Xukuumadda Geeddi ma ka Dabo Geleysaa

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

July 29, 2006  

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Waxaan Ilaahay ka baryeynaa inuu naxariistiisii janno geliyo wasiirkii dastuurka, Cabdalla Deeroow Isaaq. Ehelladii, qaraabadii iyo dadka Soomaaliyeedna samir iyo iimmaan ka siiyo. 

Waxaa geesinimo ugu filin in raggii dowladda ugu sarreeyey oo aashuun ku addima Jowhar markuu Maxamed-dheere heystay in marxuum Cabdalla uu afkiisa furtay mar uu qoonsaday siyaasadda Maxamed-dheere khaasatan markii Maxamed-dheere heshiis aan taabbogelin la galay Indho-cadde. Waxaan marxuumka ku leennahay sidii nin gabyaa ahi uu gabyaa kale ugu duceynayey wuxuu yiri: 

  • Doorroone mawdkii hadduu, dunida kaa dheelmay
  • Malag Eebbe soo diray hadduu, maradii kaa diiray
  • Gegi ay dillaacsheen haddii, lagugu hoos duugey
  • Rabbi kuu dallaayadi qabriga, labada daamoode
  • Oo derejo dheer iyo ku saar, dadab sariireede
  • Ku dangiigso meel roon adaan, diinta caasiyine
  • Denbidhaaf lagaa yeel wadaad, daahiraad tahaye
  • Durdurkii firdowsiyo ku waar, daar naciimo ahe
  • Duddadii Rasuulkiyo la showr, duul malaa’ig ahe
  • Dulinkii cadaabeed Ilaah, kaaga derejeeye
  • Jahannamo ka durug waadigii, daacadda ahaaye
  • Dahrigaaga naartii Allow, aanay ku doobbayne
  • Dulmi nimaan aqoon Aakhiraa, dabaq la seexshaaye
  • Nin dallacay ahaw oo waxaad, doontaba ha waayin
  • Dunji xuuralcayn ihi Jannada, kuu dabbaaldega’e
  • Afartaas midaan kuu dalboo, kuu durraansaday dheh
  • Kalgacayl dun weyn oo qalbiga, igu dahaarraa dheh
  • Ducadayda aammiin in uu, Daayin kuu qoro’e

Horta dhowr jeer baan maqalnay dad masaajid ka soo baxay oo dariiqa lagu dilay laakiin intooda badan waxay dhaceen qorraxda oon soo jeedin sida salaadda Maqrib kaddib ama Cishaha ama Subxiga. Sidaan la soconno, Xamar dadka dhibta ugu badan ku qabay waxay ahaayeen dadka aan hubeysneyn ama danyarta ah. Lama sheegin cabsi ay qabeen dagaaloogayaashii ay ka mid ahaayeen kuwii la dagaalanka argagixisida laakiin iyagaaba laga baqijiray. Hadda arrinta Baydhabo waa ka duwantahay. Waxaa la dhaawacayaa ama la dilayaa xildhibaannada ama dadkii ugu caansanaa ee ka soo jeeday gobollada Baay iyo Bakool!  

Sidaan la soconno, Jimcuhu waa ciidda toddobaadka ee muslimiinta. Marka yaa ku dhiirrankara in maalintaas iyo salaadda sidaas loo weyneeyo qof mas’uulkaas oo kale ah lagu dilo duhur cad dhulkuu ka soo jeeday? Horta sidaan marar badan xusay, hadda Ilaahay Xamar waa uga raayey dilalkii noocaas ahaa. Anigu waxaan qabaa sida Soomaali badan qabto in arrintaas ay ka dambeeyeen cadowga Soomaaliya oo Itoobiya u horreyso. Arrintaas waxaa shalay ka dhawaajiyey guddoomiyaha golaha fulinta maxkamadaha. Marka haddiiba ay Xabashidu hadda Baay iyo Bakool heysato ma dhicikartaa iney sii wadato howlihii lagu tuhunsanaa? 

Dhowr qof baa i tiri maxaad diinta u daliishataa markaan maqaallada qorayo?! Waxaan ku iri oo haddaan muslim ahay maxaa ka fiican inaan diinta Ilaahay daliishado? Maxase kale oon daliishadaa?! Bal hadda aan suugaanta Soomaalida dib ugu noqdo. Oo iyada lafteedu diin maka dhammaaneysaa? Hal-abuurro Soomaaliyeed oo ka hadlaya dambiga kala geynkara rag iyo dumar is raba. Midkood wuxuu yiri: 

  • sidaan ahay nin gaaloo
  • Xarameynkii galayoo
  • gubey maalin ciideed
  • lagu soo gurmaday baad
  • gebi dheer i saartood
  • igu gooni baartee
  • guur ha iga filanine
  • gurigeyga ii dhaaf

Mid kale wuxuu yiri:

  • ma deyrkii Makaan gubay
  • dunidaaba olashee

Labada hal-abuur (ma hubo inuu isku hal-abuur tiriyey) waxay wax u cabbireen sidii la rabay. Ma filayo in la helikaro qof sidaas si ka sarreysa wax u cabbirikara. Maaddaama Ilaahay yiri: (WALKAAFIRUUNA HUMUDDAALIMUUN) oo ah gaalada uun baa daalimiin ah. Haddii sida culumadu sheegtay Ilaahay oranlahaa (WADDAALUMUUNA HUMULKAAFIRUUN) qof kastoo dulmi sameeya wuxuu ahaan lahaa gaal. Marka naxariista Ilaahay baa wax kasta ka weyn. Labada hal-abuur waxay soo qaateen qaar ka mid ah Shacaa’irta Islaamka kuwooda ugu waaweyn sida iyadoo maalintii weyneyd ee Xajka la joogo oo dadkii Ilaahay ciidayaan inta qof weerar ku soo qaado Masidka Xaramka uu gubo. Weliba bishii Xajka iyo magaaladii Maka. 

Waxaan aamminsanahay in falkii shalay lagu dilay Cabdalla Deeroowna ay ka dambeeyeen gaalo iyo gaalo-raacyo maxaa yeelay ma filayo in qof kale waxaas ka suurtoobikaraan. Marka dadka Soomaaliyeed ha arkeen sida labada hal-abuur noo barayaan gaalada iyo ficilladooda. Waxaa shacabka Soomaaliyeed laga rabaa khaasatan kuwa Xamar degen iney ka digtoonaadaan in mar dambe ay soo noqoto dilalkii noocaas ahaa. Sida Sheekh Shariif idiin sheegeyna aad feejignaataan oo qof walba ishii Soomaaliyeed noqdo oo naga jiraan nacabkeenna. Haddii taasi dhacdo lama helayo qof nagu soo dhexdhuunta oo diinteenna iyo dadkeenna wax gaarsiiya. 

Xukuumadda Geeddi mala ridi doonaa? Horta anigu jawaab uma hayo maxaa yeelay siyaasiyiinta Soomaaliyeed la iskuma halleynkaro. Midkood maanta mabda’ iyo qof buu aamminsanyahay; berrina mabda’ iyo qof kaluu jeebka kala soo baxaa sidii isagoo qof kale noqday. Laakiin haddii maanta oo Sabti ah uu dhici lahaa waxaan is oranlahaa waxaa badnaa xildhibaannada ka soo horjeedda Geeddi. Run ahaantii, sida ay siyaasiyiinta iyo xildhibaannadu sheegeenba ma jirto wax loo sii hayo Geeddi. Waxba ma soo kordhin aan ka ahayn soo gelidda ciidanka Itoobiya ee Soomaaliya. Arrintaasi waxay dadka qaarkiis ula muuqan kartaa guul! 

Waxaan aamminsanahay inay tahay fursaddii ugu dambeysay ee korneylka. Waxaa fiican in inta uu ceyrsho Geeddi uu tago shirka Khartuum oo yiraahdo: waryaaya maxaa noo dan ah. Kolley Shariif Xasan iyo isaga cidna jago uma diidana. Hadday taas diidaan waxaa dhicikarta in wasiirro iyo xildhibaanno badan ay Xamar aadidoonaan. Haddeerba dadka Soomaaliyeed waxay ka soo horjeesteen farogelinta ciidanka Itoobiya. Dad badan oo si uun ku soo dhoweynjiray dowladda ayaa hadda ka gows adeygaya taageradeeda waxaana u soo baxday inaan dowladdu tixgeliney rabitaanka shacabka marba haddey rabto inay ciidan Xabashiyeed kala dhexdhigto iyada iyo shacabkeeda. Haddii korneylku ka faa’iideysanwaayo fursaddaas waxaa dhicikarta in shacabka Baay iyo Bakool ay sameeyaan kacdoon la mid ah kii Xamar. Ileyn shacabka gobolladaas waxay u jeedaan sida Ilaahay maxkamadaha ugu soo diray Xamar. Waxay sidoo kale arkaan sida markey Baydhabo soo galeen dagaaloogayaasha oon la kala saarin ay nabaddii  faraha uga baxday. Marka nasiibkey  shacabka Baydhabo ka haleen dowladda waa iyagoo waayey malaaqyo iyo xildhibaanno ay xushmeynjireen sidoo kalana laga dhaawacay xildhibaanno iyo madax kale. 

Waxaa maxkamadaha laga rabaa ineysan dayacin ammaanadaas Ilaahay. Ilaahay guushaas nooma siiseen inaan ku raalligelino shisheeye iyo cilmaaniyeen ee waxaa la rabaa inaan Ilaahay raalligelinno oo kusii shukrinno. Waa loo baahanyahay in la soo dhoweysto odayaasha iyo qeybaha bulshada oo dhan laakiin waa in mar walba arrinta Soomaaliya ay ka taliyaan dadka waxna guntikara waxna ka go’aan oo caqliga u saaxiibkaa. 

Maaddaama uu Cabdalla Deeroow maalin Jimce go’ay waxaa fiicnaanlahayd in xukuumadda Geeddina go’do oo god gasho maalin Axad ah ileyn waa maalin ku weyn Meles Zenawi iyo wixii raacsane.

C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 29, 2006

WARBIXIN: MAALINTA DEGAANKA ADDUUNKA
Abshir Bacadle "Dhulka dhiig Bixiisu waa kuwa Dhuxusha Dhoofiya"... Guji...


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD