WARARKA FEB 3, 2006
-
Cali Max’ed Geedi, Jurile iyo Max’ed Dheere oo
deg deg ugu ambabaxay Adis - Ababa..
-
C/llaahi Yuusuf oo si lama filaan ah kuga soo
degay Magaaldda Gaalkacyo
-
Hay’adda SAACID oo furtay wajigii labaad
ee dhaqancelinta Maleeshiyooyinka
-
Maxwell Geylard: Ma dalxiis mise Daraasad!
-
Max’ed Dheere:
Tacsi baa loo tagayaa Baydhabo Halxiraale cusub
-
Dr.Khalid Omar Cali:Jowhar
Xarumaha Dawlada iyo Xafiisyada Wakiilda iyo safaaradaa waa sii
furnanayaan ilaa la helo.
Cali
Max’ed Geedi, Jurile iyo Max’ed Dheere oo deg deg ugu ambabaxay Adis - Ababa..
Waxaa
maalintii shalay ahayd Magaalada Jowhar ka ambabaxay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed
Geedi, Wasiirka Qorsheynta iyo is kaashiga caalamiga C/risaaq Jurile iyo
Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe Max’ed Dheere wuxuuna safarkoodu ku wajahnaa
Magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya.
Mas’uuliyiintaan ayaa waxay martiqaad ka heleen Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya
Milless Sanawi waxaana qaaday diyaarad laga leeyahay dalka Itoobiya oo si qaas
ah loogu soo diray, inkastoo aan la faahfaahin safarkooda waxa uu la xiriiro
haddana warar ayaa waxay sheegayaan in Dowladda Itoobiya ay sheegeyso in laga
miradhaliyo heshiiskii Cadan, warar kale ayaa waxay sheegayaan in Dowladda
Itoobiya ay ka soo horjeedo in Magaalada Baydhabo lagu qabto kulanka
Baarlamaanka, ayna sabab u ahayd in Geedi uu ka baxo xafladdii looga dhawaaqayay
Magaalada Martigelineysa kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka.
Xalay ayaa
Ra’isul Wasaaraha waxa uu kulan la yeeshay Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya
Millessa Sanawi waxana uu ahaa kulankaasi mid ay albaabada u xirnaayeen oo
saxaafadda loo diiday sida ay aan ka soo xiganay warar aynu ka helay dalka
Itoobiya.
Habeen hore
ayay ahayd markii Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed uu ku
yara hakaday Magaalada Adis-Ababa uu kulamana kula yeeshay mas’uuliyiin ka
tirsan Dowladda Itoobia, markii uu ku sii jeeday dalka JAbuuti.
Ra’isul Wasaaraha iyo xubnaha
la socda ayaa la filayaa in ay u sii gudbaan dalka Talyaaniga oo la sheegay in
ay ka heleen martiqaad.
C/llaahi
Yuusuf oo si lama filaan ah kuga soo degay Magaaldda Gaalkacyo
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminiyo ayaa shalay si lama
filaan ah uga soo digay Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug, waxaana halkaasi
ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka socotay maamulka Puntland oo uu horkacayay
Wasiirka Maaliyadda Mudane Cali Max’ed Gaagaab iyo xubno kale, kaddiban
Madaxweynuhu waxa uu ku degay Hotelka lagu magacaabo Taar-City ee Magaalada
Gaalkacyo.
Madaxweynaha ayaa soo maray Wadanka Jabuuti halkaas oo u kulamo kula yeeshay
mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Jabuuti uu ku jirwo Madaxweynaha Wadankaasi
Ismaaciil Cumar Geele oo ay isla soo qaadeen halka ay mareyso Dowladda
Federaalka iyo sida uu u qabsoomi doono kulanka ugu horeeya ee Baarlaamaanka oo
ka dhacay Magaalada Baydhabo.
Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu gaaro Magaalada Nairobi halkaas oo la filayo
in uu kulamo klula yeesho wasiirada hubeysan ee ku sugan Magaalada Muqdisho oo
labo ka mida ah haatan ay ku sugan yihiin Nairobi oo kala ah Max’ed Qanyare
Afrax iyo Cismaan Xasan Caato.
Waxaana kulankaan
la doonaya in lagu dhameeyo khilaafka u dhexeeyay Madaxweynaha iyo Wasiiradaas
hubeysan oo soo jiitamayay mudo sanad iyo bar ku dhawaad ah.
Maxwell
Geylard: Ma dalxiis mise Daraasad!
Qaybo
ka mid ah dalka waxaa soo wajahay Abaaro iyo Biyo laa’an aad u baaxad weyn
taasoo keentey in dad iyo duunyo ay u le’daan Gaajo iyo Biyo laa’an , haddii aan
deg deg wax loola gaarin waxaa imaaneysa waqti aan waxba laga qaban Karin.
Abaarta dalka haatan ku
habsatey ayaa dadka u kuurgala xaaladda Soomaaliya waxay sheegeen in abaartan ay
tahay mid ka daran tii 1992 waqtigaas oo abaartii ka dhacday dalka ay
galaafatay kumanaan kun oo qof, waxaana waqtigaas dalka u soo gurmaday Ciidamo
uu hor kacayo Mareykanka oo tiradooda gaaraya in ka badan 40 kun oo askari ,
kuwaas oo wax badan ka qabtey abaartii ka jirtay dalka oo dadka Soomaaliyeed u
yaqaanaan Caga barar.
Gobolada qaarkood qayla
dhaanta ka soo yeereysa ayaa ah mid aad u xanuun badan iyadoo deegaanada
qaarkood si aad ah looga qaxay iyadoo dadka ay raadsanayaan meel ay ka helaan
wax ay afka geliyaan sidoo kale dadkaas ayaa ka soo tagay xoolihii yaraa ay
haysteen qaarkoodna markii ay lugta ku jireen ayaa jidka waxaa uga dhintay ,
qaar ka mid ah caruurtii ay dhaleen.
Dhawaan ayaa wafdi uu
hogaaminayay xiriiriyaha Bani’aadannimada Soomaaliya Maxwell Gaylerd waxa ay
booqashooyin ku mareen qaar ka mid Gobolada dalka , iyagoo sheegay in ay
qiimeyn ku sameynayaan baaxadda ay le’eg tahay abaartaasi, hase yeeshee qaar ka
mid ah Gobalada ay booqdeen hay’adaha samafalka ayaa waxaa aad loogu canaantay
in iyagoo gacma maran ay soo booqdaan dad gaajo dilootay oo qaarkood waxay hanti
lahaayeen abaartaasi baabi’isay.
”Waxaad noogu timaadeen in aad
qiimeysaan lafaha dadka maydadka ah” ayuu yiri nin odey ah oo ku sugnaa Degmada
Galbahaarey oo sheegay in ha’adaha samafalka ay yihiin kuwo si aad ah uga hela
in dadka Soomaaliyeed ay ku sii jiraan dhibka.
“Ma waxaad noogu timaadeen
dalxiis iyo Faajfaajood, waxaana is lahayn diyaaradda waxaa saaran badar iyo
biyo” ayuu yiri nin nabadoon ka ah degmada Baardheere.
“Hay’adaha samafalka soo kuwii
maaha markuu badarku noo soo go’o noo keenayay mucaawinada, ma hadda oo aan ka
sugeynay in ay wax noo qabtaan” ayay tiri Haweenay labo cunug garabka ku sidatay
oo soo gaartay deegaanka Buur-Dhuubo.
Ugaas Axmed Weli Axmed ayaa
isna uga digey Mudane Geylard in cagaha soo dhigo Gobolka Gedo waayo 45 cisho
ka hor ayaa Daraasad lagu sameeyey Gobolka maanta waxay ahayd in si ficil ah
looga jawaabo codsiga dadweynha Gobolka “wuxuu doonayaa in uu lafaha sawirto oo
uu lacag ku raadsado” ayuu si kulul u yiri Ugaaska
Daraasaadka iyo qiimeynta ay
sameynayeen Hay’adaha samafalka dib ayay ula laabanayaan kaddibna waxay codsi u
gudbinayaa Qaramada Midoobey iyo wadamada deeqda bixiya, marka su’aasha is
weydiinta mudan waxay tahay goormay dadkaasi soo gaareysaa waxyaabihii ay ugu
talagaleen, mise goor ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen.
Soomaalida ayaa waxay ku
maahmaahdaa (Wadaad abaar jooga Injir lagama qabto), socdaalkii Maxwell Gaylard
uu u ku tagay dhulka abaaruhu ay waxyeeleeyeen iyo dadka ay ka soo gaartay
diifta iyo daranyada ayaa waxay u qaateen imaanshihiisii in wax badan uu ka
qaban doono oo ay ku nafisi doonaan, hase yeeshee waxay ka naxeen hadalkii ka
soo yeeray Gaylard oo ahaa in ay qiimeyn iyo daraasaad u yimaadeen, taas oo ay
dadka badankiis u arkeen in ay ahayd socdaal uu naftiisa ku raaligelinaayay oo
uusan wax dan ah u wadin dadka abaaruhu halageeyeen.
Hay’adaha samafalka waxay
arkeen dhibaatada baaxadda leh ee abaartu ka gaysatay Gobalada dalka waxaana loo
baahan yahay in deg deg dadkaasi mucaawino loo gaarsiiyo, ma ahan kuwo u muuqda
in ay sugi karaan waxa haatan qiimeynta lagu sameeyay.
Shacabka Soomaaliyeed waxaa
iyana la gudboon in aysan sugin wax dibadda laga keenay balse loo baahan yahay
in ay abaabul sameeyaan oo dadkaasi gurmad la garaan ha noqoto lacag raashin iyo
wixii kale oo ay u baahan dadkaasi. sidoo kale Dadweynaha ku nool dibadaha
haddii ay min hal Doolar isku soo daraan waxay wax ka tari kartaa in badan oo
ku gaajeysaan gudaha dalka Soomaaliya. Soomaalidu waxay tiraahdaa (Quraanjo
aruurtay bulac wey jiidi kartaa, ama Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan), waxaa
kalloo shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay Alle baryaan si uu Illaah
dhibka uga qaado.
Meelaha qaarkood haddiiba
dadku waxay bilaabeen in dhexdooda ay isku arxamaan oo ay isku gargaarn waana
dhaqan ay Soomaalidu u leedahay in ay isku naxariistaa oo ay is gacan qabtaan oo
ay is kaashaadaan.
Hay’adda
SAACID oo furtay wajigii labaad ee dhaqancelinta Maleeshiyooyinka
Hay’adda
SAACID oo ah hay’ad inta badan isku howsha sidii ay dhaqancelin ugu sameyn
lahayd kooxaha maleeshiyooyinka ayaa maalintii shalay ahayd waxay qabatay
xafladdii furitaanka ee wajiga labaad ee dhaqancelinta Maleeshiyooyinka, waxayna
xafladdaani ka dhacday Hotel Naasa Hablood, waxaana ka qaybgalay mas’uuliyiin ka
socotay Dowlada Federaalka, Madaxda Hay’adaha samafalka iyo martisharaf kale
waxaana ugu horeyntii halkaasi warbixin ka soo jeediyay madaxa Ha’adaasi Raaxo
Maxamuud Jiniqow oo sheegtay in tababarkaani loo furayo 500 oo maleeshiyo ah oo
laga dhigayo hubka, waxay kalloo sheegtay in tababarkaani uu socon doono 14
bildoo oo dhallinyarada lagu doono xirfado kala duwan oo Mustaqbalka ay kaga
maarmi karaan Qoriga, waxay kalloo sheegtay in tababrkaan ay iska kaashadeen
Ha’adda SAACID iyo Ha’adda UNDP.
Waxaa kalloo
halkaasi ka hadlay Faadumo Max’ed Yuusuf oo ka mid ah saraakiisha Ha’adda UNDP
waxayna sheegtay in Hay’adda SAACID ay tahay Hay’adaha ka soo dhalaalay wax u
qabashada Bulshada Soomaaliyeed loona baahan yahay in lagu daydo, waxaa kalloo
ka hadlay Sahro Cali Ceynte oo ah iyana ah guddoomiyaha Degmada Kaaraan oo u
mahadcelisay Hay’adda SAACID oo sheegtay in mashruuceedu uu yahay sidi dalka
nabad loogu soo dabaali lahaa madaama uu qorigu yahay midka hor taagan nabadda,
sidoo kale waxa ka hadlay Faadumo Cabdule Caddow oo ka mid ah macallimiinta
dugsiyada ay maamusho Hay’adda SAACID, waxayna iyana u mahadcelisay Hay’addaasi.
Waxaa kalloo
ka hadlay Mahad Abuukar Shiikh Cali oo ka mid ah ardayda cusub ee tababarka loo
furayo wuxuuna u mahadceliyay Hay’adda SAACID oo u usheegay in ay ka soo saartay
mugdigii ayna u horseeday nolo ka wanaagsan tii uu horey ugu jiray.
Aadan Xaaji
Wabarow Wiish oo ka mid ah mas’uuliyiinta guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa
isna agaasimaha Hay’adda Raaxo Jiniqow gudoonsiiyay Shahaada ugu sareysa ee
guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee dhinaca nabadgelayada, waxaana ugu dambeyntii
ka haday Wasiirada hub ka dhigista iyo Hidaha Bootaan Ciise Caalin, CAbdi Xaashi
C/llaahi, waxayna dhamaantood sheegeen in Hay’adda SAACID ay gacan weyn ka
gaystay sidii loo dhaqancelin lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee Hubka sidata
si loo helo nabad iyo xasilooni
Max’ed Dheere: Tacsi baa
loo tagayaa Baydhabo Halxiraale cusub
C/llaahi Yuusuf ayaa markii uu
xilka qabtay waxa uu khudbadiisii u horreysay ku sheegay in dadka Soomaaliyeed
ay isugu jiraan qeyb maalinkii shaqeysa iyo qeyb habeenkii shaqeysa balse isaga
uu la wada shaqeyn doono, hadalkan wuxuu shacabka Soomaaliyeed ku noqday
halxiraale aad u adag, oo ilaa iyo haatan cid ka jawaabtay ma jirto, laakiin,
dadka qaarkood ayaa fasiraad aan sidaasi u weyneyn ka sameeyey, qaarkood waxey
sheegeen in C/llaahi Yuusuf uu ula jeeday in kuwa habeenkii shaqeeya ay yihiin
tuugada siyaasiyiinta kuwa maalintii shaqeeyana ay yihiin dadka caadiga ah, kuwa
kale ayaa soo booday waxeyna yiraahdeen C/llaahi Yuusuf wuxuu ula jeeday in waxa
habeenki shaqeeya ay yihiin Hawiyaha, kuwa maalintii shaqeeyana uu ula jeedo
qabaa’ilka kale, kuwo kale ayaa waxey yiraahdeen C/llaahi Yuusuf waa askari,
askarina habeenkii ayuu shaqeeyaa, maalintiina wuu ishaa-falateeyaa, oo kuwii
maalinkii uu ka joogi waayo ayuu habeenkii ugaarsadaa.
Halxiraalahaas xitaa C/llaahi
Yuusuf ayaa la weydiiyey wuu ka aamusay, wuxuuna yiri, markii aan xilka ka dago
ayaan ka jawaabi doonaa, oo ku beegan muddo shan sano kaddib ah, iyadoo la
ogyahay in C/llaahi Yuusuf uu yahay nin ad adag oo hadana ay ka soo baxaan
hadalo ad adag oo inta badan dadku aysan fahmin, sidoo kale waa nin kaftan badan
oo aan la gaban waxa uu aaminsan yahay.
Siyaasadda Soomaaliya markii
la dhisay dowladda federaalka isabadal ayey sameyneysay oo siyaasiyiinta
Soomaaliyeed waxaa ka soo yeerayey hadalo u badnaa caay iyo aflagaado
shaqsiyadeed, iyadoo mudadii halka sano iyo barka aheyd siyaasiyiinta uu ka
tagay hadalo taariikhdu xusi doonto.
C/llaahi
Yuusuf iyo Shariif Xasan ayaa markii ay ku soo heshiiyeen magaalada Cadan
siyaasadda Soomaaliya cirka ayey isku sii shareertay gaar ahaan halkii lagu
qaban lahaa kulanka ugu horreeya ee baarlamaanka waxaana soo baxday in dowladdii
labada qeybood aheyd ay u sii kala jabot saddex qeybood nin oday ah ayaa intii
aan lagu dhawaaqin in Baydhabo lagu qabanayo kulanka ugu horreeya waxaa uu ii
sheegay in ay isku dhinac noqon doonaan C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan
waxaana meesha ka baxaya Geeddi marna lagama yaabo in saddexdooda oo heshiis ah
la arko, waxaana ka shaqeynaya dalal shisheeye ah oo aan dooneyn in Soomaaliya
ay heshiiso wuxuuna ii daba dhigay booska Shariifka ee Hotel Saxafi waxaa gali
doona Cali Max’ed Geeddi.
Sida laga
dhadhansan kari khilaafkana waxaad is leedahay waa run ninka odayga ah waxa uu
sheegayo, waayo, waxaa durbo kala booday Madaxweynihii iyo Ra’isul wasaarihii.
Shacabka
ayaa haddana waxaa la soo dhex dhigay halxiraale la mid ah kii C/llaahi Yuusuf
waxaana soo dhex dhigay Max’ed Dheere oo yiri Baydhabo waxaa loo tagayaa tacsi,
eraygaa tacsi waxaa ka soo baxay fasiraado badan, qaar waxey leeyihiin, Max’ed
Dheere wuxuu ula jeedaa tacsida in dhiig badan uu daadin doono oo baroor diiqda
iyo tacsidu ay badan doonto, halka dad kale ay yiraahdeen waa eray liidmo ah oo
Max’ed Dheere uu ku liidayo dadka dega gobollada Baay iyo Bakool, wuxuuna ku
tilmaamay in Baydhabo loo tagi karo tacsi iyo wixi la mid ah balse aan loo tagi
karin ka hadalka Qaran Soomaaliyeed, kuwa kale ayaa iyana erayga tacsi ka
bixiyey fasiraad kale oo ah, in Max’ed Dheere uu Baydhabo la damacsan yahay
weerar si aan loogu qaban magaalada Baydhabo wax shir ah. Hadalka ka soo yeeray
Max’ed Dheere ayaa waxaa ka jawaabay Xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade oo yiri,
“Max’ed Dheere ma aha Xildhibaan, mana ah Wasiir, marka maba ah inuu ka hadlo
arrimaha dowladda” wuxuuna sii daba dhigay, “Arrintu waxey u taallaa 275-ta
Xildhibaan Max’ed Dheerana waxaan leeyahay marka guddoomiyaasha gobolada la
isugu yeero ayaa lagaaga baahan yahay in aad ka qeyb gashid shirarkooda”.
Dadka u
kuur gala siyaasadda waxey leeyihiin wey adkaan doontaa in magaalada Baydhabo ay
marti galiso kulanka ugu horreeya ee Baarlamaanka waayo waxey leeyihiin waxaa
soo ifbaxay khilaafyo hor leh oo aan Baydhabo u saamixi doonin qabashada
kulankaasi, waayo, dowladdu waxey u sii kala jabtay saddex qeybood, koox ku
sugan Muqdisho oo ay ugu horreeyaan hogaamiyaasha hubeysan, kuwo ku sugan
magaalada Jowhar iyo kuwo iyagana tagi doona magaalada Baydhabo, isku soo wada
duuboo, heshiiskii Cadan wuxuu u muuqan doonaa mid la mid ah heshiisyadii
Soomaalidu hore u gaari jirtay 15-kii sano ee ugu dambeeyey, oo
markaad is tiraahdo waa la isku soo dhawaaday la kala boodo.
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Dr.Khalid Omar Cali:Jowhar Xarumaha Dawlada
iyo Xafiisyada Wakiilda iyo safaaradaa waa sii furnanayaan ilaa la helo............,Baydhabana
waxay ka mid aheyd go`aanka Baarlamaanka ee 9-bilood ka hor ku
............................
Wasiir-u-Dawlaha Madaxtooyada Dawlada
federaalka KMG ee Somaaliya ayaa Khamiistii shir Jaraaid ku qabtey Dhismaha
Ghester House ee Magaalada Nairobi ku sheegay in Jowhar Dawlada ka guureynin
ilaa Baarlamaanka Soomaalida Ansixiyo ,xafiisyada Dawlada iyo kuwa Beesha
Caalamka waa ka sii shaqeyn doonaan.
Dr.Khaalid mar uu ka hadlayey Jawhar,waxa Magaalo Soomaaliyeed ,waana
magaalooyinkii la goaamiyey 9-bolood ka hor Jowhar iyo Baydhaba, waxa uu
sheegay in magaalada Jowhar tahay magaaladii ugu Horeysay ay Dawlkada Degto
tan iyo markii lagu dhisay Magaalda nairobi,waxa kale uu sheegay in
magaalada amaankeedu sugan yahay ,xafiisyada Madaxweynaha ,Raisul wasaaraha
Gudoonka Baarlamaanka,safiirada Kenya,Biljam ,midawga afrika ,dawlda
talyaaniga ,Jaamicada Carabta, Q/midoobay,Hay`ada Sama falka ka shaqeynayaan
,
Magaalada Baydhaba Nasiib Dare waxaa ka dhacay
dagaalo iyo qalalaase gacan ka hadal ah ,13- bisha Juun ayaa madaxweynaha
iyo Raisul wasaraha Goaan sadeen In Dawlada Si KMG ah u degto Jowhar,waxaa
mahad u celinyaa Maamulka Gobolka Shabeelada Dhexe oo dawlada sio sharaf
leh u soo dhaweeyey.Wasiirka ma u la
hadlayey Heshiiska Madaxweynaha iyo Afhayeenka Baarlaamka waxa uuyiri ,Talaabo
horumar leh oo ku dayasho mudan.
Magaalda Baydhaba waa magaalo shacabkeedu
garanayo qiimaha Dawladnimada iyo Nabada ,waxaa ka codsanayaa madaxda iyo
Maamulka Gobolka Bay in ay sugaanka Amaanka Magaalada si 275-Xildhibaan mid
waliba Codkiisa si xornimo leh ugu dhiibo ,waxaa kaloo kula talinayaa
shacabka reer Baydhaba in ay ka faaideystaan Fursada maanta ay heystaan ,marti
galiyaana Dawlada iyo baarlamaanka,kana fikiraan ayaaha dadkooda iyo
dalkooda.sidoo lake mar uu la
hadlayey Beesha Caalamka wasiir u dawlada waxa uu ka codsadey in ay ka
dhabeeyaan baalanqaadayadii taageerada mid dhaqaale iyo mid siyaasad , waxa
u yiri in gurmad deg deg ah u fidiyaan Beesha Caalamka dadweynaha
Soomaaliyed oo abaarihii iyo biyo la`aanta dhibaato ka soo gaarey dhamaan
Gobolada dalka Soomaaliyeed.
Ugu danbeytii waxa uu yiri waxaa shacabka
Soomaaliyeed ka codsanayaa in garab nagu siiyaan dadaalka iyo hawlaha Dibu
heshiisiin dib la isugu keenaya Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaalida,waxaa
u madah celinayaa Madaxweynaha Dawlada Yaman, wakiilka Qaramada Midowbey
iyo Dhamaan hay`adihii iyo shaqsiyaaskii suuragaley in la heshiisiiyo
Afhayeenka Dawlada iyo Madaxweynaha,waxaa kaloo uga digayaa saxaafada
Soomaaliyeed ee xorta ah in ay ka fogaadaan wararka abuuri isku dhaca,kana
Fogaadaan Qabiilka .
shirkaasi Jaraaid waxaa ka soo qayb galey
saxaafada gudaha iyo dibada Soomaalida ,Xildhibano iyo marti sharaf kale.
dhamaad .
Somalitalk,Nairobi.Kenya.
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 3,2006
Muslimiinta oo la Weydiistey in ay Rasuulka (scw) ka Difaacaan
Aflagaadada
»Su’aalihii
la weydiiyay Ra’iisal wasaaraha Denmark
»JP
oo raalli gelin wax u eg siisay muslimiinta...
»"Masjid
Muslimiinta ha loo dhiso"
Herpert Pundik
»Wargays
kale oo aflagaaddeeyay Rasuulka (scw)
iyo Warar
ku saabsan wargeyka JP ee Denmark.. Guji.. | Feb 2
C/llaahi
Yuusuf oo Nairobi dhawaan kula kulmi doono wasaiirtada hubeysan..
»Beesha Caalamka oo soo cara celiyey
Raiisul Wasaare Geedi
»Kismaayo: Waddo 3km oo la dayac tiray...
»Cismaan Caato oo deg deg ugu ambabaxay Nairobi..
»Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ambabixi doono Baydhabo
»Max’ed Dheere oo weli ka biyo diidsan kulanka Baydhabo
»Qaylodhaan ka soo yeertay Maamulka Degmadda Qoryooley
iyo Warar
GooGoos ah ka akhri halkan... Guji... Feb 2 |