SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Sooyaalka magaalada Kismaayo & Soo Dhaweyntii Maxkamadaha islaamiga

Ahmed_Nuur Sheekh Abdullahi
Ahmedpo@hotmail.com

Magaalada Kismaayo waa magaalada sedexaad ee jamhuuriyadda Soomaaliya waxay ku taala 500 km koonfurta caasimada Muqdisho sida la wada ogyahay kismaayo waxay kulansatay sida caasimadda muqdisho oo kale Bartii, baddii, beerihii & xoolihii waxaana inta badan dhinaca kasta ka xiga barwaaqo waxaa dhaca wabiga Soomaaliya ugu balaaran ee jubba kaas oo soo dhex jiira magaalooyin baddan oo ay ka mid yihiin LUUQ, BAARDHEERE, BUALE, JILIB & JAMAAME.

Taariikh ahaan waxay magaalada leedahay taariikh qani ah oo aan cidna dafiri karin taas oo u noqonaysan boqolaal sanadooda boqorkii saladantii Cumaan Suldaan Siciid Barqash ayaa maamuli jiray qarniyaddii dhexe waxaana kala wareegay dagaalkii labaad ee aduunka gumaysigii ingiriiska markaas soomaalidu indha ma lahayn waxaana isku hardiyi jiray degaanada jubbaland la oran jiray carabtii zanzibaar maamuli jiray & gumaystayaashii reer galbeedka ee ingiriiska & talyaaniga.

Dhulkan jubbooyinka waxaa asal ahaan dad ka soo jeeda qaaradda afrika gaar ahaan wadamda kenya & tanzania waxaana bilowday dagaal u dhexeeya dadkii madoobaa ee African ahaa & dadkii soomaalida ahaa ee dhulkaas ugu soo horeeyay waxaana horumuud ka ahaa suldaankii aji & ajuuraan suldaan ahmed magan oo ahaa aabihii suldaanka aan maanta maqalo ee suldaan ALI SONKOR waxaan dadkaa loo yaqaana gaalo madaw qaar badan ayaa degan oo soo islaamay markii dambe dagaalkii waxaa ku guulaystay Islaamka & Soomaalida taas oo ay geeyeen wabiga Tana River ee dhex mara degaanadda waqooyiga bari ee kenaya halkaas oo xuduud rasmi ah u noqotay soomaalida & dadka madaw ee reer kenya.

Waxaa soo batay dad soomaaliyeed oo ka soo haajiray qaybaha kala duwan ee dhulka Soomaaliyeed gaar ahaan bariga & goboladda dhexe soomaaliyeed waxaana soo dhaweeyay walaalahoodii ugu soo horeeyaa waagaa ma jirin qabiil ee waxaa jiray dhaqan & diin halka maanta uu noqday iclaamka rasmiga ah qabiil uu madax maray inta badan dadka oo hadii la yiraahdo kitaabka alle waxay ka jecel yihiin qabiilka & qabyaaladda.

Hadii aan wax yar ka xusno dagaaladii sokeeye ee soomaaliya halakeeyay 16 sano ee ugu dambaysay dagaaladaaas oo ay hurinayeen qabqablayaal ka badan 30 meeyo isla markaan afduub umadda ku haystay kuna shabadeeyay qabiil qaarna maskaxda uga qoray ayaa kaalinteeda waxay kismaayo ka qaadatay sida magaalooyinka kale ee soomaaliya khasaaare badan dhimasho & dhaawac barakac & isku hardan baddan oo dhex taagnaan dhowr qab qable oo markii dambe dadkoodii naceen iskana cayriyeen soona tureen isagoo duful ah.

Barrre Hiiraale Morgan & Jees ayaa loo soo qaadan karaan qabqablayaashii dhiigyacabka ahaa isla markaana umadda soomaaliyeed ee isku diinta ah isku diray kalana dilay isla markaaana awrka ku kacsan jiray qabiil & qurun waxayan sedex nin ka sinaayeen diin la,aan naf jeclaysi danaystanimo & jaahilmio markii damabe ee shacabkodii ka hor yimidna mid walba waxa uu raadsaday xulufo isagoo midba kan kale u qayilayay waxayna noqotay kismaayo gole ciyaareed oo shacabka aakhiro & aduun waxaa seejiyay dhowr nin oo aan u dhalan degaanada isla markaana arimo guracan & qabiil u joogay hadaan fiirino 3 nin midna uma dhalan magaalada kismaayo & degaanada ku hareeraysan oo kan u sokeeya ayaa ka yimid galguduud kuwan kalane waa ka shisheeyaan waxayna umadda jubbooyinka mariyeen halaag & bur bur waxayna ku dambeeyeen fashil & buunka midba maalin in loo yeeriyo ay bulshadii dhibanayd iska cayriyaan.

Kismaayo oo leh taariikh ma guurto ah degaan ma guurto ah isla markaana dhex taala dhamaan shacabi waynaha soomaaliyeed anaga ayaa iska leh, anaga ayaa iska leh & anaga ayaa isla leh miyay dhaafi wayday waxaa ka qurux badan aniga waxaas ayaa ku leeyahay goorma ayaa laga tagi anaga ayaa isla leh oo loo gudbi aniga waxaan la yaabay markii midowga maxkamdaha islaamiga ah soo galeen magaalada Kismaayo iyadoo la ogaa dhibaatadii & afduubkii ay dooxadda jubba umadda islaamka ee magaalada degan ku haysteen ayaa qaar badan oo wax ma garata ah bilaabeen waxaa qabsaday Kismaayo qabiil waa kuma qabiilka qabsaday shalay Barre Hiiraale kuwii uu la socday ee dooxadda jubba markii uu la heshiin waayay ayuu ka cararay oo degaanka beeshiisa ayuu aaday.

Dadka degaanadda waxay soo dhaweeyeen golaha midowga maxkamadaha islaamiga ee Soomaaliyeed waxaana dadka reer kismaayo ay marag ka yihiin in maalintii 25 bishan ay isugu soo baxeen kumanaan kun oo dad ah oo xatta waxaa la arki waayay culimadii khudbadaynaysay marka haweenka & caruurta qaadku ka go,ay ee muqawadiinta ah ayaa meelaha dhagaxaan & afkagaado la taagnaa wax calan ah oo la gubay ma jiro haddii ay dhacdo in la gubay yaa qiima badan maro & qofka insaanka ah ee muwaadinka soomaaliyeed ah Baydhabo ayaa maalin walba lagu laayaa dad soomaaliyeed oo maato ah oo aan waxba galbasn qaarn garoonka diyaaradah ayaa lagu laayay wax u doodayna ma jiraan kuwa dhuuni qaatayaal ah ayaa afka wax loo galiyay ka dibna iska aamusay intay meelaha dhowr maalmood qayl qaylyeen.

Midda kale dad dano gaar ah leh ayaa ka dambeeya dacaayadaha oo awrka mar labaad raba inay ku kacsadaan haweenka & caruurta tolow yaa biila caruurtaan hadda ka hor Barre Hiiraale 7 sano ayuu xoog magaalada ku haystay dekeddana si shakhsi ayuu u isticmaali jiray 1 shilin oo isaga dhaafsiisan uma ogolayan xatta waxuuu iska horkeenay beeshiisa oo u kala qaybiyay reer Gedo & reer Galguduud marka islaamka markii loo soo bandhigay ninkaas isaga ayaa ka cararay saaxiibadii Goobaale & Seeraarna waa u hogaansameen islaamka oo hubkoodii si nabad ah islaamka ugu soo gacan galiyeen wax dhiig ah kuma daadan.

Kismaayo waa magaalo soomaaliyeed oo dhex taal u ah umadda soomaaliyeed oo dhan waxaan degan in ka badan 40 qabiil waxaan la yaabay maxaa loo sheegi la,yahay kuwa kale inta dhowr qoys ay ku hardamayaa oo ay leeyihiin anaga ayaa iska leh soo ma ogidin in muqdisho anaga ayaa iska leh ay ka dhamaatay oo lagu heshiiyay aan wada noolaano xatta ka hor inta maxkamdaha islaamiga ah aysan iman sanad ka hor ka dib markii lagu kala adkaan waayay waa dhamaaday qabiilkii awrka lagu kacsan jiray.waxaad moodaa meelaha qabiilku wali lagaga dhaqmo sida waqooyigalbeed & waqoooyi bari soomaaliya inay yihiin meelaha ugu hooseeya umadda oo wax horumar ah aanu ka jirin

Waxaa lagu yasaa dadka soomaaliyeed ee goboladda kale iyadoo dadka qaarkoodana madax furasho looga qaado halka kuwo kale qabiil ahaan ay la haystayaal u yihiin kuwo markaas isku sheegay inay yihiin kuwa ugu tunka wayn qaarna baddaha lagu daadiyo qaar kalena waxaa lagu dhex garaaceen xabsiyadda hadda waxaa ku jira Net ka nin lagu dhex garaacyao haraati & feer lala dhacayo magaalada Hargaysa aduunka dhan waa laga daawanayaa maalahaman soo ceeb kuma ah kuwii lahaa waa ka go,nay umadda inteeda kale marka meelaha ay wali ka jiraan anaga ayaa iska leh & anaga ayaa iska leh & yaa tahay adiga iyadoo qofkii soomaaliyeed loo soo masaafurinayo BAY & BAKOOL si khasab maalmahan waa maqlayseen waxa ka dhacaya degaanadaas in CADDE MUUSE uu sheegay in uu amxaaro keensaday oo dan ay ku jirto.

Sheekh Xassan Abdulle "Hassan Turki" & ciidankiisa waxay dhowr bilood ka hor go,aansadeen inay walaalaha Islaamka ee Muqdiso gacan siiyaan kuwaas oo dagaal ba,an kula jiray argagixisadii maraykanka soo dirsaday & qudhaacu dhariiqii laga mari waayay wada waxay saldhigyo ku lahaayaan degaanadda haddii sheekhu uu qabiil yahay muxuu ciidan waa haystaye uga qayb gali waayay dagaaladii la isku hardin jiray ee qabaa,ilka isla markaana ay isku hardamayeen inta badan iyagoo is bursanaya ayuusan dan ka lahayn.

Muxuuse u weerari waayay hadda ka hor magaalada kismaayo ?illeen Raaskaambooni ayuu joogi jiray ciidan baddana ku haysan jiray sheekha muxuu u aaday xamar oo uga soo dagaalamay? waxaas oo dhan waa allah dartii isaga ayaa sheegay in uu ka dagaalamay kaaran & jowhar hadda maanta degaankiisii ayuu ku soo laabtay waadna ogtihiin sida looga soo dhaweeyay sida magaalooyinka KISMAAYO ,DHOOBLEY AFMADOW & BU,AALE isagoo wada islaamkii oo xoogaystay isla markaana meel kasta u socda ee kuwa shayaadiinta ah ee diidan diinta alle daadku yuusan idin qaadin danteenu waxay ku jirtaa Kitaabka alle sw & sunnadda nabigeena suuban SCW.

waxaa soo ogaanay kuwa mudahaaradka & qaska wada magaalada kismaayo ee isugu jira haweenka & caruurta oo rag waaweyna gadaal ka riixayaan waa kuwo diidan in guryahay ay xooga ku dagan yihiin laga qaaday isla markaana lagu wareejiyo qofkii iska lahaa illeen muqdisho waa aragteen intii maxkamadaha islaamiga la wareegeen wax dad xoog dad kale ku haystay cadaalada & xaqqu ugu hiiliyay marka sidaa ayay ka baqayaan oo waxay diidan yihiin shareecadda islaamka in looga qaado.

Ugu dambayntii dadka goboladda jubbooyinka ha kala doortaan kitaabka alle SW & Qabqable, qabiil & Qaadka oo aad isugu dhaw kuwa isku dhabar jabinaya inay islaamka fashiliyaan iyagoo gabiil adeegsanaya u hirgali mayso tijaabo badan waxaa inoogu filan xamar & wixii ka dhacay xaqa & badilku isma garab yaaci karaan kuwa xabashidda & uganda wata waan soo dhawaynayaaa miyaa ?kuwa kitaabka Alle watan waa la dagaalamaynaa miyaa? ma qaad ayaa adoomo u noqonaa mise allah SW?

Waa in dhamaanteen aan taageernaa islaamka ogowna haddii aad taageeri waydo islaamka maanta waxaa taageeri doontaa Ciidamada IGADSOM ee AIDS qaba ee ay u yeeranayaa kuwa wax magaratadda ah ee fadhiya BAYDHABO kuwaas oo ah qabqablayashii 16 sano umadda soomaaliyeed halkaas dhigay ogowna haddii aad islaamka taageeri waydo waxaa taageeri doontaa kuwa AIDS qaba ee la keeni rabo Soomaaliya kuwaa oo aan ognahay cuduradda ay qabaan & inay yihiin dad laga soo maray isla markaan ah intii ugu xumayd ee Africanka ee loo soo diri rabo Soomaaliya.

WABILLAHI TOWFIIQ
ASALAAMU CALAYKUM

Ahmed_Nuur Sheekh Abdullahi
Ahmedpo@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 1, 2006

»MUSAAFURINTA SHACAB SOOMALIYEED GOBALADA PUNTLAND
»KU: MAXAAKIMTA  KISMAAYO | Darwiish 
»MAXKAMADO CALANKII  GUBAY  &  DOWLAD DALKEEDA  CADAW
»MAXKAMADUHU KA WEYN WAX SOMAALI U GAAR AHAYN | xariiri
»
Ramadaan Fursad Mudan In laga Faa’idaysto | Saciid
»
Ramadaan Kariim | Qormadii C/xakiim Jooje
.Soomaalidu lama rabo, iyagana ismarabaan
.SOOMAALIDA IYO DHAQAMADA CUSUB (INTIXAAR)
.Degmooyin dulman!: Afgooye, Shalaanbood, Baraawe
.MAXAA LA GUDBOON (DFKM IYO MMI)
.Dacaayad ka dhan ah Diinta islaamka oo bilaabtay
.Cabdullaahi Yuusuf Ma Maamuli Karo Soomaaliya

.Gabayo ay is dhaafsadeen Abshir Bacadle & Cali Xaashi

Nin Soomaali ah oo  lagu dilay K/Afrika
kadibna lagala baxay Xubnaha Jirka ee Muhiimka ah sida Maskaxda, Wadnaha, beerka, Kilyaha, iyo...
Guji...
 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD