SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
XABSIGA - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print

Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...

Gabay: Guutada Hargeysiyo maxaa gaalo nabadeeyay. Gabaygaan waxaa tiriyay abwaan xasan garaad warsame waxaana uu uga hadlay  tacadigii loo geystay xabsiga magaalad... Guji...
GABAY::: HURGUMO: Gabaygan waxaa tiriyey Mursal Siciid Cali Waraabe oo kaga qayb gelaya silsilad suugaaneedka loogu xaq raadinayo xabsiga iyo tacadiga Sh. M Ismaaciil ... Guji.
Xildhibaan Maxamed Jaamac Oo Ka Tirsan Golaha Wakiiladda Ayaa Ku Eedeeyey Wasiirka Daakhliga Inuu Reer Sool U Gaar Yeelay Cajaladda.. Guji...
Waa nasiib darro in uu KULMIYE isagu noqdo ka difaacaaya xukuumada looga bartay been abuur iyo jidhdilba.... Guji.. (Cali Guuleed)
Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Cadaaladda SL: Waxaanu Weydiinay: Maxamedow Ma jirtaa in lagu jidh dillay? wuxuu ku jawaabay Haa Waa La I Jidh Dilay.. Guji..
Abwaan Bacadle Oo Gabay Ka Tiriyay Tacadigii Sh. Max’ed Sh. Ismaaciil Ee Tacadiga Loogu Geystay Xabsiga Magaalada Hargeysa.. Guji..
qoraalAFKALAQAAD (Gabay): Awliyadii Ilaahay xabsiga lagu ihaaneeye, Itoobiya maxaad eray u tidhi waa afkalaqaade Guji (Nabadoon)
GABAY::: Ceelkii Hargaysaad::: Gabay ka hadlaya tacadigii Sh. maxamed loo geystey... GUJI... | Dhagaafe
Gabay: Sheikh lagu silac-dilyeeynayo Xabsiga Hargeysa:: heelleeeyda haasaawe gabay   hirarka suugaanta... GUJI.. (Dailaaf)
Gabayga: Hungo ::: Ma huq  iyo murugaan hurdada ciil la heli waayey? : Ma hiqleeyey sidii wiil yaroo oohin la hinraagay? ..Guji.. (Xiirane)
Hubso: Ma jidhdil wadaad mise fidno abuur?:: Guulaha cusub ee farsamada isgaadhsiinta casriga ah, gaar ahaan mareegta... Guji (Cige)
cabdiwaaxidCulumada Xamar oo la Xurmeeyey; Kuwii Somaliland oo la Xirxiray, iyo Kuwii Puntland oo laga Xanibay Diyaaradday soo Guji.. (C/waxid)
Waraysi lala Yeeshay Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil Walaalkii Faysal Sh Ismaaciil.::: Cajaladdan maxkamadda ayaannu ku aragnay ... Guji...
Waa Sidee Aragtida Xisbiga UCID Ee Jidh Dilka Sh.M.Ismaaciil "Xukunka Degdega Ah Ee Lagu Xukamay Dadku Waa Xaaran.." Xasan Suldaan Guji...
Gudoomiyaha  golaha fulinta  maxkamadaha islaamiga ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ugu baaqay maamulka Somaliland in ay joojiyaan dhibaatada ay ku hayaan culimaa'uddiinka Soomaaliyeed.. Guji..


 Gabay: Guutada Hargeysiyo maxaa Gaalo Nabadeeyay 


Abwaan Xasan Garaad Warsame

Gabaygaan waxaa tiriyay abwaan xasan garaad warsame waxaana uu uga hadlay  tacadigii loo geystay xabsiga magaalad gargeysa sh maxamed cismaan ciil   waxaana uu ugu magac daray gabayga abwaanku Guutada hargeysiyo maxaa gaalo nabadeeyay 
  • 1.   Anigoon gu yaal jirin anoo gaban carruureeda
  • 2.   Goobtaa bannaan iyo anoon kala aqoon geedka
  • 3.   Galuusyaha anoon xira aqoon gebi ahaanteyba
  • 4.   Ga da gabayga guuluhu si fudud maalin ii geliye
  • 5.   Guhaadiisa igu dheeh allihi gacanta weynaaye
  • 6.   Anaa garan anaa gama anaan gaabin weligeeye
  • 7.   Anigoow ka goor iyo ka goor gegida ii yaale
  • 8.   Gunta xabadka anigoow degiyo galawga dhuuntaa he
  • 9.   Anigoow gidaarada qalbiga goof ku leeyahaye
  • 10. Gantaalada ridada dheerleh iyo gamaska liishaanka
  • 11. Anaan gumaca meeshaan ku rido geeska mariheyne
  • 12. Abwaaniinta guud baan su aal gabaya weydiine
  • 13. Xaa guwaanta naamiyo Barbara  gacal wadaagsiiyay??
  • 14. Guutada hargeysiyo maxaa gaalo nabadeeyay?? 
  •  
  • 15. Gufarbaa ka hara biyihi ay gacantu miirtaaye
  • 16. Guubay ku dhaaftaa halkey good ku curataaye
  • 17. Waqtigani ragbuu gocanayaa mowdku gaasiraye
  • 18. Meeshi gows ka dhoco carrabku waaa geli ogaadaaye
  • 19. Guun iyo ardaal baa bedelay geesi yaalihiye
  • 20. Geedkii wadani hari jiraa ganato jiiftaaye
  • 21. Gobanimadu haantey leheed waa ganboontahaye
  • 22. Gucdur geliye taariikhihii gu ,a ha weynaaye
  • 23. Garashadi suldaan timacadiyo gabayadii aaway?
  • 24. Markii aw cigaalkii ga ,aa geeljir maamulaye
  • 25. Cadawgaan is googoyjirney garab u qaateene
  • 26. Abwaaniinta guudbaan su aal gabaya weydiine
  • 27. Xaa guwaanta naamiyo Barbara gacal wadaagsiiyay??
  • 28. Guutada hargeysiyo maxaa gaalo nabadeeyay?? 
  •  
  • 29. Gefka ina cismaan laga galayu ciida kala gaarye
  • 30. Gardarada xabsiga loo dhigiyo tacadigaa gaaray
  • 31. Gacanqaadka foolxumada badan hadal ka sii goobka
  • 32. Fekerkaa galbeed inuu kayimid leysla wada gaarye
  • 33. Gaalku farax islaamkuna xanaaq buu gudoonsadaye
  • 34. Gam I waay ninkii daawdey bey galisay yaab uune
  • 35. Falgilgilay jirkeenoo naxdimo noo guntaa  dhacaye
  • 36. Wax gurucaya dhaqankoo sunaha gooyaybaa dhacaye
  • 37. Garaadkeyga ku ma daahi karo sun iyo gaamiire
  • 38. Gonda eegto ficilkaan la baxay ninman xunbaa geystay
  • 39. Abwaaniinta guudbaanse su aal gabaya weydiine
  • 40. Xaa guwaanta naamiyo barbar gacal wadaagsiiyay??
  • 41. Guutada hargeysiyo maxaa gaalo nabadeeyay?? 
  •  
  • 42. Goosankii hargeysood beryadan gaalo raac noqoye
  • 43. Guntigey u wada dhuuqsadeen iney gedoodaane
  • 44. Garawaaye danohooda guud amase gaareede
  • 45. Gacmehey u wada lulahayaan gooha kirishtaane
  • 46. Gaaladu iney aamintey geed u gorayaane
  • 47. Xaqey garab mareen culumaday gowrac ku hayaane
  • 48. Meeshii kufrigu galo allena waa gedinayaaye
  • 49. Gan adeyga Somaliland waa gun nima weyne
  • 50. Gercadaha la xiray oo xabsiga lagu garaacaayo
  • 51. Nin kastoo islaannimo  gashey gubatay laabtiiye
  • 52. Abwaaniinta guudbaan su aal gabayay weydiine
  • 53. Xaa guwaanta naamiyo Barbara gacal wadaagsiiyay??
  • 54. Guutada hargeysiyo maxaa gaalo nabadeeyay?? 
  •  
  • 55. Gabaadkii tegree lagaheley go id ku dooneene
  • 56. Kitaabkoo amxaar lala gubey go id ku dooneene
  • 57. Geed culumadoo lagu xiroo gaalo laga iibsho
  • 58. Oo lacagta laga soo gurtey go id ku dooneene
  • 59. Shiikh silsilad lugaha loo gelshoo lagu garuumeeyo
  • 60. Oo koronto lagu sii gubey go id ku dooneene
  • 61. Wax kastoo gef iyo ceeb leh bey go id ku dooneene
  • 62. Garabsiga walaalaha kaley godob u qaateene
  • 63. Gafuurtuur sokeeyaa galooy galab niyeysteene
  • 64. Gacma duub in loo xirahayeey laabta geliyeene
  • 65. Abwaaniinta guudbaan su aal gabaya weydiine
  • 66. Xaa guwaanta naamiyo Barbara gacal wadaagsiiya ??
  • 67. Guutada hargeysiyo maxaa gaalo nabadeeyay?? 
  •  
  • 68. Afartaas gariirshee hadaan dulucda sii gaar
  • 69.Gunta hadalka Somaliland wowgudbinayaaye
  • 69. Waxba yaan mashxarad loo gigimin gugaca beenaade
  • 70. Waxba yaan guurguurtada adduun leyska daba geyne
  • 71. Waxba yaan gudboonaa ladhihin godobya ceebaale
  • 72. Waxba yaan gurbaanada tegree guulo looqabine
  • 73. Waxba yaan gedood iyo isbuus duurka loo geline
  • 74. Waxba yaaan gu baa da,ay la oran gubata qiiqeede
  • 75. Waxba yaan geyaan laga qixine gaal lataabicine
  • 76.  Danbi yaan lagelin yaan qubxiga gacanta loo hoorsan
  • 77. Goroorkiyo baraaraha waryaan gaajo lagu dheehin

 
Abwaan Xasan Garaad Warsame
Email = 
abwangaraad@hotmail.com

Afeef: Aragtida gabaygan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 14, 2006




Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD