SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
mad dog
DAAWO: Video: Meles Zenawi oo Afkiisa ka Qirtay in uu Weeraray Qaranka Soomaaliya
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo


kalmoyKornayl Sheegtay in uu Soomaali yahay oo Hadallo La Yaab Leh Ku Hadlay isagoo difaacaya gumeysiga Itoobiya... daawo
"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...
QaadDuullimaadyadii Diyaaradaha Qaadka ee La joojiyey oo khasaare ba’an ku haya Kenya Qaadka laga joojiyey Soomaaliya waxa uu hoos u dhac ku keenay... Akhri...
Caddayn: Shirkadda Consort oo ka Diiwaan Gashan Maldives
Wasaaradda Ganacsiga ee Dalka Maldives ayaa dhowaan si rasmi ah shaaca uga qaaday in shirkadda... Akhri...
hooyoSoomaaliya: Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed...
Akhri..



Arbaca, Dec 27, 2006

Maxkamadaha oo Dib uga soo gurtay Jawhar

Magaalada Jawhar ayaa waxaa maanta qabsady ciidamada gumeysiga Itoobiya, waxayna magaaladaas ku soo celiyeen Qabqablihii Dagaalka, Maxamed Dheere. Xabashida halkaas soo gashay waxaa muuqata in aysan magaaladaas keenin dolwadii lagu soo dhisay Nairobi, balse ay kusoo celisey qabqalayaashii ka soo horjeedey dowladdaas Nairobi ee kumeel gaarka ah.

Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta oo ku Baaqay in Ciidamada Itoobiya degdeg uga Baxaan Ciida Soomaaliyeed

Ururka ay ku midoobeen dalalka Afrika ayaa ku baaqay in Itoobiya ay ciidamadeeda kumanaanka ah si degdeg ah ugala baxdo Soomaaliya, sida ay werisey jariidada Telegraph.

"Waxaan ugu yeereynaa Itoobiya in ay ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya iyadoo aan arrintaas dib u dhigayn", sidaas waxaa yiri Alpha Omar Konare oo ah madaxa ururka Midowga Afrika.

Sidoo kale kulan degdeg ah oo ay Magaalada Qaahira ku yeesheen ka bacdi, ururka midowga Carabtu waxay Itoobiya ugu yeereen in ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, waxayna sheegeen in dagaalka u dhexeeya Itoobiya oo garab siineysa dowlada kumeel gaarka ah iyo Maxkamadaha Islaamiga ah in uu dagaalkaasi halis gelinayo xasiloonida geeska Afrika. {Isha: Telegraph}

Wasiirkii Dib u Heshiisiinta oo Xilkii laga qaaday

Warar laga helay xafiiska Itoobiya ku leedahay magaalada Baydhabo ayaa lagu sheegay in Cali Maxamed Geedi uu jagadii ka qaaday Maxamuud Jaamac Sifir oo ahaa wasiirka dib u sheshiisiinta iyo jaaliyadaha dibadda u qaabilsana Dawladdii lagu soo dhisay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ee Kumeel gaarka ah.

Sifir waxa uu ka mid yhay wasirada ka tirsana Dowladii Nairobi ee diidan dagaalka ay Itoobiya ku soo qaaday gudaha Soomaaliya.

Wakiilka Dowladii Nairobi u Fadhiya Addis Ababa oo la hadlay reer Itoobiya

Cabdikariim Faarax oo ah wakiilka dowladii lagu soo dhisay Nairobi ee kumeel gaarka u fadhiya Addis Ababa oo hadal dadka reer Itoobiya uga jeediyey telefishanka Tigreega ayaa la weydiiyey su'aalo dhawr ah oo ku saabsan waxa ay samaynayaan marka ay dhammaato labada sano ee ka dhiman xilligii loo qabtay dowladda Soomaalida loogu soo dhisay Nairobi, asagoo su'aalahaas ka jawaabaya, lana hadlaaya shacabka Itoobiya...Ka Daawo Halkan...

Saadaalin Dagaal Ka Bilowda Addis Ababa iyo Buubaa oo Ku Hamiyaya in Gumeystayaashu Qaadka u Furaan Muqdisho...

Sida ay wersiey shabakada forbes.com oo soo xiganeysay qoraal ay qortay wakaalada wararka ee AP, qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha Islaamka ayaa ku hanjabey dagaal ah nooca guerrilla-ha oo ay ka mid tahay in qaraxyo is biimayn ah lala beegsado magaalada Addis Ababa ee Caasumada Itoobiya. [Itoobiya waxay 25kii December diyaarado ku duqaysay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho].

Dhanka kale golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa la isugu yeeray si ay kulan degdeg ah uga qaataan dagaalka ka dhexeeya Itoobiya iyo Soomaalida.

Wasiirka Arrimaha Dibbada DFKMG, Ismael Mohamoud Hurreh, oo cadayn ka bixineyn qaar ka mid ah ujeedooyinka dagaalka ay Itoobiya u soo gashay ayaa sheegay in ay tahay in la fasaxo Qaadka, oo sida la ogyahay uu ku tiirsan yahay dhaqaalaha wadamada dhulka ka gumeysta Soomaaliya. Buubaa oo warfidiyeenadda kula hadlayey Nairbi waxa uu yiri: "Dad badan oo ku sugan Muqdisho waxay jeclaan lahayeen in ay calashadaan Qaadka, maxkamaduhuna ay ka hor leexdaan.", Waxaana jariidu tiri, Buubaa waxa uu halkaas uga jeedaa Caleenta Daroogada ah [narcotic leaf] ee ay maxkamaduhu mamnuuceen. Waxaana jariidadu raacisay: Si kastaba ha haatee Soomaalid aad u farabadan ayaa ad uga caraysan duulaanka ay Itoobiy aku soo qaaday sababtoo ah dalalkaasi (Somalia/Itoobiya) waxay galeen labo dagaal 45-tii sano ee ugu dambeysey kuwaas oo la xiriira xuduudaha... [Eeg: halkan....]. [Qaadka waxaa daba socda ama ku lifaaqan fisqiga, sida shineemoyinkii lagu dhigi jirey filimada jinsiga ee xamar lagu arki jirey waagii qabqablayaashii dagaalku joogeen.]

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii jariidada Washintonpost ay qortay in shacabka Addis Ababa ay dagaalka Meles Zenawi ku qaaday Soomaaliya u arkaan mid uu mucaaradka indhohooda kaga jeedinayo shacabkiisa si uu xukunka u soo haysto. Waxaana hadda shaac baxaya ifafaale muujinaya in xiriir toos ah dhex mari doono shacabka Soomaaliyeed iyo Shacabka Itoobiya ee ka soo hor jeeda xukunka dergega ee Zenawi.  [Eeg: Halkan].

Cismaan Maxamuud Cismaan (Dhegaweyne) oo Lagu Diley Kismaayo

Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegay in halkaasi lagu diley wakiilkii Shirkadda Diyaaradaha ee Jabuuti Airlines ee Soomaaliya, waxaana la sheegay in meydkiisa la helay, ilaa haddana ma jiraan wax cadayn ka bixiyey sababta loo diley marxuumka, Allah ha u naxariistee, wixii faahfaahin naga soo gaara gadaal ayaan ka soo sheegi doonaa.

Wararkii Shalay hoos ka akhri


  • Ciidamada Maxaakiimta oo isku dhaarsaday in ay iska difaaci doonaan Gardarrada Itoobiya..
  • Sheekh Shariif oo sheegay in ciidamada Maxaakiimta ay adeegsan doonaan..
  • Dowladda Ereteriya oo sheegtay in Mareykanku masuul ka yahay dagaalada Ciidamada..
  • Mas置uliyiinta ugu sareysa Dowladda FKMG oo aad uga xumaadey dib u soo nooleynta..
  • Cismaan Maxamuud Cismaan (Dhegaweyne) oo Lagu Diley Kismaayo

Ciidamada Maxaakiimta oo isku dhaarsaday in ay iska difaaci doonaan Gardarrada Itoobiya..

Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah oo xeelad dagaal uga soo baxay deegaano ay gacanta ku hayeen ayaa waxay haatan wadaan olole ay doonayaan in ay kaga hor tagaan Ciidamada Itoobiya ee ku soo siqaya Magaalada Muqdisho oo ah xarunta ugu weyn ee Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah. Ciidamada Maxaakiimta oo shalay la siiyey hub aad u xoogan ayaa loo qaaday goobaha Dagaalka ee wajiga hore, waxaana ciidamada Maxaakiimtu isku dhaarsadeen in ay naftooda u huraan diinta iyo dalka.

Sheekh Shariif oo la hadlayey ciidamo u socda wajiga hore ee dagaalka ayaa waxa uu siiyey dardaarankii ugu dambeeyay, isagoo sheegay Illaah idinkii in shacabka Soomaaliyeed ay guuleysan doonaan.

Ciidamada Maxaakiimta oo haatan difaac kaga jira agagaarka Leego waxaa halkaasi ku sugan ilaa iyo dhowr kun, waxayna shalay iska difaaceen diyaaradaha dagaalka ee Ciidamada itoobiya oo doonayey in ay diyaarado ku garaacaan ciidamada halkaasi ku sugan waxayna halkaasi ku dhaawaceen afar qofood oo ahaa dadkii deganaa deegaanka.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu sheegay in ay xeelado dagaal ay uga soo baxeen qaar ka mid ah goobaha ay Maxaakiimtu horey uga talin jireen isagoo sheegay in dagaalku uu noqon doono mid sii daba dheeraada, gaarana deegaano ka tirsan dalka Itoobiya.

Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa xooggoodii isugu keenay daafaha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga cabsi qabaa in uu ka dhaco dagaal kii ugu ba地aa oo dhex mara Ciidamad Itoobiya iyo shacabka Soomaaliyeed ee Islaamka ah oo garabsanaya Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaana Magaalada Muqdisho ka socda abaabulkii ugu weynaa oo ay Maxaakiimtu sameeyaan, iyadoo dib loo saxayo qaladaad horey u dhacay oo ku aadan dhinaca Dagaalka.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay soo kormeeray dhamaana goobaha Maxaakiimtu difaaca kaga jiraan ee Leego iyo Agagaarka Jowhar, waxaana la sheegay in ciidamadii ku sugnaa gobalada dhexe ay soo gaareen Magaalada Jowhar, sidoo kale ciidamo ka yimid deegaanka Tiyeeglow ayaa soo gaaray Magaalad Jowhar, waxaana Jowhar agagaarkeeda buux dhaafiyey Gawaarida Dagaalka.

Sheekh Shariif oo sheegay in ciidamada Maxaakiimta ay adeegsan doonaan..

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo dib ugu soo laabtay Muqdisho maalintii doraad ahayd, ayaa shir jaraa段d ku qabtay Filla Baydhabo, waxa uuna faahfaahin ka bixiyey halka uu marayo dagaalka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, waxa uuna sheegay in goobaha qaar ay Maxaakiimtu uga soo baxeen xeelado dagaal, isagoo sheegay in wixii haatan ka dambeeya uu noqon doono mid ka duwan kii hore, waxa uuna sheegay in la adeegsan doono xeelado culus, balse ma faahfaahin waxa ay yihiin xeeladahaasi.

Sheikh Shariif waxa uu sheegay in Dowladda Itoobiya ay diiday in khilaafka lagu dhameeyo wada hadal iyo is afgarad, balse waxa uu sheegay Sheekh Shariif in Dowladda Itoobiya soo hordhigtay Maxaakiimta shuruudo u cuntami waaye Maxaakiimta.

Sheekh Shariif waxa uu sheegay in ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ay iska difaaci doonaan wax uu ugu yeeray gardarada caddowga Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ay meesha ka baxday wax la yiraahdo Dowlad Federaal ah, xaalkuna uu taagan yahay Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dowladda Ereteriya oo sheegtay in Mareykanku masuul ka yahay dagaalada Ciidamada..

Dowladda Ereteriya oo lagu tiriyo in ay gacan siiso Maxakiimta Islaamiga ah ayaa markii ugu horeysay ka hadashay dagaalka u dhexeeya Itoobiya iyo maxaakiimta Islaamiga ah, waxayna dagaalkaasi ku tilmaantay mid gardaro ah oo la doonayo in lagu burburiyo qarankii Soomaaliyed.

Dowladda Ereteriya waxay sheegtay in Dowladda Mareykanku ay ka dambeyso dhibaatada ay Itoobiya ku hayso Shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in dagaalka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya uu ku baahi doono Geeska Afrika.

Sidoo kale dowladda Ereteriya waxay uga digtay dowladda Mareykanka in ay faraha kala baxdo arrimaha Soomaaliya oo ay joojiso taageerada ay siineyso Itoobiya, sidoo kale Dowladda Masar ayaa iyana uga digtay Itoobiya in ay dagaal ka sii wado Soomaaliya, isl markana ay si dhaqsi leh u joojiso ay wad hadal la furto Maxaakiimta Islaamiga ah oo ay sheegtay in ay wax badan ka qabteen Xaaladda Soomaaliya ee dhinaca nabadgelyada.

Mas置uliyiinta ugu sareysa Dowladda FKMG oo aad uga xumaadey dib u soo nooleynta..

Wararka nooga imaanaya xarunta Dowladda Federaalka ee Baydhabo waxay sheegayaan in mas置uliyiintii ugu sareysay dowldda federaalka oo uu ka mid yahay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ay aad uga xumaadeen dib u soo celinta Hogaamiye kooxeedyadii oo ay sheegeen in ay ahaayeen kuwo ay ka socon weysay Dowladda Federaalka ah.

Dowladda Itoobiya ayaa iyadu dooneysa in ay dib u soo celisoo hogaamiye kooxeedyadii, waxaana halkaasi kaaga soo baxaya in Dowladda Itoobiya aysan rabin in Soomaliya ay hesho qaran dib u hanta nabadgelyada iyo sharafta ummadda Soomaaliyeed.

Mas置uliyiinta dowladda ayaa uga digay Dowladda Itoobiya in ay dib u soo celiyaan hogaamiye kooxeedyadii taas oo ay sheegeen in ay ku weyn doonaan taageera fara badan.

Waxaa halkaas ka muuqda khilaaf xooggan oo soo kala dhex gelaya Itoobiya iyo mas'uuliyiinta DFKMG.

  • Duqayntii diyaradaha ee dagaalkii 1977-78 ee diyaradaha xabashidu ay duqeeyeen gobolada dhexe ee Soomaaliya waxay aakhrikii sababtay in xabashidu xabsiga u taxaabto Cabdullaahi Yuusuf oo taariikhdu sheegto in uu diyaaradaha xabashida kusoo hoggaamiyey gobolada/dhulka uu asal ahaan ka soo jeedey, waxaana C/laahi Yuusuf la xiray markii ay Itoobiya ka gaartey danteedii ahayd laynta shacabka Soomaaliyeed.

FAALLADA MAANTA::: Godinyahay ima Gooyseyn Haddaan Gabalkey kugu daabneyn

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 27, 2006

Ciidamada Maxaakiimta oo Xeelada Dagaal Awgeed....

Talaada: Wararka ka imanaya Gobolka Baay ayaa sheegay in Ciidamadii Maxaakiimta ee ku jirey aagga Daynuunay iyo goobo kale oo ay hore difaaca ugaga jireen ay dib uga soo gurteen halkaas, taas oo la xiriirta xeelad, waa sida wararku u dhegeen'e.

Masar oo Ka Digtey Cawaaqibka ka Dhalan Doona Dagaalka Soomaaliya

QAAHIRA: Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Masar, Axmed Abul Gheit, ayaa Isniintii ka digey xaaladda aadka u liidata ee Soomaaliya, taas oo uu yiri waxay dhalin kartaa dagaal ka dhaca gobolka oo dhan, waxayna halis gelineysaa mustqabalka geeska Afrika, sida ay werisey wakaaladda wararka ee rasmiga ee dalka Masar ee marka la soo gabiyo loo yaqaan MENA.

Wasiirku waxa uu digniintaas ku bixiyey dhambaalka uu u dirayey Itoobiya, Eritrea iyo saddex dal oo ku jira Golaha Ammaanka oo ah Maraykanaka, Britain iyo France.

Dhammaan beesha caalamka iyo gobolku waa in ay xoojiyaan isku dayga in la joojiyo hawlgalada hubaysan ee gudaha Soomaaliya, si loo baajiyo dagaal ka qarxa gobolka oo dhan kaas oo leh cawaaqib meel dheer gaaraya, ayuu yiri Abul Gheit. [Dhegeyso: Mareykanka oo ku baaqay in la joojiyo colaadda ka taagan Soomaaliya]


Wararkii Shalay:::

Halkan ka akhri wararkii Shalay
Maxkamadaha oo dib uga soo gurtay goobo ay fadhiyeen... Akhri... Dec 26

Abaabul Ciidan Beeleedyo ka socda Gobolada Nugaal, Bari iyo Sanaag
.Abaabulkaas oo looga soo horjeedo shirkadaha macdan
.Xisbiga RPP oo ka digey dagaal ay sababto macdantu
.Baarlamaanka Puntland oo isku tahniyadeeyey...
.Warsaxaafadeed ku aadan Heshiiska macdanta DGPL...
.Ramaas oo Itoobiya ugu baaqday in la baxdo ciidankeeda
Wararka oo dhan ka akhri halkan....

MPLS: Shirkii Hayb Sooca oo Lagu soo Gabagabeeyey

Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka  Soomaaliya
Jariidada Washingtonpost oo qoraal dheer ka qortay aragtida reer Addis Ababa ee dagaalka Soomaaliya & Itoobiya... Akhri..

 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH