SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Hawsha koowaad oo sugaysa maxkamadaha kismaayo qabsaday waa dhismo 10 isbitaal

Hassan warankulule
warankulule@yahoo.com

 
Kismaayo waa caasimada 3aad ee Soomaaliya laakiin waxaa la degay kacaankii iyo Morgan iyo Jees iyo USC iyo isbahaysiga dooxada juba kuwaas oo dhamaantood qayraadka dekedda iyo gegida dayuuradaha boobi jirey ayagoo awooday inay magaalada u dhisaan isbitaalo badan.
Baahida kismaayo waa badan tahay waxaana ka mid ah amaanka, waxbarashada, wadooyinka, nidaamka dhul bixinta, shaqo laaanta laakiin waxaa ugu daran dhanka adeega caafimaadka waxaa ay lahayd magaalada hal isbitaal oo aad u liita .  Kismaayo waa magaalo weyn hal isbitaal kuma filna.  waxay u baahan tahay ugu yaraan 10 isbitaal
 
Isbitaalka dhalmada iyo haweenka
Isbitaalka qaliinka
Isbitaalka talaalka iyo caruurta
isbitaal guud
Isbitaalo gaar ah (isbitaalka qaaxada, kaadi sokorta, dadka waalan,wadna xanuunka,indhaha iwm)
 
Maxkamadaha iyo magaalada Kismaayo waxay haystaan  maanta fursad.  Maxkamadaha waxaa laga filayaa inay sida Xamar kismaayo u hawlgeliyaan oo dhaqdhaqaaqa horumarka dhinac kasta kiciyaan waxaana ugu horeeya inay xaaladda naxdinta leh ee dhinaca caafimaadka wax ka qabtaan.  Haddii ay maanta balan qaadaan dhismaha iyo haw; gelinta 10 isbitaal waxay soo jiidn karaan qalbiga iyo laabta iyo maskaxda reer kismaayo.
 
Reer Kismaayo fursadda ay haystaan waa ayadoo dhowaan magaaladooda aad u kori doonta oo dhaafi doonta Xamar iyo Boosaaso iyo Hargeysa iyo Gaalkacyo oo la isku daray.  Kismaayo waa meesha ugu barwaaqo badan Soomaaliya laakiin cadaadis ayaa mudo dheer saarnaa maanta waa xorowday oo maxkamadaha waxay soo celin karaan nabaddii iyo cadaaladdii iyo xornimo u ganacsigii ay Kismaayo u baahnayd.
 
Lama garanayo waxa ka dhigay Kismaayo meesha ugu liidata xagga caafimaadka iyo isbitaalada laakiin nasiib darro waa xaqiiqo kismaayo inay baahida ugu weyn u qabto isbitaal
maxkamadaha ma fahmi karaan baahidaas mase ka faaideysan doonaan  dhisidda10 isbitaal taasoo u soo jiidi doonta qalbiga maxkaxda iyo laabta reer kismaayo?

Hassan warankulule
warankulule@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 1, 2006

»MUSAAFURINTA SHACAB SOOMALIYEED GOBALADA PUNTLAND
»KU: MAXAAKIMTA  KISMAAYO | Darwiish 
»MAXKAMADO CALANKII  GUBAY  &  DOWLAD DALKEEDA  CADAW
»MAXKAMADUHU KA WEYN WAX SOMAALI U GAAR AHAYN | xariiri
»
Ramadaan Fursad Mudan In laga Faa’idaysto | Saciid
»
Ramadaan Kariim | Qormadii C/xakiim Jooje
.Soomaalidu lama rabo, iyagana ismarabaan
.SOOMAALIDA IYO DHAQAMADA CUSUB (INTIXAAR)
.Degmooyin dulman!: Afgooye, Shalaanbood, Baraawe
.MAXAA LA GUDBOON (DFKM IYO MMI)
.Dacaayad ka dhan ah Diinta islaamka oo bilaabtay
.Cabdullaahi Yuusuf Ma Maamuli Karo Soomaaliya

.Gabayo ay is dhaafsadeen Abshir Bacadle & Cali Xaashi

Nin Soomaali ah oo  lagu dilay K/Afrika
kadibna lagala baxay Xubnaha Jirka ee Muhiimka ah sida Maskaxda, Wadnaha, beerka, Kilyaha, iyo...
Guji...
 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD