SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

    Hadba meel ku duul duul darajiyo wanaag maleh 

    Mahad Ahmed Dhoore (qaransuge)
    jjmahad@hotmail.com

Waxaan salaamayaa dhamaan ummadda soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan marka xiga waxa sida aad la socotaan 25/09/06 magaalada xeebtaa ee kismaayo qabsaday ciidamada maxaakimta ayadoon wax dagaal ah uusan ka dhicin halka madaxdii isbahaysigii dooxada jubana ay ku kala qaybsanaayen qabsashada magaalada oo Bare aadan shire(hiiraale) oo ahaa gudoomiyihii is bahaysigaa waxuu magaalada ka baxay maalin ka hor intii aysan magaalada soo galin ciidamada maxaakintu halk Seeraar oo ahaa gudoomiye ku xigeen iyo Goobaale oo ahaa madaxa ciidamada oo isku hayb ahna ay ku soo dhaweeyeen magaalada kismaayo ciidamada maxaakimta

Balhadaba arinta caynkaas ah maxay saamayn ku yeelatay ummadda soomaaliyeed iyo guud ahaan siyaasada iyo taageerada maxaakimta

Markii ay magaalada muqdisho qabsadeen ciidamada maxaakimtu kana adkaadeen hogaamiye kooxeedyadii mudada 16ka sano ah ummadda afduubka ku haystay una diidanaa inay aayahooda ka tashadaan waxay maxaakimtu heleen taageero wayn oo ay ka heleen dhamaan ummada soomaaliyeed meelkasta oo ay joogeen hase ahaatee waxaa taageeradii caynkaas ahayd ku yimid karaar dhac aad u wayn(deceleration) kaas oo ay sababeen maxaakintu bal eeg inta shay ee maxaakimtu ay ku lumiyeen taageeradii waynayd ee ay markii hore ka heleen ummadda soomaaliyeed

  • Waxay markii u horaysay maxaakimtu duulaan ku qaaday magaalo madaxda gobolka sh/dhexe ayagoon wax maamul ah u samayn magaalada muqdisho oo marka  hore loo baahnaa inay maamul u sameeyaan waayo wax walba waxaa loo baahanyahay inay kala horeeyaan, halkaas waxaa ku dhumay taageeradii dadka ku nool gobolka sh/hoose  iyo dad badan oo taageero u qaaday maxaakimta ka dib markay muqdisho ka saareen dhiig miiratadii
  • Waxay bilaabeen  inay duulaan ku soo qaadeen  magaalada Baladwayn oo ayada aad moodo inay ahayd arin kale oo lagu dagdagay waayo xamar iyo jawhar oo ay soo qabsadeen wali waa u af banaanaayeen marka laga eego dhan walba
  • Waxay ciidama maxkamaduhiu soo jeediyeen shuruuc ay ku xakamaynayaa qaadka, daawashada ciyaraha iyo waxii kaloo la mid ah taas oo ayaduna runtii lumisay taageero aad u wayn oo u badan dhalinyaradii tilaabadaas oo ah mid aan xataa  suurto gal ahayn in xiligaas lagu aadiyo waayo meel aan maamul iyo horumarkii kale ee looga baahnaa wali loo samayn arintaas waa adagtahay si dadka loogu qasbo.
  • Waxay maxaakimimtu ku dhawaaqday inay dulaan ku yihiin gobolada dhexe taas oo ahayd mid runtii aad loola yaabay waayo goboladaas waxaa ka soo jiray maamul wayn oo  u dhisan qaab sharciyaysan halkaas maxaakimtu waxay ku wayday taageeradii ummada inteeda badan iyo tii caalamka labadaba
  • Waxaa dhacday arin kale oo runtii ayaduna lumisay taageero aad u wayn ka dib markii ciidamada maxaakimta gaar ahaan kuwa magaalada muqdisho ay qabteen siyaasiga way nee Cali Mahdi Maxamed asagoo marayay wadada is ku xirta xamar iyo afgooye kana qaadeen qoryo nooca gacanta lagu qaato halka sida aan wada ognahayna ay magaalada muqdisho ay jiraan rag ku dhex wata tikniko aad u fara badan sida madaxwaynihii dowladii carta C/qaasim Salad xasan taas oo dadka ku dhalisay ma labada nin ee siyaasiyiinta ah ee labaduba madaxda kasoo noqday dowladihii guul daraystay ee 1991kii iyo 2000k oo labadaba lagu soo dhisay dalka jabuuti taas oo marka laga soo tago luminta taageerada shaki wayn galisay cidda maxaakimtu ay tahay
  • Waxaa ayaduna jirtay dhacdadii ugu danbaysay oo ahayd tan ugu daran uguna yaabka badnayd ka dib markii ciidamada maxaakimtu ay sheegeen inay duulaan ku yihiin magaalada kismaayo ayagoo ku doodaya inay Nuurka iyo Kitaabka alle gaarsiinayaa ayagoo aan jaleecin magaalada marka iyo gobolka Sh/hoose taas uu ummadda ku dhalisay is waydiin wayn oo oranaysa shabeelada hoose waxaa haysta dad aan u dhalan oo ku haysta xoog dad aan hubaysnayn hadana waa la dhaafiyay Nuurkii iyo Kitaabkii ay maxkamduhu sheegeen inay wadaan  taas micnaheedu ma waxaa weeye in nuurka aan looga baahnayn Sh/hoose mise waxaa jooga aabihii maxaakimta sida uu sheegtay ninka haysta sh/hoose?

Akhristaha sharafta lahow miyasan intaas oo qodoba ahayn kuwa ay maxkamaduhu ku waayeen taageero ayaguna aysan sabab u ahayn akhristaha sharafta lahow miyaysan maxaakimtu la mid noqonayn kacdoonadii awalba dhici jiray ee hadana burburi jiray markay sidaan iyo si la mida ah u dhaqmaan

Waxaa hubaal ah wax walba oo marinkooda saxdaa aan la marin inay burbur salka ku hayaan

Ujeedadaydu maahan inaan cid dhaleeceeyo balse waxaan dareemayaa in waxani ay ku socdaan wado khaldan hadii saas lagu sii wadana aysan ka sokaynayn damac lagu hugoobay 

Hadalkayga waxaan ku soo koobaya

Ummadda soomaaliyeed waa daashay umana baahna markaan dagaal iyo xabad in wax lagu raadiyo ee waxay u baahantahay xal iyo miis korki in lagu baadi gooob qaranimadoodii ee taas kuligiin wada gudoonsada 
 

W/Q gudoomiyaha ururka Somali youth and environment salvation org. (SYESO)

Mahad Ahmed Dhoore (qaransuge)
jjmahad@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 1, 2006

»MUSAAFURINTA SHACAB SOOMALIYEED GOBALADA PUNTLAND
»KU: MAXAAKIMTA  KISMAAYO | Darwiish 
»MAXKAMADO CALANKII  GUBAY  &  DOWLAD DALKEEDA  CADAW
»MAXKAMADUHU KA WEYN WAX SOMAALI U GAAR AHAYN | xariiri
»
Ramadaan Fursad Mudan In laga Faa’idaysto | Saciid
»
Ramadaan Kariim | Qormadii C/xakiim Jooje
.Soomaalidu lama rabo, iyagana ismarabaan
.SOOMAALIDA IYO DHAQAMADA CUSUB (INTIXAAR)
.Degmooyin dulman!: Afgooye, Shalaanbood, Baraawe
.MAXAA LA GUDBOON (DFKM IYO MMI)
.Dacaayad ka dhan ah Diinta islaamka oo bilaabtay
.Cabdullaahi Yuusuf Ma Maamuli Karo Soomaaliya

.Gabayo ay is dhaafsadeen Abshir Bacadle & Cali Xaashi

Nin Soomaali ah oo  lagu dilay K/Afrika
kadibna lagala baxay Xubnaha Jirka ee Muhiimka ah sida Maskaxda, Wadnaha, beerka, Kilyaha, iyo...
Guji...
 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD