SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAYSI
Daabaco Boggan | Print
ciidQaabkii looga Ciiday Suuriya, Badhan, Garoowe, Nairobi iyo Minneapolis St.Paul..
Kenya: Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed oo goob fagaare ah laga taageeray iyo Somaliland oo loogu baaqay in ay degdeg u siideyso Sheekha ku jira xabsiga Hargeysa Guji...
markabNin reer Thailand ah oo Bosaso lagu Afduubay...
Nin u dhashay dalka Thailand ayaa waxaa loo afduubay 3-da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand sida ay.... Guji...


Ciise Dholawaa oo Waraysi dheer la yeeshay Maxamed Yaasiin Ismaaciil:.. Qaybtii koowaad ee Waraysiga... Guji...


Ugaaska Beesha Mareexaan oo Barre Hiiraale ugu Baaqay in uu Qaato Nabadda..: Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood.. Guji....

:::GAROONKA GAROOWE:::

$250,000 Range Resource Sheegtay in ay u dhiibtey Isimada Garoowe Halkee ku Danbaysey...
Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
http://www.somalitalk.com/sun/

Culumada Masaajidka Abuubakar ee islii oo Baajiyay Riwaayad lagu dhigi lahaa Kaniisad

Shariif Xasan: "Geeddi wuxuu Caqabad ku yahay Dib u heshiisiinta Soomaaliya"

Sheekh Qorane “’iyadoo uusan dhiig ku daadan ayaa  Maxkamado Islaami ah ka hirgeli doonaan Puntland..

Sh. Maxamed Ismaaciil ma beenin Jiritaanka Cajalada Video-ga...


SomaliTalk.com oo wareysi ku saabsan doorashooyinka MN & USA la yeelatay Maxamuud Nuur Wardheere-

murashaxii hore ee duqa magaalada Minneapolis haddana ka shaqeeya US Senate.

 


Xisbiga Jamhuuriga

Xisbiga Dimoqraadiga

Somalitalk:  Mudane Wardheere Doorashadan waxaa loogu yeeray midda xilliga dhexe (Mid-Term) labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga kee baa guulaysan doona ayey kula tahay?

 

Wardheere:   Midterm maadaama uusan madaxweynaha tartan ku jirin sua'asha waxay ku haboon tahay in la yiraahdo governors-ka iyo labada aqal ee House-ka iyo Senate-ka yaa ku guulansan doona.  Jawaabta waa qiyaas waqti badan ayaa weli ka dhiman doorashada waxbadan ayaa isbedeli kara. Laakiin waxaa la isku wada raacay in xisbiga dimoqraadigu ku guulaysan doono House-ka waxaana dhici karta inuu ku darsado xataa  aqalka Senate-ka. Rag yar oo uu ka mid yahay la taliyaha madaxweyne Bush, Karl Rove ayaa diidan qiyaastan. Cilmulqaybka ilaahay uunbaa og.

 

Somalitalk Hadda ka hor waxaad saadaalisay in maroodigu ku durdurin doono dameerka sanadkan ma waxaad leedahay dameerka ayaa haraatin doona maroodiga oo isha ka ridi doona? Maxaa isbedelay? aawey mashiinkii xoogga badnaa ee Jamhuuriga? Sidee ku dhacday in laga gacan sareeyo.

 

Wardheere:  Adduunka maalin adigaa iska leh maalinna adiga ma lihid.  Sababta keentay in saadaasha doorashada maanta dimuqraadiga la wareego labada aqal waxaa u sabab ah arrinta Ciraaq.  Maamulka Jamhuuriga waxaa ay ku guulaysan waayeen in ay shacabka ka dhaadhiciyaan macnaha dagaalka ciraaq iyo macnaha dhimashada askartooda iyo lacagta ku qul qulmaysa ciraaq.  Maamulka waxaa uu la iman waayey qorshe looga baxo Ciraaq sidoo kale dawladda Ciraaq waxaa ay noqotay la mood noqonse weyday, sidoo kale  maamulka waxaa uu shacabka ka dhaadhicin waayey in dagaalka Ciraaq uu la xiriiro argagixiso iyo in dagaalka Ciraaq uu yareeyey argagixisada addunka.

 

Somalitalk:  Xisbiga demoqraadiga meeqa kursi ayay u baahan yihiin in ay ku guulaystaan si ay ula wareegaan labada aqal?  Maxayse yihiin arrimaha ay shacabka Maraykanku u arkaan muhiim?

 

Wardheere:  Demoqraadiga waxay  u baahan yihiin inay ku guulaystaan  aqalka Senate-ka 6 kursi aqalka house-kana 15 kursi.  Arrimaha dadk maraykanka muhiim u arkaan waa ay badan yihiin waana kala duwan yihiin waxaa ka mid ah Ciraaq, argagixiso, fadeexooyinka, musuqmaasuq, dadka soo galootiga ah, canshuuraha, daryeela caafimaadka, iyo arrimaha qoyska iwm.  Waxaase ugu muhiimsan Ciraaq iyo foolxumada ka socota.

 


mnwardere@yahoo.com
Minneapolis, MN, USA

Somalitalk:  Arrimaha Ciraaq maahee maxaa kale oo Jamhuuriga la degay?

 

Wardheere:  Waxaa la degay Xisbiga Jamhuuriga Ciraaq, Fadeexooyin iyo ceebo iska daba yimid oo ay ku kaceen xubno ka tirsan madaxdooda, Shacabka maraykank badankiis oo aaminsan in Congressku yahay meel masuqmaasuq hareereeyey, iyo xisbiga Demoqraadiga oo aad moodo inay ka faaiideysteen kedisooyinka Oktoobarta meesha ka dhacay sida Ciraaq iyo Afganistaan oo ay xaaladooda adkaatay iyo fadeexooyin badan oo dhacay gaar ahaan kuwa Bishan Oktoobar. 

 

Somalitalk: Ma la dhihi karaa waa hubaal in ay xisbiga Demoqraadiga la wareegayo labada aqal?

 

Wardheere:  Qiyaastu waa saas laakiin sidaan hore kuugu sheegay ilaahay uun baa og cilmulqaybka.  Labada xisbi waxay leeyihiin dad maalin walba baara ra’yiga dadweynaha  oo waxay cayaarayaan turub qatar ah waxay ku mashquulsan yihiin olole magac dil ah. Waxay isku deyayaan inay dacaayadaha ku kala hormaraan, waxay isku deyayaan in midba midka kale qaladkiisa ka faaiideysto. Xisbiga demoqraadiga waxaa kale oo ay ka faaiideysanayaan jacayla dadweynaha u qabaan madaxweyne Bush iyo sida uu wax u maamulo oo manta aad u hooseysa.

 

Xisbiga dimoqraadiga waxaa uu si gaar ah uga faaiideysanayaa  xisbiga talada haya oo waxaa uu isku deyayaa inuu wax aallale iyo wixii qaldamaa dusha ka saaro Jamhuuriga maadaama ay manta gacanta ku hayaan labada aqal iyo white House-kiiba.  Labo usbuuc ayaa ka dhiman maalinta doorashada ra’yiga dadweynaha waxaa uu ku bedelmi karaa mudo yar labada xisbi midwalba waxaa uu isku deyayaa inuu xeelad iyo istaatiijiyad ama dacaayad ku bedelo kana faaiideysto dhacdadii soo kororto.

 

Somalitalk:  Haddii uu xisbiga Dimoqraadida aqlabiyadda labada aqal ku guukaysto maxaa u qorshe ah?

 

Wardheere:  Horta ma haystaan qorshe weyn oo la wada ogyahay sidii markii xisbiga jamhuuriga ku guulaysteen aqlabiyadda labada aqal 1994 ayagoo watay markaas qorshe cad oo ay u bixiyeen “Contract with America”xilligaas oo uu hogaaminayey af hayeenkaii Newt Gingrich.  Laakiin waxaa la fahamsan yahay inay horjoogsan doonaan agendayaal badan oo uu wato madaxweyne Bush waxaana dhici karta inay dacwado asaga ka dhan ah ku soo oogaan aqlabiyadaasna ugu diyaar garoobaan doorashada madaxweynimada ee 2008.

 

Somalitalk:  Soomaalida Minnesota oo uu horkacayo ururka Somali Action Alliance waxay qabteen (toddobaadkan horraantiisii) shirweyne la yiraahdo la kulan murashaxiinta Aqalka Senate-ka.  Sidee u dhacaday?

 

Wardheere:  Si Fiican.  Somalida Minnesota waa dad xagga siyaasadda aad u  ugu fir fircoon.  Waxayna go’aansadeen in ay codkooda ku gor gortamaan.  Waxaa ay rabaan in ay Washinton DC ku yeeshaan codad badan.  Senator Coleman keliya kuma filna baahidooda waa badan tahay sidaas darted waxay rabaan in ay dad bdan ku yeeshaan Washinton DC .  Labada Murashax ee Amy Klobuchar iyo Mark Kennedy labaduna bulshada hortood waxaa ay ballan qaadeen in Soomaalida dhegaysan doonaan lana shaqayn doonaan waa hadba kii ku guulaysta doorashada.  Waxaan halkan mahad gaar ah uga gudbinayaa Mudane Shaafi Xaashi oo ah gudoomiyaha Somali Action Alliance iyo dhamaan dhallinyadii badnaynd ee ee shirka soo qaban qaabiyey oo awoodda codka Soomaalida Minnesota muujiyey.

 

Somalitalk:  Minnesota diyaar ma u tahay inay Washington DC (US Congress) u  dirto nin madow oo muslim ah? Keith Ellison?

 

Wardheere:  Haa,  Waxaan u malaynayaa in waqtigaas la gaaray.  Waxwalba amar ilaahay ayay ku socdaan wixii qoran lama hor istaagi karo.  Waa uu soo baxayaa  Keith Allisan  waana tegayaa Capitol Hill asagoo ah Muslimkii ugu horeeyey.  Sababta uu u soo baxayaa waxaa waaye isagoo doorasho uga taagan degmada shanaad ( Minneapolis iyo agagaarkeeda) oo ah aag u xiran xisbigiisa demoqraadiga oo aanan la filayn in qof kale uu xataa u soo dhowaado iska daa inuu ka guulaysto. 

 

Keith Ellison for U.S. CongressMUXAMMAD HALOO DIRO AQALKA US CONGRESS... GUJI....

Keith Ellison oo ah nin codkar ah waxaa uu ku guulaystay inuu taageero ka helo dhamaan jaaliyadaha Minneapolis badankood sida African American, Jewish badankood iyo weliba joornaalkooda Minneapolis ee caanka ka ah.  Waxaase si la yaab leh u taageeray muslimiinta oo noqday kuwa siiyey lacagta ugu badan ee uu ku ololeeyay iyo bulshada Soomaalida oo aan u kala harin oo si layaab leh ugu codeeyey una taageeray weliba ayagoo cadaawad loogu qaaday.

 

Muslimiinta lacagta  ugu deeqay qaarkood waxay degan yihiin gobollo kale.  Keith Allisan weli waxaa ku furan dacaayado badan iyo eedeymo tartankana weli ma dhamaan  Waxaase wax lagu farxo ah in Soomaalida Minnesota taariikhdaas cusub qayb ka qaateen oo wax ka direen muslimkii ugu horeeyey ee ka mid noqda US Congress.

 

Somalitalk:  Mudane Keith Allison  muxuu qaban karaa?  Maxaadse kula talin lahayd taageerayaashiisa?

 

Wardheere: Keith Allisaon wax waa qaban karaa oo hadii la doorto waxaa uu awood u yeelanayaa inuu aqalka houseka soo dhigo agendeyaal sida Bills/Resolutions  waxaa uu floorka ka dhihi karaa hadalo muhiim ah.  Waxaa uu la xiriir karaa masuuliyiin waxaa uu saameyn ku yeelan karaa dadyow badan.  Laakiin Muslimiinta xataa hadii la doorto waa inay taageero la sii garab istaagaan.  Asagu waa samaysanayaa xulafo xisbiweynaha dimoqraadigana xubin buu ka yahay laakiin waxaa haboon in Mslimiintu inay saaxiibo u sameeyaan oo ay la xiriiraan wakiiladooda ama senatooradooda kana codsadaan inay soo dhoweeyaan ama la shaqeeyaan hadii kale Keith Allison waxaa uu  noqon doonaa nin lagu dhex siidaayey wakiilada aqalka House-ka oo dhan 435 Keligiis xilligan adag  far keliya fool ma dhaqdo.


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD