SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WAAMO

Banaanbax Lagu Taageerayo Dowlada Soomaaliya oo ka dhacay Minnesota

Waxa ka dhacay Minnesota gaar ahaan labada magaalo ee mataanaha ah banaanbax weyn oo lagu taageerayo Dowlada ku meelgaarka ah, oo iyadu hada hanatay nabada Soomaaliya. Banaabaxaas ayaa dadkii isugu yimid ay ku muujiyeen taageerada weyn ee ay u hayaan dowlada ku meelgaarka ah.



Dadweynihii halakaas isugu yimid ayaa waxa ay wateen boodhadh iyo baabuur ay ku dhajiyeen sawirada Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dowlada. Waxa halkaas laga akhriyey qaar ka mid ah qudbadihii uu geedi ka akhriyey magaalada muqdisho. Ra'iisal Wasaare Geedi waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka soo dhaweysay Hoggaamiye kooxeedyadii ay Maxkamadaha Islaamka Muqdisho ka ceyrsadeen, balse taasi aysan ahayn in ay raali ka ahayn wixii ay sameyn jireen.

"Ma dhici doonto in ay u dhaqmaan sidii hore oo ay hub sameystaan, isla markaana ay shacabka u awood sheegtaan"ayuu yiri Ra'iisal Wasaare Geedi oo carrabka ku adkeeyay in talada ay haatan ku soo wareegtay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo diyaar u ah in ay soo celiso sharcigii iyo kala dambeyntii. Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi waxaa ka hadlay oo kale arrimaha hub ka dhigista , wuxuuna caddeeyay in ay dowladda meel gebo gebo ah marsiineyso qorshihii dadka Hubka looga dhigi lahaa, kaasi oo soo dhameystirkiisa qaadan doona labada maalmood ee soo socda”.

Banaanbaxaas oo ka hadleen dadbadan oo isugu jira culimo, ardey, hooyooyin, madax sare, macalimiin iyo idaacadaha Soomaalidu leedahay.


Reported by Somali Media, Abdimalik Askar
aabdimalik@hotmail.com 


Soomaalida Maraykanka Sidey u Arkeen Dagaalka Soomaaliya

Tan markii ay ka bilowdeen Goobo fara badan oo ka tirsan K/soomaaliya dagaalo u dhexeeya Dowlada Federalka Kumeel gaadhka oo taageero buuxda ka heleysa dowlada Ologa la ah soomaaliya Ethiopia iyo Midowga maxaakiimta Islaamka ee hada laga taakta roonaaday ayaa waxaa si weyn Looga dareemay meelkasta oo ay soomaali ku nooshahay hadii iyadoo dadka saacadba saacada ka dambeysa ay isku taxalujinayeen bal inay wax uu ka ogaadaan meesha xaal marayo Hadaba Dalka maraykan oo ay ku dhaqan tahay soomaali aad u fara badan .

Waxa uu ka mid ahaa meelaha sida weyn looga dareemay dagaalada soomaaliya ka cusboonaaday Hadaba tar iyo markii dagaaladu bilowmeen ilaa hada oo ay gabo gabo ku dhowyihiin ayaan waxaan isku howlay bal inaan u guur galo bal soomaalida qurbaha joogta sida ay u arkaan dagaalada ka soconaya wadankoodii hooy , hadaba intii aan howshaasi ku jirey ayaa waxaan la sheekeystay soomaali aad u faro badan oo ku nool Magalada Columbus ee Gobolka Ohio waxaan sidoo kale xidhiidh la sameeeyey gobolada kale ee soomaalidu ku badantahay ee dalka Maraykanka Hadaba


Dadka soomaaliyeed ee ku nool wadanka maraykanka ayaa waxa ay u kala qaybsameen seddex qaybood oo qoloba si u aragto dagaalada ka soconaya wadanka soomaaliye

Waxayna kala yihiin sidan

1 qaybta koowaad waa qayb taageersan Midowga maxakiimta islaamka waxayna ku andacoonayaan in Midowga maxakiimta ay yihiin kuwa kaliya ee xaqa u leh inay soomaaliya xukumaan sababtoo ah soomaaliya waa dal shacabkiisu 100% ay muslimyihiin isla markaasna ay waajib diineed tahay in lagu xukumo shareecada islaamka qofkii ka horyimaada in shariicada islaamka wax lagu xukumana uu noqonayo mid isagu diinta islaamka banaanka ka ah dadkan taageersan maxakiimta islaamku waxay aad uga niyad jabsanyihin Jabkii ku dhacay maxaakiimta islaamka


2 Qaybta labaadna waxa ay tahay qayb iyagu taageersan Dowlada Federalka kumeel gaadhka ee soomaaliya waxayna ku andacoonayaan in dowladu xaq u leedahay inay wadanka iyadu aayihiisa ka taliso maadaama iyaga kalsooni loo siiyey inay mudo shan sano ah xukumaan wadanka ayna dowladu xaq u leedahay inay u yeedhato cidii ay doonto ama dowladii ay doonto dadka fekerkan aaminsan marka aad tiraahdo ciidamada Ethiopia yey ka heleen Ogalaanshaha ay ku galeen gudaha dalka soomaaliya waxay kuugu jawaabayaan in ay dowlada federalka ah u yeedhatay isla markaasna in dowlada Ethiopia qudheeda aysan dani ugu jirin in maxakiimta qabsadaan dalka soomaaliya ayna kaga dhawaan dowlada islaami ah


3 Qaybta seddexaadna waxay ay tahay dad iyagu markii ay in muddo ka dhursugayeen in mar uun la arko qaran soomaaliyeed oo cagihiisa ku taagan ayna taasi dhici weydey iyagu iska niyad jabey oo ku odhanaya waxba nagama gelin labadan dhinac ee dagaalamaya kii doonaa ha adkaado shaqadeena maaha waxayna ku leeyahay 16 ayaan sugeyney in mar uun la arko dowlad soomaaliyed rajo kasta oo aad is tiraahdo waatii ugu fiicneydna waxay noqoneysaa Dhaaan Dabagaale ama hal baacad lagu lisay

Isku soo wada duuduuboo waxay soomaalida qurbaha ku nool gaar ahaan kuwa ku nool dalka maraykanka waxay ka dhamaantoon ka xunyihiin dagaalada ka soconaya wadanka soomaaliya waxayna naawilayaan bal inay mar uun arkaan wadankoodii oo nabad ah si ay uga nastaan nolosha liidata iyo dhagarta wadamada gaalada ee ay hada ku jiraan


C/lahi Bookh

Columbus Ohio,U.S.A

Barkhadle7@hotmail.com

Barkhadle7@myway.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 31, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH