SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
mad dog
DAAWO: Video: Meles Zenawi oo Afkiisa ka Qirtay in uu Weeraray Qaranka Soomaaliya
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo


kalmoyKornayl Sheegtay in uu Soomaali yahay oo Hadallo La Yaab Leh Ku Hadlay isagoo difaacaya gumeysiga Itoobiya... daawo
"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...
QaadDuullimaadyadii Diyaaradaha Qaadka ee La joojiyey oo khasaare ba’an ku haya Kenya Qaadka laga joojiyey Soomaaliya waxa uu hoos u dhac ku keenay... Akhri...
Caddayn: Shirkadda Consort oo ka Diiwaan Gashan Maldives
Wasaaradda Ganacsiga ee Dalka Maldives ayaa dhowaan si rasmi ah shaaca uga qaaday in shirkadda... Akhri...
hooyoSoomaaliya: Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed...
Akhri..



Dagaalka Dalkii ka jira iyo Doorkii qurbe jooga oo Maqan.

Illaah baa mahad ileylkeed iska leh, Nabadgalyo iyo Naxariis Nabi muxamed korkiisa ha ahaato.

Intaas kadib maqaalkaan gaaban ee ciwaankiisu kor ku xusan yahay maahan war bixin iyo xog waran waxa dalkii ka jira balse waa bararujin iyo kifradayda ku aadan arintaan.

Mana doonayo in aan ka waramo arinta soomaaliya ka jirta sababtoo ah qof kastaa waa ka dheragsan yahay war ahaan, waxaana laga yaabaa qofka gudaha jooga iyo kan dibada jooga in ay isku si uga war hayaan, hase yeeshee waxaan rabaa in aan wax yar ka iraahdo waxa jira iyo waxa aan ka qaban karno hadaan nahay dadka soomaaliyeed ee qurbaha jooga.

Aan ku bilaabee Somaaliya waxay gashay marxalad cusub, waa marxalad dagaal oo aad u daran, waa dagaal ka duwan kuwii mudooyinkii dambe ka dhacayay soomaaliya. Waa dagaal diin iyo mabda’ ku salaysan . Arintaas dhan markii laga eego waa faa’iido, oo waxaa baxaya dagaaladii qabaa’ilka, waxaana laga yaabaa in aan midnimo iyo isu soo dhawaansho ka qaadno, dhanka kale marka laga eegana waa dagaal halistiisa leh oo mustaqbalka soomaaliya mugdi galin kara. Waa arin qofkasta oo soomalai ah in uu ficilka ku aadan ka qaato looga baahan yahay.

Marka laga fiiriyo dhanka Taariikhda qoran, Itoobiya 100 sano ayay ku haminaysay siyaasada ay maantay ka wado soomaaliya dagaalkaana ku salaysan yahay, laga soo bilaabo Melilikh ilaa maanta iyo Zenawi waa siyaasad isku ujeedo ah balse waqtiyo kala duwan Hogaan kala duwan soo martay, waxaana Daliil ugu filan waraaqdii caanka ahayd ee uu Melilikh 14/04/1895 u qorey Dawladihii reer Yurub ee africa qaybsanayay isagoo ku acwiyayay in soomaaliya ay tahay dhul isaga laga qabsaday muslimiinna ka qabsadeen xuduuda dalkiisuna ku egtahay Bad-weynta India. Xiligaan cusub waa Dagaal loogu talo alay in lagu damiyo iftiinka iyo ilayska cusub ee soomaaliya ka soo ifay, kadib markii Itoobiya 16 sano soomaaliya hub isugu dhiibaysay ayaa maanta waxaa soo xirmay wadadii hubkaas ay marin jirtay ee ahayd dagaal oogeyaashii soomaaliga ee laga qakhalusay, taas oo ku kaliftay Dawlada Itoobiya in ay dagaal horornimo ah ku soo qaaday dalka soomaaliya cir iyo dhulba. Waxba yaanan war idinku daaline dagaalku waa go’aankii mustaqbalka soomaaliya. Hadaba waxay is weydiintu tahay soomaalida qurbaha joogta maxay dagaalkaan ka gaysan karaan? Muxuse yahay doorka kaga aadan?

Tan dambe hadaan ku hor maro doorka kaga aadan qofkasta oo soomaali ah Arintaan waa in uu qofkastaa go’aansada in dagaalkaan uu yahay ku xadgudub madaxbanani qaran, weerar lagu soo qaaday dalkaagii diintaadii iyo sharaftaadii. Quluubta waa in laga saaraa shakiga iyo maxay yihiin maxaakimtu, xataa hadii aadan maxaakimta taageersanayn meesha waxaa taal ku xadgudub madax banani qaran, jabinta shuruucda aduunka u taal iyo horornimo cad oo itoobiya soomaaliya ku soo weerartay.

Tan labaad ee ah maxaan ka gaysan karnaa, aniga aragtidayda waa waa waajib muqadas ah in qofkastaa uusan hagran wuxuu awoodo, waxaanse isleeyahay afar arimood ayaan wax ka qaban karnaa, inteena badan afartaba waan awoodna kii aan awoodina ugu yaraan mid ka mid ah ayuu awoodaa.

1) In dalkii difaaciisa laga qayb-qaato laguna laabto, si mutadawacnimo ahna dagaalka looga qayb galo.

2) In aan dhaqaale joogtaa ku bixino difaaca dalka, diinta iyo dadakeena, una hurno biilka aan cunno intaan ka qadno in aan dalka iyo diinta iyo dadkeena ku difaacno: Tusaale ahaan dalka Erateria la dhaho dadkiisa dibada jira, qofkasta oo ka mid ah waxaa ku waajib ah in uu bishii bixiyo $5 hadii kale uusan dalkii dib ugu noqon karin, Iran ayaa ayana ka mid ah wadamada siyaasadaan ku soo dhaqmay hadase joojiyay markay isku filaadeen.

3) In aan dalkeenii u ducayno markasta iyo meel kasta oo aan joogno, in ilaahay guusha na siiyo: Arintaan waa muhiim, waana in la ogaadaa in ducadeena la aqbalayo labo sababood awgood sidii Nabigu (CSW) noo balan qaaday,sababtoo ah marna waxaan nahay Dulmanayaal, Marna waxaan nahay qurbe joogayaal(qaa’ibiin) Labadabana Nabigaa sheegay in la aqbalayo ducadooda.

4) Iyo Aan mudaharaadyo iyo isu soo baxyo joogtaa ka samayno meel kasta oo dadkeenu qurbaha ka joogo, si aan ugu cabirno uguna cadayno aragtideena ku aadan gadaalkaan, gaar ahaan magaalooyinka waa weyn. Sida London iyo Toronto Miniapolis IWM. Waxaa jirtay in hada ka hor markii ay socdeen dagaalkii Itoobiya iyo Erateria ay qurbe jooga reer Erateria ee UK ku noolaa ay 7 bari iyo habaynadooda si aan kala go’ lahayn ugu dibad baxayeen irida Xafiiska Tony Blair. Taasi waxay cadaynaysaa in ay naga wadanisanyihiin balse waxaan aaminsanahay in aan ku dayan karno ugu yaran.

Haddaba si arimahaas wax looga qabto waxaa lagama maarmaan ah in la is abaabulo waliba si deg deg ah loo hawl galo, shirar deg deg ah in la qabto dibadbaxyo joogtaana la abaabulo.

FG: Qofkii fikradaas ila qaba ama u arka wax shaqaynay kara waxaan ka codsanayaa in ay ila soo xiriiraan si aan uga shaqayno sidii arimahaas wax looga qaban lahaa. Loona hor marin lahaa, isku deygu wuxuu dhaamaa catawga iyo dib ka shalayga.

Qore: C/wali Maxamuud Qurux. London UK
Email: qurux09@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 26, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH