SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Muqdisho, Dhadhanka ciidda & Shiirka Gumaysiga !
Mohamed Ahmed Wallays
Yaaqshiid-Muqdisho

Reer Xamar-ku waxay ku maahmaahaan “Cimrigaa hadiis dheeraado geel dhalaaya aas ku tusaa!!” . Waxaan moodayey inaan leeyahay waaya aragnimo igu filan, maadaamma aan soo arkay dhacdooyin badan oo iga maajiya,  hase yeeshee marna maankayga kuma sawirmin inaan dhaayaha saaro (iyadoon riyo ahayn) magaalada Muqdisho oo ay kolonyo Xabashi ahi dhex mushaaxayso!!.

 
DHADHANKII CIIDDA OO DOORSOOMAY!
30 December 2006 Waxay ahayd ciiddii iigu dhadhanka xumayd intii aan noolaa. Inkastoo meelaha  qaar aan laga ciidin haddana xitaa meelaha laga ciiday waxaa la dareemayay isbeddel weyn, caruurtu xitaa farxad ma leh, ma badana dadka lebbisan, waxaa aad u yar codadkii,  muuqaalladadii iyo damaashaadkii, lagu yaqiinnay ciidda, xitaa Takbiirta masaajiddadu sidii hore maaha, waxaad moodddaa culumada takbiirsanaysa in uu codkoodu xabeebtay, carrabkooduna cuslaaday. Ciiddu mar kastaba waa ciid, hase yeeshee markaan waxaa dhadhan dooriyey oo  dheehay shiirka xabashida, qarmuuunka khimaamada iyo  “sharraaxda” codadkii la necbaa ee hoggaamiye kooxeedyada Muqdisho!
 
Ka bixitaankii ay hogaamiyeyaasha maxkamadaha Islaamigu ay ka baxeen Muqdisho 28 Dec 2006, wuxuu albaabada u furey wax badan oo waxna hadda muuqdaan waxna la arki doono marka uu Alle Qaddaro. Waxyaabaha la arkay waxaa ka mid in fowdadii iyo kala dambayn la’aantii, dilkii ay soo noqdeen, waxaa mar qura la waayay mobaylladii qaaliga ahaa iyo gawaaridii cusbayd ee mari jirtay waddooyinka.Waxaa si aan qarsoodi ahayn usoo noqday qaadkii, iyo daroogadii kala duwanayd ee la waayay ama lala dhuuman jirey, waxaa laysku soo rogay dad badan oo hantidoodii loo celiyey, kuwaasoo iyana cararay markii ay maxkamaduhu baxeen, waxaa soo noqday Isbaarooyinkii iyo leejooyinkii!! Sidoo kale waxaa dib loo arkay hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho, taasoo dadka ugu bishaaraysay inay qorraxdii dhacday si ay godadka uga soo baxaan  intii wax qaniinti jirtey ee muqdiga ku noolka ahayd!
 
Qofkii rumaysta iyo qofkii aan rumaysanin-ba waxaa hubaal ah in ujeeddadii loo dhisay dowladda KMG ee Soomaaliya la gaaray, taasoo ahayd in laga dhigto middi lugu qoosto talada iyo tigaadda Soomaaliya!
 
Markii uu Raisul wasaare geeddi uu Diyaarad (Helocpter) ku yimid Afgooye, waxaa halkas uga hor tegay dad badan oo ka mid ah kuwa magaca leh ee magaaalda, waxayna isugu jireen 2 qaybood, qayb awalba la shaqeyn jirtay iyo qayb doonaysay inay isku dayaan inay qabojiyaan carada ay qabaan labada dowladood ee wada socda in aysan si aan kala sooc lahayn  ugu dhicin dadka! Hase yeeshee waxaa la ii sheegay inaysan rejo fiican muujin markii ay soo noqdeen! Waxaa is weydiin leh macnaha ay leedahay in Raisul wasaaraha diyaarad looga soo qaaday Afgooye oo Xamar u jirta 30 Km!! Nafeey nin ku doona kuwaay!
 
Wuxuu Prof. Geeddi sheegay inaysan ka hari doonin firxadkii Maxaakimta balse ay sii eryan doonaan ilaa ay ka baab’iyaan, taasi waa haddii ay ka aqbasho dowladda sida dhabta ah taladu uga go’do ee Adis- ababa. Waxaa   kale ee uu sheegay inuu gacan bir ah ku qaban doono amniga magaalada, xukun deg-deg ahna uu soo rogi doono.
 
Waxaa la yaab leh in ciidamada lugu sheegay inay ka koobanyihiin dowladda KMG iyo Itoobiya, inay 97% ay yihiin ciidamada Itoobiya, waxaa shacabka Muqdisho is weydiiyey cidda ka mid ah ee laga garanayo martidaas aan la casuumin ee usoo hoyotay ama usoo harsatay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Xaggay aadeen ciidamadii Soomaalida ee laga kala keenay Puntland iyo qeybo ka mid ah gobollada koonfureed ee dalka?
 
Waxaa la xaqiijiyey in ciidamadaas oo aad u tira yar marka loo fiiriyo kuwa Itoobiyaanka lugu dhex firdhiyey kuwa Itoobiyaanka oo boqolkii gaari oo Itoobiyaan ah ay la socoto ugu badnaan 3 gaari oo kuwa dowladda ah!! Hotelka Ramadaan oo aan deris la ahay, waxaa ku sugan tiro ciidamo Itoobiyaan ah oo waardiyeynaya madaxda dowladda qaarkood! Markii ay hotelka yimaadeen waxaa meesha yimid kumanaan dad ah oo rumaysan la in meeshii ay fadhin jireen raggii cimaamadaha lahaa ee lugu sheegi jirey  muslimiin asal raac ah ay manta fadhiyaan niman Kirishtaan oo iyana lugu sheego inay aad ugu dheganyihiin diinta Kirishtaanka! Dakii isugu soo baxay halkaas badankoodu way aamusnaayeen lagama dareemayn wax diidmo ah ama taageero ah!
 
Laga billaabo 29 Dec 2006, waxaa magaalada Muqdisho hareeyey muddaaharaadyo inta badan lugu dhibsanayo ciidamada Itoobiyaanka ah ee qabsaday waddanka, qaarna lugu taageerayo! Waxaanse ogahay inay si fiican ugu kala gar-qaadi doonaan Itoobiyaanka oo lugu yaqaanno inaysan kala soocin kii u yeertay iyo kii loogu yeertay iyo kii aan kala jeclaynba!
 
Maxaa xiga qabashada MUQDISHO?
Dadka qaar waxay leeyihiin itoobiyaanku wax dhib ah ma geysan ilaa iyo hadda, waana ilaahay mahaddii! Laakiin sida lugu yaqaanno Itoobiyaanku dadka horey kama wareemaan inta ay dadka ka kala baranayaan, dhulkana ay ka makansanayaan, laakiin waxay sugaan waqti munaasab ah oo uusan ka fara baxsan Karin qofka ay qabtaan. Waxaa weli si fiican u socda wada noolaasha kala dhaxeeya iyaga iyo dadkii keensaday, weli waxay tijaabinayaan dareenka dadka iyagoo hadba jid kolonyo ku mara!
 
XaAladda deg-degga ah:
Waxaa la sheegay inay waddanka ku soo ragayaan xaalad deg-deg ah, waxaan aaminsanahay inay tahay qayb ka mid ah qorshaha ay ku bannaysanayaan dhiigga dadka, ugana takhalusayaan cidii ay doonaan iyagoo kaashanaya jawaasiistooda faraha badan ee magaalada ka shaqeynayay wax badan!
 
Waxaa shaki leh hadalkii ka soo yeeray Maxamed Dheere oo ahaa inay guryaha dadka Muqdisho ay mid mid u baari doonaan gacan bir ahna ku qaban doonaan. Runtii Maxamed Dheere iyo saaxiibbadii manta waa awoodaan inay xabashida ku diraan oo ka aar-goostaan dadkii ay u ciil qabeen, laakiin ma awoodaan inay gacmahooda qabtaan si aysan u dhibaataynin dadka rayidka ah ee aan qofna cadow u ahayn! Waa maxay sababta ay dadka guryahooda u gelayaan? Maxkamadihii la ga saaray magaalada iyagoo ka tiro iyo tayo yar miyaanay xasilinin magaalada iyagoo aan gelin dadka guryahooda oo aan u dhicin cawraaadkooda? Miyaan laga yaabin inay arrintaasi keento natiijo ku lid ah wixii laga rajaynayay?
 
Dulmiga soo socda iyo natiijadiisa!
Waxaa la filayaa in la galo xaalad kala aar goosi iyo is-tiftid ah, iyadoo laysu adeegsanayo Itoobiyaanka oo lugu yaqaanno inaysan hubsan waxa loo sheego, iyadoo naagtii habeen la tumata ay ku diri karto dadka oo dhan. Waxaa dhici karta in qof waliba kii maalin shaxaad u diiday uu tif-tifo. Waxaa la filan karaa in lugu hor maro dadka lugu tuhmayo inay taageeri jireen ama maal gelin jireen maxkamadaha Islaamiga, laakiin ugu dambayn ciyaartu waxay dhex mari doontaa kuwa keensaday Itoobiyaanka. Si kastaba ha ahaatee qof walba ha ogaado in looga gudi doono hadba suuskii uu ku beegto!
 
Goorma ayay baxayaan Itoobiyaanku?
Taas jawaabteedu waxaan ka dhigayaa su’aal kale. Goorma ayauu ka tagaa libaaxu hadii uu meel cidlo ah ka helo neef geela  oo aad u dhaqaalaysan? jawaabtu waa laba arrimood midkood (1) inuu ku soo baxo wiil geesi ah oo ka celiya ama ka rida (2) inuu disho  oo  ka dhergo kana tago si dugaaga yar yari raqda ay qaybtooda uga qaataan! Qofka aaminsan inay Itoobiya inta dowlad wanaagsan oo sharaf qaran leh noo dhisto naga tegayso si aan cagaheenna isu taagno waa maan gaabanyahay waqtiga ayaana wax bari doona!
 
Maxay noo qaban kartaa dowladdeennu?
Madaxda dowladdu waxay mar kasta ku cel-celiyaan inay iyagu wataan ciidamada Itoobiyaanka ah oo aysan ku dhaqaaqi Karin wax aysan u dirin, laakiin taasi waa wax lugu qoslo. C/llaahi iyo Geeddi waxa lay sheegay marka ay saaxiibbadooda la sheekaysanayaan inay muujiyaan wel-welka ay ka qabaan sida ay u dhaqmayaan ciidamada Itoobiyaanka ah iyo inaysan iyaga ka amar qaadan! Miyaysan tusaale ku filnayn gumaadkii loogu geystay Gaalkacyo maxaabiistii maxaakimta iyadoo aan lagala tashan dowlad goboleedka puntland?
 
Si kastaba ha ahaatee wuxuu caqligu diidayaa in waxaasoo dhimasho, dhaawac iyo kharash ah  ay Itoobiyaanku u gelayaan  danta Soomaaliya,  wax walbana ay yihiin axsaan uu samaynayo walaal “raxiim” sidii uu ku dhawaaqay  mid ka mid ah qab-qablayaashii!
 
Haraadigii Maxkamaduhu Maxay yeeli doonaan?
Waxaa dad badan ku adag in rumaystaan in dagaalka ay geysan karaan maxkamaduhu ay halistiisu billaabanayso hadda iyo wixii ka dambeeya. Qofkii wax ka yaqaanna ciidamada waa fahmayaa arrintaas sidaa darted waxaa sii badanaya wel-welka reer galbeedku ay ka qabaan inay ku dhaqaaqaan  dagaalka loo yaqaano kudhufo-oo ka dhaqaaq ama dagaalka dhuumaalaysiga ah, kaasoo ah midka argagaxa ku riday reer galbeedka iyo xulafadooda.
 
Sida la ogyahay maxkamadaha waxaa khaldanayd sidii ay dagaalka u galeen, maxaa yeelay ciidankoodu uma babac dhigi karin ciidan dowladeed oo noocyada hubku u dhanyihiin lehna khibrad dagaal oo dheer, sida kaliya ee ay ku wajihi kareenna waxay ahayd sidaan ay hadda doorteen. Tusaale fiican waxaa ah dagaallada dabada dheeraaday ee ka soconaya Jejniya, Afgaanistaan, Ciraaq iyo kishmiir, kuwaasoo dowladaha lugula jiro ku keenay jaha wareer iyo dhiig bax joogto ah. Waxaa aad isu eg hadalka Melles uu jeediyay markii ay maxkamaduhu ka baxeen Muqdisho, iyo kii uu jeediyay Bush markii ay Maraykanku galeen Baqdaad kaasoo ahaa “Mission Accomplished”! hadalkaasoo noqday mid had iyo jeer lugula jees-jeeso madax weyne Bush!
 
Khaladaadkii Maxaakimta.
Sida Bani aadamka kale, maxkamaduhu waxay lahaayeen khaladaad. Khaladaadkoodii qaar ka mid ah qormooyin horena waan ku caddeeyey, sidoo kale waxaan soo qori doonaa qormo dhamaystiran oo aan kaga hadlayo arrinkaas. Laakiin ma doonayo inuu qoraalkaygu uu ku waqti noqdo kuwa “munaafiqiinta” ee bilaabay inay “lacnad” daba dhigaan maxaakintii ay shalay amaanayeen iyagoo ka baqaya in wax laga weydiiyo dhaqnkoodii shalay! Iskana indha tiraya wanaaggii aan la soo koobi Karin ee lahaayeen!
 
Sagootinta amniga iyo soo dhaweynta Baqdaadda Cusub!
Haddii ay maxkamaduhu ka dhabeeyaan hadalkooda, waxaa la hubaa inaan waddada saarnay jidka halis ah, Muqdishana ay ku socoto siday ay hadda tahay baqdaad. Haddaba hadii ay taasi dhacdo yaa ciyaari doona dowrka Mareykana, dowrka Dowladda Ciraaq, dowrka Shiicada, dowrka Sunniyiinta iyo dowrka Abuu-muscab Al-sarqaawi?  Labada dowr ee h ore waa la yaqaanna cidda ciyaaraysa oo waa Itobiya iyo DFKG, laakiin saddexda dowr ee dambe cidda matali doonta aan u dayno waqqtiga iyo inay ka fekeraan akhristayaashu!
 
Runta qaraar ee ugu dambeysa!
Soomalida badankeeda, marka laga reebo kuwa uu sanka xiray curanka (cabburka) qabyaaladdu, Waxaa laysku raacsanyahay inuu waddanku galay gummaysi cusub, sida kaliya ee looga bixi karana ay tahay in lays kaashado, in lala dagaallamo oo dhiig loo daadiyo, loona huro naf iyo maal.
 
Sida aad ogtihiin sharciyada adduunka, diimaha iyo caqliga dadkuba waxay bannaynayaan in dadkii la qabsado ay is-difaacaan, sidaa darted waa inuu qof waliba u darbadaaa inuu qaato kaalinta kaga aaddan howshaas culus ee nasoo food saartay!
 
Waxba hala yaabina kuwa u sacb-tumaya gumaysiga, waligood wey jireen wayna jiri doonaan, markii la raadinayay gobonnimada soomaaliya, waxaa jirey xisbiyo soomaali ah oo ku doodi inaan soomaaliya gobannimo “xammili” Karin!
 
Hoog iyo ba’a iyo magac xumo waxay u dambaysaa kuwa Itoobiyaanka gacmaha ka shuminaya, shalayna maxkamadaha gacmaha ka shuminayay, kuwaas waxaa la yiraahdaa munaafiqiin, qiimana ma leh adduun iyo aakhiro, waxaa ku filan in marna xoogaa afka loogu rido marna qarsinka looga dhufto san-qaroorka!
 
Hal-abuur soomaaliyeed baa hore u yiri:
 
Nin dharbaaxo ceebeed dugsaday dhaqayadeed maalye
Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhowrsataa Abide!
 
Haddaba annaga ayay noo taal in dhasheenna dhaxalsiinno  magac xumo iyo inaan uga tango magac wanaagsan iyo sharaf!
 
 
Wixii aan saxo waxaa I waa fajiyey Allaah, wixii aan khaldana waa naftayda aqoonta yar iyo shaydaan!!!!
 
Mohamed Ahmed Wallays
Yaaqshiid-Muqdisho

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa aleh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 31, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH