SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Markii xadkii laga gudbay!

Zahra Abdi Hersi

Holland

umubakar@hotmail.com

 

Shaydaanku wuxuu nagu qasbaa oo had iyo jeer isku dayaa in aanu xadka ka talowno, in aanu nafteena dhibno naf kale dhibno, in aanu dulli noqono, isla markaana aanu wax dullayno, markii ay taasi u suuraggasho shaydaanka, ayaa waxaa qofkii ku adkaanaysa in uu ku soo laabto meeshii uu shaydaanku ka soo dhaqaajiyay.

 

Waxaan been ahayn oo run ah, in dadka mu’miniinta ahi ay qirtaan qaladkooda, ka xumaadaan oo ka gubtaan falkii qaladka ahaa oo ay galeen, Ilaahayna u toobad keenaan isla markaana haddii ay qof dambi ka galeen yiraahdaan raalli ha la iga ahaado,murti ayaa oranaysa “qofka mu’minka ah markii uu dambi galayaao wuxuu u arkaa in buur ama jamal ku soo dumaayo oo kale, halka uu munaafaqa uu u arko duqsi uu iska buubinaayo ama iska eryaayo oo kale.

 

Qormadaydan gaaban ayaa ah mid ka hadlaysa mujrimiinta dagaaloogayaasha madax isku sheega, kaaba qabiilada iyo dhammaan kuwa qabiilka ku dhaqma ee dadka kala saar saara ay xadkoodii ka tallaabsadeen, shaydaankuna dantiisa weyne ay tahay in uu cadaab kulul ku tuuro.

 

Xad gudubkaas xadka dhaafayna waxay keentay in dadkaasi aan kor ku soo sheegnay ay waayaan indho ay wax ku arkaan,caqli ay wax ku fahmaan, dhego ay wax ku maqlaan, iyo in aanay ku jirin wax dareen ah,dambiilayaashan cidna kama dhalan cidnane uma dhalan,waayo cid ay dan ka leeyihiin ma jirto, wuxuuna dambigii ay galeen ka dhigay cidlo iyo in qasaaro lagu qabo noloshooda.

 

Dadkan xad gudbay waxaa ku dhacay cudurka la yiraahdo paranoia ama buufiska ah, cabsi ah intii aan la i dilin aniga aan wax dilo, cidna ma aaminayo, nabad ma doonayo, shaki aan dhammaanaynin, qof kasta oo Soomaali ah waa ii cadow, kii aan shalay sharka ku walaalownay armuu maanta i shirqoolaa, isku soo duub, degganaansho la´aan iyo marba meel isku tuuraan.

 

Waxaase nasiibdarro haysata dalka iyo dadka ay ku dhex nool yihiin, kuwan xadka shaydaanka ka tallaabsiiyay, waayo waxa keliya oo ay u nool yihiin dambiilayaashaas waa kadeed iyo dhibaato ay ku hayaan shacabkii Soomaaliyeed.

 

Mid ka mid ah xad gudbayaasha oo lagu macagaabo Xuseen Caydiid ayaa markii ay isaga iyo kooxdii uu markaas ka tirsanaa ee dawlad ku sheegta ayaa wuxuu yiri ka dib markii ay daadiyeen carruur fara badan dhiiggoodii oo ay magaalada Muqdisho qabsadeen iyaga iyo cadowga Itoobiyaanka yiri: Soomaaliya waxaa lagu darayaa waddanka Itoobiya, dad badan waxay ku noqotay fajac iyo amakaag ninkaas mas’uulka isku sheegaaya hadaladiisa, dad badanse waxay u arkeen wax caadi ah wuxuu ku hadlay ina Caydiid waayo, isaga iyo boqolaalka kale ee xad gudbay, maxaa kale oo laga sugaaya, aan ka ahayn, in ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed cadaw ku yihiin cadowna u dhiibayaan.

 

Ina Caydiid runta ayuu sheegay halka madax ku sheegyada kale ay waxooda iyo nifaaqooda iyo shirqoolladooda hoosta ka wataan, hadafkoodana uu yahay sidee baa Soomaaliya u baabi´isaa oo u luggoosaa si aan u taagnaado meesha shaydaanku i istaajiyay, haseyeeshe Xuseen Caydiid maadaama uu xadka beri hore ka baxay oo indho uu wax ku arko iyo caqli uu wax ku gartaba lahayn ayuu wuxuu dadka Soomaaliyeed u haystaan in ay wax magarato yihiin oo wuxuu iska dhigayaa nin ka soo horbaxay asxaabtiisii ay ku walaalooween baa’binta ummadda Soomaaliyeed.

 

Dambiilayaasha qabatinka ku noqday in ay cabbaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed, maalinba maalinta ka dambaysana hamuun ama gaajo u qaba in ay dad badan sii dilaan, dadkaan  dadka u eg haseyeeshe dadnimada ka fog, waxay nasiib xumo tusaale u noqdeen dhallinyaro badan oo aan soo helin sidooda oo kale daryeel dhinaca caqliga ah iyo barbaarin hagaasan halkaasna ay sii badanayaan rajo laga qabo nabad ka dhalata dalkii Soomaaliyeed.

 

Waxaanse qoraalkaygan yar ku soo af jaraya, xadka gudbayaasha waxay doonayaan in ay xadka ka saaraan waddan Soomaaliya la yiraahdo, inshaa Allah waxaa ifka u soo bixi doona dhallinyaro la hadaf ah dhallinyaradii SYL , waxaan rajeynaya in munaasabada 15ka Mey qoraallo badan laga sameeyo si loo dhallinyarada cusub loo xusuusiyo halgankii S.Y.L. ee horseeday Magaca Dawlad Soomaaliyeed.

 

Zahra Abdi Hersi

Holland

umubakar@hotmail.com

 

Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 15, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com